DHAAYAHA SAXAADDA Q-1AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

DHAAYAHA SAXAADDA Q-1AAD

U sheeg dadweynaha waxaad aabbahaa iyo hooyadaa u sheegi laheyd!

Gogoldhig

Sooyaal saxaafadeedkani waa sheeko-cilmiyeed lagu lafa-gurayo saxaafadda guud iyo tan gaar ahaaneed ee waddankeenna soomaaliyeed. Waxaa si aqoon iyo ogaal leh loogu faalleynayaa habtebinta habboon ee saxaafadda isla markaana aan ka hor imaaneyn; diinta suubban ee islaamka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada. Waa qormooyin ku saabsan ogaalka iyo aasaaska saxaafadda xariirka ay bulshada carra’edeg ku yeelatay. Sidoo kale, waxa aan ku bidhaamin doonaa dhibaatada iyo wanaagga ay ummadda u leeyihiin baraha xariirka bulshadu, sida: interneetka, warsidayaasha (Journal) IWM.

Waxaan dhihi karnaa waa qoraal cilmiyeedkii ugu horreeyay ee nuuciisa ah oo saxaafadda dunida iyo tan soomaaliyeedba la qoray. Ogaal-saxaafadeedkaan waxaa loogu talogalay inuu saxafiyiinta soomaaliyeed u noqdo saaxibkooda koowaad iyo dhigaalkii ugu horreeyay sooyaalka saxaafadda Soomaaliyeed.

Waxay qorayaashu inta badan wax ka qoreen waxyaabo kale, balse, waxaa la yiraahdaa: ishu baarkeeda ma aragto sidaas ayey qorayaasha iyo suxufiyiintuba himmad u siin waayeen ka hadalka iyo wax ka qoridda saxaafadda. Haddaba sheekadaan Dhaayaha saxaafadda, haddii la doono, waxaa laga dhigi karaa dugsiyada waxbarasha ee dalka, sida: Jaamacadaha, dugsiyada sare, dhexe iyo dugsiyada kale ee gaarka loo leeyahay (Kolleejyada). Aqriska aan intaas aheyna waa nabad iyo caano.

Soomaalidu waxay tiraahdaa: “war la helaa talo la helaa ama war ayaa ugu baahi badan. Saxaafaddu waa iftiinka nolasha oo wax walbo oo horumar sameeyay waxaa salkooda horseed ka ahaa saxaafadda. Bal dhugo baalka ugu horreeya ee cilmiga barashada siyaassadda (Political sceines), wuxuu leeyahay: qofka siyaasiga ah waxaa waajib ku ah: in uu daalacdo mareegaha warsidayaasha ah, muuqbaahiyaha (TV) codside (Raadiyow) codkeydiye (canjal ama DVD), aqriska dhiganayaasha, maktabadaha iyo filimada. Dhammaantood waxay kor u qaadaan ogaalka qofka, waxayna qeyb libaax ku leeyihiin furfuridda qaanadaha maskaxda, taas oo qofka u horseedda inuu wax badan ogaado. Maskaxdu waxay leedahay: qaanado tirobeel ah, qaanadahaasna waxaa irdaha u ballaqa aqriska iyo ogaalka kala duwan ee qofku uu la falgalo.

Haddaba saxaafaddu waa seef laba af leh. Dhanka suubban haddii loo jiheeyo waxay wax badan ka tartaa arrimha bulshada iyo wacyigelinta guud. Haddii dhanka xun loo adeegsadana tan sare cagsigeeda ayey aaddaa, taas oo ah; inay bulshada kala geyso, isla markaana ay si aan naxariis laheyn u kala fogeeyso.

Dhaayaha saxaafadda:

Saxaafaddu waa hadal la soo tebiyo. Hadalkuna waa qeyb muhiim u ah nolosha aadanaha. Haddii aan hadal jirin nololi ma jirteen, maxaa yeelay, aadanuhuba isma af-garteen. Soomaalida ayaa tiraahda: ”War helaa talo hela” ama haddii war la helo ayaa talo la helaa”. Taas oo daaha ka rogeysa inaan aadanuhu tallaab qaadi karin war la’aan. Sababtuna waxay tahay; warku wuxuu fure u yahay ogaanshada walxo kaa daahan ama kaa dahsoon. Maalintii la abuuray koonka, ka dibna, aabbaheen Aadam la abuuray ilaa iyo maanta aynu noolnahay waxa aan ognahay wixii intaas oo xilli u dhaxeeyay. Taasna sabab kale maahan ee waa inaan war helnay. Warkaas oo ku yimid werin. Haddaba haddii aan war jirin werinna ma jirteen, sidaa darteed, war iyo werini waa ay isku soohan yihiin oo kala ma maarmaan. Soomaalida ayaa tiraahda: ”qof war kuu sheega ma weysid, balse, qof wax ku siiya ayaad waysaa”.

Noolaha oo idil waxa jirta hab u gaar ah oo ay isku af-gartaan iyo luqad u gaar ah oo ay isku la hadlaan, balse, aadanuhu waa uu ka duwan yahay noolaha carra’edeg intiisa kale, maxaa yeelay, aadanuhu waa maamulihii koonka ama ifka. Eebbe ayaa yiri: Aadanuhu waa sayidki ama boqorkii dunida, taasina waxay u sahashay in aadanuhu uu noole badan af-garto oo uu la hadli karo ama ayba is af-garan karaan, taas oo ah; mid mudan in aadanuhu uu Eebbihii abuuray uga mahadceliyo.

La soco Q-2AAD haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN