Gorfeynta; Gaso, Ganuun iyo Gasiin W/D: Ina CUBTAN

Gorfeynta; Gaso, Ganuun iyo Gasiin

Prof Cali Jimcaale Axmad qoraannimadiisu waxay ku qotontaa curisyada afeed kuwooda ugu sarreeya, oo hadba kan uu ku qorayo uu kiisa kale u yahay af ka hodansan, kuna habboon aragtiyeyntiisa malo’aal iyo minguurin aqooneed isugu jirta, in uu ku tebiyo, ayna dhextaal u fiirsigiisa qofeed iyo ildheeridiisa garasho; indheergarad.

Marka aad aqriso qoraalladiisa guud ahaan, gaar ahaan buugtiisa uu ku qoray af Ingiriiska, gabayada uu afkaa ku mariyey iyo sheekooyinka curiska ee uu ku qaabiyey, waxaad is leedahay; prof Cali afkan ayuu ku dhashay, may, afkan ayaaba loo dhalay, in uu war ama wax ku tebiyo.

Si la mid ah, marka aad aqriso qoraalladiisa uu afkeenna ku qoray, warjeedinnadiisa aqooneed ee kulamada ogaaleed ku sheego, haddana, aad aqriso buuggan aan falanqayntiisa duljoogno, ee Gaso, Ganuun, Gasiin, waxaad qiraysaa; in uu yahay aftahan, codkar iyo aragtile miiska miisaanka saaraya garasho guun ah. Afku waa afkiisa, waana afkuu abbaarto ablaablayntiisa!

Gaso, Ganuun iyo Gasiin waa sheeko curis ah, oo ka warramaysa waayo’aragnimo nololeed, warin tagto, wacaalin taagan iyo walacsi timaaddo. Aqool ayaameed. Sidoo kale, Gaso, Ganuun iyo Gasiin, waa buug aad af, suugaan, dhaqan, hidde, sooyaal, degaanno iyo waxyaabo ama walxo ku xeeran nolosheenna miyi iyo magaalo aad ka baran doonto, oo lagu qoray ogaal iyo aqoon durugsan.

Prof Cali buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin wuxuu ku tebinayaa af iyo suugaan sarraysa, oo ashqaraar iyo amakaag kugu ridaya habka iyo hannaanka uu u adeegsanayo erayada, uuna isugu xirayo weeraha, ogowna, af wax lagu qoro waxaa ugu adag af suugaaneedka afka uu rabo ha noqee.

Buugga: Gaso, Ganuun iyo Gasiin, wuxuu hormuud u noqday buugta sheeko faneedka laga qoray, ee afkeenna ku qoran, maxaa yeelay, wuxuu kulansaday aqoonno badan, oo sheeko ay dhif tahay, in ay kulansato. Curin curadnimo caqli iyo cilmi lagu cabbiray. Cosobnaan!

Waxaa ka mid ah; af hodonnaanta, oo baaragaraaf walba, waxaad ka kororsanaysaa eray cusub ama ay mar hore kuugu dambaysay. Cinwaanka buugga ayaa tusaale kaaga filan, kuuguna furan. Murti, halqabsi ama hawraar ku habboon hadalka in lagu kaabo ama xujo iyo xaajo lagu xoojiyo. Mid hawl, diineed ama duunyana ha ka reebin. Waxaa la mid ah erayo suuqeedka, war magaaleedka, ciyaal xaafadeed u hadalka iyo hadal majaajileynta, oo buuggan ku xardhan.

Dhanka kale, wuxuu isku milayaa sida macallinnimadiisa aqoon kuu caddaynayso dhaqannada miyi iyo magaalo, oo ah aqoonta labaad ee buuggu la keli yahay, oo ay adag tahay, in aad hesho sida qoraa prof Cali isugu laray, in aad buug kale uga hesho, welibana si daraasadaysan, oo la isu raacinayo hab heerheer ah.

Waxaa barbarsocda, sida uu Prof Cali sooyaaltebinta ugu fogaanayo, marka uu sawirayo hab dhaqankii hore iyo waayihii miyiga, oo wixii agab iyo adduunyo la haystay ee ahaa wixii noloshu ku tiirsaneed, oo uu bariddeeda kugu baabayo.

Waxaa kale oo micjiso qoraaleed ah; hab dhigaalka erayo ama weereed, oo qaab isku xirka guud marka laga soo tago, uu la keli yahay prof Cali, in uu jaantus u gaar yeeshay, oo aad uga fog qaab dhigaalka guud ee dadka, siiba kuwa lagu tilaami karo dugsigii hore ‘old school’ ee la kowsaday dhigiddii farta, oo ilaa hadda u xayiran kuna dheggan, sidii waagaa dad aad u yar u jaangooyeen dhigaalka farta afka, ee aan dedaal cusboonaysiin lagu darin.

Halkan waxaa ka falliirmaya, inta erayo agab ama farsamo ku jirta, ee uu buugga ku dhex-adeegsanayo ama dhir, bahallo iqk loogu yeero, ee maanta si uun u sii gabaabsi ah ama af magaaleedka ka baxay, sida isla cinwaanka buugga; Gaso, Ganuun iyo Gasiin.

Ha ku kadsoomin marka aad aragto dhaqan miyi iyo magaalo, marnaba loogama jeedo, waxan ilqabatada ah ee ay ku ka la duwan yihiin, ee waa dhaqan aqooneedka uu Prof Cali jaamacadda ka dhigo, oo hab faneed fudud lagu tebinayo, si ogaal fiireed ahna uu ugu faaqidayo.

Hab qoraaleedka uu Prof Cali raacay waxay isugu jirtaa dhawr tebin; iska hadlid, sidii qof koowaad, oo iska sheekaynaya. La hadlid, sidii qof adiga ku wargelinaya, ood adigu war u sheehayso. Qof saddaxaad ka hadlid, asoo kaaga sheekaynaya wax qof kale haleelay.

Sheekadu waxay dhacaysaa inta u dhaxaysa labo barqo: waa 24 saac gudahood. Arag b. 2, Baragraafka 2aad: “Waxay ahayd barqo cadceeddu weli si aadihi u soo bixin…” Fiiri haddana, b. 216, baragraafka 2aad: “Barqadii dambe ayaa Ina Fagax odayaashii u hogaamiyey goobtii uu soo sahanshey habeenkii hore.”

Waxaad arkaysaa marka: sheekadu inteeda badan waa xasuus ku soo maaxaysa maanka jilayayaasha iyo saddaxda qaab tebin sheeko ahaa ee aan kor ku sheegay; isku milidda saddaxdan qaab.

Isku milidda saddaxdan qaab, oo ah dhab ahaantii hab curis curad iyo ugub ku ah sheeko faneedkeenna, wuxuu maragfur u yahay, sida maan curiska Prof Cali u yahay mid aad oo wayn una sarreeya, maxaa yeelay, sida uu sheeko kuugu wado, ayuu isagii soo dhexgalayaa, markaas ayuu inta cabbaar kuu warramo, -isagu ha isaga kaa warramo ama adiga ha kaa warramo, aynaba dhici karto, in uu isla sheekadii hore sidii qof gees kaagala baxaya sheeko socotay, si uu kuugu sheego qayb ka mid ah sheekadaa-, ayuu mar dambe Prof Cali ku leeyahay; horta; miyaan ku qasay? Ma sheekada ayaan kaa labay? Aan kugu celiyo sheekada, haddaba, adoo raalli ah!

Sidoo kale, sida uu sheeko kuugu wado, ayuu Prof Cali mid kale soo dhexgelinaya, haddana, inta tii kaa gudbiyo, ayuu mid kale kugu tuurayaa, oo markaa dabeed ayuu dib kuugu soo celinayaa tii hore ee uu kuu waday. Tani waxay igu soo maaxinaysaa buuggii; ‘Cien años de soledad’ (KELINNIMO BOQOL GU’A) ee uu qoray qoraagii reer Kolombiya, ee ku guulaystay nobelka suugaanta 1982; Gabriel García Márquez, oo is dhexgelinta sheekooyinka macallin ku ahaa.

Qaab curiskaa isdhexgalaya, haddana, kala baxaya, ayaad buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin ee Prof Cali qoray ugu tagaysaa, weliba, haddii aad af iyo dhaqan aqoon tahay, aad maaddiisa iyo muunaddiisa is huwan aad maaxo durdur eed ka waraabto ka dhiganaysaa.

Waxaa dheer oo in la ifiyo u baahan, labo shay oo maankayga ku soo dhacay: Kow, waa qoraal uu curiyey faylasuufkii Talyaaniga Umberto Eco. Waxa uu qoray 1962 buug la yiraahdo “Opera aperta” uuna kaga hadlayo waxa uu ku sheegayo in ay yihiin hawlo furan, calaamaadka lagu yaqaannaana ay yihiin: sarbeeb, sheeko furan oo dhammaadkeedu kugu dhaliyo is la tallan iyo isweydiin horleh. Waxa kale uu sheegay in buugaagta noocanihi akhristaha ku dhaliyaan in uu il labaad iyo mid saddaxaadba ku dayo noloshiisa iyo tan meesha uu ku noolyahay. Umberto Eco waxa kale uu ku doodayaa, in qoraallada ku abtirsada “Opera aperta” aysan ka maagin xal u raadinta ummuuraha cakiran ee soo waajaha aadmiga.

Gaso waxay kale oo ay qiraysaa arrin uu qoraagii weynaa ee Talyaaniga Italo Calvino ku sheegay buuggiisa la yiraahdo “Una pietra sopra”, b. 13: Suugaantu waxay akhristaha ka caawisaa sidii uu u noqon lahaa mid caqligiisa iyo kasmadiisu kobcaan; sidoo kale dareenkiisa aadminimo iyo weliba anshaxiisa dadnimo. Gardaadin garaad, ahna midda aan ku soo faalleeyey af, dhaqan, suugaan, bulsho iwm.

Teeda kale, waxay Gaso i xasuusineysaa murtidii qoraaga la yiraahdo Leonardo Sciascia uu ku sheegay qoraalkiisa “La scomparsa di Majorana”. Waxa uu leeyahay: waxa aan u doortay in aan dhiganayaashayda u qoro qaabka “detective”-ka ah waa in ay iga go’antahay in aan baadigoob u galo Runta. Waxaa haddaba ii muuqata in Gaso tahay qiso lagu baadigoobayo run ma maqan, run jirta, run aan weli dhalan iyo mid ceegaagta dhul dihin ama xoolo aan weli la maalin.

Ugu dambayn ka hor, inta aan ka sheegikaro Gaso intaa oo keliya ku ma koobna, balse, waxaan rabaa in aan akhristaha hadda jira iyo faca dambe xigsin iyo aloosba u keydiyo. Marka akhristow bal baadigoob iyo raadin mug lehna u gal waxa Gaso duurxulkeedu yahay. Raadi runta loo wada roorayo, haddana, badi la reedmaro!

Gunaanad; Sooyaalka prof Cali Jimcaale Axmed

Cali Jimcaale Axmed waa Borofaysar ama Bare Sare oo wax ka dhiga Queens College, oo ka tirsan Jaamacadda magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waa madaxa qaybta is barbardhigga suugaanta (Comparative Literature); waxa uuna dhigaa suugaanta Afrika, Yurub, Maraykanka, Aasiya iyo tan Caalamka Islaamka. Waxa uu shahadada P.H.D ama doktoornimada ka qaatay Jaamacad Kalifoornia ku taal oo la yiraahdo UCLA. Waxa uu ku takhasusay, buugaag badanna ka qoray halka ay iska qabtaan suugaanta, dhaqanka, bulshada, iyo siyaasadda.

Waxa kale uu qoray gabayo iyo sheekooyin ku qoran af Ingiriisi iyo Soomaaliba. Buugaagtiisa waxa ka mid ah:

  • (The Invention of Somalia)
  • (Daybreak Is Near) (Fear Is a Cow)
  • (Diaspora Blues)
  • (The Road Less Traveled) iyo (When Donkeys Give Birth to calves).

Waxa kale uu Jimcaale ka mid yahay aasaasayaasha iyo tifatirayaasha Journal of Somali Studies (JOSS) oo ka soo baxa dalka Ingiriiska. sidoo kale, wuxuu barnaamijyo ka soo jeedin jirey Warlaliskii Radio Muqdisho halka uu bare ka ahaa Jaamacadda umadda.

Dhammaad.

F.G: fiidnimada axadda 26 bishan, qoraa prof Cali wuxuu marti ku yahay kulan uu uga warbixindoono buuggan Gaso, Ganuun, Gasiin. Fiiri lifaaq sawirkeeda la socda qoraalka, si aad uga hesho wixii faahfaahin ah, eed u baahan karto.

Aqrin wacan iyo ogaal waacasa.

W/D: Ina CUBTAN.

SHEEKOOYIN