DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-15AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

Qofka baaddiyaha ama miyiga ka yimaada ee magaalo usoo safra markii uu dib ugu noqdo halkii uu ka yimid waa la soo ag dhooban jiray, habeenkaasna bulshada uu dib ugu soo gurya noqday waxay u ahaan jirtay habeen ay werin iyo helaan wacaalkii ugu dambeeyay maagaalada. Deriska iyo dadka ood wadaagta la ahina gurigiisa ayey soo cammiri jireen si ay warkiisa uga bogtaan. Hal eray asiga oo aan ka tegin wixii soo maqlay intuu uu magaalada joogay ayuu sidooda ugu werin jiray.

Waayuhu way socdaan goortuna waa hayaan ee markii uu dalkeenna yimid gumeysiga saancaddaalaha ayaa waxaa billaabmay qaab cusub oo dadku warka isu gaarsiiyo, sida markii ugu horreysay oo dalkeenna, gaar ahan magaalada caasimadda ah eee Mugadisho, ayuu gummeystuhu keenay qaab ka geddisan kii bulshadu taqiinnay ee wartebinta. Gumeysigu wuxuu billaabay nidaam cusub oo warkiisa uu dadka ku gaarsiiyo. Sida badan  waxaa warka u naadin jiray  nin lagu magacaabo: Xaaji Saalamiin oo dadku u bixiyeen: ”Warramow”.

Ninkaas naadiyaha ah wuxuu wadan jiray; cod-baahiyaha hadda la adeegsado mid u eg, balse, ka sameysan lama-yeeri loo qaabeeyey sida cod-baahiyaha oo kale, isla markaana hore u weyn gadaalna u yar, halka afkana la saarayo, wuxuu dhihi jiray waramow: ”Waa war dowladeed, waxa aan idin sido ee isu soo baxa, waxaa laydin farayaa sidaas iyo sidaas ama ogeysiis iyo digniin bulshada lagu wargelinayo.

Muddo ka dib waxaa markii ugu horreysay la soo saaray wargeys kaas oo bulshada siinaayo war sugan oo meel loogu soo hagaago leh, islamarkaasna leh meel laga soo xigtay. Dalka Soomaaliya marka aan fiirinno sooyaalka warbaahintu waxay la billaabatay xilligii xukunka soo duulayaasha reer yurub.

Soomaaliya waxaa uu raadiyuhu soo gaaray: 1943-dii, xilligaas oo markii ugu horreysay la maqlay radio Hargeysa. Muddoo siddeed sano ka dib ahna waxaa la aas-aasay: ”Raadiyow Muqdisho” oo daaha laga rogay gugii: 1951-dii, dalkeenna ayaa xilligaas ku jiray gacanta gumeystaha Ingiriiska iyo Talyaaniga. Haddaba, xilligaas way adkeyd in dadka intiisa badan ay helaan raadiyow ay dhegeystaan si ay ula socdaan hadba heerka iyo waayaha la joogo waxa ku soo kordhay. Dadku si ay u helaan war ay xog ka helaan waxay sammeyn jireen: ”Fiilooyin ayey ka soo jiidan jireen xarunta raadiyo Mugadisho, isla jeerkaasna waxaa lagu xiri jiray cod-baahiyayaal waaweyn oo dhawaaqa hadalka meel fog gaarsiin kara, si dadku ay wararka iyo barnaamijyada u dhageystaan”. Goobaha lagu xiri jiray waxaa ka mid ahaa; ”Daljirka dahsoon, suuqa Wardhiigleey, beerta yoobsan, ceel-gaabta iyo meelo kale oo badan. Magaalada Hargeysana sidaas oo kale ayaa la sammeyn jiray si bulshadu ay u helaan wararka raadiyaha.

Laanta Afka soomaaliga ee BBC-du waxa ay shaqadeeda billowday: 18-kii Luuliyo, 1957-dii, waxaana lagu billaabey in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si is dabajoog ah ayaa marba marka xiga loo sii kordhinayey. Waxaa sare u kacay baahiyaha ay bulshadu u qabaan inay helaan xogaha dunida guud ahaanteed, gaar ahaan wararka cusub ee dadka soomaaliyeed. Xilligaan waxa lagu jiray; tobanki sano ee wasaayada Talyaaniga ama xornimo gaarsiintii Talyaaniga. Waxa socday halgan iyo howlo badan, waxaana laga ma maarmaan aheyd in bulshadu ay hesho warbixnno kala duwan, taas oo saxaafaddii ka dhigtay mid sida dahabka oo kale loo doon-doono. Warbaahintu inteeda badan xilligaas waxay ku hadli jireen afka saancaddaalaha, wararka dhab ka hadalka ah ee qotoma danaha bulshada soomaaliyeedna aadbeey u yaraayeen, balse, bulshadu waxay u heellaneyd inay helaan war sugan ama silloon.

La soco qeybaha xiga axad walba haddii Eebbe idmo.

W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN