Aabbihii Ambaday Q11AAD!
Suubban ayaa markay aragtay in aanan hadlayn, kursi ii dhawaa Deeqa u tilmaantay, waxa ayna tidhi: Walaal fadhiiso halkan, kaddibna waxa ay u baxday bannaanka, si ay noogu faq dayso, Suubban walaashay ah, gurigayaga ayay ku soo kortay kaddib markii Aabbaheed iyo hooyadeedba buu baabuur la gaddoomay iyaga oo socdaal ah, waxaanna maalitaas kaddib ay ka tirsanayd qoyskayaga.
Suubban waa gabadh si wanaagsan loo carbiyey, Hooyo ka sakoow guriga iyadaa ka ah horjooge hawsha gurigana iyadaa looga dambeeya, dhammaan walaalahay iyo dadka kale ee xigaalka ah ee guriga ku nool ma jiro qof ku af celin karaa.
Dhammaan furayaasha iyo kaydka Hooyo iyadaa gacanta ku haysa, waanna gabadh da’deeda ka weyn, anigu aad baan u tixgeliyaa, waanna ka dambeeya, iyaduna si aad ah ayay iigu naxariisataa, wax badanna waa ii xil qarisaa, markay aragto waxa aan haleeyey.
Guriyaga waxaa maamulkiisa inta badan gacanta ku haysa hooyo, waayo Aabbe waxaa ka badan hawlihiisa ganacsi iyo shaqo.
Suubban waxa ay haysataa dhaqankii hooyo ku barbaarisay oo ahaa in Marti guriga timid iyaga oo afkooda qaba in aysan ka bixin guriga, taasina ay wax dhimaale u tahay magaca qoyska, sidaa awgeed waxa ay markiiba guda gashay inay marti soorto oo soo dhaweyso Deeqa.Durtadiiba waxa ay gashay jikadda waxa ayna noo soo diyaarisay cabitaan, Bun iyo Xalwad iyo Buskut.
Deeqa is wareysi guud iyo xaal warran markii aan ammin isku madadaalinay ayaan weydiiyey anigoo kajamaya maanta waad soo dheeraataye ee bal ii warran maxaa cusub dhankaaga?
Deeqi weydiintan kama nixin, kamana aysan gaban oo waa ku soo talo gashaye, waxa ay tidhi: Waa dhab weligay gurigaaga ma iman, adiguse wax badan ayaad kaayaga iigu timid, maantase anigaa imid ujeedkuna wax kale maaha ee dan baan lahaa waa tii maahmaahdu ahayd “ Nin dan leh ma daalo, marka Xaashiyoow.
Intaas markii dhegahaygu maqleen ayaan soos are fadhiistay, waxa aanna idhi, dhib ma leh dan waa la kala yeelan karaa, ee maxay ahayd danta maanta isoo gashay?
Deeqa oo og weydiimahayga iyo halkaan uga gol leeyahay ayaa tidhi, Xaashiyoow danta aan kaa lahaa ayaa ah mid fudud dhankaaga dhegaysigeeda oo aan culus dhankayga dhegaysigeeda, waxaa jirta in aad adiga hore dareenkaaga iigu soo bandhigatay, aniguna waanna kaa oggolaaday inkastoo aanan markaas anigu heerka uu kaa joogo iga joogin. Maantana dareenkii aad shalay qabtay mid la mid ah ayaa kashadayda gubaya, waxa aanan rabaa inaad ila qaado ilana qabato!
Markay intaas tidhi ayaa cadhadii iga buuxday dhammaan dareenkayga oo dhan qaaday oo qofkii i arkaa waxa uu is odhan lahaa, ma dil baa lagu qaaday mise qof uu jeclaa baa geeridiisa loo sheegay, inta aan is dejiyey oo si quman u soo fadhiistay dhankeedana soo eegay oo foolku i kaduutay dib u furfuray, ayaan naftayda la faqay wadnihii fug fug lahaa farriin u diray dareenka guud isaga oo leh, is dejiya waa kanshadii aad sugayseene, hana didinina ee waayo iyadoo cagaheeda ku socotay ayay idin soo magansatay, u muujiya dhoolacaddeyn been ah iyo dareen aan jirin,xaalkaygu markaa waxaa uu ahaa “ Meel aan rabay roob ma iigu da’ay” hubaal waa wax aan in badan ku riyoon jiray yididiiladana iigu jiray in uu maalin uu nabsigu ii keeni doono. Intaas dhankayga ayay soo eegaysa aan aniga iyo naftaydu dirirayno ee isla doodayno.
Kaddib ayaa waxa aan ku idhi: Hubaal waa ku jeclaa adiga ayaanna ka marag, jacaylkuse waa sida geedka, geedkuna waxaa uu ku koraa, hawada, biyaha iyo ileyska, Jacaylkuna waxaa ku koraa, kalsoonida, balanta iyo tixgelinta, haddaba jacaylkii aan kuula imid ma uusan korin oo waa hagaasay, maxaa yeelay saddexdaa midna kaama uusan helin.
Deeqa ayaa garowsatay arrinkaas waxa ayna tidhi: Qofku ma dareemi karo qofka kale dhibkiisa haddii uusan dareenkaas kala sinayn, waxaanna tusaale kuugu filan, haddaadan weligaa guban oo qof agtaada joogaa gubto, waad arkaysaa in qofku dhib iyo xanuun dareemayo, balse adigu xafafka iyo damqashada qofkaas ma garan karaysid, sidaa awgeed waagii aad ii sheegay in dareen jiray dhankaaga waa ogaa oo waxaa ii caddeynayey sida aad ugu dulqaatay hagar badan oo aan kuu geystay, balse maanta ayaan kaalintaadii oo kale jooga ee adigu waad ogtahay xanuunkaase miyaad igu cidlayn mise wax baad ila qaban dhankaaga?
Xaashi waxa uu yidhi: Aniga oo la yaaban sida murtida leh ee ay u garnaqsatay ayaan haddana hoosta ka lahaa, in aad dhibka dareento ilaahay baan ka baryey, waanna kula rabay in aad la hoyan weydo lana hadhsan weydo. Inta aan madaxa yara qoxqoxday ayaan idhi: Anigu horena waan kuu jeclaa, haddana waan ku jecelahay, balse, markaan arkay inaad iga sii jeedo ayaan go’aansaday inaan calooshayda xadhig ku dhuujiyo oo jacaylkayga dabar ku xidho, ileyn waa tii murtidu ahayd, wax aadan haynin wax aadan helayn baa laga dhigaa, haddase waad ogtahay waxaad fashaye sideen dareenkaygu ugu soo celin kartaa sidii hore?
Deeqa oo neef weyni ka soo fuqday markii ay maqashay erayada debacsan ee dhankiisa uga yimid ayaa tidhi:Wax allaale wixii aad adigu u aragto in aan kalsoonidaadu ku soo noqonayso waxaan u ahay diyaar, waxaanna balan kuugu qaadayaa in aanan maya ku dhihin.
Intaas markii dhegahaygu maqleen ayaa waxaa aan dareemay riyaaq iyo raynrayn maaha mid aan la dhacsanahay inay i jeclaatay ee waa inay iigu soo dhacday dabinkii aan la rabay.
Waxa aan idhi: Been kuuma sheegayo anigu hadda waxaan leeyahay xidhiidh kale, waxaanna jirta gabadh aan sheeko wadaag nahay oo jacayl naga dhaxeeyo, waai naad tartanka dhankaaga ka soo gashaa iina muujisaa, jacaylkaaga,hadda ogoow anigu weli sidii baan kuu jeclahay, balse, kalsooni darro keliya ayaa jirta, kalsoonidayda sida aad ku soo nooleyn lahayd adiga ayaa lagaa rabaa.
Deeqa ayaa inta ay is celin weyday igu soo booday, labada daanna iga dhunkatay, sariirtii aan ku fadhiyeyna dhinaca ka soo fadhiisatay, iyadoo muujinaysa sida ay uga duwan tahay shalay markaan jeclaa, aniguse waa is giijiyey oo waxa aan iska dhigay nin weli yara cadhaysan oo isma daad raacin.
Deeqi waxa ay billowday in ay qaab kasta oo ay iigu soo dhawaan karto samayso, waxaase iigu yaab badnayd markii Deeqi isla halkii gacantayda magaceeda aan kaga qoray ay magacayga ku soo xaradhay, sidoo kalena ay qof walba la wadaagtay inay i jeceshahay oo xidhiidhkayagii dib u soo noqday.
Waa sidaan rabay anigu waxa aan guda galay qaab walba oo aan uga aarsan karayey, waxaan marsiiyey intii ay isoo marsiisay, waxaanse noqday mid aan lahayn naxariis oo wax walba oo aan awooday waa ku sameeyey, heer aan magaceedi iyo milgaheedii gabadhnimo dhaafiyey, kaddibna aan u arkay inaan ka guuleystay, Deeqa arrinkaasi waxa uu ka sii dhigay mid liidata, waxa aan ahaa nin ciilan oo cadho qaba waxaanna sameeyey Deeqa nolosheeda inaan god dheer ku rido, waxaan baray Balwado kala duwan sida, Qaadka, Sigaarka, Xashiishka,Qamriga iwm.
Tallaabadan gurracan ee aan qaatay, marnaba iguma soo dhacayn digiigixasho, naxariis sida aan u dhibaateeyey gabadhaas ee tallaabo walba inaan aan ka guuleystay baan u arkayey,waxa aanan ka dhigay qof nolosha ku baa’ baday, kaddibna cidla ayaan uga dhaqaaqay, markii ay noqoto qof aan ciddina waxba ku falayn sidaanna u eegayn quruxdeediina waxa ay noqotay qurux lagu hungoobay.
Idil ayaa waxaa ku soo dhacay Yuusuf Sigad oo dhawr jeer inta ay tageen meel baar ah ku qalqaaliyey inay cabto cabitaannada kala duwan ee qamriga isaga oo u sheegay in ay leeyihiin, Riyaaq iyo obsi gaar ah, dhammaan werwerka iyo maskaxda hawshaysana ay ka fududaan doonto.
Kaddib arrinkaas ayay Idil ku dhibsatay, waxa ayna u sheegtay hooyadeed, hooyadeedna waxa ay tidhi: Ninka danta kaa lihi waxa uu kaa ilaaliyaa wax walba oo xun, ninka inuu ku bi’iyo rabaana waxaa uu ku baraa wax walba oo xun.
Hooyadeed mar walba waxa ay uga sheekayn jirtay, halista ragga iyadoo u ka waanin jirtay in ay nafteeda ka adkaato oo aysan noqon,qof caanyo ah oo waxii la rabo laga samaysto.
Idil waxaa isku raacay taladii hooyadeed Cudbi, sheekadii Xaashi iyo falkii Yuusuf sigad,waxa ayna go’aan ku gaadhay in ay joogteyso sheekada iyo barashada sooyaal nololeedka Xaashi ilaa ay gunta ka gaadho.
Waa dhab Idil Xaashigii loogu keenay Isbitaalka isagoo miyir la’ ee cidna garan weyday ayay maanta waxaa ay ka oggaatay wax badan noloshiisa, wax badan oo kalena waa u dhiman yihiin, waxa ay tidhi Idil, Adeeroow marnaba kama daalayo dhegaysiga sheekadaada,waxaanna jeclaan lahaa in aan sii joogteyno,bal ka warran haddaan Buug ka qorno, kaddibna waayo aragnimadaada nololeed aan la wadaagno.
Xaashi ayaa yidhi: Inta badan sheekadaydu waa qoran tahay, balse waa kugu raacsanahay, in aan wax badan kaaga sheekeeyo noloshayda, si aad naftaadana uga digtoonaado turunturooyinkaan soo maray bulshada kalena uga digto.
La soco qaybaha kale
W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr