Taf aan dhalin dharabi ma qabato Q3AAD

Taf aan dhalin dharabi ma qabato Q3AAD
Markii Islaantii wiilka Umulisay wiilkii ogaatey inuu xog mooge yahay ayay tidhi.
Wiiloow godob baan kaa galay adiga iyo hooyadaaba, Aabbahaa ayaanna igu jujuubey ee Islaanta darxumeysan baa ku dhashay oo Hooyadaa ah, Tan kale muquunaa, laguu siiyey wiilkeediina waa dhintey.
Anigaana haddimadaa ka shaqeeyey ee ama i dil ama iska kay cafi.
Wiilkii ayaa jidhku dubaaxiyey, waxa uuna dareemay laxawgii uu hayn jirey in uu jirey dhiig isu jiidayey, waxaa u soo baxay, Hadalkii Aayadii ama Eedadii Aabbe ee nin ku jecel dad nool nool ayuu kuu huri karaa.
Waxaa marag u noqday godobta laga galay hooyadii in xoolaha oo dhan ay ku magaacaban tahay Aayadii, hooyadiina Xayn adhi ah oo Ahminka ama Jarka ka soo baxa lagu maamulo, Irmaankeedana lala leeyahay.
Maalinkaa kaddib ayuu go’ aansaday in uu Hooyadii hantida ku wareejiyo, Caanihii geela iyo lo’da ayuu haamo uga buuxiyey.
Gurigiina mid kii Aayadii ka weyn ayuu u dhisay, Dharkiina waa ka bedelay, Badarna waa u buuxiyey, Habeen walbana Adhigii xerada kale ayuu neef uga qalay.
Islaantii korsatey baa ka xanaaqday is beddelka wiilka iyadoo dareen ku jiro ayey tidhi, Islaantaan Qumayada ah, Aabbahaa iyo wiilkeediiba iyaday sababsadeene waa maxay naxariistan badan ee aad wadaa?
Wiilkiina waxa uu yidhi” Haddii Aabbahay shalay kuu eexday Eeddo ” Taf aan dhalin dharabi ma qabatee” Maanta adigaa Adeegto, xoola raac iyo xaasaminba lagaa rabaa, Hantidana Hooyadaybaa leh.
Islaantii talaa ku caddaatey”War hooge yaa kuu warramey bay tidh?
Markaasuu yidhi Islaantii Umulisada ahayd, ii hooyadey iga qaaday iina kaa soo xaday.
Naxdintii ayey islaantii Eedada ama Aayada ahayd la dhul dhacday, Carìgiina sheekadii baa ku faaftey, iyana waa ka hayaantay
Hooyadii dhibanaydna Nabsigaa u hiiliyey oo hantidii iyo wiilkeediiba iyadaa hanatey oo u hadhay.
Dhammaad.
Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

SHEEKOOYIN