ZARA YACOB:
FILASUUFKII MAANKA FURNAA
Waxaa qoray Cali M. Diini
“Zara Yacob waxa uu falsafadda casriga ah Itoobiya ku ibafuray isla jeerkii ay ka bilaabatay Ingiriiska iyo Faransiiska.” -Claude Sumner
Gogoldhig
Haddii reer Yurub ay Renè Descartes u aqoonsadeen aabbaha falsafadda casriga ah, Afrika iyo adduunkaba waxaa gar ku ah in ay Zara Yacob u cimaamadaan aabbaha falsafadda casriga ah ee Afrika iyo tan dunidaba.
Dhawr sababood dartood Zara Yacob waxa uu ahaa filasuuf casri ah oo maanfuran (modern and enlightened philosopher). Haddii labo sababahaa ka mid ah aan soo qaadanno, sababta koowaad waa, si ka duwan sidii looga bartay mufakiriinta Afrika, Zara Yacob waxa uu waydiin saaray shakina ka muujiyay dhab ahaanshaha tiirarka kor u haya dhaqanka, caadooyinka, hiddaha iyo diinta asaga oo shuruud ka dhigaya in marka hore tijaabo la galiyo runnimada tiirarkaa ayada oo garaadka la adeegsanayo. Dabadeed baa la kala ogaanayaa inta xaqiiqo biyo-kama-dhibcaan ah iyo inta bug (been) ah. Waxa uu diiddan yahay in wax walba duuduub lagu qaato ama lagu diido. Si kale haddii aan u dhigno, Zara Yacob falsafadda Afrika waxa uu ka dhigay tu dhaafsan oo ka gudubtay darfaha iyo xudduudaha ay dhaqannada iyo diimuhu dhigeen waxa uu na rumaysnaa garaadku yahay midka wax kasta jaangoynaya ama ay tahay in uu bud’dhig u noqdo, waxii garaadka diidana ay tahay in la tuuro waxii uu aqbalana la marxabbeeyo.
Tan labaadi waa in Zara Yacob uu cod dheer ku dalbaday sinnaanta aadmiga, rag iyo dumarba.
Qormadan waxa aan ku soo koobi doonaa noloshii iyo aragtiyihii falsafadeed ee Zara Yacob.
Sooyaal Kooban
Zara Yacob waxa uu ahaa filasuuf mar-la-arag ah oo hortii iyo dabadiiba aan asaga oo kale Itoobiya ka soo bixin, ama guud ahaan Bariga Afrika. Waxa uu ku dhashay Aksum, Itoobiya, sannadkii 1599. Waxa uu na dhintay sannadkii 1692. Culimo Kirishtaan ah oo isugu jirta Itoobiyaan iyo Yurubiyaankii hawlihii missionary-ga u yimid Itoobiya ayuu ka bartay tafsiirka Baaybalka, naxwaha iyo muusigga. Ka dib na afar sano ayuu macallin ahaa. Dabadeed boqorkii Abbasiiniya xukumayay Boqor Susenyos oo qaatay mad’habta Kaatooligga (malaha asaga oo ku raalligelinaya Bortaqiiskii dalkiisa ku soo qamaamay dagaalkii Axmed Gurey ka dib) ayaa waxa uu bilaabay in uu dadkii reer Abbasiiniya ku qasbo qaadashada mad’habtaa.
Dadkii Abbasiiniya oo mad’habta Oortodhokiska ku dhegganaa markii ay ku gacansayreen amarkii boqorkana boqorkii waxa uu bilaabay in uu dadkii ka dhigo wax uu laayo, wax uu xiro iyo wax naftooda la baxsada. Abbasiiniya waxa ay cagaha la gashay khilaaf firqo diimeed oo aad u daran. Zara Yacob waxa uu ka mid noqday dadkii naftooda la baxsaday. Habeen madow ayuu cagaha wax ka dayay ilaa uu galay bohol (cave) ku taal meel u dhow webiga Takkaze. Zara Yacob waxa uu bohoshaas la galay oo gacanta ku sitay kitaabka Psalms (Zabuurtii Nebi Daa’uud).
Zara Yacob labo sannadood oo uu bohoshaas ku jiray waxa uu u go’ay Eebbe tuug, khilaawayn (meditation) iyo akhriska Zabuurta. Waxa uu si daran u dhaliilay dhaqanka wadaaddada iyo diimaha abaabulan (organised religions, Kirishtaanka, Islaamka iyo Yahuudda) asaga oo ku tilmaamay in ay ka weecsan yihiin jidka Eebbe ee toosan iyo caqligalnimada (rationality) iyo garaadka (intelligence and reason).
Labo sannadood mar uu Zara Yacob bohoshii ku jiray ayaa boqorkii Abbasiiniya ka noqday go’aankii kaatooligeynta dadkiisa beegsigiina ka joojiyay. Markaa ayuu Zara Yacob bohoshii ka soo baxay, laakiin Aksum kuma uusan noqone waxa uu galay safar dheer oo uu dhulka Amxaarada ku marayo ilaa uu ugu dambayn tagey tuulo lagu magacaabo Enferaz. Halkaa ayuu shaqo ka helay, nin maalqabeen ah oo Habtu lagu magacaabo ayuu ubadkiisa macallin u noqday. Ubadkaas uu macallinka u noqday waxaa ka mid ahaa wiil lagu magacaabo Walda Heywat. Walda Heywat markii uu ogaaday aragtida falsafadeed ee la yaabka leh ee Zara Yacob ayuu Zara kula taliyay in uu aragtiyihiisa qoro. Aragtiyihii falsafadeed ee Zara Yacob markii uu inta nidaamiyay qoray waxaa ka soo baxay buug yare cinwaankiisu yahay ‘Hataata’. Hataata macnaheedu waa baaris ama baaritaan (investigation).
Laakiin nasiibdarro buuggaas ‘Hataata’ sidaa oo kalena loo yaqaan ‘Hasaasa’ waxaa la helay in ka badan boqol iyo konton sano geeridii Zara Yacob ka dib. Sannadkii 1852 ayaa wadaad Talyaani ahaa oo lagu magacaabi jiray Gusto D’Urbino waxa uu helay qoraalkii Zara Yacob oo uu wehliyo mid uu qoray ardagiisi, Walda Heywat oo asaguna filasuuf noqday. Gusto D’Urbino waxaa soo ururinta qoraallada u diray Antoine A’bbadie oo madax ka ahaa Akadeemiyada Sayniska Paris sidaa oo kale ahaa dhulmareer iyo juquraafi yahan dhalashadiisuna Irish ahayd. Geeridii Antoine A’bbadie ka dib ‘Hataata’ waxaa la siiyay (lagu saddaqaystay) Maktabadda Qaranka (Bibliothèque Nationale) ee Faransiiska. Muddo dambe, bilowgii qarnigii labaatanaad, ‘Hataata’ waxaa afafka Ruushka iyo Laatiinka u tarjumay labo nin oo magacyadoodu ahaayeen Boris Turayev (Ruush) iyo Enno Littmann (Laatiin). Sidaasna ‘Hataata’ waxa uu ku noqday buug falsafadeed reer Yurub u aqoonsadeen mid u dhigma qoraalladdii falsafadeed ee Renè Descartes. Laakiin sannadkii 1920kii ayaa nin ahaa mushtashriq (orientalist) Talyaani ah lagu na magacaabi jiray Carlo Conti Rossini waxa uu faafiyay maqaal uu ku sheegayo in ‘Hataata’ beenabuur yahay (forgery) uu na qoray wadaadkii helay ee Talyaaniga ahaa. Rossini waxa uu ku dooday in aragtiyaha Hataata ku qoran aan sinnaba looga filan karin in ay ka soo burqadaan maanka qof Itoobiyaan ah waayo Itoobiya waa dal si indho la’aan looga aaminsan yahay tafsiirka kitaabka Baaybalka ee mad’habta oortodhokiska taas oo taako aan la dhaafi karin ku horgoysay aragtiyaha xorta ah. Rossini waxa uu carrabka ku adkeeyay in Hataata uu ka yimid meel ka baxsan Itoobiya iyo qof ilbax ah (civilised agency).
Warkii Rossini aqoonyahannadii reer Yurub ee Afrika danayn jiray waa ay rumaysteen sidaa daraaddeed Hataata waa la iska hilmaamay. Laakiin sannado badan ka dib ayaa dib boorka looga jafay waayo waxaa caddaatay in warka Rossini aan lagu qanci karin sababtoo ah Rossini, kow, ma ahayn aqoonyahan aqoon durugsan u leh Bariga Afrika; labo, Rossini waxa uu ahaa cunsuri faashiiste ah sidaa oo kalena ahaa maamulihii maamulkii gumaysiga Talyaaniga ee Eritrea, kana mid ahaa saaxiibbadii Benito Mussolini kaas oo weliba Mussolini siiyay billad Sharaf. Intaa waxaa dheer, 1930yadii Rossini waxa uu faafiyay qoraallo uu ku sheegayo in Itoobiya tahay dal aysan ka suuroobi karin in uu iskii u gaaro horumar ilbaxnimo, sidaa awgeedna ay habboon tahay in Itoobiya la gumaysto si loo ilbixiyo. Sida ay asaga la ahayd.
Ayada oo taa laga duulayo ayaa aqoonyahanno badan baaritaan dheer ku sameeyeen Hataata, dabadeedna waxa ay caddeeyeen in Hataata uusan beenabuur ahayn. In kasta oo weli ay jiraan dadka qaba in Hataata beenabuur yahay.
Falsafadda Zara Yacob
Judha horeba marka aad kala furtid baalasha Hataata waxaa kugu soo dhacaya labo filasuuf oo midkood aad uga horreeyay Zara Yacob midna ay isku waqti noolaayeen. Waa Abuu Xaamid al Ghazaali (1058-1111) iyo Renè Descartes (1596-1650). Abuu Xaamid al Ghazaali, in kasta oo uusan sida Zara Yacob degaankiisi baqo uga cararin, haddana waxa uu kala mid ahaa in uu dhulkiisa ka haajiray asaga runta goobaya. Waxa kale oo uu al Ghazaali kala mid ahaa Zara Yacob ka shakinta waxa uu arkayay, waxa uu rumaysnaa xaqiiqo ahaan, iyo waxa aqoontu tahay iyo runnimada waxii uu dadka kale ka bartay. Sida uu ku qoray buuggiisa ‘Munqidh Mina Dalaal’ al Ghazaali waxa uu is waydiiyay: Sideen ku ogaan karaa in dareen-garashadayda iyo waxyaabaha aan dadka kale ka soo bartay ay yihiin run biyo-kama-dhibcaan ah? Sideen ku ogaan karaa in aanan riyoonayn? Waxa aan arko iyo waxa aan bartay aysan la mid ahayn waxa aan ku riyoodo marka aan hurdo? Ma laga yaabaa in garaadkaygu been ii sheegayo sida uu iigu been sheego marka aan fiiriyo hooska u na qaato in uu taagan yahay oo uusan soconayn jeer ay xaqiiqadu tahay in hoosku socdo.
Al Ghazaali intaa kuma uusan ekaan’e xataa waxa uu ka shakiyay runta biyo-kama-dhibcaanka ah sida in tirada 10 ay ka badan tahay tirada 3. Al Ghazaali waxa uu sheegay in shakigaasi iyo jaahwareerkaasi uu Eebbe ka samatabixiyay ka dib markii uu laabtiisa iftiin ku tuuray, sidaasna uu al Ghazaali kaga baxay ka shakinta runta biyo-kama-dhibcaanka ah.
Si la mid ah sida al Ghazaali, Zara Yacob kama uusan shakin jiritaanka Eebbe laakiin waxa uu ka shakiyay halka runtu taallo waxa uu na is waydiiyay waa kuma xaakimka kala saaraya runta iyo beenta (truth and false) iyo halka uu joogo xaakimkaasi? Laakiin Zara Yacob ka horta inta uusan raadin runta, marka hore waxa uu qiray jiritaanka Eebbe waxa uu na yiri: “Naftu (soul) waxa ay leedahay garaad/caqli (intelligence) ay ku ogaan karto in Eebbe jiro, Eebbahaas oo wax walba og, wax walba ilaaliya, wax walba maamula; Eebbaha wayn ee sarreeya; abaalmariyaha nafteenna, raxmad badane; Eebbe waxa uu na siiyay garaad si aan ugu khilaawaynno waynidiisa.” Intaa dabadeed, Zara Yacob waxa uu is waydiiyay RUNTA waxa uu na yiri: “Waxa ay oranayaan iimaankeenna ayaa sax/run ah, kiinnu waa bug; annaguna dhanka kale, waxa aan ku dhahnaa sidaa ma aha ee kiinna ayaa bug ah keennuna waa run. Mar ayaan wadaad caddaan waydiiyay su’aalo khuseeya iimaankeenna, dabadeedna waxa uu u macneeyay si asaga iimaankiisa waafaqsan; haddii aan Muxammaddiyiinta (Muslimiinta) iyo Yahuudda waydiin lahaa ayaguna waxa ay ku macnayn lahaayeen si iimaankooda waafaqsan; haddaba halkee baan ka heli karaa xaakim runta ii sheega?”
Isla qummanaantaas diimaha Ibraahiimigu tu walba ayadu isla qumman tahay kuwa kalena la qalloocan yihiin darteed baa Zara Yacob ku xambaaray in uu iskii asaga oo qur ah baadigoob u galo runta, asaga oo adeegsanaya garaadkiisa, khilaawayn (meditation) iyo Eebbe tuugid (prayer), qaab u eg sidii Renè Descartes yeelay.
Zara Yacob iyo Renè Descartes waxa ay isaga mid ahaayeen, ka sokow in ay isku xilli noolaayeen oo sannado isku dhow dhasheen, adeegsiga garaadka, khilaawayn, iyo in ay ugu dambayn soo saareen hannaan falsafadeed oo nidaamsan.
Laakiin Descartes waxa uu Zara Yacob kaga geddisnaa ka shakinta iyo burburinta wax walba, sida Eebbe iyo jiritaankiisa qofnimo (his own existence) ka hor inta uusan wax walba sagxadda ka soo bilaabin. Descartes markii uu wax walba oo jira shaki galiyay dabadeedna xooray waxaa maankiisa ka bixi waayay hal shay, EEBBE. Dabadeedna waxa uu qiray jiritaanka Eebbe waxa uu na yiri: “Keliya waxaa igu haray hal aragti (idea) taas oo ah EEBBE, waxaa gar igu ah in aan garwaaqsado haddii ay jiraan wax aragtidan ku saabsan oo aan aniga iga soo unkamin. Waxa aan magaca Eebbe ku qirayaa dhabnimada SHAY (substance/Eebbe) aan xad lahayn, madaxbannaan, garaad iyo awood badan, kaa oo abuuray aniga iyo wax kasta oo jira, haddiiba wax kale jiraan.”
Iimaanka iyo Diimaha Ibraahiimiga
Sidii aan kor ku soo sheegnay Zara Yacob kama shakin jiritaanka Eebbe, sidii Renè Descartes. Haddaba jidkee loo marayaa qabsashada iimaanka (faith) rumaynta Eebbe? Zara Yacob waxa uu qabay in iimaanku uusan ahayn wax lagu dhasho, iyo wax laga soo xambaarto caqiiddada wadaaddada laga meersado. Sidaa oo kale ma uusan rumaysnayn in iimaanku yahay wax aan caqliga iyo garaadka lagu kasban karin ama yahay keliya wax lagu kasban karo ku boodidda iimaanka (leap of faith) sidii uu qabay Sòren Kierkegaard. Taa beddalkeeda Zara Yacob waxa uu aaminsanaa in iimaanku yahay wax la doorto dabadeedna la horumarin karo, maadaama buu yiri ‘Eebbe na siiyay garaad awood badan” ayada oo loo marayo khilaawayn iyo Eebbe tuugis.
Zara Yacob asaga oo farta ku fiiqaya sida aan la isugu hallayn karin iimaanka wadaaddadu dareeriyaan waxa uu yiri: “Iimaanka kuma kasban karno in aan u sii marno caqiiqadda dadka (wadaaddada) waayo dadku waa beenaalayaal. Eebbe adduunka waxa uu ku maamulaa amarkiisa kaas oo uu dhidibbada ugu taagay, kaas oo dadku aysan burburin karin waayo amarka Eebbe ayaa ka xoog badan kan dadka.”
Yacob waxa uu rumaysnaa in iimaanku yahay xiriir shakhsi ah oo ka dhexeeya uumaha iyo la uumaha sidaa awgeedna iimaanku waa uu awood iyo macne beelayaa haddii saddexeeye soo dhexgalo. Sidaa oo kale waxa Zara Yacob aaminsanaa in iimaanku yahay fal maangal ah (rational activity) kaas oo garaadku fahmi karo, haddii taasi dhici waydana waxa Yacob qabay in iimaanku noqonayo nidaam-aaminaad aan maangal ahayn (irrational belief system) si indho la’aan ah la isaga dabakaco.
Zara Yacob waxa uu is waydiiyay in wax walba oo kutubta muqaddaska ah ku qoran run yihiin iyo in kale. Dabadeed waxaa u soo baxday in jawaabtu maya tahay oo wax walba oo kutubtaa ku qorani aysan run ahayn, asaga oo taa caddayn u raadinayana waxa uu tusaale u soo qaatay xeerarka guurka iyo sinnaanta bini’aadanka iyo xeerarka xalaalaynta iyo xaaraamaynta qaybo cunnada ka mid ah ee diimaha Yahuudda, Kirishtaanka iyo Islaamka. Waxa uu yiri: “Garaadkeennu waxa uu ina barayaa in qolyaha dhaha: waxaasi waa xaaraan ay Eebbe beenaale ka dhigayaan; guurku waxa uu ka soo burqadaa xeerarka Eebbe, haddana xeerka xerta Kirishtaanku (Christians Monastic Law) taas waa uu diidaa, taasi waxa ay dabargoyn ku tahay bini’aadanka. Xeerka xerta Kirishtaanka ee guur la’aanta ka sarraysiinaya xeerka guurka ee Eebbe waa bug ma na aha mid Eebbe ka imaan kara.”
Sidaa oo kale asaga oo dhaliilaya guurka dumarka hal ka badan ee Islaamku banneeyay waxa uu yiri: “Xeerka abuurku waxa uu farayaa guursiga in ninku hal naag un guursan karo, waayo haddii ninku toban dumar ah guursado, haddee sow sagaal nin naag la’aani ku dhici mayso? Tani waxa ay ku xadgudbaysaa xeerka abuurka (law of creation) iyo kuwa dabiiciga ah (laws of nature) waxa ayna burburinaysaa qiimaha guurka.”
Mar kale asaga oo dhaliilaya diinta Yahuudda waxa uu sheegay in Muuse iyo Daa’uud dadkooda (Yahuudda) keliya waxbari jireen halka ay qowmiyadaha kale irdaha ka xirteen. Tanina ma aha mid xag Eebbe ka imaan karta. Sida uu ay asaga la ahayd.
Jeer kale, Zara Yacob waxa uu cambaarayn dusha uga tuuray oggolaansha Islaamku ku banneeyay is addoonsiga bini’aadanka asaga oo dhaqankaasi ku tilmaamay xeer nin, waayo caqligal ma aha in Eebbe oggolaado is addoogsiga sida duunyada bini’aadanku suuqyada isugu baayaco.
Mar kale, Zara Yacob asaga oo duraya soonka diimaha Islaamku ka mid yahay waajibiyeen waxa uu ku dooday in ay caqli xumo waalli ah tahay in Eebbe amro in bilaha qaarkood aan maalintii ama habeenkii cunno la cunin, sababtoo ah buu yiri Eebbe “absurdities” ma amro, in maalintii cunnada laga soomo oo habeenkii la cunana waa “ABSURD”.
Aadmi Dhimman
Zara Yacob waxa uu rumaysnaa in bini’aadanku dhimman yahay (imperfect) aqoon ahaan laakiin taa beddalkeeda uu Eebbe siiyay garaad ay aqoonta ku baadigoobaan. Aqoon dhammaystiran Eebbe ayaa iska leh ma na jiraan wax uusan aqoon, ayuu Zara Yacob rumaysnaa. Eebbe waxa uu doonay in aadmigu cilmiga (baadigoobkiisa) noloshooda ku qurxiyaan waana middaa sababta uu Eebbe aadmiga u siiyay garaad iyo awood. Sidaa daraaddeed ayaa Eebbe dhimmanaan nagu abuuray, laakiin waxa uu inoo raaciyay caqli si aan ugu halgannno dhammaystirnaan aan helno inta naftu nagu jirto dabadeedna aan noqonno kuwo u qalma abaalgudka Eebbe inoo diyaariyay.
Sida uu Zara Yacob aaminsanaa, Eebbe si kutalagal ayuu dhimmanaan inoogu abuuray si noloshan adduunyada aan imtixaan ahaan ugu qaadanno, taas oo innaga dalbanaysa is hagaajin joogto iyo horumarin akhlaaqeed. Yacob waxa uu qabay in aqoonta lagu kasban karo Eebbe tuugis iyo khilaawayn joogto.
Zara Yacob waxa uu aad ugu celceliyay adeegsiga garaadka. Waxa uu aaminsanaa in bini’aadanku daciif jilicsan yahay taasina ay bini’aadanka ku xambaarto in uu si fudud u rumaysto beenaha iyo kutirikuteenta. Laakiin bini’aadanku iintaas waxa uu kaga kaban karaa adeegsiga garaadka Eebbe siiyay. Waxa uu aaminsanaa in qofkii runta baadi doona ay runtu si deg deg ah ugu bidhaanto, laakiin waa marka qofkaasi adeegsanayo caqliga saliimka ah ee Eebbe ku uumay.
Qalbiga iyo Aragtidii Zara Yacob
Sida uu qabo Teodros Kiros oo buuggiisa Zara Yacob: A Seventeenth Century Rationalist cutub ka mid ah ku magacaabay Philosopher of the Heart, si ka duwan sidii ay aaminsanaayeen filasuufyadii reer Yurub, Zara waxa uu qabay in qalbigu yahay barta garashada iyo caqliga bini’aadanku ka soo burqadaan, halka taa beddalkeeda culimada reer Yurub rumaysnaayeen in qalbigu yahay xubin qaabbilsan caaddifadda iyo laabkaca, maskaxduna tahay tan garaadka iyo fekerku ka yimaadaan. Zara Yacob waxa uu aaminsanaa in garaadka iyo fekerkuba qalbiga ka yimaadaan maskaxduna kala hagaajinta un oo keliya qaabbilsan tahay. Sidaa oo kale waxa Zara Yacob ku dooday in qalbigu qayb ka yahay jirka iyo maanka labada, uu na qalbigu yahay muruq dhiigga tuura isla jeerkaasna yahay fadhiga nafta (seat of the soul).
Tixraac
Buugaag
Abuu Xaamid al Ghazaali, Munqidh Mina Dalaal (tajumada W. Montgomery Watt).
Claude Sumner, The Treatise of Zara Yacob (waa qoraalkii Zara Yacob oo uu Claude Sumner af Ingiriisi u tarjumay)
Renè Descartes, Meditations On First Philosophy (tarjumada Donald A. Cress)
Teodros Kiros, Zara Yacob: A Seventeenth Century Rationalist.
Maqaallo
Jonathan Egid, “In Search of Zera Yacob: Philosophy in Early Modern Ethiopia”, University of Oxford: https://intellectualhistory.web.ox.ac.uk/article/in-search-of-zera-yacob-philosophy-in-early-modern-ethiopia.
Teodros Kiros, “The Meditations of Zara Yacob”, Boston University: https://www.bu.edu/wcp/Papers/Afri/AfriKiro.htm.