Xabsi Doon! Q11AAD
Mar qura ayaa Hoonkii la yeeriyey dadkiina Baabuurta ku yaaceen, waa lays garbiyey, dadka qaarki hor marey, dushaa laga marey, sida Koronkorada ayaxaa laysu dul fuulay, Cidi, Qaniinyo iyo indha far iska gelis ayaa layskula baxay. Anoo sadaxdii jiidayo ayaan ku dhax tuuray sidii karaatiin faaruq ah, tamar iyo awood aanan lahayn ayaan yeeshay.
Ma ilaawin wiil yar oo Ereteriyaan ah ayaa dhacay, waana laga dhaqaajiyey, ma Af garanayn, Cod tiiraanyo leh ayaase ka muuqday, kumanaanse liibaanin oo markaan ilaa 5 Saacadood soconeynay, ayaan ciidamada ilaalada Xuduudaha Suudaan Afka uga galney( Xaarisul Xuduud) Kadibna Rasaas ayaa nalagala daalay. Waana la qabtey, cagtaa nala mariyey, ka dib ayaa inta laysku kaaya leexiyey, ayaa waxaa nala weydiiyey, wixii waraaqo sita iyo qof walba dhalashadiisa.
Markaan dhahnay, Soomaali baan nahay, ayaa qosol loo daatey, waayo, waxay yaqaanaan dabeecada Soomaalida ineysan cid kale la safrin, talaa igu caddaatey, dil iyo ciqaab ayaanan ku muteysanay, iyo jeedal.
Askari baa isku dayay inuu hablahii mid ka mid ah ku dayo, waanse ka dagaalamay, anoo u sheegay in markaan dhinto uun, uu hablahaas u gudbi karo, halkii baan qoorta isu galnay, Waxuu yiri, Waxaad isku furan kartaan lacag ama mid ka mid hablaha oon la haro, Waxaase naga soo gaaray nin da’dhaxaad ah oo ninkii indhaha u shitay, Ninkaas oo ii sheegay inuu qabi jiray haweenay soomaali ah,”Seedi macaan” ayaan ka bixi waayay, Waxan maqli jiray” Ma anaa Soodanta keenay” Maantase inagaa u nimid, Ninkii odaga ahaa ayaa habeenkaa na badbaadiyay, illaahay ka sokow.
Subixina waxaa nalagu soo celiyey, Xabsi magaalada duleedkeeda ah,
Waxaa naloo sheegay in Ereteriya naloo celinayo, Aniga fajaca iigu badnaa waxuu ahaa” Wax badso wax beel bay dhashaa” Waxaan is dhahay Soomaalida maalin walba la qabanayo ee is ruufyaaneysa ka diga roggo, balse in Ereteriya lay celiyaan, sugayaa.
Hablihii meel gees ah ayeey ku xiranyihiin aad baan uga walwalayaa, Teyda waxaa iiga daran tan hablaha ku iman karto,
Xabsiga Suudaan waa meesha adduunka ugu nolosha xun, waana Askar musuqmaasuq badan, waxaa markiiba noo yimid kuwo leh, haddaad Soomaali tihiin, 200 Doolar keena waan idin furdaamineenaa adiga iyo gabdhaha soomaalida ah.
Waxaan iri dadkaygii aan la hadlo xaalkaygana u sheego ee qof Soomaali ah ii raadiya.
Waxaa laygu yidhi qofka raadiskiisa 50 keen, Sidi baan 50 ku dhiibnay ilayn Xabsi ayaan ku jiraaye.
Ugu dambayn waxaa naloo keenay nin la yidhaahdo Cali, Cali waa nin la shaqeysta Askarta Suudaan waana nin dadka u soo ruufyaana, waxaa qofka la qabto laga qaadda, 500, 300 Cali baa qaata, 200 Askarta ayuu siiyaa, isaga ayaa Baabuur walba oo baxa sheega, si calaa qof uu uga helo, 300, haddaad tiraahdo miyaadan Soomaali ahayn, maxaad sidaa u yeelaysa Cali Jawaabtiisu waa dhul gariir” Saddex Boqolba inaad dhimato ayaad ku bixisay oo Saxarahaa ku urto, ee maxaa kuu diiday 300 oo aad ku noolaaneyso.
Cali markii aanu is fahmi weyney, wuxuu iiga sheekeeyey nolosha Xabsiga, dabadeed waxaan ku noqday hablihi waxaanan ka soo qaaday lacag dhan kun doolar oo afartanada aan ku baxsaneyno.
Lacagti ayaa nalaga gudoomay waana nala soo daayay kadib markuu cali na damiintay, Cali hunguri ayaa ka galay hablahii waxuuna noo sheegay inuu na gaynayo xaafad heer sare ah, Laakiin aniga oo ahaa nin soo gubtay waa ka diiday in aan raacno waxan ku iri “saaxb waad mahadsantahay balse hablihii oo khartuum dulsaarnimadeeda nacay safarkii hore ayaa ku dooday in eey fiican tahay in aan Cali raacno maadaama uu helayo guri shuqa ah oo uu iskiis u daganyahay, si kasto waa isugu dayay inaan wax u fahansiiyo weeyse iga diideen, Sidii baan ku daba dhignay oo aan dhurwaa hilbo ugu rarnay, waxuu na geeyay shuqadii oo daganaa waxaa la dagan rag suudaan ah waxuuna u sheegay in soomaaliya uga yimaadeen hablahan oo qaraabadiisa ah, Sidii baa laba qol oo gees ah naloo siiyay, Fursad dhan ayaan u diiday hablihiina waxan u sheegay ninkan ruufyaanka ah in eeysan uga sheekaynin waxay wataan iyo waxay damacsanyihiin toona, Laakiinse ma dhicin oo si sahlan ayuu ku helay warbixintoodii, Habeenkii danbe waxuu noo sheegay inuu aadayo meel tuulo ah oo uu laba maalmood soo jirayo, Laakiin waxay aheyd kaarto kale, oo isla habeenimadii waxaa loo dhacay gurigii hablaha wax alla iyo waxi eey haysteena waa laga furtay.
Aniga lama joogo oo waxan u jiif tagayay meel lukaando ah oo ah meel sariiro iskor saaran lagu kireeyo oo eey seexdaan Itoobiyaanka iyo Eratirayaanka subixi markaan meesha imid, Waxan u imid hablihii oo naftooda mooyee aan waxba kale looga tagin, Talo faraha ayeey baxday, Waxan ku qanciyay in waxanu yihiin qadar eebe, Iyagana ey u sabab yihiin maadaama eey shalay iga diideen in aan ninkan raacin. Cali oo socdo ayaa saacado kadib yimid markaan u sheegnay ayuu yiri” Waa jirtaa in tuugo hebeenki soo dhacdo oo xitaa waxey isaga boodaan dabaqyada, Marka illaahey ku mahdiyo hadeyaan wax kale idiin dhimin, Mana ka muuqan wax murug iyo tiiraanyo ah, Waxuuna sii raaciyay, Haddana magaaladiina iska gala, Waayo ma rabo in gurigaygu noqdo bartilmaameed, Hal mar ayuu hablihii wiishka ku yeeray.
Waxan ku suganahay khartuum iyo mar labaad oo aanan shilin wadan. Waan isku soo fara muruxsanahay lacagna waxan ka hayaa lacag dhan 5 Dolar(130 Jini Suudaan) waxba ma gooyso, Noloshu waa qaali, wax aan hal mar cunana kama badnaa, Fuul iyo Rootigiisa, “ Adduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban” Waxaa is hayna annaga iyo Khartuum, talona waa caddahay.
Hablihii ayaan iri maxaa xal ah waa in telefoon la diraa, aniga janaqow ahaana ma jirto meel aan telfan u diro, Oo xaaskii aan qabay ee sacuudiga jirtay 3 mar markey alcag ii soo dirtay ayaan markii afaraad Cadan kala hadlay, Xanaaqii awgiis ayeey telafankii darbiga ku dhufatay sidaas ayaan banaanka u ahay ee waa adinka waxa la rabo inaad tala keentaan.
Mid waxay tiri, aniga telfan diri maayo, waayo aabahey waxuu qabaa dhiig kar, haddaan u sheego silica na haaystana waxaa laga yaabaa inuu boqolka dhaafo dhiigiisa, oo uu sidaa ku nafwaayo allaheey ka alla ayeey tiri inteey labada sacab isku dhufatay!.
Tii labaad waxay tiri, aniga waji aan ku hadlo iima yaalo waxaan la soo tagay qasnadii kaydka u ahayed hooyadeey ee dahabka ahayd maantana waa i kan, Axsan aan sidan ku dhinto ma laga yaabo inaan hallow iraahdo.
Tii sadaxaad ayaa tiri, Aniga ayaa hadlayo ee bal na geeya meel aan tagno, illeeyn sidan nama anfacdee
Anagoo meel darbi ah taagan ayaa laba gabdhood nagu soo baxeen, “ Walaal ma Soomaali baad tahiin?
……..
La Soco Q12aad
W/Q; Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)