Gorfeynta buugga Hilaadin
Ilaahay ayaa mahadda iska leh, ee ii suuragaliyay, inaan dhammeeyo buugga Hilaadin, ee uu qoray Bashiir M. Xesi, daabacad ka sokow, 2017 la bandhigay. Waxaan ka cudurdaaranayaa buugga oo I soo gaadhay 03/03/18 hawlo awgeedna aan u haleeli wayay aqrintiisa. Hadda, waxaan idin la wadaagayaa wixii aan u arkay inay mudan tahay in la xuso haddii ay dhaliil tahay iyo haddii ay tahay waxa laga faa’iidaysan karaba.
Intii aan akhrinaay buugaagta ku qoran afsoomaaliga waa buuggii aan arkay, ee ay ku dhammaystiran tahay wixii qoraal lahaa, sida; hawraar, aar, dhiirrigalin, waxsheeg, su’aal iyo warcelin, tibaax ,tusaalayn IWM.
Runtii waa buug aad looga fikiray, juhdi badanna la galiyey.
Haddii aan u daadago wixi aan buugga kala kulmay ciwaannadiisuna badan yihiin, oo ay ka mid yihiin
WADAAD WELI MA AHAN, DHALLIN DHADHABAYSA! ISBADDALKA ARAGTIDA AADANAHA, BOOBKA HAL ABUURKA! GANACSATO MISE GANATO, ISBORRID, IQK.
HAN YEELO:
Waxaan soo qaadanayaa erayo uu qoraagu ku muujiyey inaan xaglo laaban xoolo ku imaanin.Sida uu qoraagu sheegay, waxaan bartay in wax hiigsi walba u baahan yahay dedaal, dulqaad iyo dabajoog badan. Haddii aad hanyeelato waxaad gaadhaysaa himiladaada.
* Dan aan dan loobaajin dan maaha.
* Nin danleh ma daalo.
* Dadaala wuu gaadhaa.
* Xaglo laaban xoolo kuma yimaadan.
* Socdaa sed hela.
* Ha dayrin maalintaada, si aad hadhaw u maasho.
* Dibudhigashadu waa dilaaga kanshoda(fursadda)
* Hawl aan ku hurayn horaa loo qabtaa.
* Hankaagu waa guushaada, sida guushaadu u tahay hankaaga.
Tusaale :(Ha ka waxtar yaraan aboor). aboorku waxa uu kamid yahay farsamoyaqaannada awooddoda iyo hawshoodu ay aad u kala wayn tahay, marka ha ka liidan aboor. Hal ku dhagga ayaa ahaa waa yaab iyo la yaab iyo la yaabka yaabkiisa. Waa yaab aboor dundumo dhisay, waa la yaab habeen buu dhisay, waa la yaabka yaabkiisa candhuuftiisa ayaanu ka dhisay! Dundumo aboor dhisay maxay taraan?
A: mar waa hooy, oo habardugaag iyo xamaarataa gasha.
B: mar waa hadh, oo waa ta la yidhaa (dudduni dareensi iyo duggashi ma wada laha)
C: marna waa tilmaam /hummaag.
QOFKU INUU XOR AHAADO HIMILADIISA YAA KU JIRTA
“Maskaxdaadu yay noqon
Maqaal lagula leeyhay
Yaan toban muftaax iyo
Lagu furan masaabiir
Waxad shalayto mudatiyo
Mahadhada xusuusnaw
Halkii qorigu kaa muday
Mar labaad lugtaadiyo
Cagtu yaanay kula marin!”
Ibraahin Sheekh Saleebaan (Gadhle)
Qoragu waxa uu u qaybsamaa;
A: qoraa curis iyo hal abuur curad ku ah
B: qoraa cuskada tarjumid iyo afcelinna kale
C: qoraa qalimaysta, oo qormooyin qoraayo kale, si kale u qorqora.
Dadku saddex ayay u qayb samaan;
1: madax ku cirroole (wayeel)
2: maan ku cirroole (waayo arag)
3: mijo ku cirroole (dalmar/dhulmar)
ISBOQRID:
Waxa uu tusaale u soo qaatay sida dhaqankii is ku badalay: Ugaas bug ah, duub boob ah, imaam been ah, suldaan xoog ah, malaaq muruq ah, wabar weecsan, boqor boojo ah, nabadoon naar afuufa IWM. Sida uu isku badalay dhqankii soomaalidu: dhuuniqaate, dhaqanbi’is,dhagarqabe, dharaarmaal, dhawaaqxume, dhiillowade, IQKB.
Runtii waa buug aad aqoon af, dhaqan, hidde iyo ogaal bulsheed aad ka baran doonto, weliba dhallinta heer jaamacadeed gaadhay, ee aan fursad u helin, in ay miyi tagaan ama aqoon badan u lahayn dhaqankii hore iyo aragtidii bulsheed ee jirtay.
Waxaan bogaadinayaa qoraaga waqtigiisa geliyey, oon mahadcelin badan u dirayo, anaga oo buugaag kale uga fadhinno, in u bulshadeenna ku baraarujiyo, oo baahi badan u qabta baridda afkeeda iyo dhaqankeeda.
W/D: Abdikani Jama