GARBADUUB Q37AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q37AAD

Dagaalkii u dhaxeeyey dowladda iyo xooggaga ka soo horjeeda waa laba jibbaarmay, dowladduna waxa ay qaaday weerar iyo guluf intay awoodey, waxaa laysugu soo galay magaalooyinkii waaweynaa, Jabhaddiina waxa ay heshay awood ka badan tii hore iyo taageero, waxa ay furatay hub badan oo waxaa ku biirey ciidankii xoogga qaybo hubkoodii iyo agabkoodii u dhan yahay.

Waxaa jabhaddu weerar ku qaaday magaalada Qaanso-roobaad, waxa ayna qabsatay badankeeda marka laga reebo, goobihii dowladda, waxaa halkaas ka dhacay dagaal labada dhinacba ku riiqmeen, dowladda ayaa adeegsatay hubka jaad walba oo ay haysatay, taasi waxa ay keentay in dadweynihii ka cararaan guryahooda oo ay naf bidaan magaalada bannaankeeda.

Waa Goor gadiid ah oo cadceedu dhulka isku kala badhay ciriida iyo bacadka kulaylkiisuna sameeyey wire wire iyo dhaan dabagaale, Kulaylka qorraxda ayaa qof weliba geed hoostiis ama balbaladii ay maryahooda ka sameysteen kaga irkaday.

Dadka soo barakacay waa markii ugu horreysay noloshooda ma yaqaanaan meel ay aadaan iyo meel ay u cararaan, ma garanayaan cid ay ka cararaan iyo cid ay u cararaan, naftaa biday inay duleedada hawdka ah ee magaalada degaan.

 Iyadoo sidaa loo joogo, ayaa waxaa mar qudha is qabsaday guux iyo daryaan haddii la eegay mise dhulkaba maahee waa cirka, marnaba qofna isma dhihin diyaarad dagaal oo soomaali leedahay ayaa ku soo weeraraysa oo sidii xabashida idin duqeyn doonta, dadka qaarkood ayaa ka filanayey in biyo iyo cunto loo soo daadin doono, mase dhicin ee gantaalo iyo banbaanooyin ayaa lagu riday, diyaaradiina waxa ay dhulka la sintay dad iyo dugaag wixii halkaas joogay.

Duuliye Geedi ayaa ka mid ahaa ragga duuliyayaasha diyaaradaha ah ee la faray inay duqeeyaan, waxaa ka dhaadhacsanayd in uu nimanka fallaagada ah ee jabhadda ah dalkana ku soo duulay la dagaallami doono iyo xabashi loo sheegay inay la socoto, waxaa uu soo dulmaray halkii dadku u qaxeen, waa ku wareegay waxaa uuna arki waayey wax ciidan ah ama u eg.

Meeshu waa dhir la waabtey go’yaal iyo baco lagu waabtey, waxaa buuxa haween iyo carruur aad u kala duwan tahay da’doodu, markuu saddex jeer hubsaday ayuu la hadlay taliska:

“Hallow Halloow waa Duuliye Geedi, 4475, waxaan dul joogta goobta, uma jeedo wax col ah, keliya waa dadweyne, maxaan sameeya?

Taliye Dhufur:  War garaac waa mahbar waa iyaga waxa la doonayo in la garaaco, duqee waxaan ku faray waa inaad samaysaa maaha baryo.

Duuliye Geedi: Waa tahay taliye waa qaatay faridaada, Duuliye Geedi waa nin hufan oo dal iyo dad jecel, waxaa uu tabbobaranayey laba iyo toban gu’, waxaa aabbihiis dilay talyaanigii dalkeenna ku soo duuley, waxaa uu ku koray guri laga jecelyahay soomaalidaa lagana necebyahay shisheeyaha, waa ay u cuntami weyday inuu dadkiisii uu u soo tabbobartey isagu gacantiisa ku laayo.

Waxaa ku soo duuley duulimaad hoose si uu hubsado, mise waa dad maato ah, duqeyti, haween, carruur iyo ragba leh , weliba diif iyo dandarro ka muuqato,  waxaa uu geliyey Miigii caadka sare, waxaa uu durtadiiba go’aan ku gaadhay inuu soohdinta soomaalida ka baxo, qaabkee? Iyo halkee?, Geedi  xabashi lama maqashiin karo, waxaanna u bannaan inuu laba dal midkood ka dego waa  Jabuuti  iyo itoobiya , waxaa uu doorbiday Jabuuti intuu diyaarad Calanka cirowga(Buluug) ah leh ka dejin lahaa dhul xabashiyeed.

Duuliye Geedi waxaa uu dareenkiisu diiday inuu dadkiisa duqeeyo oo maatidiisa laayo, sidan oo kale ciidan badan ayaa uga goostay dowladda iyagoon jabhadaha ugu biirey, markay ka maageen naxariis darrada ciidanka dowladda qaarkiis. 

Dalkii wuxuu galay dhibaato iyo hoog midkii ugu dambeeyey, dhiiguna waxaa uu u qulqulay sida daadka, labadii kooxood ee dowladda iyo Jabhadduna waxa ay noqdeen laba dugaag oo hilbo ku dirirayaa, halkaasna waxaa ku dhimatey soomaalinimadii, waxaa abuurmay nacayb qotodheer iyo aargoosi iyo godob aan la aqoon ninka galay iyo midka laga goynayo.

Kooxihii aanno doonka ahaa ee anafo raadiska ahaa ayaa labada dhinacba waxa ay bilaabeen haybsi iyo in dadkii waxgalka ahaa iyaga oo aan waxba geysan loo dilo magaca beesha ay ka dhasheen, dagaalkii shalay ahaa dowladda iyo kooxaha diidan muuqaal kale ayuu yeeshay oo waxaa uu dhalay isuna dhalanrogey beelo is baacsanaya iskana aarsanaya.

Dowladduna waxa ay ugaadhsi ku billowday madaxda jabhaddaha kala duwan ee la dagaallamaya hoggaaminaysaa beelahooda oo ay miyi iyo magaaloba ku weerartay.

Goor galab ah ayaa Xadiyo oo ordaysaa timid taliskii Jabhadda una sheegtay Guhaad in beri aroornimada ay ambabaxayaan Ubax iyo reerkoodu una socdaan dhankaas iyo Madalweyn oo ah meesha qudha ee nabadda ah.

Guhaad markuu arrinkaas maqlay, waxaa u soo baxday kanshadii uu weligiis sugayey oo ah inuu xaaskiisa iyo ubadkiisa helo, waxaa uu diyaarsaday ciidan xoog badan iyo gaadiid dagaal oo ku filan, waxaa uuna u qaybiyey meelo badan inay jid gooyo ka galaan, ciddii la qabtona aan la dilin, waxa kale oo uu taliyayaasha hoos ugu sheegay in reerkiisi ku jiraan dadka guuraya ee gaadiidka badan ee ciidanka dowladdu ku baxsanayo la socda.

Dhanka kale Huruuse ayaa diyaarsaday ciidan xoog badan isaga iyo dhammaan taliyayaashii wixii qoysas ka joogeen waxa ay u qalab qaateen inay ka hayaamaan deegaamada Baarcad, Buuraxayd, Barde-dheer iyo dooxiyinka Toghareeri oo dhan.

Waxaa goor barqo ah isku helay meel dooxa ah oo geed gaab ah labadii ciidan, ciidanka dowladdu waa ciidan jabay oo laga awood roonaaday oo aan haysan kalsoonidii shalay, agabkii iyo gurmadkii, maxaa yeelay dalka oo dhan badankiisa waxaa la wareegay kooxaha Jabhadda ah.

Markii labadii ciudad iska hor yimaadeen ee durtaba jilibka laysu dhigay, waxaa ku dhacay ciidankii dowladda cabsi iyo argagax waxa ayna bilaabeen inay is dhiibaan ciidankii dowladdu oo qoryaha  taagaan, taasina waxa ay mar walba sii yareysay awoodii ciidanka dowladda.

Kuwii diiday inay is dhiibaan waa la laayey, kuwii is dhiibayna inta meel tuullo ah laysugu geeyey, ayaa waxaa loo kala saaray beelo, wixii xooggaga jabhadda ku beesha ahaa waa layska daayey, wixii hoggaanka ciidanka iyo dowladda ku beesha ahaana dhegtaa dhiiga loo daray, in ka badan iyadoo aan lays weydiinayn muxuu geystay ama galabsaday.

Ugu dambeyn waxaa la helay Huruuse oo ku fakanaya baabuuro Laankuruuso ah oo badan iyo ciidan gaar ah, waayo waxaa uu sameeyey daba marto iyo raad gadasho si ciidanka xoogga leh loogu jeesto isaguna aan ciddi u arag.

Jidkii uu ciidanka u diray mid aan ahayn oo dhanka xeebta xiga ayuu ku baxsanayey, balse korjoogta imo sahan halkaa hore loo dhigay ayaa ka digay, warlaliska ku sheegay in ciidan iyo gaadiid hubaysani dhanka xeebta ka soo socdaan, waxaanna loo sii galay halka uu rabay inuu waddada haloosiga ah kaga dhaco.

Maalintani waa maalintii Guhaad sugayey, waxaa hortiisa la keenay Huruuse iyo ciidankiisi, xaaskiisi iyo wiilkii uu dhalay ee Odawaa oo hadda ah Odayhel, waxaa kale oo la keenay qoyskii reer Carraale oo odaygii ka maqan yahay.

Guhaad waxaas oo dhami uma muuqan ee markii uu indhaha ka qaaday Huruuse ayuu inta ku soo booday dagaal gacanta ah la galay, Huruusena waa isku dayey inuu iska caabiyo, balse feedh iyo laad, jilib iyo hirdin ayuu kala daalay ilaa uu foolkiisu wada dhiigo, Afka iyo goomanku dilaacaan.

Markuu dhulka ku dhacay ayuu iska soo jaray Bastoolad si uu u dhammeystiro, balse, Ubax baa ku qaylisey, war Guhaadoow ha dilin ha dilin, markaasuu iyadoo dhankiisa u soo socota inta gacan aan naxariis lahayn ku qabtay kala tuuray.

Ubax dhulka ayay ku dhacday, markaasaa Odawaa yare oo ayeeydiis haysay ka soo fakaday oo labada lugood iskaga maray.

Hadduu eegay Guhaad waa wiilkiisi, markaasuu miyirsaday oo qaboobey, Ubax oo meel dhagxaan leh ku dhacday ayuu ka daba tegay waase ka dhaqaaqday, Huruusena  isagoo lugu u fidsan yihiin ayuu soo fadhiistay.

Odawaa baa yidhi: Aabbe Aabbe waan ku baryayaa Hooyaday hayga dilin. Odawaa waa ogaa oo wax badan ayuu maqlay in Aabbihiis Jabhad naxariis daran yahay, hadalka duulduulka ah ee xaafaddaha ayaa ku badnaa, marka waxaa uu ka rumeysnaa aabbihiis mid macangag ah oo horor ah dadkana gar iyo mag la’aan ku laaya.

Guhaad ayaa cirka iyo dhulku la wareegay, waxaa uuna isu arkay  bahal dagaag ah oo aan dadnimo lahayn soohdintii aadanaha iyo dhaqankii suubanaana ka gudbey, xidid iyo xigaal midna xeerin, ubadkiisi iyo xaaskiisiina gacanta ula tegay.

Intuu madaxa gacmaha saartay ayuu iska dhaqaaqey, kaddibna dadkii ayaa laysku uruuriyey waxaanna laysugu geeyey geedo hoostood, ciidankii oo dhana hubkaa laga qaaday, Guhaadna waxaa uu faray inaan qof laga taaban.

Kaddib waxaa yimid odayaal deegaanka ah iyo madax ka socda dhanka jabhadda, waxaanna ay la hadleen raggii ciidanka watay ee madaxda ahaa, waxaanna laga balanqaaday in la gudbinayo oo aan waxba la yeelayn.

Waxa is arkay Ubax iyo Guhaad oo ay isugu dambeysay habeenkii saddexaad ee istuskooda waxa ay kala masan yihein ammin ku dhaw 7da gu iyo dheeraad , qof weliba riyaaq iyo naxdin ayuu midka kale aragtidiisa ka qaaday, haddana layskuma soo dhiiran karo oo goobta laysku arkay maaha mid qurux badan, Ubax taxa ay aragtay Guhaad oo caato weyd ah noqday, Timihuna labada garab ka dageen iyagoo raamo leh, dhar ciidan ku gaadhan, Gadhku hamashka yahay, indhuhuna guduudan yihiin.

Qofka arkaa bahal orgobe ah maahine u malayn maayo in qof aadane ah uu yahay, aragtidiisa ayaa ku cabsi gelinaysa isaga iyo dhammaan ciidankiisaba.

Ubax waa maqli jirtey ciidanka raamaha leh, balse, waxaa isu qaban waayey, ninkii xaragada badnaa ee dhexda xidhan jirey ee direyska quruxda badan lahaa, ee gadhku inuu ku baxo ka xanaaqi jirey iyo qaabka uu haatan yahay.

Guhaadna wax uu array, Ubax oo quruxdeedi aan waxba iska doorin wax ku darsamay maahee, inkastoo daalka iyo diifta socdaalka iyo barakacu ka muurdo, haddana midabkeedii dhalaalka ifiyey haa waxba iskama doorin.

Waxaa barqannimadii dambe la keenay Huruuse oo laba dibleysan, waxaa jooga goobta dhammaan qoyskii reer Carraale, Odayaal Jabhadda hoggaan u ah oo Dirir ku jiro, Madaxdii ciidanka Huruuse la socotey iyo dhammaan dadkii waxgalka ahaa ee halkaa joogay.

Guhaad ayaa istaagay waxaa uuna ka sheekeeyey waxaa ka dhigay inuu noqdo ninka uu maanta yahay, dadkii geedka iyo goobta fadhiyey mid dowlad ah iyo mid jabhad ah waa wada murugoodeen afkiibaana juuqda gabay.

Guhaad ayaa yidhi: Maanta waxaa la joogaa maalintii aan aarsan lahaa maalintii aan utunta aan qabo ilaawi lahaa , ninkii sidaa ii galayna uu mari lahaa waxii uu mudnaa waana Huruuse, waxaan eebbe ka beryi jiray inuusan qof kale gacantiisa ku bixin oo aan isaga oo nool qabto kaddibna marsiiyo kadeed iyo eedaad intuu i marsiiyey ka badan, ugu dambeyna dilo. Waayo? waa ninka  xaaskayga iyo ubadkayga iga dhaxal wareejiyey magacaygana dilay aniganna nolol aanan diyaar u ahayn  i geliyey balse, waxaa uu ku fakaday wiilkayga  Hanad dartiis .

Markuu intaas yidhi ayaa wiilkiisi yaraa ku soo orday oo ku booday, Guhaadna ilmaa labadiisa dhaban qoysay, wax allaale wax uu yidhaahdo ayuu waayey, kaddib intuu jilbaha u dhigtay wiilkiisa oo laabta geliyey ayuu yidhi: Waxaa igu balan ah inaanan qof dambe dilin, Huruusena adiga dartaa baan u dhaafay.

Waannu iska dhaqaajiyey, ciidankiina wuxuu faray inay sii daayaan dhammaan oo meeshay u socdeena ay aadi karaan.

Ubax kama aysan hadal intaas, Afkeedana juuq kama soo bixin waxaaba yaxyax iyo xishood geliyey aragtida ninkeeda, waxaa ay nafteeda ku canaanatey fudeydka guurka Huruuse, waxaa u beryey waa aan qurxooneyn, waxaa ayna rumeysan la’dahay cidda quman; Ma Guhaadbaa laga gardaran yahay oo run sheegaya? Mise kooxdu warkay hore u sheegtaa quman?

Ubax hooyadeed waxa ay tidhi: Aabbe ayaan ka daba tegaynaa, arrinkana hadda ka hadli maynee, haddana aamus qofna ha kala hadlin, hawshaasna dib noogu dhig.

Sidii ayay ku cid galeen, Guhaadna waxaa uu maalinkaas kaddib noqdey hawlgab, inkastoo aannu ciidanka ka bixin jabhadduna aad u jeclayd, haddana waxa uu noqday nin iska aamusan oo habeen iyo maalinba qaad iyo mirqaan ku dhex jira.

Markii la nabad tegay Madalweyn ayaa Carraale reerkiisii oo uu guri u diyaarshay geeyey, waxaanna looga sheekeeyey waxii ay arkeen iyo inay la kulmeen Guhaad. Carraale waa u qaadan waayey, Guhaad baa Ubax arkay oo sii daayey, haddana Huruuse iska dhaafay oo aan waxba yeelin.

Reerkii waa degeen, balse Ubax teer iyo intii ay la kulantey ninkeeda waxa ay ahayd maqane jooga, waxaanna wax loogu geyn jirey jiifka, keliya musqusha ayaa ahayd meesha ay aaddo.

Ammin laga joogo laba bilood, ayaa Huruuse maqlay  reer Carraale heleen dal ku gal Kuweyt dhammaantoodna halkaas u guurayaan, maxaa yeelay dagaalku waa socdaa waxaanna kooxihii hubeysnaa kaabiga u yimaadeen Madalweyn.

Reer Carraale waa ka baxeen dalka, waxa ayna degaan oo saldhigteen dalka Kuweyt, halkaas oo dhammaantood nolol cusubi uga bilaabatay.

Huruuse waddo kale oo ku noolaado uma furna aan ahayn inuu dagaalkii sii wado maxaa yeelay markaan gaashaanbuurtiisi xaalku waa ku xun yahay, isaga oo og wuxuu dhimay ayuu haddana halkiisii ka sii joogteeyey dhibaatadii uu bulshada ku hayey, ayaandarrose, maalintii dambe isaga oo baabuur saaran ayaa miino la kacday, waa uuna  dhaawacmay, waxaa go’day lug, ilna waa ka dhacday oo dhafoorka dhan ayaa dhinac isku dumay inta faliidh weyni ka galay.

Huruuse ammin dheer ayuu dhulyaal ahaa, waxa uuna go’aansaday inuu runta iska sheego, waxaa uuna cod keydiso u duubay reer Carraale isaga oo dhamman wixii uu dhimay oo dhan, mid mid isu dultaagay, una sheegay in ay iska ilaawaan iskana dhaafaan dhankooda wixii uu u dhimay, Guhaadna farriintaas ka gaadhsiiyaan.

Halkaas waxaa ku hadhay tuhunkii xumaa ee ay reer Carraale ka qabeen Guhaad, Odawaana waxaa uu noqday nin aabbihiis nool yahay weliba yahay nin laga gardarnaa magacii Aabbihii ugu yeedhay ee Hanad ayaana mar kale loogu wanqalay,  Gabadhii Idil ay dhashay  Ubaxna waxaa uu Aabbaheed yidhi waa Ina Guhaad labadaba isagaa dhalay, isaga ayaana ninkaaga ah,  Huruusena waxaa uu ka codsaday inaysan waxba u haysan balse uu noloshooda dambe soo sheegan kana dheeraado.

Waxaa markii ciidankii dowladda la jebiyey, dib u curtay awood qaybsigii jabhaddaha, tan oo dhalisay in ciidankii Jabhadduna beelo u sii kala baxo.

Guhaad waxaa ugu darnaa ragguu ku tashan jirey markii Afar ka mid ah loo dilay godob gaadhi beel kale dhacday oo gaadiidka dagaalka ah(Tikniko) Waxa uu la ooyey in baabuur Laankuruusar ah oo qori dhashiike ah saaran yahay loo dilay,  afar nin oo in ka badan 50 baabuur soo furtey oo ahaa halyeeyadii Jabhadda ee guusha ay ku naaloonayaan iyagu hormuudka u ahaa.

Waxaa billowday is ugaadhsi Jabhadda dhexdeeda ah, waxaanna Guhaad noqday sidii qof waalan waxaa uu sas ka qaaday qori oo dhan iyo meel lagu hayo, waxaa uuna hiifay naftiisa, waayo halgankii uu soo galay wuxuu noqday hal bacaad ku lis.

Dhacdooyinkii ciidanka dowladda waxba iskama doorin, oo Jabhaddii dadka waa dishaa hadhgalay waa dhacaan, waxaa maalin walba socda duulaan reerba reer ku qaado, waxaa la burburiyey hantidii dadweynaha waxaa la boobay, hantidii qaranka, waxaa la gubay wax walba oo kayd ahaa.

Guhaad waxaa uu dusha iska saaray inuu dhammaan waxaas oo godob iyo gabboodfal ah isagu dushiisa tahay, ugu dambeyn waa uu iskaga cararay dalka waxaa uu tegay dalka Yeman.

Guhaad waxaa uu ku noolaa nolol aad u silic iyo saxariir badan, waxaa uu noqday nin bukaan ah oo qaba cudurka qaaxada, daryeela aan helin, ugu dambeyn, waxaa uu ka raacay dalka Yeman Markab qolyo dilaaliin ahi u l soo dhammeeyeen isaga iyo dad kale oo soomaali ah, una socday dalka Ruushka.

Waxa ay dhuumaaleysi ku galeen Ruushka, waa lagu qabtay waana lagu xidhan dhawr bilood ayuu ku xidhnaa, waxa uu maray mar kale rafaad ka daran kii dalkiisa ku qabsaday iyo Garbaduud hor leh.

Maalintii dambe ruushku waa sii daayey waxaa uuna faray inay dalka kaga baxaan toddobaad gudihiis, waxa uu Guhaad ciladhaan iyo qaylodhaan u dirsaday dad ay xigaal ahaayeen iyo rag ay xidhiidh wanaagsan lahaayeen waaguu jabhadka ahaa, waana laga yeelay oo dhaqaale ayaa loo soo diray, waxaa uuna u kacay socdaal dhulka ah, maxaa yeelay ma haysto aqoonsi iyo dalku gal midna, waxaa waday rag caddaan ah oo dadka kala gooshiya, waxaanna uu lug ku dhexmaray dalalka, Yugreyn , Poland , iyaga oo doonaya inay uga sii gudbaan galbeedka Yurub ayaa qaboow badan iyo Lug ay soo mareen waxa ay keentay in Guhaad awoodi waayo inuu socdo, halkaasna loogaga tegay cidladii iyo qaboowgii ilaa uu ka geeriyoodo oo ku naf waayo.

Guhaad isaga oo aan dib ula midoobin reerkiisi, mar dambena arkin hooyadii,walaalihii, xaaskiisa iyo wiilkiisii Hanad(Odawaa), ayuu ku dhintey webi fadhiistay oo Baraf noqday korkiisa, halkaas ayaana looga dhaqaajiyey oo ma helin cid duugta iyo meel lagu duugo.

Ubaxna maalintey maqashay geeridiisa ayey nin oo dhan ka dhaaratay, waxayna dhexda u xidhatay oo u dhaaraansatey in ay wiilkeeda Hanad (Odawaa) iyo gabadheeda Idil korsato.

Dalkiina burburkii uu waagaas galay waxaa uu la baaxaa degayaa ilaa maanta, iyadoo la odhan karo, labadii ciidan ee ku diriray dalka midkoodna ma helin mana hanan guul dhaxalgal ah.Bulshadii soomaaliyeedna waxa ay ku dhex dhinteen laba ciidan oo aan midkoodna u tudhin una falin naxariis, iyaguna waxa ay noqdeen xaabadii dharaarada u dhaxaysa ee dabku cunayey.

Dhammaad.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN