Wariye iyo warbaahin qaybtii 3aad.
Qormaddeena maanta waxaan ku eegaynaa maxaa ka mida dhibaatada ay wariyaashu la kulmaan?
Wariyaashu marka ay xayndaanbka saxaafadda iyo xarumaha warbaahinta lugta la soo galaan waxa ay la kowsadaan caqabado iyo culays badan oo ay kala kulmaan hantiilayaasha xarumaha warbaahinta iyo maamulkooda.
Caqabadahaa waxaa ugu horreeya shaqo magac ku badaalasho,dhalinyaradda da’da yar ee aan lahayn aqoon iyo waayo aragnimo saxaafadeed balse hammi wariyanimo iyo yididdiilo wanaagsan ka leh saxaafadda ee doonaya inay wax korarsadaan kana mid noqdaan bahda saxaafadda,runti waxay wajahaan caqabaddo badan taasina waxa ay sababtay in ay iyaga iyo wariyaashii kale ee aqoonta lahaa inay xuquuqdoodi waayaan iyaguna isku dul dulmanaadaan, arrintaasina waxa ay kansho fiican u noqotay hantiilayaasha xarumaha warbaahinta oo siday doonaan ugu tagri falaan isla markaana aan siin guno iyo tixgalin, sidii la doonana loogu shaqaysto.
Burburkii dowladii dhaxe wixii ka dambeeyay fursadaha shaqo ee dalkeenu aad bay u koobnaayen waxaanna jiray ilaa haddana aad arkaysaa dhallinyaro wax baratay oo aana wax shaqo hayn.
Xilligaas oo waddankeenu uu ka soo kabanayay burburkii iyo dagaalladdii sokeeye. Daganaashaha nabadeed iyo rajadda fiican ee soo bidhaantay waxaa barbar socday ififaalo wanaagsan iyo hormar aan cago badan ku taagnay balse lagu dirsaday.
Sidaa darteed waxaa dalka ku soo badanayay shirkaddo is gaarsiin iyo xarumo warbaahineed oo madax bannaan ama gaar loo leeyahay, sida Wargaysyo iyo Warlalisyo iyo Muuqbaahiyeyaal, arrintaasina waxa ay yididdiilo galisay dhallinyaro badan, balse shaqo la’aanta iyo jibbada dhallinyaradda xiisaynaysa inay ku soo biiraan bahda saxaafadda waxay hantiilayaasha warbaahintu uga faa’iidaysteen si gurracan.
Waxa ayna gayaysiisay wariyaasha da’da yar ee saxaaafadda ku cusub inay bilaash ku shaqeeyaan si ay magac u helaan, sababtoo ah wadiiqo kale uma furna mana jirto meel kale oo ay hibbadooda ku soo bandhigaan.
Markaas ma jirin ha’yado madax bannaan oo u dooda xuquuqda wariyaasha dalkeena.
Inkastoo si guud ahaan tacaddi iyo caqabaddo u la kulmeen wariyaashu haddana sigaara gabdhaha ayaa aad ugu nugul dhibaatada wariyaasha loo gaysto.
Dhanka kale waxaa jirta tacaddiyo joogta ah oo ay wariyaashu kala kulmaan dowladda iyo maleeshiyaadka Al shabaab, waxaanna mararka qaar wariyaasha loo gaystaa dil iyaddoo ayna jirin sabab iyo sharci loo cuskaday dilka wariyaasha, sidoo kale waxa ay la kulmaan , jidh dil, xarig iyo handadaad, mararka qaar qalabka ay ku shaqaynayaan lagala wareego ama laga jajabiyo.
Marar badan waxaa dhacday wariyaasha in la xidho iyadoon xeer ilaalin iyo maxkamad toona loo marin xadhigooda, islamarkaana xabsiga lagu hayo muddo dheer iyadoon wax xukun iyo maxkamad la soo taagin wax Qareen ahna loo qaban.
Sidoo kale caqabaddaha waxaa ka mid ah wariyaasha dhax dooda oo is dhagra is dulmiya oo aan hormar iyo magac isku ogolayn.
Tusaale. Tafatirayaasha iyo madaxa barnaamijyaddu xilka ay hayaan waxa ay u adeegsadaan si aan haboonayn, waxa ayna ula dhaqmaan wariyaasha si ka baxsan masuuliyadda loo igmaday.
Sababtana waxaa loo aaneeya laba mid uun inay tahay,xaasidnimo, hagar iyo quudhi waaga, iyo cabsi ay ka qabaan inay soo baxaan wariyaal ka karti badan oo bari ka maalin xilalka ay hayaan kala wareega.
Iyaddo ay sidaa tahay haddana wariyaashu wax xuquuq iyo mushaar joogta ah kama helaan xarumaha warbaahinta ilaa in yar oo fara ku tirisa mooye.
Lasoco qaybta xigta haddii Eebe idmo.
W/Q : Yaasiin Xasan Muuse