Sameysan la’aanta sumadda qofka! W/Q: Jamaal Cabdinaasir

Sameysan la’aanta sumadda qofka!

“Reasoning with out understanding”. “Waxba ma sababeyn karitid, fahan la’aan”. Qof waliba waa inuu hadlaa heerkiisa. Inaad hadashaa heerkaagana waxaa jaangooynaya waxa ku jira garaadkaaga. “You are what you read”.

Qoraalkan waxaan ku eegaynaa doorka aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo qalad fahanka kala duwan ee bulshadooda ay ka heystaan. Innagoo milicsaneyna tusaaleyneyna aragtiyo kala duwan oo badanka aqoon maalka soomaaliyeed ay ka heystaan bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaan toosh ku ifin doonaa aqoonyahanka Soomaaliyeed ee casrigan nool sida uu ugu dabran yahay aragtiyo aan jawaab toos ah u ahayn waaqica soomaalida. Sidaas daraaddeed, maqaalkani wuxuu noqon doonaa mid iskii utarma oo baraarug iyo doodo nuxur leh ku qaboojiya akhristaha. Aynu hore usii daadagno akhristow!

“Aqoonyahanku waa qof ku gaashaaman aqoon, waxaanu la dhig yahay orod yahan, shiish yahan, af-tahan, garyaqaan, amaba ninka geela kara. Markaa aqoonyahanku waa qof muuqaal fog arki kara marka laga hadlayo suuraynta qorshaha ummadeed, tan qofeed iyo xal u helidda su’aalaha taagan. Aqoontuna waa laba, mid dabeeci ah oo degaanka la xidhiidha inagoo ku darayna noolaha dadka ka soo hadha iyo mid ku aslan habdhaqanka iyo samayska aadamaha. Si kale hadaynu u dhigno aqoontu waa tilmaamo wareed isku xidhiidhsan. Aqoonyahankuna waa qof tilmaamahaas ku ifinaya dhacdooyinka baahiyaha huwan ee isdaba socda ee aynu la kulanno. Sida aynu mugdiga tooshka ugu walacsiinno, ayaa aqoon yahankuna u ibo bixiyaa baahida aadamaha” Prof. Yuusuf Goodir Maxamed.

Ilaa intii taariikhda aadamaha ay is daba geddineysay, waxaa kala sooc ka jiray bulshooyinka meel wada deggan oo saamileey ukala qaatay heerarka nolosha. Sidoo kale, waxaa isfitaax iyo dabarg’o ku socday qaddiyadda aqoonta iyo cusbooneysiinta taariikhda aadmiga. Si qaayo leh ayaa inta badan looga jawaabayey marka dood la geliyo nolosha iyo habka ay ku socoto. Waxaana diiradda la saarayey falsafad ugaar ah nolosha si loo xaqiijiyo hannaanka ay ku socoto noloshu.

Casrigan aynu noolnahay waa casri taagtiisa socda oo horumarro xagga technology ah uu horyaal u yahay. Sida laga dheehan karo, adduunka iyo dadyowgii ilbaxnimada u ambabaxay waxay nolosha u arkayeen in la kala wareejiyo oo nidaamka ay ku socoto loogu weeciyo nidaam ka hufan ka waxgalsan, ka caddaaladsan ka xorriyadsan. Weecintaas waxay sameysantay marka dhibta la isla ogaaday oo qolo ay yihiin dad wax gummaada, qolo kalana ay ahaayeen dad dhibbanayaal ah (victams). Si kastaba waxa weeye in bulshooyinku ay dab ku qabtaan dhibtooda, ay ugaraabaan xorriyadda nolosha iyo fahmidda timaadada ku soo wajahan. Dunida soo koreysa ee aynu ka midka nahay waxaa soo jiitay ilbaxnimo kala geddisan oo aynu ka soo amaahannay dunida kale ee horumartay.

Ilbaxnimoyinkaas ayaan badankeen fahannay, qaar kalana ay wali la daalacsan yihiin. Qaarkii fahmay sirta ilbaxnimada adduunka ay hanaqaadday ayaa u tabaabushaystay inay soo meersadaan oo ay ula soo laabtaan bulshadooda. Si wacan ayey usoo dhuuxeen ayna ku soo qaateen darajooyin heer sare ah oo aan la gaarin, balse, sartu waxay ka qurantay (concepts) fahanno badan ayey soo dhaansadeen si ay ugu soo rogaan bulshada ay ka yimaadeen. Fahannadaas waxaa laftooda ugu dhashay wax la yidhaahdo: (clasha civilization) isku dhac xaddaarad oo goobtii ay ka soo dhaansadeen iyo goobtii ay usoo dhaansadeen ayaa isla ambaqaadi waayey. Sida uu tilmaamay aqoonyahan Dr. Ali Al-Wardi (1913 – 1995) Dr. Cali Al-wardi, wuxuu ina leeyahay waaqic kasta baahidiisa iyo fahankiisa waa ugaar. Geedka ku baxa (America), kuma bixi karo Ciraaq. Sababtoo ah, America cimilo ugaar ah ayey leeyahay, sidoo kale Ciraaqna cimilo gaar ah ayey leeyahay. Mid kasta in la fahmo ayaa mudan oo lagu garto daruuftiisa. Dr. Cali Al-wardi wuxuu inoo tusaaleynayaa meel kasta waxa ugaar ah, daruuf ugaar ah ayey leedahay (book شخصية الفرد العراقي).

Waana sababtaas dadkii uu ku dhacay hardanka ilbaxnimo markii ay ku soo laabteen waddankii waxay la soo shirtageen inay wax baddalaan oo dhaqdhaqaaq bulsho ay sameeyaan (Social movements). Taasi baddelkeeda nidaamka ama xeerarka ay wateen ayaa jilaafeeyay. Nidaamka ay la soo shirtageen wuxuu ahaa bulshada Soomaaliyeed aan baddalno. Su’aasha meesha taallo waxay aheyd sidee loo beddelayaa? Halkee laga beddelayaa? Nidaamkee ama (tools) la isticmaalayaa? Intaba lama eegin waxayna siteen aqoon qallalan (Academia). Aqoonta qallalan waa aqoon cilmi baaris ah oo si qummaati ah wax loo odoroso. Tiina ma adeegsan. Sababtuna waxa waaye, bulsha ka soo baxday (civil war) dagaal sokeeye waxay mudan tahay in aqoonta bulshada si qumman lagu hubeeyo, laguna darso. Dadkii aqoonta yurub iyo meelo kale kala yimid waxay xidhnaayeen shaadh aqooneed, balse, akhlaaq aqooneed ma ay xidhneen badankooda. Waxa ay fahmi waayeen baahida bulshadaani ay tabaneyso waa maxay? (Cycle) uu dhibka ka jiro oo dawada u baahani waa halkee? Aqoon ceynkee ah ayaa lagu dabooli karaa, xal ceynkee ah ayaa lagu dabooli karaa? intaba lama baarin.

Kolkaa kadib dadkii aqoonta fahamsanaa kala wareeg ayaa ku dhacay oo way milmeen qaar ayaa asluub ka soo muuqatay oo dhaqdhaqaaq fekireed sameeyay, qaar kalana summad qabyaaladeed ayaa ka soo muuqday. Waa barta ay sartu ka qurantay! Bulshooyinka adduunka waxaa soo martay xulufo aqoon leh oo doodo maangal ah bulshooyinkooda ku soo biirin jireen, isla mar ahaantaana kumay doodi jirin wax aysan aqoon u laheyn. Sida caadiga ah aadamahu wuxuu u sameysan yahay inuu jawaab ka bixiyo dhacdo kasta oo soo yeerta ama fadhi kasta oo doodeed, wuxuu isku dhex walaaqayaa inuu jawaab ka bixiyo xaaladda markaa lagu sugan yahay. In jawaab laga bixiyo dhacdo ama aragti waa meesheeda, balse, dhacdada iyo habkeeda dhacdo ma laga jawaabi karaa haddii aan aqoon loo lahayn? Sidoo kale, aragtida lafteedu ma sahlana, maxaa yeelay, aragtida haddii aadan difaaci karin, iyadu maxay waxtar leedahay adigan ku doodayaba difaac sal leh uma heysid?

Dhowr arrimood ayaa qof aqoonyahan ku waran soomaalida usoo baxday oo geesaha adduunka kaga soo aflaxeen. Doodo aan waaqici ahayna way la yimaadeen. Taqasusaad kala duwan ayey ka soo baxeen, midkasta oo iyaga ka mid ah qalin, buugaag iyo waraaqooyin ayey sitaan. Golayaasha iyo goobaha lagu caweeyo amaba lagu doodo kolka lagu casuumo waxay soo bandhigaan dood aan fahan badan ku dhisnayn oo ammuurta nolosha markaa lagu sugan yahay aan jawaab cad u ahayn. Fahan ka culus ayaa jiro fahannada ina horyaallo, waa fahanka dhuuxa innaga galay ee ah (fekerka qabiileysiga). Fekerkan waa feker soo jireen ah oo xaalado adag iyo daruufo xanuun leh ku yimid. Sidaa iyadoo ay tahay ayaa fekerka qabiileysigu ku milmay ruux kasta oo soomaali ah, sidoo kale wuxuu ku milmay heykalka bulshada, xag nidaam siyaasad, dhaqaale, iyo waxbarasho. Fekerkan dad badan ayaa dhinacyo kula doodo oo doodahooda u arka maslaxad, qolo kalana hab ka geddisan u arka oo dhib iyo dhibaatooyin uu soo kordhiyay u arka. Doodahaas badi waynu ka dharagsannahay, fekerka qabyaaladda heerka uu ka joogo qofka soomaaliga ah.

Inta badan waxaynu aragnaa aqoonyahan kala saari la’ waxa uu bini’aadanku doortay iyo waxa uusan dooran (given). In aad noole rag ahaatay ma aadan dooran, inaad noole dumar ah aad ahaatay sidoo kale ma aadan dooran. Sidoo kale inaad qabiil hebel ka soo jeeddo iyadana doorasho kuma lihid. Iyadoo taasi ay jirto ayaa aqoonyahanno dhowr ah oo buugaag iyo qalimaan sita ku andacoonayaan maxaad wax inoogu qaban weyday. Hadda eeg, waxa uu ku doodayo oo uu si qoraal ah baraha uu soo gelinayo amaba goobaha la isu yimaado ku kala shaandheynayo qof hebel oo nidaamka dowliga ah ku jira ima uusan matalin oo waxba iima uusan qabanin. Cajiib! Sida uu tilmaamay mid ka mid ahaa aqoonyahannada cilmiga bulshada oo lagu magacaabo Email Durkheim. Durkheim waa fekeraa ku dhex dabaashay culuumta bini’aadanka iyo mid bulsho. Durkheim wuxuu ku doodayaa in qof uu xumaado ama wanaagsanaado waxaa asal u ah ama loo tiirinayaa deegaankiisa ama goobta uu kasoo jeedo. Aragtiyaha tiraahda (structural theory), oo ay laamo u yihiin seddex tafsiir oo la kala yiraahdo:

  1. Conflict perspectives.
  2. Functionalism perspectives.
  3. Symbolic interectionism.

Seddexdaas aragtiyood waxay kala sifeeyaan dhacdo ama arrin bulsheed. Seddexdaba isku aragti ma’ahan oo way is naqdiyaan marka ay ka jawaabayaan arrin.

Durkheim wuxuu eegayaa hab-dhiska bulsho iyo macluumaadka uu soo gudbiyo sida ay waxyeello ugu geystaan xubnayaasha ka mid ah isla bulshada. Aragtiyahan waxay ina barayaan in qofkeen xummaado amaba si xun u feker sameeyaa in loo aaneynayo deegaanka uu ka soo jeedo ama xaaladda uu ku sugan yahay markaas. Taasi waa sabab cilmi, hasa ahaatee aan ku fiirinno qiimeyn qofka Soomaaliga ah ee casrigan nool iyo fekerka qabiileysiga halka uu ka taagan yahay ama qofka waxbartay. Waayahan dambe qofka aqoon soo fahmay ama soo kororsaday, ma yaqaanno seeska ama xagasha uu ka gali karo bulshadiisa! Qofka wax soo bartay oo aqoonta waran, soomaaligana ah badi marka uu doonayo inuu wax kala saaro ma isticmaali karo (objective) oo ma sugi karo hareerta waxa uu qaabeynayo uu ka doodayo ama dhaleeceynayo. Qofka aqoonta buuxsamay, kuna socod bartay marka aad la sheeko wadaageyso waxay inta badan weedhihiisu ku qotomaan hebel waa sidaa. Hadda adigii aqoon ka soo raadsaday, wuxuu kugu wareejinayaa waxyaabo hoose oo akhlaaqiyaadka xurmada iyo aqoonta ka baxsan. In aqoonta si akhlaaq leh ay dhuuxa kaa gashaa waxay soo baxdaa marka aad ujeeddo weeleyneyso oo aad farqi ku kala saareyso.

Farqiga ayaa qofnimdaada iyo tayadaada soo saara. Aqoonyahan ka soomaaliyeed ee aqoonta gartay, wuxuu dooddiisa ku soo gunaanaday bulshadaani way dayacantay oo way ka gaabiday horu socodka uu adduunku ku tillaabsaday. Tusaale kasta wuxuu murti uga dhigayaa adduunka. Haddii aad weydiiso, aqoonyahanow adduunka iyo innaga maxaa isku daruuf innaga dhigay? Haddii aad ugu sii darto adduunka aad sheegeyso laftooda mar bay sidan iyo si ka daran ahaayeen oo xilliyo adag ay soo mareen sida taariikhdu ay werinayso. Bal halkaa ku laabo! Afka ayuu juuqda gabayaa! Astaamaha kale ee qofka waxbartay ee aqoonta sitaa wuxuu caqligiisa ku shuqlinayaa (annaga). Halbeegan annaga ah waa cabbir guud oo uu adeegsanayo. Marka aqoonta akhlaaq ahaan aysan kuu beddelin waxaad ku dul wareeganeysaa magac iyo wadar. Haddii aad is barataan wuxuu xukunka kula dhegayaa reer ahaan iyo inaad meel wada gashaan. Meel haddii aad wada gali weydaan dib ayuu kaaga guran!. Farqiga kale ee aad arkeysa waxa weeye, haddii uu kula sheekeysanayo wuxuu kaala qabsanayaa qoys iyo meel hebel ayaa reerkii isku qabteen!.

Aqoonyahankeenna wax bartay, aqoontu maxay u beddeli la’dahay?

Waa arrin mudan in tooshka lagu ifiyo qaddiyadan qofka wax bartay oo aan wali aragtidiisu dhaafin reer iyo magac. Mudnaanta koowaad ay tahay in doodo xasaasi ah laga galo qodabkan waa haddii lagu baraarugo. In aqoonta si dhab ah aad u liqdo, kolkaana ay kuu furto irido barwaaqo iyo aragtiyo nolol waa miisaan aan abid laga dhaceyn. Aqoonta qallalan (Academia) ayaa fure u ah ilbaxnimada uu adduunku gaaray. Doodaha adduunka ka dhacaa waa seddex heer (levels). Midi waxay taabaneysaa qofka (individual), midna waa bulsho (society) midda kalena waa (system of government) hannaanka dowladnimo. Aqoonta ayaa u xaarta in doodahaas la la faguro oo la baadho. Aqoontaas ayaa siro badan bannaanka keentay oo seddex heerba xal u noqotay. Cilmiga bulshada ayaa milgo iyo maamuusba usoo hoyaaday, marka ay ka warbixiday seddex heer ee aan soo xusnay. Sidoo kale, kasma-nafeedka isagana tiir weyn ayuu ku leedahay marka la abaabulayo shaqsiga (individual).

Qofkeenna waxbartay wuxuu miisaami la’yahay qofka iyo aragtidiisa. Waa Labo daraf qof iyo aragtidiisa! Qofka wuxuu yahay qof ahaantiisa, shantiisa dareen ee uu wax ku fahmayo. Balse, aragtida ayaa ah ujeedka qofka jiritaankiisa iyo yoolkiisa. Sidaas darteed, qofka iyo aragtidiisa ayaa asal ah in la kala saaro. Ceybta jirta ayaa ah: aqoonyahankeenna ayaa dhibi hortaallaa oo ay tahay inuu heshiisiiyo qofnimadiisa iyo aragtidiisa. Waana sababtaas inuu aqoonyahankeenna meelna barkaneyn oo iska haasaawayo, isagana doodayo bilaa murti iyo baadhisba.

Heshiis ma jirayo ilaa naf waliba ay iyada heshiis dhigato oo isku qanacdo. Laab lakacna ay ka fogeyso isbadbaddalka nolosha. Sidoo kale, wuxuu aqoonyahankeennu ku mintiday isla qummanaan aan xeelad iyo fogaan arag laheyn. Hadda ma aqoonta ayaa isbadin kuugu tarbiyeyneysa mise qofka ayaa isbidaya wax allaale. Waa ceebta aqoonyahankeenna isagoo shaadh magac xidhan ayuu goobaha iyo masraxyada ku mintidayaa oo xarfo aanu aqoon ayuu iska saadaalinayaa. waxaa muhiim ah in heshiis laga dhigo qofka iyo aragtidiisa, kolkaa kadib ayey tayada iyo barwaaqadu soo baxeysaa. Inta ka horreysa waxaa caan noqoneysa magaca qabyaalad iyo shaadhka aqoon inay hardamaan.

“Dhinaca aqoonta casriga ah waxay ina dooransiinaysaa tilmaamo badan oo badhitaaraya kobaca fahamkeenna nolosha, kuwaasoo lagu gaadhay waayo aragnimo, cilmi baadhis iyo tijaabooyin. Aynu isku taagno nuxurka waxbarashada casriga ah. faylasuufkii Rene Des-Cartes wuxuu xusay in habar dugaagga oo idil ay ka go’an tahay inay jidhkooda u adeegaan oo ay si joogto ah ugu hawlan yihiin nafaqaynteeda, balse, aadamaha oo maankiisu tiirdhexaad u yahay, waa inuu raadiyaa xikmadda, taasoo ah nafaqaynta maanka. Waxaa iswediin leh doorka aqoonta casriga ahi ka ciyaarto nafaqaynta maanka. lyadoo ujeeddada laga leeyahay halganka aqoon urursigu ay tahay horumarinta sida aadamigu u noolaanayo. Taasna dedaal baa lagu gaadhay ay weheliso ururintii wixii aadamuhu aqoon soo dhaxlay. Marka laysku soo xooriyo aqoonta casriga ah nuxurkeedu waa laba weji.

  1. Ta hore in qofku xirfad barto, inuu noqdo dhakhtar, injineer, bir tume, wastaad iyo rinjiile iwm.
  2. Tan labaad: in garaadkiisu kordho (more intellectual) oo uu noqdo qof ka aragti dheer kan caadiga ah, waayo feejignaantiisa ayaa saraysa.

Tan danbe qayb libaax ayey ka qaadataa kobcinta maskaxda, waana qofka oo si macquul (rational) ah u fekera. Ugu danbeyntana wuxuu gaadhayaa heer ummaddu ku soo hirato. Goobaha waxbarashada ee la qaabeeyay ujeeddada suganna leh sida jaamacadaha waxaa isugu urura dad aqoon xambaarsan. cid kasta oo marti u noqotaana waxay kala tagtaa inta ay ka maasho miiddaas. Muhiimadduna waxaa weeye in aqoon korodhsigaagu ugu horeynba adiga ku anfaco, haddii ay noqon lahayd sidaad mujtamaca ula dhaqmaysid iyo sidaad noloshaada u habayn lahayd.

Runtii aflaxe kastaa ma hanto guushaas, in badanna waxaynu aragnaa mid aragtidiisu ka hoosayso kan caadiga ah. sababtuna waxa weeye aragtidiisa oo aan qiimayn karin wax dhaafsiisan inta muuqata. Tusaale ahaan, waayihii kala duwanaa ee aynu soo dhaafnay dadka caadiga ahi waxay marwalba ka eegayeen muraayadda qabiilka, la yaabse waxay noqonaysaa marka kii waxbartayna uu sidaas wax u qiimeeyo. Sababtuna waxaa weeye qofkaas oo ay ka maqan tahay garashadii ku doogsan lahayd sirta qarsoon ee ka danbeysay waayahaas.

Sida caadiga ah wax kastoo dhaca sabab baa ka danbeysa, amaba qaar badan oo isku hoos jira. Qiimayntuna ay ku xidhan tahay hadba miiisaanka aad saarto, haddii aad ula leexato mid aad la jeceshahay, waa suuro gal inay is buuxin waayaan. Waayo aad bay u hooseysay waqdhacda (low probability) aad ku tibatay. Waxay ku fiican tahay inaad xadhiga u sii daysid, adoo isku dayaya inaad ku qanacdo madax bannaanida dhacdada. In badan way ku soo dhacdaa suureheenna in arrimuhu u dhacaan sida aynu doonayno, taasise waa yididdiilada dareenkeenna oo dhacdooyinku, ka madax bannaan yihiin. Ogsoonowna in dhacdo waliba marti u tahay maankeeda”. (Prof. Yuusuf Goodir Maxamed 2013).

Aqoonyahankeennu muxuu ugu fekeri la’yahay nuuca ay bulshadiisu noqoneyso?

Bulsho waliba xeerar iyo nidaamyo ugaar ah ayey leedahay. Bulsho bilaa xeer ah, bulsho ma noqoto. Aqoonyahankeennuna uma fekerayo nuuca ay bulshadiisu noqoneyso. Taasi waa waajib saaran in qofka wax bartaa uu u sameysnaado inuu abaabul u galo horumarinta bulshadiisa iyo baadigoobka xalalka u muhiimka ah bulshada. Sideedaba, bulsho waliba waxay leedahay; lakabyo iyo laamo dhowr ah. Cidda wax baratay waxaa laga doonayaa inay fahanto isha bulshada iyo hannaanka ay isku raacsan tahay. Aqoonta ay bulshada ay xambaareyso oo lakabyada ay usii gudbeyso aqoonyahanka ah ayaa laga doonayaa inuu qiimeyn iyo toosh la dul tago. Aragtiyo ayaa usoo gudubto bulshada, aragtiyahaas waxaa asal ah in lagu qiimeeyo la jaan qaadka waaqica jira. Waaqica ayaa tafsiir sax ah u horseedi kara ama dambeysiin kara aragtida soo gudubtay. Aqoonta ama aragtiyaha bulshada loo yeelayo waa inay isku aqoonsataa, isku fahantaa. Cadeyn sax ah isku noqotaa, balse, taasi haddii aysan dhicin oo qabyaalad la isku aqoonsado taasi waxay u tahay ceebta aqoonyahanka.

Aqoonyahankeenna dooddiisu maxay u jaban tahay?

Marka lala falgalayo dood isweydaarsi, waxaa shardi ah inaad aad u feejigan tahay oo seeraha iyo seeska dooddaada waa inaad dhuujidaa. Sidoo kale, waxaa muhiim ah inta aadan guda galin doodda waa inaad qiimeyn la dul tagtaa gogosha ama biya dhaca dooddaada.

Waxyaabaha inta badan aynu aragno waxa weeye, aqoonyahan is tilmaamaya oo haddana been isku sheegaya! Sababtuna waxa waaye qof walba wuxuu tilmaamaa inta ogaalkiisu uu gaarsiisan yahay. Guusha aqoon-doodeedku waxay ku xidhan tahay sida aad isugu soo hubeyday aragtidaada, balse, aqoonyahankeennu wuxuu doodaa isagoo maran oo aan tusaaleyn badan ka bixin karin isla aragtidiisa. Maxaa yeelay, habka doodda iyo sifeynta doodda ayuusan aqoon u laheyn. Maadaama dooddu ay tahay in la kala qaato fahan iyo faa’iido, haddana kama maqna in la yeesho xirfaddii qofnimo. Guntii iyo gebegabadii, aqoonyahankeennu wuxuu u baahan yahay inuu xoojiyo aragtidiisa iyo hannaan doodeedkiisa. Sidoo kale, wuxuu u baahan yahay inuu weeleeyo heerkiisa oo uusan been iyo huuhaa la imaan gogosha aqoonta dhabta ah.

Tixraac: https://geeska.net/qalinka-iyo-waayaha-prof-yuusuf-goodir-maxamed-3/

W/Q: Jamaal Cabdinaasir

  • NAGA LA SOO XIRIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN