XARAF-RAACA SHIRIBKA W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

XARAF-RAACA SHIRIBKA

HORDHEEL/GOGOL-DHIG:

Adduunyadu waa curato iyo caado is daba taal. Curatadu waa wax ka soo maaxa maskax dihin, waana hal-abuur aan qofkaas maanfuray hortii la soo bandhigin. Caaduna waa fal ama fikir soo jireen ah oo muddo ka dib wixii cusbaa ka dhiga dhaqan iyo isir-raac. Dhaqammadu waxay ku kobcaan, kuna hormaraan, marka labadaa daraf—curasho iyo caado—loo helo dheellitir sugan.

Shiribka asalkiisu halkee buu ka yimid?

Waa waydiin aan si’ fudud looga jawaabi karin, balse, tixraacyo oday ka sheekee ah iyo baaris badan oo aan sameeyay ka dib, waxaan ogaaday shiribku inuu ahaan jiray maanso ay Soomaalidu wada leedahay gobal iyo deegaan walba oo ay joogaan. Adduunyadu sida ay beriga tahay foogta uma taallo ee shiribku qarniyo aad u fog wuxuu geyiga soomaalida ka ahaa maansada ugu afka dheer. Shiribku waa suugaan gole ka fuul ah, waana madal ama kulan ay bulshadu isugu timaado. Waa madal suugaaneed ama gole murtiyeed lagu kala warqaado. Arrin markaas taagan ayaa lagu gorfeeyaa ama aayo madlan ayaa looga doodaa. Waa werin iyo wax sheeg warka la isugu gudbiyo. Dhanka kalena, waa god-suugaaneed kaallimaha hore uga jira tixaha Soomaaliyeed ee soo jireenka ah.

Haddaba weel kasta ee wax lagu shubo kolka uu buuxsamo waa uu daataa, sidaa darteed, shiribkii caanka ahaa, waxaa ka hoos dhashay suugaan iyo ciyaar dhaqameedyo kale oo shiribkii banjariyey. La yaab ma ahan in wax walba uu is beddel ku dhoco marka ay muddo dheer soo jiraan, dadka ayaa is beddela, duunyada ayaa is dhalan rogta, dhulka ayaa is beddela. Sidaas oo kale, in ay suugaantu is beddesho ma ahan arrin la dhayalsan karo, sidaasi darteed, deegaannada Soomaaliyeed qaar ka mid ah markii ay shiribkii ka dal doorsadeen, wuxuu marti u noqday goballo gaar ah, isla markaana, goballadaas ayaa ku dheggan oo weliba si’ milgo iyo sharaf leh u dhowrta. Haddaba in goballadaas shiribka gooni loo siiyo waxay ku muteen daryeelka iyo adeegsigiisa aan ka hadalka lahayn. Shiribku inuu waayobadan soo jiray waxaa maragfur u ah masafadaan Sh. Axmed Sh. Abiikar macallin Xasan “Sh. Axmed Wacdiyow” (AUN) uu qarnigii 18-aad yiri:-

Shaharkii soon iyo shaatadii dago
Haddii la sheelay shantii salaadood
Shahaadataynkina sheyba shaabtiin
Shafawi looga ekaystay sheegmada
Shubhana aan laga dhawrsan shay galay
Shiribkiyoon sharcigaynu sheegayn
Shabashabood shabya huuhda haysiin
Iminkii shuushkii idiin yimaadoo
Sheeggu dhumoo shuqo laysku soo tolo
Labada shuulana laysku soo shiro
Shanshoodhinkiinnana laysku shiil jaro
Sharqi xaggii sharcigiin la aaddiyo
Shilal ka hoos shacshac laysku shaaqalo
Kuwaad shinsaysana kaa shareermaan
Shaydaankinow qabrigiin ku soo shiro
Shiddo dhacdaa la shallaayi doonaa
Shirmadii diintana waa shiraaxdeen
Wacdiga aan sheegana waa shakaysiin
Shaq uma siin dhegihiinna shaaqalan
Aw sheekhda beenana waa shubaysiin.

Shiribku in goballada Soomaaliyeed laga yaqiinnay waxa aan tusaale usoo qaadan karaa labadaan heesood. Labada heesoodba waxa allifay abwaan Xasan Ganeey, waxaana qaaday: Axmed Cali Cigaal, heesta koobaad waxay leedahay:-

Haddii aad shirbaysood
Buur shiiddo kaligaa
Waad sheemma raariye
Shoocaddayska ila dhaaf!

Heesta labaadna waxay leedahay sidaan:

Shantii nabar anoo qaba
Jaceylkuna ku shidanyahay
Ayaad igu shirbaysee
Maxaad sheekadeennii
Intaad shirisay dumarkii
Ugu sheegtay shalay galab?

Haddaba, waxa marag ma doonto ah in shiribku asalkiisi hore uu ahaa suugaan deegaannada Soomaalida oo idil laga milgeeyo. Labadaan heesood mid ka mid ah waxay soo baxday: 1974-tii. Xilligaas mu’allifka heestu wuxuu xog fiican ka heystay shiribka, wuxuuna ka haawaala-hadlayey sooyaal uu hore u ogaa xogtiisa. Masafada sheekh Axmedna, waxa ka muuqata inay dhallinyardu ay ku howshoodeen shiribka iyo shabashabada, kolkaasna ay ka tageen salaaddi Eebbe faray addoomaha iyo cibaadooyinkii kale ee lagama maarmaanka u ahaa aadanaha. Ujeedku waa inaan suugaantu galaafan goorta iyo xilliga cibaadada, halkaas ayey daaran-tahay masafada sheekhu. Isku soo wada duub ee waxay caddeyn u tahay in goballada ay curiyayaashu kala joogeen beri hore laga shirbi jiray.

Laashin: Xuseen Sh. Axmed Hilowle “Kadare” AUN, waxa uu yiri: shiribku wuxuu ka mid ahaa suugaanta guud ee ay Soomaalidu wada leedahay waase la deyriyay, markaas ka dibna, wuxuu magan galay reero aad mooddo in loogu abtiriyo, iyaguna si milgo iyo maamuus leh ayey u soo dhoweeyeen astaan lagu yaqaan oo reeraha kale kaga suntan yihiin ayuuna shiribku u noqday halkaas ayuunna ilaa iyo hadda ku bed qabaa oo farriimaha leysugu gudbiyaa. Dhanka kale; gabayga iyo shiribka magaca ayaa u kala duwan mooyee, waa walaalo isku miisaan ah oo isku god ah, balse, dhanka luuqda ayey ku kala duwan yihiin, qof walbana inuu sidaa u ogaado ayaa habboon.

XARAF-RAACA SHIRIBKA:

Shiribka marka aan dhan walba ka xeerinno waxa aan ogaaneynaa dhismihiisa xarkaha adag isku la xiran. Waa god suugaaneed ay dhidibbo adag isku haayaan isla markaana dhinac walba ka dheellitiran oo aan fongoro, leexooyin iyo qalqallooc laheyn. Waa suugaan isku soohan asalkeedii horena si taxaddar leh loo falkiyay. Haddaba, suugaantu waxay hadalka aan had iyo gooraale adeegsanno uga duwan tahay; in xaraf loo gooni yeelay ay ku akeekimantahay.

Shiribku xaraf-raacnimada wuxuu kala mid yahay godadka kale ee suugaanta, wuxuuse dheeryahay oo weli aanan soo helin inta aan suugaan baarayay, xarafka lagu akeekimo oo in ka badan toddobo jeer soo gala. Sida aan hore usoo bidhaamiyay shiribku wuxuu ka kooban yahay: Laba lugood oo is kaabaya ama is dhammeystiraya. Haddaba waxa dhacda in labadaas lugood oo lug hore iyo lug dambo kala ah: “In lug walba xaraf-raacu soo galo afar jeer” halka labada lugood laga yaabo in xarafku soo galo (8) siddeed mar. Cajiib!

Anigu weli ma arag beyd ama tuduc suugaaneed xarafka ay ku socotaa uu 6,7,8 mar kusoo noqnoqdo. Gabayga oo leh beydka ugu dheer ee suugaanta ayaa tuducda ugu badan waxa xaraf-raacu soo galaa ugu badnaan lix, shan ama afar mar, waxana la yiraahdaa: “Afar Addinle”. Gabayga xaraf-raaciisu waa laba jeer, balse, wixii ka badan waxay ku xiran tahay; awoodda curiyaha iyo sida uu erayada afka hodan uga yahay. Boqol gabay oo kala duwan marka aad aragto ayaa laga yaabaa inaad hal ama laba beyd oo qaafiyaddu in ka badan laba jeer soo gashay aad la kulanto. Tusaale: Guurow uu tiriyay laashin: Maxamed Gacal Xaayow (AUN) ayaa sidaan ahaa:

  • Yaa yirbixiyay yaa yirid ka gubay, yaa u kuba yeela?
  • Yaa difaacay yoomay caddahay, yoow dagaal yahana?
  • Yaa u yeera yow macallinkiya, yow aqoonyahana?
  • Yaa wax baraya yey wax u bartaan, yaa dugsi u yeela?
  • Yaa walwaala yaa wax u yaqaan, yaa cilmi u yeera
  • Yaa yuqsiisay yabaxii kabaxay, waxa u yaal yaa og?
  • Yaa ii warrama yaa wax ka og, yaa waddaniyiin ah?
  • Yedda laguma qaban qaranimadii, yaallinka ahayde
  • Hayeeshee yamin iyo shimaal, ugama yeertaane
  • Yoomkaanu waa kama dambeys, waa isugu yeela
  • Laydin yiriye Soomaali yaheey, yaabka ka heshiiya!.

Inta aan godadka suugaanta baarayay guurowgaas laashin Maxamed Gacal ayaan ka helay, godka gabayga/guurowga oo xaraf-raacu, seddax, afar, shan iyo lix mar soo galay. Afar waa inta ugu badan, waayoo gabayga ayaaba la yiraahdaa: “Afar addinle” laba marna waa xeerkiisa guud. Haddaba, shiribku sidaas maahan waxa aad helaysaa kumannaan lugood oo mid walba xarafka lagu akeekimay uu siddeed mar soo gelayo.

Xaraf-raaca shiribku wuxuu ku yimaadaa toddo hab oo kala duwan, marka laga reebo habka ugu dambeeya oo loo yaqaanno deelqaaf, isla markaana waxa laga qiimeeyaa xarafka ugu horreeya ee laashinku ka billaabo, lixda hab ee kalase waa shirib ujeed ahaan iyo shirib ahaanba sax ku ah oo aan xeerka shiribka ku bureyn. Xaraf-raaca toddobaad ee ugu dambeeyase waxa la yiraahdaa: “Deelqaaf” waana maadeysi iyo madaddaalo ee shirib ahaan uma xisaabsana. Haddaba, toddobada qaab ee xaraf-raaca shiribku ku arooro waxay u kala dhacaan sidaan:

Toddobale:

  • Nacfi dadoow nin noolya nood
  •  Ku naaxay nacasaan niraa.

Shiribka oo aad u kooban, miisaan ahaanna wax badan ka yar gabayga ayaa waxa xarafka (N) ee uu ku socdo soo galay: “Toddobo jeer”.

Lixle:

•Alif qur’aan iqraa u weyn
•Abgaal Ismaanna heer Imaam.

Qeybtaan aan u baxshay: “LIXLE” waa qeybta ugu badan ee shiribka xaraf-raaciisu ku fadhiyo. Tobanki shirib ayaana laga yaabaa in lix ka mid ah ay noqoto lix xaraf leh.

Shanle:

• Dastuur dadkeedu leeyeheey
• Dowlo dalkeed ku dabbaqdaa!

  • Yaa yibir duud libaax ku yaal
  • Yaf sii karoo intaas yuwaad.
  • Naag raalliyaaya reer dhisnaay
  • Kala rid ruux dhacaa ka roon.
  • Dhulku dadkoo dhan wow dhaxeys
  • Dhiishaase ninba meel dhigtaa.

Shiribkaan shan xaraflaha ah, waa shirib labada lugood mid ka mid ah ay tahay: Seddaxle, halka lugta labaad ay tahay; labaaleey. Waa shirib ku xiran haaneedinta laashinka tirinaya, isla markaana ku jaango’an sida laashinka fursad loo siiyo ama uu u yaqaanno erayada uu ka shirbayo iyo tiradooda afeed.

Afarle:

  • Dhalyadaan leysku dhowrinyaa
  • Dhabbaan la qaadin waa dhumaan.
  • Biyo badeed ma bejiyaan
  • Bannaanna uma soo baxaan.
  • Qolyo haddey is quursadaan
  • Qolyo kaleey qoryuu guraan.

 

  • Kumi nin qaatay keeni maa
  • Kamana maarmo kii lahaay.

Shiribka afar xaraflaha ah waa midka ugu ceynadda badan, isla markaana ugu miiddan. Waa shiribka asalkiisa, sidoo kale waa midka saameynta togan ama taban reeba. Waa shiribka noqda mahmaahyooyin iyo tusaalooyin la adeegsado goor walba iyo gole walba. Afar xarafluhu boqolkiiba sagaashan iyo sagaal waa shiribka guntiisa hoose iyo gundhiggiisuba halka ay kasoo unkamaan. Dhihid iyo dhigaalna waa midka lagu macaansado.

Seddaxle:

• Genkaan iska la soo go’noo
• Naloon kala gar qaadi-maa.

o Milageey isku soo dhacdeey
o Dhulka ka hoos ka soo dhashaan”.

Seddax xarafluhu ma ahan shirib ceyn ahaan badan. Waa shirib xaalad gooni ah ku abuurma. Tusaale: laashin ayaa su’aal kedis ah la waydiinayaa ama shirib lagu durayo, isla markaas hal-abuuruhu asiga oo aan fikir dheer u gelin ayuu si kedis ah ku jawaabayaa. Waxa waajib ah inuunan ujeeddada ka bixin oo uu laashinku ku ilaaliyo qaafiyadda, balse, midka aan afarle u baxshay muc iyo miid kuma dhama oo mar walba xagga saameynta waxbaa ka dhiman. Waa lug saxan oo laba mar leh xaraf-raaci iyo lug dhimaal ah oo hal mar kaliyeeta uu xaraf-raacii u joogo. Waajib maahan in lugta xarafku ka dhiman yahay ay hore ama gadaal martaa. Labadaas shirib waxa ka muuqata, in midna lugta hore hal xaraf soo galay, shiribka labaadna uu lugta dambo ka soo galay, inkasta oo shiribka la dabageddi karo oo lugta u dambeysa la soo hormarin karo, halka lugta horena la dib dhigi karo.

Labaale:

• Lamiisla dhalataan nohoo
• Naloon kala dhul xaari maa!

Labaaluhu waa midka ugu taranka yar xagga shiribka. Deelqaaf maahan, fongorna ma lahan, balse, mar walba waxa ka dhiman iidaankii macaaneyn lahaa. Ujeeddo ahaan waa u saxan yahay, shirib ahaanna waa u saxan yahay ee kaliya afartii xaraf ee muunadeyn laheyd ayaa laba ka mid ahi maqan yihiin. Haddaba, shirib jaban maahan, shirib aan sax aheyna maahan, balse, labadaas xaraf ee ka dhiman ayaa nah la’aan ka dhigeysa shirib ahaanse waa ku ansax.

Halle:

• Ceesaan yaroon bireyn jiraan
• Is iri maanta waa dhalee.

Shiribka hal xaraflaha ah, gebi ahaantiisba waa mid jaban, waxana la yiraahdaa: “Deelqaaf”. Marka godadka kale ee suugaanta tahay waxa la yiraahdaa: “Jacbur” waana qeyb ka mid ah madaddaalada suugaanta oo la isla oggolyahay. Shiribka tiisase jacbur lama yiraahdo ee waa deelqaaf. Waa halbeeg xarafkii uu ku socday aan la ilaalin, balse, ujeeddo lagu haaneediyay. Waa qeyb ka mid ah shiribka oo laashimiin gaar ah lagu yaqaanno, haddana maadeysi moogiye shirib ahaan looma qaato.

Toddobadaas hab ayaa xaraf-raaca shiribku ku qotomaa. Haddaba, shiribku waa god-suugaaneed dhiftimo adag iskula soohan, isla jeerkaasna iba furkiisii koobaad aad looga fikiray. Sida aan hore usoo xusayna god-suugaaneedka shiribka goorta la iba furay oo sax ah xigasho iyo xeer dhigan ama dhahan midna laguma haayo, sida guud ahaanba suugaanta Soomaalida aan loo aqoon goorta ay soo billaabatay, waxase xaqiiqo ah in shiribku muddo aad u dheer uu Soomaalida usoo ahaa god ay aad u adeegsadaan, balse, siiqadiisu ay habab kala duwan soo martay.

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN