Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q21AAD
Haddaan sii amba qaadno qormadeynii taxanaha noo aheyd ee “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka”Markaan waxaan ku soo qaadanayaa: Abwaan Caraboow Maxammad Axmed, iyo Shiribyadiisa togan ee aan xera taraarka laheyn, oo dhedhen iyo dhihitaanba ay ku dhan yihiin, qeyb yar oo ka mid ah. maadaama aan qoraal kooban lagu lafa guri karin Suugaanta iyo Shiribyada Abwaanka. Waxaanse ku soo qaadan doona qeybha xiga si aan uga boganno, Shiribyadiisa xusuustaya xiisaha leh; Abwaan Caraboow, Shiribka waxaa u garab socda Suugaanta kale jaadadkeeda kala gedisan oo ma jiro “God” Suugaaneed aanu murti dhumuc leh ka curin. waxaanse uga kaaftomeyna Shiribyadiisa maadaama aan ” Shiribka” ku faaqideyno qoraalkan. Shirib kasta oo Abwaanka Kiisaana waxaa ka horreya Guuroow, ama gabayo boqollaal beyd ka kooban. Sidaa aawgeed, waxaan qeyb kasta oo aan uga hadlaayo kusoo qaadan doonaa hal Guurow ama hal Gabay oo ah kii markaas Shiribku la socdo!’ Haddaan ku billaabo, Shiribkiisa yaabka leh:
“Calankaan sidi caad galbeed
Cillaama yaan la saarin ciid”
waa shirib cad oo aan dul marid iyo sharraxaad u baahneyn, wuxuuna ka dambeeyay Gabay aad u dheer oo la yiraa:
“Soomaali ceebteedu waa curata diimoon”
Oo uu inbadan uga gabayayay xaaladda ummadda Soomaaliyeed oo markaas god dheer ku sii dheceysay, Amminkuna wuxuu ahaa 1993-dii oo ah billaawga bohosha uu ku dhacay qaranka Soomaaliyeed, dhibaatadu haba ka sii horreyso’e laakin waa halka ay xerkuhu nooga kala furteen, Abwaan Carabowna waxaa uu leeyahay: Calankaan naga dhexeeya ee cirka la moodo midabkiisa, yeynaan Ciidda is ka dhigin, oo aan ka dhiidhinno. Abwaankuna mar walbo waa ka aragti dheer yahay dadka intiisa kale, Abwaan Caraboow ayaaba gabay ku yiri:
“Abwaan meelooban teginow tilmaan saxa ka dhiibyaa” mar kale wuxuu ku shirbay:
“Calanka muu cideey karnaa
Anunse meys cafi karnaa?”
Waa shirib kaabaya ama xoojiye u ah shiribka aan ka billaabay ee abwaanku yiri: waxaase uga jawaabay; Abwaan Taakow Macallin Ciise oo ay markaas goobta wada joogeen, wuxuuna ku jawaabay:
Casirki ways cafi karnaa
Haddaanan cudur daaraheyn,
Waa laba shirib oo is fasiraya runtana wada cabbiraya, laakin waxay noqotay hal bacaad lagu lisay, maadaama aan waxba lagu qaadan, waase keyd ugu jira Sooyaalkiisa Suubban Abwaanka, oo wali jooga ifka!’
Mar kale wuxuu ku shirbay asiga oo dadka Soomaaliyeed Eebbe uga baryaa inow usoo diro madaxweyne daacad ah una adeega oo dhexdooda cafis iyo ma saamaxaad uga dalba, waxaana uu yiri:
“Madax na cafisoo carfee
Ilaahow carshiguuga keen”
Abwaan Carabow Maxammad Axmed dhan walba waa uu uga shirbay dadkaya dalka Soomaaliyeed, asiga oo aan ijaar iyo ujuro midna uga rabin. Mar kastana wuxuu ku hamminayay inow arko dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa iyo shacabka Soomaaliyeed oo is aamina iskuna kalsoon, la moodse noqon weyday!’
“Daawgaan minaan dib loo heshiin
Ka daranaa dig soo dhehee”
Abwaan Carabow Shiribkaan wuxuu bixiyay markii Cali Mahdi Maxammad loo doortay inow madaxweyne noqdo ku meel gaar ah laba sano kaddibna la aado doorasho, wuxuuna leeyahay: haddaan sannadkaan la heshiin oo aan gacmaha leys qabsan ka xun ayaa nagu soo socota oo imaanaysa. sidii ayeeyna noqotay. Waxaase uga jawaabay Abwaan Shidane xuseen Bayr,(AUN) oo yiri:
“Dalkaya dibaddiisaya
Dumarya wiilal wow digniin”
Wuxuu xoojinayay Shiribka laashin Carabow wuxuuna leeyahay: shiribkaas Abwaanku yiri: qof kasta oo Soomaaliyeed wuxuu u yahay digniin ee ha lagu waana qaato!’
Waxaase kusii xigsaday laashin: Caddow Bidixeey(AUN). oo yiri:
“Dalkaan haddeer wax daaqsannaan
Doon fuul ku degganaa rabnaa”
Wuxuu ku xoojinayaa shiribkaas Laashin Carabow, ee kor ku xusan, wuxuuna leeyahay haddii aan cadawga ka dhacsan weyno dhulka aan degganahay oo aan ku dhalanay waxaa naga dhaxlaya duul kale annaguna kor saar ahaan ayaan u degganaan doonnaa, haddii kale aan gumeystaha isku keenna leynaya iska qabanno!’
Waxaa mar kale kusoo noqonaya Laashin Carabow oo leh:
“Dardaarankeeyna meel ku duub
Daqar waxaa ka weyn diyee”
Wuxuu leeyahay: dardaarankeenna qaata Soomaaliyeey oo murtida wax ku fahma, haddii “Diyo timaad Daqar meel looma haayo’e”
Waxaa isna shirib kale kusii xoojiyay Laaahin la yiraa: Xasan Calasow Fareey (Laashin Xasan Muran. AUN).
Nin degmadaadi diiddanaad
Dowlad nimuu daba kacdeen,
Wuxuu leeyahy nin aan ku rabin, ama dowlado aan ku rabin ayaad u daba joogtiin inay idiin dhisaan waddankiinnaa iyo dowlad nimadiinna ee iska daaya, waxba idin tari maayaane, waana hubaal shiribyadii ay laashimiintaasu ku shirbayeen labaatan (20) sano ka hor wali waa sidii oo ma jiraan wax is beddelay, ilaa waqtiga aynu joogno oo waa xaalkii waa kaa kasii daraya marba marka kasii dambeysa!’
Waxaan kusoo xirayaa qoraalkaan kooban Shirib iyo gabay is wata, gabagu horreyo, oo na baraya in gabaygaa boqolka todocood dhaafaya ee wada miidda ah in lugtaas shiribka ah ee uu kusoo afmeeray ka koobi ogtahay sida aad ogaaneyso marka aad bar bardhig ku sameyso. Balse waxaan hormarinayaa gabayga maadaa uu ahaa shiribku nikax, gabaga magaciisa waxaa la yiraa: “Tacliin” wuxuuna u dhacay sida tan:
- Ummad Eebeheey toosiyow tab iyo xeel siiyay
- Tii iyo wareerney ku dhicin taabacna ahaaday
- Toddobada jallaadoo cilmiga lagu tafsiiraana
- Rabbigood is kula taagayoo taajirtaan nahaye
- Tobankaan malyuunee haddana ehalu towxiida
- Ee talyaani hoos tegi jirtaya iiglan taladoode
- Oon towbadoodina ka tegin tamash lanaan aadin
- Ee Diinta taageeri jiray walina soo taagan
- Taa waxay ku gaareen Rabbiyooy talada saarteene
- Tusaalihi Rasuulkeenniyooy taako uga leexan(S.C.W.)
- Iyo afarya tobankiya hal boqol looxi lala tiirshay
- Oo tolweyne faatixo u tahay tirana koobaad
- Haddii aan tacliintaas la helin waa tugca leheyde
- Qof waliba tagooggeed halkoow taram ilaah geeyo
- Iyadoon ustaadkuu la tegin ow tarbiyo siinnin
- Haddeey tuurya iyo weerar iyo dhagax la taagnaato
- Waa tacab qasaaroo kalee taa halla ogaado.
- Tabbat iyo idaajaa qofkii lagu tummee qaatay
- Ee tabaarak sii dhaafayee faqilla dheer gaaray
- Walaa tuxammilnaanuugu tegay baqara toobkeera
- Addoonkaas ilaah waa u turay waana taajiraye
- Tisca iyo cashara waa xisaab Carabi tiisaahe
- Too iyo taree foorna waa tirada laatiinka
- Mana tebo iskool ruuxan tegin tanagna weeyaane
- Taakada xigteedana kolyoon too tirtiran waaye
- Inkastoonsa tiiraanyo culus tooshka ku iftiinshay
- Tilmaan Yuusuf Koowniin baxshaa meesha nala taale
- Jahli yowsan idin taabanoo hore ka taageerta
- Tacdaad iyo quraafaad tacsiyo iyo tolkaa xeertay
- Walaxaan wax tarin dad hore nagula tiigteene
- Teleefoonka aan heysannee laysu tebinaayo
- Tiifiiga muuqaalka ee aragga soo tooba
- Satarleedka meeshaa tagtaba dunidi taam yeelay
- Toornadi sameeysaya hubkaan laysku wada toogto
- Khubarada taqaan waa midaan hurud ku taameyne
- Qof waliba tagooggeed halkoow taram Ilaah geeyo
- Iyadoon ustaad kuula tegin ow tarbiyo siinnin
- Haddeey tuuryo iyo weerar iyo dhagax la taagnaato
- Waa tacab qasaaroo kalee taa halla ogaado.
- Ha yeeshee tuhmada igu jirtee reerki kala tuurtay
- Tastuurkii Ilaahnoowsan qorin naguna taabbeysan
- Oon laga tegeynee hor wali gobal ku taamaayo
- Towfiiqdanuu daran haddaan yara idiin taabto
- Dadki ilindigii toli jiree tarashka saaraayay
- Tooxweyn marbuucana tidcee turufyadoo yeelay
- Ama kobihii teedkuu xirraay mudac ku teekaayay
- Ee taaqtirkee warran tumaya toorridiya seefti
- Haddii aan takoornaa cilmigi duurka lagu tuuray
- Waagana tubtaas heerki jaray tiinki kama qaadin
- Ee qodaxdii tuugaarkiyoo tuban ayaa taale
- Haddaan tala muraad laga sameyn tacaddi soow maahan
- Markaad tabar yar tahay taakadaa laga shaqeeyaahe
- Tafaraaruq waa nagu dhacyee aan is tira koobno
- Isteed naga tunweynaa shacbiya wali tallaalaahe
- Takanooyin heer hebel iyo tuugo iyo qeylo
- Waa waxa faceyn nooga tegay ow wersheda taagtay
- Waligoodna qoom tuugsadaa talo ma gaaraane
- Qof waliba tagooggeed halki uu taram Ilaah geeyo
- Iyadoon ustaad kuula tegin uu tarbiyo siinnin
- Haddeey tuuryo iyo weerar iyo dhagax la taagnaato
- Waa tacab qasaaroo kalee taa halla ogaado.
- Toddobada sammoo waaxidkeey kali ahaan taagay
- Turraabtaan dhulkoon joogno ee buuro lagu tiirshay
- Toosnaanta geelaya haddaan tabarta loo uumay
- Inaan tawakalnoow Eebbeheey nagu tusaaleeyay
- Culimada tafsiirkuna wax badaneey na tala siiyay
- Ta’bi ruuxi dhigayaan xummaan lagu tilmaameyne
- Aqoon yahanna taariikhda waa loo tix geliyaahe
- Toban iyo seddeed sano haddaan barashaduu toosno
- Soomaali sey maanta tahay umma tabcaanteene
- Afrikaanna iba taakuleey maba tiraahdeene
- Ubadkeenna anun waa tagnoo teyniyaan galane
- Yaan lagu tashkiilinin waxaan lagu tijaareynin
- Abwaan meelow teginoow tilmaan saxa ka dhiibyaahe
- Murtideeydu toob maahin ee waa turxaan bixine
- Waa tufaaxya seytuun iyo geeda timireede
- Haddii leyska tuurana kolleey reer an tumi maahe
- Qof waliba tagooggeed halki uu taram Ilaah geeyo
- Iyadoon ustaad kuula tegin ow tarbiyo siinnin
- Hadday tuuryo iyo weerar iyo dhagax la taagnaato
- Waa tacab qasaaroo kalee taa halla ogaado!”
- Haddaan gabaga soo toobo oon dulucda taabsiiyo
- Wax oonoon tebaayaba haddaan toos isaga daayo
- Ardagii ta’diib waalidkii hore u taam yeelay
- Ama Diinta lagusoo tabcee subaca toosaaya
- Ee iskoolka lagusii tixee taardi sare qaatay
- Iyo kii tayeeg dhuxul ka shiday inya tubaaleeyay
- Ee qeyd yaroo tabala iyo koba tuqfaa heysta
- Amma taag dammeeraad wadee biya tifqaayaahe
- Tartan maysla soo geli karaan madaxdiyoo taagan
- Taa mayaanna leeyahay haddaan been ku talineyne
- Turjumaad haddii loo rabana shacabkiyow taagan
- Meeshaad tagtaan Eebbeheey heydin tarakeeyo
- Tifaftiridda suugaanta waan takhallusaayaahe
- Qof waliba tagoogeed halki uu taram Ilaah geeyo
- Iyadoon ustaad kuula tegin ow tarbiyo siinnin
- Haddeey tuurto iyo weerar iyo dhagax la taagnato
- Waa tacab qasaaroo kalee taa halla ogaado!
Shiribka nikaxa ah.
“Tarbiyada Ustaadkaya
Tacliintu wax walbay taraan!”
waa shirib aad u dhumuc weyn soona koobay intii uu abwaanku ku tusaaleynayay gabayga, sidaa aawgeed shiribku waa ka kooban yahay suugaanta qeybaheeda ka la duwan waana ka miisaan culus yahay. waxaana ogaansho noogu filan, shiribkaan abwaan Carabow ku nikaxay gabaygaan aadka u dheer ee boqolka beyd ka kooban, iyo shiribkaas ka dameeya oo aan hal beyd dhameyn laakin isku fuuqsaday, murtidii dhameyd ee Tacliinta uu uga hadlaayay ABWAAN Carabow Maxammad Axmed,Eebbe ha dhowree´
la soco qeybta xigta ee abwaan Carabow haddii Eebbe idmo.
W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”