DOOB AN KA AHAADO IYO GUUR AN KA LA’AADO
In badan ayaa suugaanyahannada Soomaaliyeed ay wax ka yiraahdeen arrimaha guurka, iyadoo nimba wixii markaas la soo gudboonaada uu ereyo murtiyeed ku cabbiri jiray. Rabbi Jannadiisa ha geeyee, Jaamac-Shalaqbeen oo ka mid ahaa Abwaannada Soomaalida kuwa ugu waaweyn, ayaa ammuuraha guurka iyo xulashada geyaanka ka tiriyey: laba gabay oo caan ah oo la kala yiraahdo: Doob an ka ahaado iyo Guur an ka la’aado. Labadaas tixood iyo sidii ay ku soo baxeen ayaan haatanba kula wadaagayaa ee bal sadarrada hoose isha aayar ula raac, adigoo aad u dhuuxaya nuxurka gabayada, maangalnimada sababaha uu abwaanku soo bandhigayana ha u daymo la’aanin.
Doob an ka ahaado:
Gabaygaan abwaanku wuxuu tiriyey: xilli, sida la wariyay, lugula taliyay oori ay kala tageen in uusan sidaas uga harin ee uu qiil raadsado, kana war doono wadaaddada diinta luugu hirto. Shalaqbeen waxa uu si faahfaahsan, farshaxannimana ay ku larantahay u soo bandhigay, sababaha uu uga baaqsaday in uu afadiisii hore dabaggalo rejana aysan ugu laabnayn. Gabaygu waxa uu ka koobnaa, sida arartaba ku cad, lix iyo toban qodob oo murtiyeysan mid kastana aad mashiiqsan doontid. Tuduc kasta goonidiisa ayuu cajiib u yahay, in aad dhowr mar aqrido kuna laallaabato waxa kugu qasbi doona maaha tirada ee waa meerisyada, macnaha iyo miisaanka ay xambaarsan yihiin! Abwaanku sidaas ayuu yiri:
- Kolba diraye naagtii inaan dabaggalee raadsho
- Ee damac i qaadoon dhibbaad kor uga sii doono
- Lixya toban hal baan uga didee doob an ka ahaado!
- Dacasoow haween waa wixii Doollo1 ii dhigaye
- Haataneen duqoobee cirrada maduxu diir yeeshay
- Inay iiga dari baan arkaye doob an ka ahaado!
- Da’ haddaan ka helay Eebbeheey haygu deyn guda’ e
- Wax kaloon u daba doonto waa ii dabbaalnimo’ e
- Nin kale haysu kala daadidee doob an ka ahaado!
- Dab yar baa ka haray reer tolkeey damalla-weyntiiye
- Daameey2 oo dad ii xiga hadduu dadabta ii jiifo
- Dadba iima laabnee hadduu darajadiis waayo
- Danigiisa naagtii lahayd doob an ka ahaado!
- Rati doodka lugu soo qabtiyo dabarku waa meele
- Dusha kebedda laga saaro waa dumarka qaybtiise
- Haba diirno naagtii lahayd doob an ka ahaado!
- Marti soo dibbootiyo miskiin dalagsanee liicsan
- Duco lagama maarmee middaan ugu dacaameynin
- Dagaal ugama nooleyn karee doob an ka ahaado!
- Haddaan diinta laayaco sharciga waa ku daallimaye
- Inaan culummo deelqaafiyaa ma aha dawgeeye
- Duggaalkooda naagtaan dhigeyn doob an ka ahaado!
- Duqda hooyadeey ihi xaq bay ila dul joogtaaye
- Dusha waxay i saartiyo waxay naaska igu deydo
- Darbaddeeda naagtii jeclayd doob an ka ahaado!
- Duddo beel ah duul wada degiyo deris walaaloobay
- Waxaa daawo loo yahay carruur la isu daayaahe
- Naagtii dileeydoon ogeyn doob an ka ahaado!
- Ergoo 3 duuqay daawgoo xummaadiyo dirirradoo liicay
- Haddaan leyska daba wadinin waa lumi diraacdaase
- Duggaaggiisa naagtii ahayd doob an ka ahaado!…
Haddii aad tirineysay intaani waa sagaal qodob, intii kale weli ma aanan helin baadiggoobkoodiise kama daalin.
Guur an ka la’aado:
Gabaygaani kama ujeeddo foga tixdii hore. Abwaanku wuxuu gabaygaan ku soo bandhigayaa dumarka uusan marnaba guursan doonin isagoo tuduc kastana dabadhigaya sabab loo qaateen ah oo uu aamminsan yahay intii haweeneey caynkaas ihi ay ooridiisa noqon lahayd, in ay uga fiicantahay in uu qulyahaanlennimo ku noolaado oo uu kaligiis meel iska dego. Isagoo aftahannimadii Rabbi ku mannaystay tixdaan ku xardhay, Shalaqbeen waxa uu ku maansooday:
- Geeridu xaq weeyee hadduu go’o walaalkeeygu
- Dhaxal igama geeyee haddaan guursho araddiisa
- Hadba tii i garansiin lahayd guur an ka la’aado!
- Gaadiidka loo raro middaan geela ka aqoonnin
- Oon seeto lugu gaabiyiyo gunud u sooheynin
- Galabtii middaan soo dhoweyn guur an ka la’aado!
- Gambadaan u soo gaday qeyligaan guga u soo iibshay
- Go’a kii la siiyiyo middaan xiran aqoon guudka
- Ee maradu geyngeyman tahay guur an ka la’aado!
- Garba lulada goor iyo ayaan camal la giidheysan
- Oo go’oow xaggee nalan ka galay kuula gacaruurta
- Meeshey nabadda iga geyn lahayd guur an ka la’aado.
- Guri ka cadda goor iyo ayaan aqalka gawdiidda
- Ee ariga googooyn og ee gabalba meel joogo
- Intaan goosan raacdayn lahaa guur an ka la’aado!
- Ridii ariga guuxdaba middii gawrac ku hanjiidda
- Ee sidii gabooyaad hilbaha geed ku waraneysa
- Gacanteey inteey mari lahayd guur an ka la’aado!
- Baabbuurka gaaska leh middaas gedo u raacaysa
- Ee uunka gaaliyo Islaam soo gorgorineysa
- Gunbeheeda tay wada arkeen guur an ka la’aado!
- Soddoh gacaladeed waa haddeey kuu godloontahaye
- Senge gaadda weyn iyo wan bay gabadha siidaaye
- Kol hadday guraabbaas gashaan gacalo kaa hayne
- Gabadheedu waa weer god lehe guur an ka la’aado!.
- Gaaridu intay gogol dhigteey guriga xaadhaaye
- Intay googgo’ kuu soo shubteey geedo shidataaye
- Garka iyo goggeey kuu subkee sida gammaankiiye
- Galliin iyo waxay kugu waddaa goor xun hay furine
- Alleylehe guumeys lama guursadee gacalo waa taas.
AFEEF:
Dadka aan ka soo xigtay waxa ay isugu jiraan kuwo aan qoraalladooda aqriyay iyo kuwo aan toos ula kulmay. Maaddaama ay gabayadu maskaxda dad kala duwan ku kaydsanaayeen, tuducyada qaar ayaa qofba si kuugu sheegayaa ama u qorayaa, weliba siyaalo dhowr ah, markaasna mid umbaad ka qaadaneysaa. Sidoo kale maansooyinku ma dhamma oo mid kasta waxbaa ka maqan. Adiga haatan qoraalkeygan aqrinaya, waxaa laga yaabaa in aad meerisyada qaarkood si kale u maqashay. Haddaba wixii wax ku darid, ka dhimis iyo ka beddelid xagga gabayada ah ama talo iyo tusaaleba ah, igaba hagran mayside ha iga illoobin.
EREYBIXIN:
Gabayga koobaad:
1Meel ku taalla Soomaali Galbeedka oo uu markaas abwaanku ku sugnaa.
2Daameey Xirsi oo ay Shalaqbeen xigto dhow ahaayeen.
3Ergoo duuqay: Arigoo macalluulay.
Xigasho:
SOOYAALKA SOOMAALIDA: C/qaadir Aroma: 85-86
Cali maxamuud Qeylshe
Aabbaheey Cumar seefdheere
Cabdirisaaq Cabdulle Diilin
Barre Diini Cilmi.
Gabayga labaad:
SOOYAALKA SOOMAALIDA: C/qaadir Aroma: 86-87
Cali Maxamuud Qeylshe
W/Q: Ibraahim Cumar Seefdheer
Email: Seefdheere120@gmail.com
Mobile: +252616508040