WAA MAXAY NAADI AKHRIS? W/Q: Cabdiqani Carfaaye

WAA MAXAY NAADI AKHRIS?

Ma jeceshay akhriska? Ma raadisaa dadka wax akhriya si aad ula falanqeyso aragtidaada? Dad badan ayaa jecel akhriska, balse, waxa aad u adag in aad hesho dad kula fikir ah oo aad la gorfeyso buugga aad soo akhriday, maxaa yeelay, waxa kugu adkaan karta in aad weydo cid aad isku faham noqotaan oo kaa caawin karta in aad rogrogtaan nuxurka iyo maaxda ku duugan nooca buugta ee aad jeceshahay in aad akhrido. Sidaa darteed waa in aad raadisaa naadi akhris oo aad ka dhex heli karto dhallinyaro aad isla jaanqaadi kartaan oo aad si gaar ah wax iskula falanqeyn kartaan.

Waa maxay Naadiga Akhris? (Reading Club)

Naadi Akhris waa koox u hollatay wax akhris, waa tiro ama koox ka mid ah bulshada, siiba dhallinyarada jaamacadaha iyo kuwa iskuullada oo ammin geliyay sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen heerkooda wax akhris, naftoodana u dhisi lahaayeen. Waa koox si wadar ah u akhrisa kolba buuggii ay isla gartaan, kadibna iskugu soo noqda gorfeyntiisa, falanqeyntiisa iyo ka hadalkiisa guud. Waa madal wax akhris oo qofku naftiisa ku dhiso, bulshadana kula wadaago sirta guushiisa ee uu hiraalkiisa ku gaaray. Naadiga akhrisku waa goob uu qofku ku dhismo, garaadkiisu kobco, waayo aragnimadiisu ku fido, fogaan araggiisu ku dheeraado, falanqeyntiisuna ku fogaato, gorfeyntiisuna ku toosnaato.

Sidee loogu biiraa Naadi Akhris?

Haddii aad jeceshay wax akhriska badan, balse, aad weysan tahay cid aad kala sheekeysato nuxurka iyo aragtida ku duugan buugga, waa in aad raadisaa naadi akhris oo si wadar ah kuula akhriya buugga. Tani waxay kaa saacidaysaa in aad hesho qof kula ra’yi ah oo aad fikir wadaag noqotaan. Si aad ugu biirto naadi akhris ama naadi buug, raadi naadiyada jira sida: Naadiga Akhristayaasha Xamar, dabadeed codsi u diro, kadibna ku biir adiga oo buuxinaya xeerarka hab maamulka ee u degsan Naadigaas.

Faa’iidada laga helo Naadiyada akhriska:

Naadiga Akhiska ama naadiga buuggu wuxuu leeyahay faa’iidoyin badan oo sahlaya in qofku si degdeg ah kaga miro dhaliyo hammigiisa wax akhris. Sababtoo ah, naadigu wuxuu kuu sahlayaa in aan hesho buug kala duwan oo markasta waxa maktabadda naadiga soo gala buugaag aad u tiro badan, kuwii ugu dambeeyay ee la soo saaray ayaa nuqullo kaa soo gaadhi karaan. Tan labaad waa in aad ka heli karto dad kula fikir ah, tusaale: haddii aad jeceshay in aad akhrido buugta sheekooyinka dambi baariska ama jecaylka, waa meesha aad ka heli karto rag iyo dumar kale oo iyaguna aad u jecel, halkaas oo aad iska garabsam kartaan, fikirkiinnuna ku kori karo. Tan saddexaad, Naadigu wuxuu ku barayaa qorayaasha, maadaama ay xiriir dhaw la leeyihiin, tani way kugu adkaan lahayn haddii aad kelidaa ahaan lahayd, xiriirkaaga.

Sidee loo doortaa buugga?

In la doorto buugga todobaadka la akhrinayaa mararka qaar waa wax adag, balse, waxa taas ka horreysa inuu naadigu leeyahay aragti (Theme) oo ay caddahay meesha uu u socdo iyo ujeedka uu leeyahay. Tusaale: Naadiga Akhristayaasha Xamar, wuxuu leeyahay hal-ku dhig ah: “Akhri oo anfac aayahaaga” taas oo ujeedkeedu tahay in qofku dhiso noloshiisa, si uu bulshada u anfaco. Sidaa darteed, naadigu wuxuu xoogga saraa akhrinta buugta dhiirrigelinta iyo iyo horumarinta nafta ka hadasha.

Xubnaha naadigu waxay codsadaan buugga ay rabaan in la akhriyo, ka dibna waa laga doodaa, dhan walbana waa laga eegaa, ka dibna waxa la isku raacaa in lagu daro liiska buugta bisha la akhrinayo, iyadoo la xusayo todobaadka, maalinta iyo saacadda la akhrinayo. Sidaas ayaa loogu wada diyaar garoobaa oo qof kasta oo naadiga ka mid ahi kansho ugu helaa in uu nuqul ka mid ah buuggaas soo akhriyo, si uu hadhow fagaaraha dooddiisa uga dhiibto, falanqeynta iyo gorfeynta uu kaallin muhiim ah uga qaato.

W/Q: Xoghayaha Naadiga Akhristayaasha Xamar: Cabdiqani Carfaaye
NAGA LA SOO XARIIR:
laashin77@gmail.com
admin@laashin.com

SHEEKOOYIN