GARBADUUB Q35AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q35AAD

Guhaad kaddib  dilkii Bile dheere wuxuu dareemay inuu gabboodfal weyn geystay,  waxaanna la soo deristay hanjab iyo inuusan sidii hore ugu dareensamayn dagaalka.Waxa uu aad uga xumaaday  carruurta yaryar ee uu laayey iyo in aargoosasashii Bile dheere aysan waxba usoo kordhin keliya inuu ifka dhaafiyey maahine.

Haddana marnaba nabdigiisa kama bixin, inuu Huruuse dilo, waayo waxaa uu arkayey Bile dheere inuu yahay nin kaalmeeyey wiilkisa, balse ninka eeda aannu qabin saaray, Qabirka galshay ee jidh dilka iyo raxanraadka mariyey, magaciisiina dhulka la galay, haddana xaaskiisi kala wareegay, teer iyo maantana  ka dhigay eedaysane duurjoog inuu ninkaas yahay uu kaga aarsan karo inuu ifka dhaafiyo oo dilo.

Huruuse laftiisa waxaa usoo baxday inuu godob weyn galay, godobtii uu galayna ay galaafatey adeerkiisii aabbaha u ahaa iyo ubadkiisa, maantana ay isaga ku soo fool leedahay,  kaaga darane  haweenaydii uu dhibkaas u maray uusan manta ku haysan wax laxaw iyo kalgacal ah ayna rumeysan tahay inuusan qabin oo ninkii uu ka qaaday ay tahay xaaskiisa, waa midda uu ka dagaallamayey mileyga dheer in uu Guhaad dilo si aysan xaaskiisu gacanta uga bixin.

Quman waxa ayu gudbisay farriintii codka ahayd ee ay soo duubtay Ubax walaalkeed, waxaa goor barqo ah u yimid nin u sida dhambaal xidhan oo Codkeydiso ku jirto uuna u sheegay in walaashiis Quman usoo dhiibtay.

Markuu furay ayuu maqaayad aan ka dheerayn meeshuu deganaa ka soo eregsaday Codside uu ku dhegaysto keydisada loo keenay.

Markuu daaray ee maqalkii ugu horreeyey maqlay, Kow laba kow laba, bismillaahi Raxmaani Raxiim ayaa korkiisu dubaaxiyey waa cod uu yaqaan waa gacalisadiisii Ubax oo ay ugu dambaysay  ammin ku dhaw dhawr gu iyo dheeraad waxa ayu ku bilowday:

“ Waxaa halkan ka hadlaysa Ubax Carraale oo la hadlaysa Guhaad Samatar, marka hore waxaan hawada kuu soo marinayaa bariido guud,  anigu waa noolahay kuma odhanayo waa nabad qabaa, wiilkaagiina waa nabad qabaa waana fiican yahay.

Guhaadoow waxaan dhawaan ogaaday inaad nooshahay oo aad nabadqabtid, inaad ka mid tahay ciidanka Jabhadda iyo inaad doonayso in aad aniga iyo qoyskeygaba burburiso.

Ma garan karo waxa kugu jujuubay inaad ka been sheegto noloshaada oo aad dhimasho been abuur ah u sheegatay! Haddiise aadba doorbiday inaad dhankayaga ka dhimato,  haddana arrinta keentay inaad mar labaad noloshaada na ogeysiiso ma ogi?Waxa aan rabaa inaan ku weydiiyo:

Jacaylkii iyo kalgacalkii aad la ilmeyn jirtey ma beenbuu ahaa? Guurkii iyo noloshii aan wada qaybsanay ma jilitaan iyo iska yeelyeel bay ahayd?  Widaaynimadii iyo gacalnimadii ilaa waagaan yarayn ma wax aan jirin bay ahayd?.

Guhaadoow maxaan ku galabsaday inaan adigoo nool Asaay kuu qaado, ilmahaagana aan Odowaa u bixiyo nin isagoo uur ku hadh ah aabbihiis waayey?  Maxaan ku galabsaday inaad i cidlayso oo aad  nolol caarcaar iyo murugo ah i geliso.

Haddaanse ka soo kabsaday maxay tahay colaada guunka ah ee aad ii  hayso ee aad weerarka iigu tahay?

Waxaad dishay gabadha yar ee aan dhalay awoowgeed, waxaadna hadda doonaysaa nin aan guursaday dhimashadaadii been abuurka ahayd kaddib inaad disho oo aad mar kale Asay ii saarto ubadkaygana agoomeyso.

Waan ogahay inaad jabhad aan naxariis lahayn oo bahal ah, horror ah  dhiiga dadkama u hamuun qaba aad noqotey,  anigu Guhaadkaan calmaday ee naftayda siiyey ma ahayn kaas, wuxuu ahaa nin garasho dheer, naxariis badan, dareen wanaagsan, hufan oo aan dhaliil lahayn, nin dalkiisa iyo dadkiisa jecel oo ciidan ah, nacabkana ka jira, ma ahayn nin dhagarqabe ah oo dhiigya cab ah sida aad tahay maanta.

Waxa aan kaa codsanayaa, haddii inaba dadnimo kugu hadhay inaad madaxayga i siiso, si aan noloshayda ugu madax bannaanaado, haddii farriintani ku soo gaadho waa ammaah ifka iyo tan dambeba aan kuu haysto, haddaadan madaxeyga  i siin

Guhaad markuu dhammeystay ayaa jidhkiisa jidhiidhici saaqday, waxaa uuna arkay qofka uu filayey inay garan karto dhibkiisa lana dareemi karto inay isu jiraan inta cirka iyo dhulku isu jiraan.

Aad buu u murugooday, waxaanna u soo baxday quus uu nolosha oodhan ka quustay, waayo jacaylka xaaskiisa iyo kalgacalkeedu maalin kama uusan bixin kashiisa,  ayaandarrose kala dheeraanshaha iyo meertooyinka adag ee dhadhaabka ku kala xidhay ayaa keenay in ay kala fogaadaan.

Guhaad waxa uu ogaaday in arrinku sida uu u maleynayo aysan ahayn, waxaa uu garan waayey  qaab uu u gaadhsiiyo dareenkiisa,  haddii uu duubo codkaydiso uu kaga hadlayo wixii dhacay, arrintu waxa ay tahay ma rumaysanaysaa, waxaa usoo baxday maya.

Suurtagalnimada aragtida labadooduna waa ay adkaatey waayo waa nin ciidanka dowladda oodhami baadigoob ugu jiraan.

Guhaad waa cusub oo dhibkiisa iyo dhiiladiisa wataa u baryey, waxaa uunna garan waayey wax uu yeelo, qaab uu uga daba tago been abuurka laga sameeyey iyo qaab uu wax uga dhaadhiciyo xaaskiisi Ubax Carraale.

Waxa Guhaad go’aan ku gaadhay inuu la kulmo aabbaheed si aan ciddina ogeyn, goor fiidnimo ah, ayuu u soo diray wiil kurey ah oo u sheegay masaajid aan ka dheerayn in Immaamkii aad u xanuunsanayo oo uu garab uga baahan yahay oday Carraale.

Carraale markuu arrinkii maqlay ayuu kabbihiisa hore usoo iladay, waxaa uu soo galay masaajidkii, oo hal irid qudha furan tahay markuu soo galayna isla kuraygii la socday baa xidhay.

Carraale hore ayuu usoo gudbay, kaddibna waxaa uu u yimid immaamkii masaajidka oo ay garbaha ka fadhiyaan Guhaad iyo rag badan oo kale.

Guhaad wuxuu u baaqay raggii kale waanna wada oogsadeen, kaddibna waxaa isku soo hadhay, Carraale, Guhaad iyo Imaamkii oo dhex fadhiya.

Imaamkii ayaa hadalkii furey oo yidhi: Aniga ayaa wiilka kuu soo direy mana jirani, ee arrin dhexdhexaad iyo heshiis qoys ah, ayaan kuugu wacay, ee ninkaan ku horfadhiya ma garanaysaa.

Carraale wuxuu yidhi: Haa waa ninkii gabadheyda qabi jirey ee Guhaad Samatar ilaa yaraantiisii baan aqaanay, maantase ma garanayo waa nin kale oo is dhalanrogey qaabkaan ku aqaanayna ka tegay, waa nin dhinacayaga ka dhintey dhawr gu’ ka hor, maanta dib ugu soo noolaaday inuu na dhibaateeyo.

Immaamkii ayaa isagoo helay dulucda Carraale yidhi: Nebi Daa’uud (csw) ayaa laba malag isaga oo jooga baradii eebbe uu ku tuugi jirey ugu yimaadeen, waxa ayna ka codsadeen inuu kala saaro.

Midbaa yidhi: Nebi allow kani waa walaalkay, waxaa uu haystaa 99 ida ah, aniguna waxa aan haystaa Lax qudha, wuxuu i weydiistay Laxdii inaan siiyo  si adhigiisu u noqdo tira buuxda, doodiina waa iga af badiyey ee na kala saar.

Nebi Daa’uud ayaa aad uga xumaaday, isaga oo aan ninkii kale waxba weydiin ayuu go’aan qaatay oo yidhi: Waa dhacdaa dadka wax isku darsada in qaarkood kuwa kale duudsiyaan, waana kaaga gardaran yahay inuu laxdaada qudha hunguri ka galo si uu kuwiisa ugu darsado.

Labadii malag way iska tageen, goor dambese ayaa Nebi Daa’uud ogaaday inuu gefay oo gar dhinac qudha ah qaaday.

Haddaba Carraaloow si aysan taasi u dhicin ayaan kuugu yeedhay, waan dhegaystay wiilka ee adiguna dhegayso, kaddibna go’aanka aad doonto qaado, balse, anigu inaan idin dhexdhexaadiyo waa mid diintu i farayso iyo inaan idiina garsooro haddaad kalsoonidiina i siisaan.

La soco qaybaha kale………………

W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

SHEEKOOYIN