Xuska Waalidku Marna Waa Xusuus Marna Waa Xiriirin
Axadsan
Maajo 05, 2018, lix sano ayey sii mootan tahay hooyadey Faadumo Xersi Cabdi ‘Cubtan’ Eebbe Weyne ha u raxmado, jannadiisana ha ugu deeqo. Waalid la’aan waa dhib, siiba hooyo la’aan waa qarqar iyo lawlaw dareen iyo laab olol. Uur hugun iyo qalbi danqanaya illibiqsi kasta. Hooyo maalinta ay go’do ayaa gudcur dam kuu yiraa.
Waalid oo dhan isaga oo sidaa ah, ayey hooyadu horyaal u tahay, haddana ubadkoodaa, qofba si bay u taabataa, u la na daristaa laxow iyo lur, qabatimid iyo qaarnaan. Tan waxay marag u tahay, sida (qofku) uu u dareen dabacsan yahay, maxaa yeelay, qof laab dooxan leh ayaa doojin kara aragtiyaha dareen qaarkood.
Inta badan marka aan hooyadey ka hadlayo, waxaan ku saleeyaa dareenkeyga, oo xitaa ilmaha ay na wada dhashay ku ma metelo, iskadaa, in inta hooyo dunidan soo martay ama joogta ama iman doonto aan tayadooda ama tabtooda ku mitaalee.
Geerideedu marka aniga waxay ii ahayd, tayow aan hubo, in aan loo helayn wax/qof buuxiya, sida ay iigu ahayd ammin aan marar badan isdhaho: Ina Cubtanow, noloshaadii oo dhan galabta maalintaa ayey istaagtay, haddana waa nololoo, ma iyadaa kuu sugta ama kugu sinta sida iyo sabada aad rabto!
Anoo ka duulaya, dhaqankeedii ahaa bixinta, siinta iyo deeqinta, walow ay sabool ahayd aan waxba haysan, haddana hodan iyo hantiile laabta iyo uurka ayaa laga noqdaaye, waxaan aragti aan hore u qoray qormadan ugu kabayaa, sida ay nuxur weyn u leedahay xuska iyo ducada wadareed, ee loo dhigo waalidka, dabcan iyada oo aan meesha laga saarayn midda marka aad keligaa tahay aad afka ama uurka uga samayso.
Qofka sidiisa maxaa loo xusaa? In la xusuusto. Maxaa lagu xusuustaa? Tan doorran waa wixii wanaag ahaa ee sameeyey ama sheegay, ee ka haray ama uu reebay! Dhaqan ahaan waxay noo ahayd tiir adag iyo udub ay qoysaska, beelaha iyo bulshaduba ku taagan tahay, balse, waayadan dambe daqar weyn iyo waxaa gaaray dubbe xoog leh, oo marar badan kas loogu dhuftay, marar kalana in la duufsaday aaya hambadeedii duugeen.
Waan hubaa, haddii aad ruux ahaan marka hore diyaarsanayn ama aadan isu badnayn, in aad caqabad la kulmi karto, haddana sidoo kale, waxaan hubaa, haddii yoolkaa geeriddeeda kaa go’an yahay, in aad gaari karto, adoo kaashanaya awoodo badan oo marka aad isu gayso natiijada dambana aad gaarto aad ku laab qabowsan doonto.
Ceebaalka xuska loo yeelay waxaa ka mid ah, in cunto keliya la isugu yimaad, oo marxuumka/marxuumadda aan waxba gaarayn ama wax sidaa u buurani gaarayn, ee ay ka habboon tahay qaab kale, in loo bixiyo waxa la deeqayo! Waxay i la tahay, in ay tahay aragti jaban, maxaa yeelay, xusku waxyaabaha uu qabanayo waxaa ugu weyn labo tiir:
1) in uu xus, sheegid, xusuusasho iyo u yahay tebin(d) qofkaa, maxaa yeelay, waxaa la arkayaa faraciisii, waxaana ka dhexmuuqanaya foolkii, qaarkiisii, socodkiisii, hadalkiisii, qosolkiisii, codkiisii, midabkiisii, iyo waxyaabo badan oo lagu yaqaannay.
2) marka ubadka iyo ubadkooda laga soo tago, wuxuu kulan iyo madal u yahay, xigto iyo xigaale, ehel iyo qaraabo, saaxiibbo iyo intii taqaannay badankood, oo fadhigaa la-jirkooda ahaanaya.
Isku helka intaa wax ka weyn ma lahan, marka ay intaa oo waji ay dhammaantood isugu yimaadaan xuska qof ku wada weyn, maxaa yeelay, Xuska Waalidku Marna Waa Xusuus Marna Waa Xiriirin! Dhanka kale, waa iskuxir qoys, qaraabo, beel iyo bulsho, oo kan hore sii adkaynaya intii wadaagga hoose ka dhexeeyey, halka kan dambe u yahay iska warqab guud iyo is-arag u fududaynaya, in ay kulmaan si xog iyo talo loo kala qaato.
Sida kale, ceebaalka loo yeelo xuska iyo ducada la dhigo si guud, si gaar ah kan waalidka loo dhigo, waxaa kale oon isleeyahay, waxaa sii xoojiyey, oo suuqgeyn iyo hirgelin u yeelay, waa bixinyarida iyo gacan-adaygga dadka qaar dabci iyo u ah dhaqan. Qof ama qolo ay markii horaba dhib ku ahayd, in ay deeqaan waxa ay haystaan, waa hubaal, in marka ay qiil u helaan, weliba loo diimeeyo, in uu ka dhiganayo gaashaan iyo gabbaad uu diididdiisa ku saleeyo.
Tan waxaa ku lammaanan, in ay jiri karaan, dadka saddax neceb ah ama kuwo ka qalooda dad-la-joogga, oo kuwaana ay ku keeni karto, in iyaga oo ka cararaya dhexgalka dadka ay diidaan, in ay xus ama duco u dhigaan waalidkood.
Marka xuska iyo ducada eray iyo buuq, dood iyo muran ka dhawr, sida ay habboon tahay, in aad uga ilaaliso walcin duubis iyo muujin, maxaa yeelay, waayadan dambe, deeqintii waxay isu rogtay bahdilidda saboolka iyo dantarta, oo qofkii ama qoladii inyar iyo iniino bixinayaba, waxay dadkii boggocaddaa la wada hortaagan yihiin; sawir iyo muuq duubid, oo run ahaantii ah, wax damiirku diidayo, ka sokow, in ay DIINTUBA reebtay.
Halka tan hore ay mararka qaar dhaliso, kala irdheynta qoys ama qaraabo la rabay isu keeniddeeda iyo isku xirkeeda, illeyn la is ma dhagaysan ama la isu ma tanaasulin, sida aan loo tixgelin quruxda ay leedahay hirgelinta dhaqankaa suubban iyo falkaas wanaagsan ee ducada iyo xuska.
Ugu dambayn, waalidka ha la ogaado inta ay nool yihiin, sida ay u wanaagsan tahay, in loo ogaado geerida ka dib, waayeelka ha loo danqado, walaalahana la garabgalo.
Samo ku jooga. Guuleysta dhammaantiin.
W.Q. Bashiir M. Xersi ‘Ina Cubtan’