SHEEKO: JACAYLKEEDA AYAAN LA NOOLAHAY Q10AAD
Waxaa la gaaray xiligii aan soo goosan laha tigidhkii aan kusoo bixi lahaa waan soo goostay, waxay ahayd maalin talaada ah, xaafadda Mayfair fordsburg ee ay soomaalidu ka dagto johanesberg ayaan kasoo goostay tigidhkayga aan ku aadi lahaa xagaa iyo Waddankii (Somalia) waxaana sii mari rabay xagaa iyo Ugandha, kadibna waxaan usoo gudbi lahaa Nairobi illaa muqdisho, farxadda aan labadeenaba faraxnay ma ahayn mid lasoo koobi karo maadama uusoo dhawaaday kullankeena, waqtiguna,noqday mid cayiman, xisaabtiisuna dhawdahay.
24ka bisha sadexaad 2003 ayay ku beegnayd, balse dunida ayaa ah mid qorshaheeda wadata una jihaysan mar walba halka loo jiheeyay, inagana qorshaheena ayaan wadanaa oo dunida ayaan ka mid nahay, mana naqaan saacaddan saacadeeda kale halka aan harsan doono!
Sidii loogu tala galay ayuu safarkayga ahaa laakin marka ay hal maalin ka dhimantahay ayay isoo wacday iguna tiri “waqtigaaga ku imow, waxaan sii gaarayaa xagaa iyo hiiraan oo la iiga soo sheegay Aabe oo xanuunsan, si dhaqsa ah in aan ku imaado ayaa la iga codsaday wadda kalana ma jirto, waana u sheegay in aad imaanayso, balse, waxaan dareemay in aan la iga maarmin, Aaba xaalkiisuna uusan fiicnayn oo uu aad u liito marka ii dulqaado iska imow”.
Waan soo baxay oo waqtigii loogu tala galay ayaan ku imid muqdisho, soo dhawayn badan ayaa la ii suubiyay, war la’aanna lagama ahayn Magalada oo qof walba wuu ogaa in aan uso laabtay Gabadhii aan qabay ,qof walba wuxuu iigu hambalyaynayay waqtiga iyo hardanka aan usoo galay in aan gaaro meesha aan maanta taaganahay, waxaasa hoos ka lahaa mar walba oo uu qof Ii hambalyeeyo, hambalyadan waa qaalida nolosha, iyada ayaan u noolahay darteed, wax walba oo aan maanta ahayna ku noqoday sababteeda, haddii aysan iyada ahaan lahayna sidan xaalku wuu ka badalnaa lahaa.
waxaan sugaba waxaa dhamaatay Bil, waxaa la soo sheegay in Aabaheed uu meesha ku xijaabtay,(ku dhintay) markana ay diyaar u tahay in ay usoo dhaqaaqdo xagaa iyo Muqdisho, waxaan ka codsaday in aan gaari yar soo kiraysto oo aan soo doono waasa iga diidday, oo waxay ii sheegtay in ay soo raacayso gaari Cabdi bile ah oo wiil ay ilma adeer ay yihiin uu wato oo xamar usoo socda, maalinta ay soo baxaysana waa ii sheegtay.
Anigana waxaan ku jiray is diyaaris xitaa ma aanan gadin aqalkii la dagi lahaa, oo waxaan rabay in wax walba ay iyada doorato, markan dhaqaala ahaan ma liito waa dhisanahay runtii, waxaana iga go’aan ah xitaa haddii aan ku qasbanaado in aan xoolaha dhan dhameeyo, in aan dhameeyo, oo aan dib u shaqo bilaabo maadaama qofka qaadanayaa uu yahay qof iga mudan qaalina igu ah una sabab ah wax walba oo aan maanta ahay.
Waxaa dhacday wax lama filaan ah, intii ay waddada ku soo jireen ayaa waxaa waddada u galay qolooyin Tuuga ah, oo xabad gaarigii ay saarnayd la dhacay, dhacna iskugu daray dadkii gaariga saarnaa, nasiib darro ummu intisaar(Nimco) waxay ka mid noqotay dadka ku dhaawacmay shilkaa, oo waxaa qaarka dambe ka qabsaday baaskii ay ridayeen.
Waxaana la keenay Muqdisho iyada oo dhaawac culus ah, halkaas ayaan isbitaal kula galay waxaa meeshaas ku baaba’ay riyadii ahayd in aroos aan ku noqdo Magaalada Muqdisho, oo arrintu waxay isku badashay baxnaano aan baxnaaninayo Xaaskayga mudada badan aan kala maqnayn, waxayna koma ku jirtay muddo usbuuc ah.
Markii ay soo naaxdayna iyada oo dhoola cadaynayso dhahaysana waa qaddar Eebe Macaana ee aan ku samirno ayay si naxariis ku jirto ii tiri, iyada oo madaxayga salaaxaysa illinna qubayso, waxayna si dagan iigu tiri “uma malaynayo in aan middan ka kacayo marba haddii wixii aan soo marnay oo dhan oo xiligii aan is lahaa waad guranaysaa Mirraha jacaylkiina uu sidan noqday xaalkeena,ma ahan runtii astaan fiican, alalah ayaasa og sida ay ku dambayn doonto, balse, rajada aan qabo ma wanaagsana macaane”
Illin ayaa iga qubanaysay, hadalkaygana wuxuu kusoo gaabnaa wixii allaah qaddaro lama dhaafayo ee samirka kaasho, nasiib wanaagsan ayaanu wada leenahay marba hadii uu allah mar labaad xaaladdan adag nagu mideeyay, wax walbana ay wax kasii daran yihiin, oo hadii maanta aan maqnaan lahaa naftuna kaa bixi lahayd aniga oo kula joogin ama dariiqa ku dhiman lahayd xaalku wuu kasii liidan lahaa sidan.
waa lagu daawaynayaa, kaamana harayo inta aan noolahay, niyaddaad daji, waan ka xumahay aniga oo kuu abaal gudin in aad xaaladdan adag gasho,markii aan hadalkan sii oranayayna gacanteeda ayay afka iga saartay, iyada oo dhahaysaa waa ii abaal gudday marba haddii aad intan ilasoo gaartay, inti aad suubin kari lahaydna waad suubisay, qofkana abaal gudkiisa lagma dhigo wax uusan awood u lahayn, wixii karaankaaga ah waad suubisay ficil ahaan iyo niyad ahaanba waana kaa qabaaa gacaliye, aan wada sugno waddada xigta meesha ay saldhigato, si wada jir ah in aan u wada wajahaynanan waan ogahay, kalsoonina waan kugu qabaa, marnaba kama shalaaynin la kulankaaga iyo midnimadaada, allaahna wuu ii rumeeyay riyadayda ah ah in aan helo Nin adiga oo kale ah, mana aaminsani runtii in Naag iga nasiib badan ay aduunkan ku nooshahay, xitaa haddii ay noqoto dunidan in aan ka tago kaama tagayo aniga oo meel kugu ogaan, waana qasab inta noloshaada ka dhiman in aad la noolaato jacaylkayga astaantiisa.
Asxaab iyo ehelba waa la wada dhoobnaa isbitaalka, dhowr qaliin oo lagu suubiyay laguma guulaysan, wax aan ka ahayn in la kabo lafihii jabnaa, balse waxaa jiray koontarool la’aan xagga saxaradda ah iyo daren la’aan ka jirtay qaarka dambe gabi ahaanba, oo ma ahayn mid wax ka dareemaysa lugaheeda, fadhi wuu jiray balse istaag iyo socod haba sheegin, waxaana la iigu deershay in waddankan(Soomaalia) aan waxba looga qaban Karin.
Arrinta waa is badashay markan, maadama la inoo cadeeyay in Muqdisho aanan waxba looga qaban Karin, waxaan go’aansaday in aan ula soo dhaqaaqo xagaa iyo Nairobi oo aan Daawo uga raadsho, Visa ayaan xareeyay nasiib wanaag si dhaqsa ah ayuu iigu soo baxay waana dhaqaajinay, waxaa meesha igu sugayay wiilal aan asxaab iyo qaraababa nahay, oo qof walba wuu la socday Taariikhda Gabadhan iyo Aniga, waana la wada ogaay in gabadhan ay igu dheertahay.
LA SOCO Q11AAD
W/Q: Mohamed Musa Sh Noor