YAA WADDANI AH?
Hordhac
Cilmibaadhistan ayaan ku sahaminayay fikradda waddaniyadda iyo muhiimadda ay u leedahay bulshooyinka casriga ah, ee ay Soomaalidu u horrayso. Iyadoo si qotadheer u falanqaynaysa isku xidhnaanta, daacadnimada, hanka ay waddaniyiintu u qabaan dalkooda iyo siyaabaha kala duwan ee waddaniyadda loo muujiyo. Soo koobiddan ayaa iftiiminaysa dhinacyada togan ee waddaniyadda, sida: horumarinta midnimada qaranka, horumarinta ilaalinta dhaqanka iyo dhiirigelinta muwaadiniinta; si ay uga qayb qaataan wanaagga dalkooda. Waxa kale oo aan garwaaqsanahay muhiimadda ay leedahay in la isu miisaamo waddaniyadda iyo isku xidhka caalamiga ah, iyada oon xoogga saaray baahida loo qabo in, si mug leh oo ixtiraam leh loo muujiyo jacaylka uu waddankiisa u qabo. Guud ahaan, qorma-aqooneeddani waxay gacan ka geysanaysaa faham qotadheer oo ku saabsan doorka iyo saamaynta waddaniyadda ee bulshadeenna.
Maqaalkan waxaan idiinka soo dheegay buuggayga “Afaaf Qaran” cutubkiisa koowaad. Waxaana igu kallifay baahida loo qabo oo kolba sii kordhaysa, anna aan weli cilmibaadhistii buugga wado.
Waddani iyo Waddaniyad
Ereyga waddani haddii aan qeexo mid ka mid ah qaamuusyada caanka ah ee uu qoray Yaasiin Cismaan Keenadiid wuxuu ku qeexay: Dhulka qof ku abtirsado, oo isaga iyo awowyaashiiba ay ku dhasheen. Dhulkaas oo ay isaga iyo tolkiisuba degganyihiin, kuna wada nool yihiin, oo uu dalalka kale ka jecelyahay, oo uu ilaalintiisa, horumarintiisa iyo xornimadiisa wax walba ka hormariyo. Haddii loo baahdana uu naftiisa u huro. Dhulkaas ama waddankaas ruuxa aad u jecel ayaa la yidhaahdaa waddani. Adigu ma tahay waddani?
Waxa jira laba erey oo ay dadka qaarkood isku qaldaan waana waddani iyo waddaniyad.
Waddaniyaddu waa qarannimo, waxayna tilmaamaysaa aaminsanaanta indho la’aanta ah ee ay bulsho ama kooxo rumaysanyihiin caqiido ku dhisan hidde iyo dhaqan. Waxayna ku taamaan inuu hidde iyo dhaqankoodu ka sarreeyo kuwa kale. Halka, waddaniyaddu ay ka dhigan tahay in loo bogay caqiido gaar ah ama hab nololeed.
Qarannimada inta badan waxa lagu gartaa hal-adaygga halkudhegyada iyo hab-dhaqanka hannaanka midaysan ee soo jireenka ah. Waddaniyiintu waxay aaminsan yihiin in ummad ka hidde iyo dhaqan wanaagsani ayan jirin, haddii ay jirtana koodu uu ka sarreeyo; kuwooduna ay si uun uga hooseeyaan. Waxa ka dhasha dhaqannada ummadduhu isku qilaafaan ee loo yaqaan yasmada. Si aad wax badan iiga garawsato, igula naso abwaankii caanka ahaa, Eebbe haw naxariistee, Cabdulqaadir Xirsi “Yamyam” ayaa yidhi:
Sinnaantaan la magac ahay
Sankuneefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo
Soomaali baan ahay!
Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sariigtaa
Sacabbada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadowgayga lama simo
Soomaali baan ahay!
Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddaan ka salalaa
Sooma jeesto goobaha
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo
Soomaali baan ahay!
Nin i sigay ma nabadgelo
Nin i sugayna maba jiro
Libta weli ma sii deyn
Gardarrada ma saacido
Nin xaq lehna cid lama simo
Soomaali baan ahay!
Ninkaan taydu soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Sandullaynta ma oggoli
Ninna kabaha uma sido
Soomaali baan ahay!
Ninka iga sed roonoow
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana oran sasabo badow
Dareen seexda maba lihi
Soomaali baan ahay!
Ninna madax salaaxiyo
Kama yeelo seetada
Sasabo ma qaayibo
Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha celin
Soomaali baan ahay!
Dabayshaan la socod ahay
Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan tahay
Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa
Soomaali baan ahay!
Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal
Rag baa beri i saanyaday
Anoo xoolo soofsada
Xil midnimo anaa sida!
Soomaali baan ahay!
Alle ka baq (cabso), ma tahay ruuxan uu gabyaagu timaamay? Sabab?
Mawqifka waddaniyadda waxa lagu gartaa garashada sooyaalka ummadda, waxqabadkeeda togan ee dhaqanka. Waxa kale oo waddaniyaddu garwaaqsan tahay guuldarrooyinka ummaddu leedahay iyo saamaynta taban ee ay leedahay waa midda madow. Hadal iyo dhammaantii waddani waa ruux qarankiisa jecel; halka waddaniyadduna ay ka tahay qaran jacaylka.
Hab-adeegsiga waddaniyadda
Waddanigu waa qofka difaaca ama taageera, danta iyo daryeelka ummadiisa. Wuxuu ka hormariyaa baahida iyo rabitaanka ummaddiisa wax kasta, ha ahaato danaha waddamada kale, hay’adaha caalamiga ah amaba danahiisa gaarka ah. Danta guud ma kula weyntahay? Sababta isweyddii?
Waddaniyiintu waxay inta badan ku nuuxnuuxsadaan kana duulaan afaafka qaranka ee ah: ilbaadinta, ilaalinta iyo kor u qaadida dhaqanka, aqoonsiga, afka, sooyaalka iyo madaxbannaanida ummaddooda. Anigu, waxaan qabaa sheegidda nabdoon ee waddaniyadda in qaran qumman lagu dhisi karo. Adiga, maxay kula tahay?
Waxaa muhiim ah in la ogaado in waddaniyaddu ay yeelan karto qaabab kala duwan oo ay ku kala duwanaan karto xoogagga, oo ay ka mid yihiin: Kuwa sida nabdoon u muujiya iyo kuwa xagjirooba ee seefta galka kala baxa. Ma jirto cid odhan karta ruux kasta oo dalkiisa iyo dadkiisa u dagaallamay waa waddani, mana jirto cid odhan karta waddani maaha!. Sababtoo ah waa wax soojireen ah in labadan aragtiyood qarniyo lagu soo caanamaalay. Balse waxa lamahuraan ah in la fahmo, maankana la geliyo waddankeennu waa sidee? Dadkeennu waa dad noocee ah? Labada aragtiyood tee ku habboon?
Siddeed iyo toban sano ayaan ku hawllanaa soosaarista buugga “Afaaf Qaran”, mar kastana waxaan is idhaahdaa weli wax baa kaa dhiman ee raadi caqliga iyo cibaarada kaa maqan!. Igala qayb qaado mudane ama marwo dibuhawlgelinta bulsho isku dal ah, isku dad ah, oo isku dan ah. Haddii aad aaminsantahay si nabdoon in bulshada loo dhiso, waxaad tahay ruuxayga iga maqan. Waxaad tahay mataankayga amaba mataantayda.
Waddaniyadu waxaa mid ah: caqiidooyinka ugu badan ee lagu farsameeyo, dhaliilaha wax dhista iyo tan wax dumisaba. Qiyamka qaranka, hannaankiisa iyo haybaddiisaba waxaa inta badan jebiya kuwa isku daya inay wax ka qabtaan dhaqannada qaarkood. Sidaa darteed, waddaniyaddu waa habraac lagu sahamiyo, lagu sidko laguna seeteeyo ruux u heellan jacaylka uu waddankiisa u qabo. Hilawga dhex jiifa halbawlayaashiisa ayaa gaadha unug kasta xudduntiisa, ruuxaasina malaha salfadhiya ama ma nega. Waayo, waxii dalkiisa iyo dadkiisa u wanaagsan wuu u riyaaqaa, wixii u darrana wuu la darxumoodaa. Ruuxa sifooyinkan leh, bulshadu doqon ayay u taqaan, balse, dad badan oon anigu u liito ayaa haldoor u yaqaan. Adiga, maxay kula tahay? Sabab?
Qofka waddaniga ahi, wuxuu dareemaa jacayl qaran iyo mid qoomiyadeed oo xad-dhaaf ah. Ruuxa feejigan, fayaw ee firfircooni ha ogaado, hana maqlo aragtiyaha qaran ee saamaynta yeelan kara. Runta sacab ma qarsho, beentuna sal adag ma leh. Adduunyada waxa ku hareeraysan xoogag waddaniyiin ah oo kala duduwan. Kuwo ayaan dalkooda u oggolaan saxar in le’eg oo dhibaato ah!. Kuwa u geystana ma illaawaan illaa ay ka gacansarreeyaan. Sidaa darted, waddanigu wuxuu dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba u jeclaan karaa si indho la’aan ah, balse runtu waa lamahuraan.
Muraayadda waddaniga bal isku eeg!
Si aad u ogaato cabbirka inta aad waddini tahay, fadlan qoddobadan isku eeg, runtana ha geesmarin. Baro, barbaari oo baxnaani walaal heerka waddaniyaddaadu ay marayso.
Maanka ku hay in aragtiyaha ama dareenka waddaniyiintu ay ku kala duwanaan karaan danaha iyo duruufaha gaarka ah ee ay ku noolyihiin. Sababtoo ah habnololeedku wuxuu saameeyaa dabeecadda noolaha.
Haddii aad leedahay waxyaalahan soo socda waxaad tahay waddani.
- Ogaalka Qaranka: Waddaniyiintu waxay xooga saaraan muhiimada uu leeyahay aqoonsiga waddaninimo ee la wadaago, kaas oo ay ka mid yihiin: afkooda hooyo, dhaqankooda iyo sooyaalkooda. Waxay aaminsan yihiin in ummaddooda ay gaar u tahay waana ku faanaan. Saddexdaa side ku tahay? Haddaad saddexdaba qaddariso, barato oo aad bogaadiso waxaad yaqiinsantahay ama aad aqoonsantahay qarankaaga.
- Qaranimo: Qarandhaabayaashani waxay difaacaan madaxbannaanida ummaddooda iyo aayo ka tashigooda. Waxay mudnaanta siinayaan in ummaddu iskeed isu maamusho oo ay go’aan ka gaadho iyadoo aan cid shisheeye ahi faragelin. Ma qarankaal baad tahay mise qarandumis? Ma waxaad ka fekertaa waxa jooga mise waxa iman doona? Hadaad maamulka dalka hanato side baad u maamuli lahayd?
- Waddani: Waddaniyiintu waxay jacayl iyo daacadnimo qotadheer u hayaan, ummaddooda far iyo farraarba. Waxay inta badan muujiyaan inay ku hanweyn yihiin waxqabadkooda, taariikhdooda iyo hiddaha dalkooda. Waxayna u qaybsamaan: hed ogaa, hog ogaa, han ogaa, hub ogaa, hadh ogaa, dan ogaa, dal ogaa, dad ogaa, duunyo iyo duur ogaa, xaq ogaa, xeer ogaa, xukun ogaa, xal iyo xaal ogaa, ikk. Adigu kee baad ka tahay? Mise waad ka maqantahay? Maanka ku hay waxaad ku cabbiraysaa danta guud ee maaha taada gaarka ah.
- Ilaalinta Danaha Qaranka: Qaranxeerradu waxay hormariyaan danta iyo dareenwadaagga habboon ee ummaddooda. Waxa laga yaabaa inay ku baaqaan siyaasad ilaalinaysa waxsoosaarka wershadaha gudaha, korna u baacinaysa tubta toosan ee lagu gaadhi karo isku filnaansho dhaqaale. Sidoo kale, waxay ku baaqi karaan siyaasad wax ka taraysa sugidda amniga qaranka iyo adkayntiisa. Adigu maxaad ilaalisaa? Haddaad ilaaliso sidee ayaad u ilaalisaa? Haddaanad ilaalinna sabab? Intaas uun ma aha ee waxay soo jeedin karaan danaha dalka iyo dadkaba. Maskaxdaada geli diintu inay tahay tiirka koowaad ee dhaqanka.
- Ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka: Waddaniyiintu waxay inta badan xoogga saaraan, ilaalinta iyo horumarinta hiddaha iyo dhaqanka ummaddooda. Waxa laga yaabaa inay ku baaqaan ilaalinta afka, suugaanta, agabka, xeerarka bulshada iyo taallooyinka taariikhiga ah. Adigu kee baad dhawrtaa? Kuwa kalesa maxaad ku diidday? In aad dhawrto diyaar ma u tahay? Haddii ay haa tahay halcelintaadu i soo raac, aynu qaranka wada dhawrnee.
- Xudduudaha iyo Socdaalka: Waddaniyiintu waxay u janjeedhaan inay carrabka ku adkeeyaan, muhiimadda xuduudaha sugan iyo xakamaynta siyaasadaha socdaalka, si ay u ilaaliyaan aqoonsiga qarankooda, kheyraadka iyo wadajirka bulshada. Ma dhawrtaa mise waad dhibtaa?
- Midnimo Qaran: Waddaniyiintu waxay raadiyaan inay kor u qaadaan dareenka midnimada iyo wadajirka muwaadiniinta qarankooda. Waxay inta badan ku nuuxnuuxsadaan muhiimada ay leedahay isku duubnida qaranka, waxaana laga yaabaa inay iska caabbiyaan dhaqdhaqaaqyada ama fikradaha ay u arkaan inay halis ku yihiin midnimadaas. Ma difaacdaa dalkaaga? Sabab?
- Hanka iyo Himilooyinka Qaranka: waddaniyiintu waxay inta badan aaminsan yihiin tayada iyo xoogga gaarka ah ee ummaddooda. Waxa laga yaabaa inay u arkaan waddankooda mid kaga duwan waddamada kale waxyaalo gaar ah oo ay ku cabbiraan guulaha iyo horumarrada ay gaadheen. Hankaagu ma dhaafay haybtaada? Hankaagu ma gaadhay heer qaran? Hugaagu ma kuu yahay haybadaada?……….
Tagtadaada kolkaad garato ayaad mutihin kartaa timaaddadaada. Bar ama baro sooyaalkaaga, si aad u dhayi karto, maalaha bulshadu ka ragaadday. Soo hel xaqiiqooyin kaa yaabiya, kuwo ku xujeeya, dar kaa qosliya ama kuwo aad ku faanto. Isku day in aad wax badan ka hesho madaxdii hore ee dalkaaga, calanka, xayawaanka qaranka, astaamaha caanka ah, caadooyinka bulshada, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, suugaanta iyo cilmiga. Baro, wax kasta oo u gaar ah ummaddaada!
Baro taariikhdaada dhaqan iyo abkaagu meesha uu galo. Dhulkani wuxuu ka mid ahaa waxyaalihhii uu Eebbe (SW) horteen abuuray. Sidaa darteed, dawladaha hadda jiraa si uun bay isugu xirxiran yihiin darbaa caqiido isku raaca, kuwaa isir isku raaca kuwaa dan isku raaca. Asalka Soomaalida raadi oo baadh, runtana ha diidin. Waa kuwee dadkii asalka u ahaa dhulka hadda ah dalkaaga? Maxaa halkaas ka baxa? Xayawaankee ayaa ugu badan dalkaaga? Baro, wax kasta oo aad awooddo oo ku saabsan dalkaaga hooyo.
Faham ayay kaaga baahantahay taariikhda waddamada kale, si aad wax uga barato.
Sida ay muhiim u tahay in aad fikrad fiican ka haysato dhulkaaga hooyo iyo dhashiisa ayay muhiim kuugu tahay in aad kuwa kalena wax ka ogaataa. Waayo haddii aanad aqoon waddamada jiiraanka kula ah, waxay sheegan karaan dhulkaaga hooyo. Fadlan, hurdada ka kac indhahana fur oowaa inaad fikrad fiican ka hesho dalalka deriska sida: Kenya, Itoobiya iwm. Ogow! mawqifka uu dalkaagu kaga jiro aduunka.
Haddii aad rabto in aad waddani noqoto, fadlan, raac tallaabooyinkan aan soo koobay:
- Xambaar oo xansheerka ku adkayso:
Barashada taariikhda dalkaagu waa mid waxtar leh, laakiin sidoo kale waa muhiim in aad la socoto heelka iyo heerka uu haatan dalkaaga hooyo marayo. Ummaddaadu waa mid aad u da’ weyn, oo leh taariikh hodan ah. Baadh, baro oo bayaami!. Yayna baylihin oo bahalo qaadan.
Soo hel arrimaha soo socda. Arrimahee ayuu maanta saameeyay dalkaagu? Waa maxay dhibaatooyinka ugu muhiimsan ee haysta dalkaaga?
Wax ka baro siyaasadda dibadda ee dalkaaga. Sidee dalkaagu ula xidhiidhaa aduunka? Door intee le’eg ayuu dalkaagu ku leeyahay gobolkiisa?
- Dawladdaada ka dhig mid daacad ah intii suuragel ah:
Yaa go’aan ka gaaraya dalkaaga? Ma ku raacsan tahay ama ma diiddan tahay jihada uu dalkaagu u socdo? Haddii aad dareento waddaniyad, hadafkaaga ka dhig waddankaaga. Ku dadaal, kana qayb qaado oo fahan waxa ka dhex socda dalkaaga iyo dawladdaada.
Qaran aan khalad lahayn ma jiro. Tusaale ahaan: Maraykanku wuxuu leeyahay taariikh nacayb iyo cunsuriyad ku salaysan, taas oo illaa maanta saamayn ku leh. Ogaanshaha, cilmibaadhista iyo fahamku kaa dhigi maayaan waddani ee waxaan uga jeedaa baro dalkaaga. Haddii aadan aqoon, waxba uguma taallid e. Waa in aad ku tallamaysaa sidii loo heli lahaa dawlad qumman oo qaayo leh. Waxaan uga jeedaa dawlad ka fogaata ku tagrifalka awoodaha.
- Ka qayb qaadashada dawlada hoose:
Haddii aad danaynayso meesha aad ku nooshahay, ka qayb qaado ololayaasha degaanka, sida: codbixinta, nadaafadda ikk. Codkaaga bixi oo ka qaybqaado doorashooyinka madaxweynaha, wakiillada ama dawladaha hoose.Haddii kale la hadal madaxdaada ama odayaasha magaalada, oo ogow cidda go’aamada kugu xeeran gaadha.
- Muuji hankaaga:
Waddaniyadaada ku muujiso dhar, boodhadh, calan iyo waxyaabo kale oo ku soo bandhig, waayo, horaa loo yidhi: “Afkaaga, ammaani kaagama horrayso”. Fasaxyada qaranka iyo taariikhaha kale ee muhiimka u ahi waa waqtiyada sida aadka ah kuugu wanaagsan, ee aad qof walba ku ogeysiin kartid, meesha aad ka timid iyo sida aad ugu hanweyn tahay.
- Dalkaaga ku caashaq indho furan:
Dal kastaa wuxuu leeyahay sifooyin togan iyo kuwo taban, mana jirto hayb qaran, oo uu waddan, dal kale kaga sarreeyaa. Qaran jacayl macnaheedu ma aha in aad fashilkiisa iska indhatirto ama aad ka aamusto. Waa muhiim in laga digtoonaado. Sidoo kale, waa wax la aqbali karo in lagu jeclaado dalkaaga hiddihiisa dhaqameed, guulihiisa iyo dabeecadiisa gaarka ah.
Gunaanad
Gabagabadii, waddaniyaddu waa cudud xoog leh, oo kor u qaadda jamashada iyo daacadnimada dalka hooyo. Waxay ku beertaa waddaniga inuu ku faano guulaha ummaddiisa, taariikhdiisa, hiddihiisa iyo dhaqankiisa. Shakhsiyaadka waddaniyiinta ahi, waxay inta badan hormariyaan wanaagga iyo danaha dalkooda, waxayna ku dadaalaan: ilaalinta qarannimadooda, horumarinta midnimada dadkooda, ilaalinta aqoonsiga gaarka ah. Iyadoo waddaniyaddu ay ku dhiirigelin karto muwaadiniintu inay si togan uga qayb qaataan horumarka ummaddooda, haddana waxa muhiim ah in la isku dheellitiro jacaylka uu waddankiisa u qabo iyadoo la ixtiraamayo kala duwanaanshaha iyo isku xidhka bulshada caalamka. Waddaniyada dhabta ahi waa inay noqotaa: mid loo dhan yahay, ixtiraam leh, oo lagu raadiyo horumarinta nabadda iyo isfahamka ummadaha dhexdeeda. Waddaniyaddu waa samataliska aayaha waddankeenna.
Raadraacyo
Maansada Soomaali baan ahayWaxaan ka soo ergaday mareegtan: https://somalinimo24.wordpress.com/2014/11/28/gabay-soomaali-baan-ahay-abwaan-yamyam-aun/
Nussbaum, M, & J. Cohen., (Eds) For Love of Country? Debating the Limits of Patriotism, Beacon, Boston, 2002.
Primoratz, I, and A. Pavkovic., Patriotism: Philosophical and Political Perspectives, Routledge, London and New York, 2016.
Qaamuuska Af Soomaaliga ee uu qoray yaasiin Cismaan Keenadiid: 1976 waxaana daabacday: Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Akademiyada Dhaqanka. Waxa lagu soo daabacay Talyaaniga.
W.Q
Maxamed Xasan Cabdullaahi (Geelle)