“WADDADA SUUBBAN. Q3AAD. W-Q. Xasan Cabdulle Calasoow ” Shiribmaal”
“Dabeecadda wanaagsan iyo dulqaadka!”
Dabeecadda wanaagsan iyo dulqaadku waa aasaaska akhlaaqda iyo dhaqan wanaagga qof nimo, Ruuxii Allaah(S.W) dabeecad wanaagsan iyo dulqaad siiyana waa ruux liibaanay, oo”Eebbe” wanaajiyey. Eebbe weyne kor ahaayee Waxuu yiri: (S.W.T.).
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ ﴿٤﴾
Run ahaantii! waxaad leedahay (Nabi Muxammadoow) dabeecad aad u wanaagsan. (Suuradda al-qalam: Aayadda 4).
Waxaa kaloo yiri: “Alle” kor ahaaye:
وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ
Waxaa sharaf iyo abaal leh kuwa caradooda liqa, iskana cafiya dadka, (Suuradda al-cimraan, Aayadda 134).
Waxaa kaloo yiri “Alle” kor ahaaye:
خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ ﴿١٩٩﴾
Cadeeyso cafiska (Muxammadoow S.C.W.). samaantana far iyo isu naxariisashada, isagana jeeso jaahiliinta. (Suuradda Al-acraaf Aayadda, 199.).
waxaa kaloo yiri “Alle” kor ahaaye:
وَلَا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلَا السَّيِّئَةُ ۚادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ ﴿٣٤﴾ وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الَّذِينَ صَبَرُوا وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٍ ﴿٣٥﴾
Samaanta iyo xumaantu ma sinna. Gefka lagugu sameeyo ku qaabil wanaag, markaasaa kii colka kula ahaa gacal saaxib oo kale ah. Taasina lama siiyo waxaan aheyn kuwa samra oo lama siiyo waxaan aheyn cid nasiib weyn leh. (Suuradda fussi-laat: Aayadda 34-35).
Waxaa kaloo yiri “Alle” Kor ahaaye:
وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَٰلِكَ لَمِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ﴿٤٣﴾
Qof kastoo samra oo wax cafiya! Taasu, run ahaantii waa go,aan adki iyo tan arrimaha ugu fiican. (Suuradda al-Shuuraa Aayadda 43).
Waxaa kaloo yiri “Alle” kor ahaaye:
فَاصْفَحِ الصَّفْحَ الْجَمِيلَ ﴿٨٥﴾
Iska cafi (Muxammadoow) Xad gudubyada kaa soo gaara juhalada iyo wax ma garadka) cafid san oo suubban. (Suuradda al-Xijr Aayadda 85.).
Waxaa kaloo yiri “Alle” kor ahaaye:
وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا ۗ أَلَا تُحِبُّونَ أَن يَغْفِرَ اللَّـهُ لَكُمْ ۗ
Ha iska cafiyeen (mu’miniinta) oo ha u muujiyeen masaamax Kuwa gefka ka gala. Soow ma jeclidiin idinkuba in “Alle” idiin dhaafo dambiyada?. (Suuradda an-Nuur Aayadda 22).
Waxaa kaloo yiri “Alle” kor ahaahe:
وَاخْفِضْ جَنَاحَكَ لِمَنِ اتَّبَعَكَ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ ﴿٢١٥﴾
U raarici garabkaaga(naxariis darteed) oo u debacsanow mu’miniinta ku raacda. (Suuradda al-Shucaraa: Aayadda 215).
Waxaa kaloo yiri “Alle” kor ahaaye:
إِنَّ اللَّـهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسَانِ وَإِيتَاءِ ذِي الْقُرْبَىٰ وَيَنْهَىٰ عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ وَالْبَغْيِ ۚ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ ﴿٩٠﴾
“Alle waxuu amrayaa caaddilnimo iyo asxaan fal iyo qaraabo u tegid iyo waxsiin, Waxuuna reebayaa Fuxshiga( yacni fisqiga, fasahaadka, faajirnimada, iyo dhilleysiga xumaanta iyo xadgudubka iyo gardarrada) waana idin waa ninayaa, inaad waansantaan ayaana idinla gudboon. (Suuradda al-Naxal Aayadda 90).
“Fiiro gaar ah:” Laga bilaabo waqtigii Cumar bin Cabdul Casiis madaxweynihii reer ummayada ahaa, Aayaddaan waxaa lagu daray khudbadda toddobaadlahaa ee muslimiintu isugu yimaadaan, JIMCO WALBA.
ما مسست د يباجا ولا خريرا الين من كف رسول الله صلى الله عليه وسلم، ولا شممت را ءحة قط اطيب من راءحه صلى الله عليه وسلم زلقد خدمت رسول الله صلى الله عليه وسلم عسر سنين؛ فما قال لي قط: اف، ولا قال لشيء فعلته : لم فعلته؟ ولا لشيء لم افغله: الا فعلت كذا؟. متفق عليه●
Anas bin Maalik Alle haka raali noqde waxuu yiri: ma arkin xarriir ama diibaaj aan is iri waaka jilicsantahay calaacasha Nabiga(S.C.W.). wax ka udgoonna ma urin oo ka caraf wanaagsan Nabiga(S.C.W.). Waxaan u adeegayay toban sano. Waligiisna hadal aan kahdo ima dhihin. Waxaan falayna weligii ima weydiin sababta aan u falay. Waxaanan falinna weligii ima weydiin waxa aan u fali waayay.(Bukhaari iyo Muslim).
وعن ابي امامة الباهلي رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلي الله عليه وسلم:《انا زعيم ببيت في ربض الجنة لمن ترك المراء، وان كان محقا، وبيت في وسط الجنة لمن تر ك الكذب، وان كان ما زحا، وبيت في اعلى الجنة لمن حسن خلقه》
Abuu umaamah “Alle” haka raali noqde. Waxuu yiri: Nabigu(S.C.W.). waxuu yiri: waxaan u ballan qaadayaa gurigooda jannada, Qofkii doodda iska daaya gartaba ha lahaado’e; iyo guri jannada dhexdeeda ah qofkii beenta iska daayo kaftanba ha u la jeedee; iyo guri halka Jannada u sarreeysa ah qofkii dabciga iyo dhaqankiisu wanaagsanyahay.'( Abuu Daawuud). ayaa waxuu ku weriyay Sened saxiix ah.
وعن جابر رضي الله عنه، ان رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: 《 ان من ا حبكم الي، واقر بكم مني مجلسا يوم القيامة، احا سنكم اخلا قا، وان ابغضكم الي وابعدكم مني يوم القيامة، الثرثارون والمتشدقون والمتفيهقون》 قالوا: يا رسول الله قد علمنا الثرثارون والمتشدقون، فما 《المتفيهقون؟ قال: المتكبرون》(رواه الترمدى وقال حديث حسن)
《الثرثار》هو كثير الكلام تكلفا. 《والمتشدق》المتطاول على الناس بكلامه، ويتكلم بملء فيه تفا صحا و تعظيما لكلا مه، و 《 المتفيهق》اصله من الفهق وهو الا متلاء، وهو الذي يملا فمه بالكلام، ويتوسع فيه، ويغرب به تكبرا وا ر تفاعا، واظهارا للفضيلة علي غيره.
(رواه الترمدي عن عبدالله المبارك رحمه لله في تفسير حسن الخلق قال: هو طلا قة الوجه، وبذل المعروف؛ وطف الاذى)
Jaabir “Alle Haka raali noqde; waxuu yiri:Nabigu(S.C.W) WAXUU YIRI: maalinta qiyaame kuwiinna iigu dhaw oo aan ugu jecelahay Xagga la socodkeeyga waxay ahaan doonaan kuwiina leh dabciga wanaagsan kuwiinnase ah tarooriyad iyo qowlalla weynayaasha iyo is ballaariyayaasha waa kuwa iigu fog anna ugu becbahay maalinta qiyaame.
Markaasaa la yiri: Rasuul Alloow(S.C.W.). Garannay tarooriyada iyo qowlalla- weynayaasha, ee is ballaariyayaashuna waa kuwee? Nabigu( S.C.W..) waxuu yiri: waa isla weynayaasha (Tirmidi waxuu yiri waa xadiis Xasan ah).
‘La tarooriyadu’ :waa hadal badanayaasha. Qowlalla weynayaasha’ waa kuwa markaay hadlayaan dadka cammeeya oo af muggii hadla oo codkarnimo isu yeelid iyo is weyneyn hadalkiisa ka muujiya. ‘Is ballaariyayaashuna’ :waa kuwaan soo sheegay oo kale oo waa kuwa markeey hadlayaan afkooda muggii hadla oo af dalaad hadalkooda ku dardara inay dadka wax dheer yihiin muujinteed iyo kibir iyo isla weyni.
Cabdullaahi al-Mubaarak Allaha u naxariistee Waxuu yiri sida uu werinayo Tirmidi Dabci wanaagsanaanta waxaa loola jeedaa waji furnaanta, iyo samaan falidda iyo sharka iyo dhibaatada oo dadka Laga deeyo, Daayo!;
Dabeecadda wanaagsan dulqaadka iyo sabarku ma ahan wax lagu suureyn karo qoraal kooban iyo wax yar. Aayada badan oo Qur’aanka kariimka ah ayaana kusoo degay iyo Axaadiis waaweyn oo jaliil ah. Sidaa darteed dabeecadda wanaagsan waa u muhiim qof kasta oo noole ah waana in dulqaad iyo dabci wanaagsan la yeeshaa! Eebbe Weyne Ayaan ka baryeeynaa inoow nagu daro kuwa Dabciga, Akhlaaqda, Samirka, iyo Dulqaadka wanaagsan lagu sheegay:
Wabillaahi towfiiq!” Jimco suubban, W-Q. Xasan Cabdulle Calasoow ” Shiribmaal”