Xasilid la’aanta af Soomaaliga: Tilmaan, Tixraac iyo Tusaale
W.Q. Prof C.Qaadir Ruumi
Af Soomaaligu wuxuu soo maray isbeddello kala duwan. Af Soomaaliga wuxuu ka soo gudbay af oraaheed, wuxuuna u soo gudbay af qoran, kaddib markii la qoray farta Soomaaliga sanadkii 1972. Xeeldheerayaasha afku waxay muddo fog hadalhayeen xasilid la’aanta af Soomaaliga si toos ah iyo si dabban.
Yaasiin Cismaan Keenadiid (A.U.N.) wuxuu ka mid ahaa guddigii qoridda af Soomaaliga sanadkii 1971. Sida ku xusan qaamuuska af Soomaaliga (1976) Yaasiin Keenadiid wuxuu yiri: ‘’ Xasilid la’aanta af Soomaaliga aad bay u daran tahay. Dhibaha isaga u gaarka ah waxay ka imaanayaan af Soomaaliga oo aan ahayn af xasilay; waa af lagu hadli jiray keliya oo aan qornaan jirin; qoristiisu waa haddeer dhawayd (1972)’’.
Haddii aynu falanqeyno aragtida Yaasiin Keenadiid waxaa inoo muuqanaya inuu af Soomaaligu ahayn af xasilloon, ama deggan. Sidoo kale, waxaa ka muuqda aragtida Yaasiin Keenadiid inuu af Soomaaligu ahaan jirin af qoran.
Dhanka kale, Yaasiin wuxuu tilmaamay dhowr tusaalooyin yaryar ee la xriira xasilid la’aanta iyo wareerka afka ka jira, sida rogrogmadka iyo isasaamayska dhawaaqyada xuruufta, erayada labo labada isugu lamlammaansan iyo shedka.
Ibraahim Xaashi Maxamuud (A.U.N) wuxuu isna ka mid ahaa guddigii qorista af Soomaaliga sanadkii 1971. Sida ku xusan buugga Qawaacidka Luqadda Soomaaliga (1998) Ibraahim Xaashi wuxuu isna ka hadlay xasilid la’aanta af Soomaaliga.
Ibraahim Xaashi(A.U.N.) wuxuu tilmaamay mowduuc uu ku magacaabay qaska higaadda iyo fowdada bulsho. Ibraahim Xaashi (A.U.N.) wuxuu yiri: “Waqtigii la go’aamiyay qoridda luqadda Soomaaliga(1972) higgaadda qoridda laba saldhig oo keliya baa loo soo saaray. Saldhigga koowaad wuxuu ahaa in xaruufta Soomaaligu u qaybsanto shibbanayaal iyo shaqallo (dhaadheer iyo kuwa gaaban)”’. Haddii aynu faahfaahinno saldhigga kowaad waxaa inoo muuqanaya in xaruufaha alifba’da Soomaaliyeed ka kooban yihiin shibbanayaasha iyo shaqallada.
Ibraahim Xaashi wuxuu kaloo yiri: “Saldhigga labaadna wuxuu ahaa u qor sidaad ugu dhawaaqi. Ma ogi saldhiggan meesha iyo cidda xeereysay, waxaanse ogahay inuu yahay saldhigga ay Soomaalidu uga ambaqaaddo qoraalkeeda wax higaadin, una noqday saldhigga burburka fowdo ee Soomaalida halaagay. Ibraahim Xaash(A.U.N.) wuxuu intaa raaciyay: “Ujeeddadu marna ma aha inay qoridda luqaddu sababtay waxyaabaha daran ee dhacay, laakiin macnuhu waxaa weeye habkii degdegga iyo aqoon la’aanta ahaa, loona daabacay qoridda ayaa dhaliyay natiijooyinka qodhgoynta ku noqotay Somaali’’.
Haddi aynu falanqeeyno warbixinta Ibraahim Xaashi (A.U.N.) waxaa inoo muuqanaya in markii la hirgelinayay qoraalkii kediska ahaa ee farta Soomaaliga ay ka soo ifbaxeen dhibaatooyin la xiriira aragtidii ahayd u qor sidaad ugu dhawaaqi. Waxaa iyana xusud mudan in mar kasta uusan jirin xiriir ka dhaxeeya dhawaaqyada iyo xarafka alifba’da. Waxaa jirta in xaraf ka mid ah alifba’da uu u taagnaan karo laba dhawaaq oo kala duwan.
Prof Cabdalla Mansuur iyo Prof Annarita Puglielli ayaa iyana tilmaamay xasilid la’aanta af Soomaaliga. Sida ku xusan gogoldhigga buugga barashada Naxwaha af Soomaaliga (1999), Prof Cabdalla Mansuur iyo Annarita Puglielli waxay yiraahdeen: “ Dhibaha aan kala kulannay diyaarinta buuggan badankoodu waxay ka yimaadeen xagga af Soomaaliga, oo aan weli ahayn af xasilay. Sida laga warhayo waa af lagu hadli jiray keliya oo aan qornaan jirin.”
Dr Nimaan Abdillahi ayaa isna tilmaamay dhibaatada ku saabsan in qoraalka erayada qaarkood aanu midaysanayn. Dr Nimaan wuxuu yiri af Soomaaliga waa af dhallin yar, marka la eego qoraalkiisa farta. Dr Nimaan wxuu kaloo yiri waxaa jirta in eray yeelan karo higgaad kala duwan. Dr Nimaan wuxuu intaa raaciyay in kala duwanaanshaha higgaadda erayada af Soomaaliga loo qaybin karo saddax qaybood oo kala ah:
1-Qaybtani waa qaybta shibbanaha erayga la labalaabo, ama aan la labalaabin, sida guddoomiye/gudoomiye.
2-Qaybtani waa qaybta erayga qaabka lammaanaha loo qoro sidii hal eray, ama laba eray,
sida isgaadhsiin/is gaadhsiin.
3-Qaybtani waa qaybta eray loo qoro qaabab kala duwan, sida waydiiyay/ weydiiyay.
Haddi aynu eegno saddexdan qaybood waxaa hubaal ah inaan kaladuwanaanshaha eraydan kor ku xusan ku aragno qormooyinka iyo buugaagta af Soomaaliga ku qoran.
Gunnaanad
Warbixinnadani waa fikrado la xirrira xasilid la’aanta af Soomaaliga, oo ay qoreen xeeldheerayaasha af Soomaaliga xilliyo kala duwan. Xasilid la’aanta af Soomaaliga waa mowduuc la hadalhayay muddo fog. Waxaa jira maanta soojeedinno cilmiyaysan ee la xiriira habdhigaalka af Soomaaliga guud, sida soojeedinta Prof Cabdalla Mansuur. Sidoo kale, waxaa iyana jirta in loo baahan yahay in la sii wado, lana hormariyo iskumidahaanshaha habdhigaalka af Soomaaliga guud.
Ugu dambayn, waxaa lamahuraan ah in la helo istaraatiijiyad la xiriirta hirgelinta habdhigaalka af Soomaaliga guud.