Taf aan dhalin Dharabi ma qabato Q2AAD

Taf aan dhalin Dharabi ma qabato Q2AAD.
Haweenaydii waxa ay yeeshay dhagartii loo hadoodiley, Tii la rabayna waxa ay u riyaaqday in loo dhacay ilmo aysan dhalin.
Dhibka oo dhana waa hagardaamada iyo haddimada uu ninku falkiyey.
Wiilkii waa korey, waxa uunna marag ka ahaa gefka iyo gardarada lagu hayo haweenayda kale.
Inkastoo uu ka digiigixoon jirey oo uu inti uu awoodo u gurman jirey.
Haweenaydii buulkii ayey ku duqowdey, waanna awood gabtey, haddana cidna uma dhimriso uma naxariisato, Adhiga iyadaa raacda, iyadaa lista oo lusha, baadidii maqan goobta, dadka deegaankoo dhami waa ku digtaan kuna wiirsadaan.
Waagii dambe odaygii waa dhintey, waxaa taladii reerka ka wareegay, Wiilkii,isaguna sidii Aabbihii ma yeelin, ee geela markuu soo liso ayuu caanaha la soo maraa, Islaanta haddii la guuro waa caawiyaa, laxaw badan ayuu u qabay, Maalintii dambe ayey sheekaysteen, markaasuu weydiiyey, Weligaa, Carruur ma dhalin miyaa ? Intey murugootey bay si hoose u tidhi” Habeenkaad dhalatey ayaa wiil kula da’ ahaan lahaa ii dhashay, mase sii raagin oo waa dhintey isla habeenkii.
Way ilmeysay iyadoo eedaysane isu aragta iyo in ay dishay ilmaheedii.
Ammin kaddib ayaa galabtii dambe haween isugu yimaadeen hoos galbeedka Haweenaydii wiilka la siiyey, Wiilkiina waxa uu ku jiraa aqalka waanna maqlayaa hadalka haweenka oo dhan.
Markaasaa faallo iyo sheeko la galay,Jacayl baa laga sheekeeyey, Markaasaa haweenaydii Wiilka loo dhacay tidhi, Ninkaagu hadduu ku rabo oo ku jecelyahay xitaa qof nool buu ku siin karaa,
Dumarkii kale ayaa weydiiyey sidee, Qof laysu siiyaa, kaddib waa is dhaafsiisay hadalkii.Wiilku waa maqlayey, mase garan ujeedada.
Maalinkii dambe ayaa isaga oo geeliisa dhex jooga ku soo baxday, Islaan duq ah oo rafaadsab Darxumo ka muuqato, waa uu soo dhaweeyey, biyo iyo caano ayuu siiyey, way haybsatey, markuu isu sheegaynay waa garatey inuu yahay, Wiilkii ay hooyadii ka xaday haweenayda kalena siisay.
Aad bay uga qoomamaysay haddimadii ay gashay iyo in qoyskeedii oodhami sababsaday oo markay noqotey, Ubadkeedii iyo ninkeedi, wax dagaal ku dhinta iyo wax mas cunay ay noqdeen,Nabsina uu helay.
Markaasay wiilkii ka wareysatay, Qoyskooda, waxa ayna ogaatey, in aan waxba is bedelin.
La soco qaybaha kale
Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN