SANADKA SOOMAALIDA.
Soomaalidu waxay leedahay kaltiris soo jireen ah sida kaltirsiga hilaadeedeed ee sanadka Miilaadiga ama Hijriyada, Kaas oo loo yaqaanay DABSHID, NAYRUUSH ama Nayruusba.
Waxa la xusi jiray sanadkiiba hal mar sida ciidaha oo kale, Waxa taas inoo cadaynaysa heestan caanka ah meerisyadan aan kasoo dheegay “NAYRUUSKU WAA CIID, WAA NAGI ADUUNYADA”
Hadaba habeenkani Waxa uu dhici jiray ama uu ku beegnaa habeenka ay bisha ugu horaysa ee Xagaaga (SAMALAHO) ay tahay 20.Aragti kale waxay odhanaysaa habeenkani waxa uu dhacaa hadda dabayaaqada bisha JULAAY 21keeda.
Habeenkan reeraha ama beelaha soomaalida ah ee meel wada dagani way isusoo bixi jireen iyagoo faraxsan, waxaanay shidi jireen DAB kadibna samada ayay u tuuri jireen, Waxa habkaas loo yaqaanay DAB-TUUR.
Arintaasna waxa inoo cadaynaya Meeriskii uu ku lahaa Alle ha u naxariistee ABWAAN QAASIM (* Dabshidkii haduu galo ayaa, Dhuxulihii Daadin).
Isla habeenkan soomaalidu waxay dhigan jireen ALLA-BARI, waxaanay qali jireen Neef adhiya oo lab “ORGI”, dabadeen inta ay haragiisa jeexaan ayay qoorta u sudhi jireen GURIGA ama QAALINTA ugu quruxda badan geela.Habkaasna waxa loo yaqaanay “SABBUUX”.
Isla habeenka dabshidku waa habeenka ay soomaaliddu IDAHA ka gudhiyaan Maqasha, marka ay habeenkan kasoo wareegto 100-120 habeen waxa SUMALKA lagu daraa Idiha, laakiin baryahan danbe wax yaabo badan iska badalay oo waa laga yaabaa in SUMALKA idaha lagu daro iyadoo aanay buuxsamin xitaa Boqol habeen.
Guud ahaan habeenka dabshidku isagoo ah sanadka cusub, BILAHA soomaalida laga bilaabo habeenka uu galo oo ah 20ka bisha Xagaaga ugu horaysa, illaa 60ka habeen ee ku jira labada bilood ee xagaaga ugu danbeeya iyo 90ka habeen ee sadexda bilood ee dayrta ku jira oo lagu daray 40ka habeen ee jiilaalka ugu horeeya, Soomaalidu isku darkooda waxay tidhaahdaa (200 EE HABEEN JIILAAL).
Sidoo kale laga soo bilaabo 20ka habeen ee bisha labaad ee jiilaalka ugu danbeeya ilaa 30ka habeen ee ku jira bisha jiilaalka ugu danbaysa, isku darkooda soomaalidu waxay u taqaanaa (50ka HABEEN EE IS-YEEL YEEL)
Sidoo kale laga bilaabo 50ka habeen ee IS-YEEL YEEL ilaa 30ka ku jira bisha ugu horaysa ee gu’ga haddii uu roobku di’i waayo, isku darkooda soomaaliddu waxay u taqaanaa (SIDEETANLAHA)(80LAHA).
guud ahaan sanadka soomaalidu waxa uu ka koobanyahay 365 habeen, waxa jira bilo 29 ku dhamaada, waxa kale oo jira bilo 31 ku dhamaada sanadka soomaalida.
Soomaalidu sidoo kale waxay dhaqan xeel dheer la wadaagaan CARABTA waayo waxay u adeegsadaan HAL-beeg ahaan dhacdada wakhtigaas dhacday, Sida Nabigeena muxamed SCW, sanadkii uu dhashay loo odha jiray CAAMUL FIIL, iyana sanadkii ay dhasheen rag soomalida aad uga caan ah sida SAYDI MAXAMED,CALI DHUUX iyo barbaarkale loo yaqaanaa sanadkii GOBAYSANE.
Xilli Roobaadka SOOMAALIDA.
Bottom of Form
- GU’
1. Seerma-waydo: – Waa bisha ugu horaysa ee roobka gu’ga dhibicdiisa la arko marka laga reebo saban xumaadka iyo barwaaqo sooranka waayo saban xumaadka waxa laga yaabaa in uu dib uga dhaco xiligii uu di’i jiray roobku, halka laga yaabo in uu hore usoo maro oo jiilaalkii oo aan dhamaan roobku bilaabmo. BIshan roobka da’a waxa ay soomaalidu u taqaanaa GU’ SOOR.
2. Cawl:- Waa bisha labaad ee gu’ga, waxaana bishan sidaad magaceedaba ka aragto loogu bixiyay sida uu muuse cali faruur ii sheegay CAWSHA ayaa aad u dhali jirtay, Bishan dadka qaarkeed waxay u yaqaanaan CANDHO-QOYS waayo waa bisha loogu ladan yahay nolosha reer miyiga oo waa badhtanka gu’ga, xooluhuna aadbay u dhalaan, waana xilliga inta badan uu dhaco guurka soomaalidu.
3. Dirir Sagaala/ Dirir sakaaro:– Waa bisha sadexaad waxaana iyadana dhalijiray sida la sheegay sakaarada,oo lagu magacaabi jiray, Dirirku waa 7god, oo isku koox ah waxaanay soomaalidii hore aaminsanayd hadii dirirku dayasha la fadhiisto in uu khayr badani jiri doono, waxay badanaa soomaalidii hore ku ducaysan jireen, ((ALLAHAYOOW DIRIRKA DAYAXA DUSHA NOOGA SAAR)) sidoo kale bishan dadka qaar waxay u yaqaanaan SED-BUUX waayo waa bisha loogu ladanyahay nolosha reermiyiga, waana bisha badanka sakada la bixiyo sidaan u maqlay.
2. Xagaa.
1. Samalaho:- waa bisha ugu horaysa xagaaga waxaana da’a roob shuux shuuxa oo loo yaqaano CADAR-XAGAA. bishan waxa koonfur kasoo kaca daruuro guulaamaya oo wata qabaw iyo tiix badan oo leh onkod laakiin ma biyo dhigaan dhulka sida la ii sheegay. Bishan xooluhu kuma xasilaan geedaha, ruuxii shaqo qabsan lahaana waxa ka habsaamiya baqashada roobkaas uu ka jirsanayo.
2. Karan:- bishani waa bisha labaad ee xagaaga waxaana da’a roobka loo yaqaano XAYSKA oo aan soo dhaafin dhulka gubanka ah ee xeebta u dhaw. Bishan deegaanada qaarkood waxa looga yaqaanaa DIXILE. Bishan waxa aad u dhala riyaha taasina waa sababta ay dumarka soomaalidu ugula baxeen magaca DAR-DHIGA.
3. Waran-weer:- bishani waa bisha sadexaad ee xagaaga. Bishan dhirtu waxa ay bixisaa ubax udgoon oo kadibna waxa ka dhasha dhirta qaarkood cayayaan loo yaqaano DHUUG. Dhuugu waa xayawaan badanka geela cuna oo aan lagu mahadin. Waxa kale oo bishan la dareemaa kulayl aad u badan waayo wax bishan dabayaaqadeeda ama dhamaadkeeda kadib bilaabma roobkii Dayrta. Deegaanada qaar waxa looga yaqaanaa Maal-madoone.
3. DAYR.
1. Dayr Halalood:- Bishani waa bisha ugu horaysa ee dayrta, waxa laga sheegaa soomaalidii hore inay magaceedan ugu bixiyeen ama ay odhan jireen, “Dayrtu waa Innan oo(Gabadh oo) way xishootaa oo maalintii matimaado ee habeenkiibay da’daa”. Taas oo la leeyahay magaca Halalood wuxuu markii hore ahaa Hablood.
2. Dayr Habis:- Waa bisha labaad ee dayrta. Bishan kamaan helin wax macluumaad ah oo aan ka ahayn in deegaanada qaar looga yaqaano DAAF.
3. Dambarsame (Gudban):- waa bisha sadexaad ee dayrta, waa bil aad u dhaxan badan oo deegaanada qaar looga yaqaano DAYRO-DHAAF. Waxa kale oo la yidhaahdaa bishan GABADDANO oo looga jeedo Dhaxan badan oo dabayl wadata.
4. JIILAAL.
1. Daalalo: – waa bisha koowaad ee jiilaalka ugu horaysa, xooluhu adhi iyo ishinba way oomaan.
2. Toddob: – waa bisha labaad ee jiilaalka, bishan waxa da’a roob lagu lug’ go’o oo aan la mahadin oo loo yaqaano NAYLO-JALIYE. Waa roob dhulku liqo maa; daama oo aanu mudo 40neeyo ah qalalnaa.
3. DAYDO/DIRAAC: – bishani waa bisha sadexaad ee jiilaalka, deegaanada qaarkood waxa looga yaqaanaa inay tahay GU’ inay tahay, waana deegaanada galbeed ee roobka GU’gu kusoo horeeyo marka loo eego dhanka Bari. Deeganada qaarkoodna waxa haysata abaar aad u daran iyo kulayl xad dhaaf ah, waayo dhamaadka jiilaalka ka dib waxa bilaabma roobkii gu’ga.
Waxa inoo cadaynaya inay bishani GU’ iyo Jiilaalba tahay heesahan caanka ah.
GU: – “Sida DIRAACDOO, dalkeena haysa, ama dhul dooglaad, qalbiga deeqdee”.
JIILAAL: – “Inanyahay DIRAAC iyo, Dirir hooray kala wacan.”
MAALMAHA SOOMAALIDA
Sida aan ka helay qoraal uu Internet.ka uu ku qoray Qoraa sare BOOBE YUUSUF DUCAALE waxa uu u dhignaa sidan hoos ku qoran.
Wuxuu yidhi [“Aniga iyo Xasan Sh.muumin waxa na dhex maratay sheeko ku saabsan magacyada maalmaha soomaalida lagasoo bilaabo 1993kii, 7 sano ka dib oo ku beegnayd 3dii bishii May ee 2000 ayaan Xasan oo ah Aabihii Hiddaha iyo Caadooyinkii soomaalida gabigeedaba waxaan kula kulmay Gurigiisa oo ku yaala Boorama aniga oo wakhtigaa u tagay cilmi baadhis aanu u wadnay Akaadamiga nabada iyo horumarka. Galabtaas ayaan mar labaad waydiiyay Su’aashii ahayd (Magacyo Maalmood Malahayn ka hor intaynaan isticmaalin Maalmaha Carabiga?) waxaanu ku jawaabay {{{{HAA}}}}.
((Waxaynu lahayn Magacyo Inoo gaar ah balse carabta ayaa dhulkeena kusoo duulay oo Afrika dalal ka mid ah siday ugu soo duuleen ayay inagana inoogusoo duuleen. Duulitaankooda waxa ay kusoo gabanayeen magaca DIINTA. Duulitaankoodaa waxa ay ku dhaqan iyo luqad badaleen wadamo badan sida MASAR, LIIBIYA, AL-JEERIYA, TUUNIS, MAROOKO iyo MURITAANIYA.”]
Hadaba sida aan ka xaqiijiyay qoraalo badan iyo abwaano waawayn, waxa jira sadex nooc oo magacyo ah ila eega waa ku wane.
—-Qaybta 1aad————-Ku salaysan XIDIGISKA
1. Agaali (Sabti).
2. Case (Axad).
3. Lamme (Isniin).
4. Sade (Salaasa).
5. Carte (Arbaca).
6. Uguux (Khamiis).
7. Agaax (Jimce).
—-Qaybta 2ad————-Ku salaysan dhacdo farxadeed.
1. Nagaad (Sabti).
2. Sunni (Axad).
3. Sanni (Isniin).
4. Koodaar (Salaasa).
5. Goonyaad (Arbaca).
6. Ugbaad (Khamiis).
7. Hoyaad (Jimce).
—-Qaybta 3aad————-Ku salaysan Ciyaar madadaalo oo deegaanka waqooyi looga yaqaano BIITOOY LAABO nooc ka mid ah hababkeeda.
1. Sooroga (Sabti).
2. Koobin/Koowin (Axad).
3. Laammin (Isniin).
4. Lamatoka (Salaalasa).
5. Koodaar (Arbaca).
6. Hakisa (Khamiis).
7. Hakis-Bila (Jimce).
Sadexdan mid uunbaa laga qaadan karaa, waxaana la hubaa in labada qaybood ee hore ay yihiin kuwo da’a wayn halka ka sadexaad lagasoo wariyaya ABWAAN XASAN SH.MUUMIN (ALLE HA U NAXARIISTEE) kolba kii aad qaadataa waa kuu sax inkasta oo deegaanba qaar ka caanyihiin.
HADII markaa aynu ku darno qayb kale oo ka gudbadhigan (turjuman).
Midda Carabtu adeegsato:
1.Manayso (Sabti)
2.Malkow (Axad)
3.Mallabo (Isniin)
4.Malsed (Salaasa)
5.Malafar (Arbaca)
6.Malshan (Khamiis)
7.Malkulan (Jimce)
Qaybtan dambe waxaa gudbadhigay Siciid. “Mal” waxaa loo soo gaabiyey, aragtidayda, “maalin.” Malkow waa “maalinta koowaad.” Sidaas baana loo sii wadayaa.
Midda ingiriisku adeegsato:
1- Malqor:- Sunday (maalinta qorraxda),
2- Malday:- Monday (maalinta dayaxa),
3- Maldus:- Tuesday (maalinta Tiw[Mercuty],[Dusaaga]),
4- Malwod:- Wednesday (maalinta Woden,[Venus], [WaxaroXidhka])
5- Thursday (maalinta Thor,,[Mars], [Farraaraha])
6- Friday (maalinta Frigg,[Jupiter], [Cirjeex])
7- Saturday (maalinta Saturn, [Saturn],[Raagaha]
Top of Form
WAKHTI BEEGA SOOMAALIDA.
Caano maal: – Waa 12 saacadood oo ay qoraxi soo jeedo ama ay dhacday (HABEEN, MAALIN).
Maalin: Waa inta qoraxdu soo jeedo.
Habeen: Waa inta qoraxdu samada ka maqantahay.
MAALIN GALIN HORE:-
1. Arooryo: saaacad badhkeed ka dib markay cadceeddu soo baxdo.
2. Barqo-yar: Arooryo ilaa 8.30 saacadood,
3. Xiksin: 8.30 – 9.30,
4. Barqo-kulul: 9.30 – 10.30,
5. Hadh-soo-kor: 10.30 – 11.30,
6. Hadh: 11.30 – 12.30,
MAALIN GALIN DANBE:-
1. Duhur: 12.30 – 14.00,
2. Duhur dabadii: 14.00 – 15.00,
3. Casar dheer: 15.00 – 15.30,
4. Casar: 15.30 – 16.30,
5. Casar gaaban: 16.30 – 18.00,
6. Maqrib: 18.00 – 18.30,
HABEEN GALIN HORE:-
1. Fiid: 18.30 – 19.30,
2. Caweys: 19.30 – 21.30,
3. Saq dhexe: 21.30 – 02.00,
HABEEN GALIN DANBE: –
1. Jiidh: (Dawn)/Doomay: – xilliga suxuurta (3:00 am).
2. Arooryo Hore: Cadceed soo-baxa ka hor, (4:00 am).
3. Waaberi: Sagalka cadceed soo-baxa ka soo horreeya, (5:00 am).
4. Arooryo: 06.00 – 06.30,
Afkeena soomaaliga waxa intaas u dheer socdaaladooda waxay ku saleeyaan wakhtiga ay ku suganyihiin hadba.
1- Waa-bari → Jarmaado”
2- Hadh → boqoole
3- Galab → carraabo
4- Fiid → hoyasho
5- Caweys → dheelmasho
6- Saqdhaxe → guure.iyo
7- Jiidh → kallahaadBottom of Form
CILMIGA XIDDIGAHA (Astronomy)
Diinteenu maxay qabtaa cilmiga xidigaha ama in la barto godadka dayaxa?
ILAAHAY KOREEYE, wuxuu quraankiisa ku leeyahay: –
(وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ), Suratu yuusuf wuxuu ilaahay inoogu sheegayaa sidan (“DAYAXA WAXAANU U SAMAYNAY MANAAZIL AMA GODAD UU DAGO IYO JID UU KU SOCDO ILAA UU KUSOO NOQONAYO HALKII LOOGU TALAGALAY”).
Sidaa darteed, barashada cilmiga xidigaha waxba Kama qabto diinteenu in labarto, balse waxa uu inoogu sheegay inay xiddiguhu yihiin quruxda samada “وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْبُرُوجِ” Ilaahay wuxuu ku dhaaranayaa samada iyo Xiddigaha u saxiibka ah.
Ogaada akhyaareey, DIINTEENA SUUBANI MA OGOLA shay kasta oo wax lagaga sheegayo QAYBKA ILAAHAY. Rabbi Korreeye wuxuu leeyahay
(قُلْ لَا يَعْلَمُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الْغَيْبَ إِلَّا اللَّهُ) Qul: waxaad tidhaahdaa Nabi alloow Waxba Kama ogi Cilmiga Samada iyo Dhulka balse ilaahay uunbaa OG cilmigooda”.
Intaa hadii aan kaga gudbo waxay diintu ka qabto, Waxaynu uga hadlaynaa barnaamijkan in aynu ku barano afkeena hodan nimadiisa iyo heerka uu ka gaadhay cilmiga xiddigaha, balse waxaynu iskaga digaynaa xumaantii iyo curaafnimadii loo isticmaali jiray xiddigaha ee faalka u badnaa waayo ilaahay cadaabtiisa ayaa lagu mudanayaa hadii lagu dhaqmo wuxuu kaa nahyiyay Nabigeenii subaana S.C.W
HORDHACA GODADAKA DAYAXA IYO XIDDIGISKA
in dhaqankeena meel wayn kaga jirtay waxa ina tusaya.
Abwaankii waynaa ee Cabdi Gahay (AHU) wuxuu yidhi:-
* Affagaale Urur soo baxaan, Uur haween galaye,
* Hooyadayba Aar gudaya bay, Aragtay waagiiye.
Abwaan haybe (AHU) wuxuu yidhi:-
* Haddaan saxal wareegeysta iyo, Kawshax idin waalin
* Haddaan cirirka soo waantiyaa, idinku soo weecan
* Haddaan wahanka Naaf soommanaa, waaban degelkiinna
Abwaan Xasan ganay waa kii lahaa:-
Fooxlaha, faraaciga tarmiyo, faal rogrogitaanka
Faruuryaha runtii diidayee, fidiya daacuunka
Fahmo-xumada shicibkii heshiyo ficilkan yaa keenay?
Hal-abuur Weedhsame qudhiisu wuxuu yidhi:
* Garba raar guduudkii ximraha, kooshin garab yaalla
* Gudban iyo garbiyo daalalada, cirirka guurguura
* Jidka gacanle afagaaladiyo, dirirka guudkeena
* Garbi mooro taalliyo god baas, guusha laga raadi!!
Gogol dhiga barnaamijka Xiddigaha iyo Godadka dayaxa.
Waxa uu dayaxu soo baxaa 28 habeen, Habeenkastaaba wuxuu leeyahay magac ay ku naanaysaan oo ah hadba xidigta uu la fadhiyo DAYAXU, balse hadii aanu la fadhiyain dayaxu xiddig ee uu laba dhexdood fadhiisto waxa looyaqaanay iyana KARMO, ama waxa la yidhaahdaa wuu KARMEEYAY. Dayaxu inta habeen ee aanu soo bixin waxa layidhaahdaa DUBAD, ama dayaxi wuu DUBADAY.
Markasta waa in aad ogaataan in CILMIGIA XIDIGAHA IYO XIDDIGISKU ay isku yihiin sida Qabiil iyo Qabyaalad oo ka horena banaan yahay ka danbana reeban yahay.
GODADKA DAYAXA.
Dayaxu wuxuu soo baxaa 28 habeen, laba heebna wuu dubadaa. Hadba dhawr hab ayaan helay oo 28 GOD magacyadooda loo yaqaanay.
1. Habka koowaad:-
————Todobada Raqaha (Guga)
1. Faraaci/Godan/Hoggaan
2.Listan
3.Lixo/Urur
4.Cadcaad/Laxo-kor/gal-gaal/Lax-mar
5. Aggaalli-guduud/Aggaalli-waranley/Saco
6. Aggaalli-cad/Aggaalli-caanood/Saco-ka-dambeye
7. Afaggaal/Durdur
———–Todobada Naafaha (Deyrta)
8. Naaf-cade/Canbaar
9. Naaf-madoobe
10. Naaf-sagaaro/Afqeys/Tar
11. Majin/Dhayle
12. Koxdin/Kuxdin-awr
13. Naaso-gaallo/Dirir-dhawr
14. Dirir
————Todobada Daalaliga (Xagaaga)
15.Garbo
16.Bayaxow/Kabrasan/Garbo-dambe
17.Gudban/Dameer
18.Libcas
19. Xoor/Dalaallo-xoorey
20. Mareego dheer/Uur-weyn-dambe
21. Madhan/Baho
———–Todobada Cirirka (Jiilaalka)
22. Cirir/Faruur
23. Jed/Jed-gabbarre
24. Jed-dhiriqle/Ridmo
25. Jed-gacanle/Ban-horo/Kuman-hore
26. Rad dambo/Kuman-dambe/Jed-dhuruqle
27.Joog-madoobe/Duganti/Cirir-duugato
28. Meecaad/Farangaag/Meecaad-Gibille
Xigasho:- Qoraa, Hal-abuur da’ yar Maanmaal Buureed Gurxan
2. Habka labbaad:-
1. Xagaa (summer) is marked by
• Naaf group:
1. Naaf Cadde (white naaf),
2. Naaf Madobe (black naaf),
3. Afqoys,
4. Kuxdin Hore,
5. Kuxdin Dambe,
6. Dirir-day (semi-dirir), and
7. Dirir.
2. Dayr (autumn) is marked by
• Dalalle group:
1. Garbo,
2. Gudban,
3. Lib Casse,
4. Hor Dameer,
5. Hor Cadde,
6. Mareega-Dheer, and
7. Bah.
3. Diraac (winter) is marked by
• Faraci group:
1. Faraci,
2. Listaan,
3. Lixo (the six),
4. Cadcad,
5. Saco (the cows),
6. Nujusi, and
7. Afa-gaal or Naasa-Gaal (camel’s breasts)
4. Gu (spring): is marked by
• Cirir group:
1. Faruuryo,
2. Jid Gabarre,
3. Jid Gacanle,
4. Jid-Dhiriqle or Dheregle,
5. Rab Hore,
6. Gog Madobe, and
7. Rab Dambe.
Xigasho:- http://en.wikipedia.org/wiki/Somali_calendar
3. Habka Saddexaad: –
Faraaci:–
1. Foocaar
2. Godan
3. GodXoor
4. Laxo
5. Laxmar
6. Agaali Caanood
7. Agaali Waranley
Naafo: –
1. Affagaale
2. Naafo-cadde
3. Naafo Madoobe
4. Tar
5. Kuxdin awr/Koxdin awr
6. Kuxdin Cawo/ Koxdin cawo
7. Mijin.
God Dirir:-
1. Babac
2. Bayaxaw
3. Garbo
4. Gudban
5. Libcas
6. Madhan
7. Mareego dheer
God Cirir:-
1. Faruur Cirir
2. Jid Gabarre
3. Jid Canbaar
4. Jid Barbaar
5. Jid Dhiriqle
6. Rab Hore
7. Rab Dambe
Xigasho: – Xiddigiye Maxamed Muuse (Cag-jar)
Top of Form
AFEEF:-
Danbi wayn weeye in la aamino quraafaadka iyo wixii qayb ka waramaya ee ruux kuu sheego balse waxaynu u baranaynaa inay ahaanjireen Caadooyin iyo Dhaqan jaahili somalideenu kala sinayd wadamada caalamka wakhtigaas.
15 GOD oo Dayaxu Dago iyo Waxa loo yaqaano qofka dhasha.
1. Mareego dheer: – Godkan Somalidu Gabadha dhalata waxay odhan jireen waa Xoolo-badi waliba reerka ay u dhaxdo ayay hodan ka dhigaysaa, sidaa darteed yaradkeedu wuu ka badnaa ka gabadha caadigga ah.
2. Madhan: – Godkan waxa la yidhaahdaa ruuxa dhashaa taran badan ma yeesho, oo ubad wuu ka madhanyahay.
3. Libcas: – godkan waxa la yidhaahdaa ruuxa dhasha ayaan iyo cawo u gaar ah ayuu leeyahay. Ama waa qof hibo leh.
4. Koxdin awr: – Godkan Ninka dhasha waxa la odhanjiray Geelu uma batto.
5. Tar: – Godkan ruuxa dhasha waxay soomaalidu odhan jireen Tolkiisuu u wanaagsanyahay sida Xagga talada, U gargaarka, Wax siinta iyo wax alaale iyo wixii ay u baahnayihiin. Waxay somalidii hore ku maahmaahi jireen, Naftaadana Naaf u dhalo, Tolkaagana Tar u dhalo.
6. Naafo Madoobe: – Godkan ruuxa dhasha waxay soomaalidu tidhaahdaa waxa uu noqdaa Hogaamiye ama Aftahan ama Qof- sharaf leh iyo magac leh.
7. Naafo Cadde: – Godkan qofka dhasha soomaalidu waxay tidhaahdaa Taran iyo Tigaatin ma dhigo, waxaana laysku habaari jiray baryihii hore “Naafo Cadde’ reerkaaga bi’isay “
8. Mijin: – Godkan soomaalidu waaxay tidhaahdaa ruuxa dhasha wuu Lexe-jeclo Xun yahay oo hadii wax looga baahdo maba quudho.
9. Maraq dhiigle: – Godkan soomaalidu waxay tidhaahdaa ruuxa dhasha wuxuu noqdaa qof dagaal badan oo aan budhka iyo toorayda marnaba dhigin.
10. Agaali Caanood (Xoorey): – Qofka dhasha soomalidu waxay yidhaahdaan waa qof Xoolaha u xanaano badan.
11. Bayaxaw: – Godkan ruuxa dhasha soomaalidu waxay u taqaanaa inay baadidiisu iska timaado oo aan ladoonin hadii ay lumaan, sidoo kale qofka dhashaa waa qof maal badan yeesha ayay aaminsanaayeen.
12. Garbo: – ruuxa dhasha waxa la odhan jiray geelba Faruurta ma qabto (Ma raaco/Ma maalo/Ma arooriyo) ama ma qabto hawlaha faraha badan ee geelu leeyahay. Badanaa ruuxan waxa ay soomaalidii hore u diri jirtay haduu Nin yahay Wax barasho, Badanaana wuxuu ku danbayn jiray Wadaad.
13. Godan: -Soomaalidu waxay tidhaahdaa godkan ruuxa dhashaa GOBLAN ama GAAJO mid uunbaa u danbaysa.
14. Gudban: – Godkan ruuxa dhasha soomalidu waxay aaminsanaayeen in uu noqondoono Aftahan ama Shiishaa khatara.
15. Laxo: – Waa urur xidigo ah oo ka kooban 6 xiddigood taas oo soomaalidu ay tidhaahdo (Markay Laxo Dhacaanbay Laxo Dhashaan) oo macnaheedu yahay IDUHU intuu dayaxu laxaha la daggan yahay ma irmaanaadaan.
Qoraaga Barnaamijka: – Cabdirisaaq Xuseen Guuleed.
Xigasho:-
BUUGA XILITIRSIGA SOOMAALIDA EE MAXAMED AXMED BADAL
W/D Cabdirisaaq Xuseen Guuleed.