GACAL IYO GAYAAN waa buug sheekeed kuwii la qoray gu’yaashan dambe mid ka mid ah kuwa ugu muca iyo macnaha weyn, marka aad fiirso; ujeedka aragtida, adeegsiga erayada, tebinta sheekada, warinta dhacdooyinka, isla-falgelinta iyo isku-xirka saabka suureynta hummaaggeed, ee curin, cabbir iyo cuddoonaan ku laran.
Gacal raboosho qof iyo calmashoodkiis ayuu gundhig u yahay buuggu, sheekaduna ku dulmeeraysaa oo aysan GAYAAN la’aantii marna maangal ma ahayn, sida aysan suuragal u ahayn, haddii aan malo’awaal kan ugu fog lagu fekereyn oo ah mid mar walba furan fiiradiisuna aysan dareen iyo damac midna lahayn, haddii dood ahaan loo oggolaadana aysan nah iyo nuh midna yeelan karin, nuxurna haba sheegin.
Isku larka uu qoraagu labada eray ee GACAL iyo GAYAAN uu isku lammaaniyey, ayuu aragtida dhan na deeqsiiyey oo wuxuu ogaal nooga dhigay, in uu qalinkiisu qoray sheeko lammaane jacayl iyo israbkooda huwan, isaga oo dabcan, sida qoraa walba oo waxtar iyo wargal ku weriya sheekadiisa uu duni dhan iyo duunyo dhammaystiran had walba na dhexgaynayo.
Marka, calmashada caashaq ee ka dhexcurinaya lammaanaha, qoraagu; laashin: Xasan Shiribmaal wuxuu sida caadada u ah qoraalladiisa ku gudbinayaa erayo suugaan qoraaleed kuwooda uga sarreeya oo uu suugo iyo iidaan uga dhigayo curis cuddoon oo aad la ashqaraayso macaansigiisa.
Tani waxay dhici kartaa keliya marka aad afka aad wax ku qoreyso hodan ka/ku tahay erayadiisa, adeegsigooduna kaagala fudud yahay galaaska biyaha cabiddii ama dhamidda caano barax ah oo la qaboojiyey, maxaa yeelay, sida ay cuntadu ugu ka la macaan tahay qaab karinta iyo iidaanka lagu daro ama lagu bisleeyo, ayaa qoraalkuna ugu kala horreeya hadba qoraagu sida uu ugu adeegsado erayo tolmoon iyo tusaalooyin tayo leh.
Af-hodannimadiisa marka qoraalladiisa kale laga soo tago, waxaad buuggan uu qoraa Shiribmaal qoray ka halacsan kartaa, sida uu sheekada u aslay, falkiddeedana isugu maleegay, heer ay isla noqdeen dhambal ama dhis aan kala dhicin oo isku dhidban.
Waxaa sii ashqaraarinaya marka uu qoraa Xasan Shiribmaal noo werinayo sida ay Soomaalidu u nooleed shan boqolley gu’ ka hor oo ah magag intiisa la eg oo qaraweynidiisu ay kaliya kuu muujinayso sida uu dhaqanyaqaan u yahay marka afka laga soo tago.
Weli ma suuraysatay sida ay awoowayaasheen u noolaan jireen shan qarni ka hor? Waxaa kuu suuraynaya, weliba sawir cajiib ah kaaga bixinaya buuggan: GACAL iyo GAYAAN ee u qoray qoraa Xasan Shiribmaal oo dhabtii eheyd aqoon naga gedman badankeed ama isku xirkeedu ku adag yahay, maxaa yeelay, badi waxaa wax laga qori jiray wax ku siman hal boqolley ama ugu badnaan hal iyo bar oo aan deeqsinnimo awgeed labo ku gaarsiin karno.
Marka hadda waxaan dhihi karaa, waa markii u horraysay ee uu qoraa -weliba da’yar- qalinka u qaato waxkaqoridda arrrimo sidaa guun u ah, illeyn garashadeeda iyo guurinteeda ayuu garaad ku yahaye, waana midda aan hubo, haddii aad buuggan aqrido aad ii maragfuridoonto.
Intaa keliya ma ahan ee dhiganaha GACAL iyo GAYAAN waxaa kale oo aad ka heli kartaa aqoono kale oo la xiriira nolosha, sida xiddigiska oo ah aqoonaha guunka ah haddana, dabargo’a ku dhaw oo uu qoraa Xasan Shiribmaal keyd ogaaleed nooga sameeyey, marka uu sheekadan ugu laray hab xeeldheeri ay ku jirto.
Waxaa sidoo kale la mid ah, aqoonaha kale ee la xiriira; dhirta, geedaha, xoolaha jaadadkooda; dabjoog, duurjoog, halaq, IQK, oo uu dhammaan si farshaxannimo leh qoraa Xasan Shiribmaal ugu farayaraystay ku dhexfidinta sheeko faneedka buuggan.
Ugu dambayn, buuggan GACAL iyo GAYAAN ee uu qoray qoraa Xasan Shiribmaal, anoo mahdin ka sokow ku bogaadinaya, kuna dhiirragelinaya, in uusan ka daalin qoridda sheekooyinkan cuddoon, si bulshadiisu uga barato aqoonno ka maqan, waxaan aragti iyo talo ahaanba u qabaa, in qof walba uu ugu yaraan mar aqriyo buuggan, siiba ardada jaamacadaha, aqoonbaarayaasha dhaqanka, afka, qaabqoridda sheekooyinka, qof walba oo raba, in uu qoraa noqdo ama jecel in uu wax ka qoro sheeko faneed iyo qofkii jecel aqriska, siiba ku macaansada sheeko faneedka.
W/D: ina CUBTAN
NAGA LA SOO XARIIR:
laashin77@gmail.com