Dulmar kooban buugga: GODOB IYO GALLAD| W/Q: Ifraax Maxamed Cabdislaad
Waxaa mahadi u sugnaatay Allaah oo igu beegay akhrinta dhiganahaan cajiibka ah. Waxan mahad iyo bogaadinba u dirayaa qoraaga buugga, Dr: Xuseen M. Cabdulle “Waddaad” iyo guud ahaan bahda daabacaadda LAASHIN oo si qurux badan u daabacday, una soo bandhigtay.
Haddii aan wax yar ka iraahdo aragtideyda ku aaddaan buuggan iyo wixii aan ka fahmay.
Marka horeba, buugga waxa aad dareemaysaa in loo tuujiyay maskax caafimaad qabta, farshaxamiiste ku xeel dheer qoridda iyo qurxinta sheekadana uu allifay. Wax yaabaha uu buuggani igu cajab galiyay ee aan la ashqaraaray waxaa ka mid ah habka ay sheekadu taxanaha u tahay iyo isku xirka uu qoraagu caddaaladda ugu hiilliyey.
Aragtiyaha isku sidkan sida mayraxda oo kale, mah-maahyada cajiibka ah oo qaarkood hadda aan la adeegsan oo uu qoraagu dib u noleyn ku sameeyay, si aysan daaqadda adeegsiga afkeenna uga bixin. Habka uu isugu sidkay dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida, sida: sooryeynta, darisnimada, saxiibnimada, waayeelnimada iyo guud ahaan haltebinta aan looga maarin nolosheenna, ha ahaato, diinta facaweyn iyo dhurkeenna iyo dhaqankeennaba, waa mid difaace guud u ah buuggani GODOB IYO GALLAD. Sidoo kale, buugga waxa ku jira waxyaabo badan, sida: Alle bariga (ducada) salaadaha, saddaqada, isu dhimrinta iyo kuwa kale oo aan qoraal lagu soo koobi karin. Waxa kale oo aan ku bogaadinayaa qoraaga habka uu u isticmaalay afguriga oo ayaduna door weyn ka qaadanaysa qaab jileedka buuggani xambaarsan yahay.
Haddii aan dhoho waan ka sheekaynaya waxay igu noqonaysaa in aan maalmo badan sii dul fadhiyo, balse, waxaan rabaa in aan si xooggan u soo kobo faalladeyda guud. Haddaba, waxa aan aad uga helay meelaha qaar oo dadku marka ay xanaaqaan isticmaalayeen habaar, mar marka qaarna cay iyo mah-maahyooyin aan buugga ka bartay. Waxa aan la illaawi karin qaabka uu u sameeyay dhawaaqyada iyo dareennada, xanuunka, farxadda iyo murugada. Tusaale:
- Garaaca albaabbada: KUB,KUB,KUB.
- Dareenka faraxadda iyo qosolka: KIX,KIX KIX.
- Dareenka xanuunka iyo eelka: AAA’ AAA’ AAA’ iyo kuwa kale oo badan.
Halmuceedyada cajiibka leh iyagana waxaa ka mid ah:
- Qandho fil daran ku dishay.
- Adoo xun xuun ha ku qaniino.
- Eebboow raalligaa janno.
- Yac.
- Ma caraa dhimid leh, mase caanaa qubid leh.
Xagga qoraaga intii aan akhrinaayay dhiganahaan waxa aan is wayddiinayay tolow qoraagu ma askari buu ahaan jiray, ka war qabka waxa xabsiyada ka dhaca awgeed?! Maya! Mar waxa aan is dhahaa; ma dhaqtarbaa daawooyinka ku jira awgeed! Maya! Mar kalena, waxa aan is dhahaa: qaab xallinta iyo ku dhexjirka bulshada, ma macallin dugsibuu ahaan jiray?! Maya! Qaabka uu uga warramay xaaladda marka ay dumarku caaddifeysan yihiin, ma af xaasle labaa, mise, waa gabdho la kor?! Marna waxa aan is dhahaa: waxaas oo dhan ma ahan ee waa abuukaate Cosoboow!. Tilmaamahaas oo idil, waxa keenayo waa qaab jilliinka, jilaayaasha aad hagaha u tahay.
Iinta aan buugga ka qabo:
Waxa aan hubaa, welibana aan aaminsanahay, wax walba oo aadane farsameeyo was kuwa qabyo ah oo aan iin laga weyneyn, sidaas oo kale ayuu buugguna u yeelan karaa dhaliilo iyo iimo, ha ahaadeen kuwa aan aniga I qancin iyo kuwa si guud u jira intaba. Hadda, iinta aan ka tilmaamayo waxa ka mid ah:
- Jaldiga buugga oo aan ka tarjumeyn waxa gudihiisa ku jira oo qacda horeba aad wax kale sawiranayso.
- Jilaayaasha buugga oo aad u tiro badan, taas oo keeni karta in lagu wareero sheeko is waydaarsiga.
- Warqadda buuggu uu ku dabacan yahay oo ah warqad cad, taas oo uu mar mar dhibsan karo aqristuhu.
- Xagga jilaayaasha waxa aad dareemaysaa is gef weyn, marka loo eego dhaqanka Soomaaliyeed oo ah in gabar dumaashigeed ay kula dhaqanto wixii dhex maray oday Cali Gaab iyo dumaashidiis Kutubeey oo aan is leeyahay xoogaa halkaasi ku noqosho ayey rabtaa, haddii kale waxaa toos isugu dhacaayo dhaqankii fiicnaa ee ay sheekadu tabinaysay iyo waxa ay Kutubeey samaysay!.
- Xagga kale ma jirin dumar xilal ka haayay hay’adihii dowliga ahaa iyo xafiisyadii badnaa ee sheekadu na geysay, marka laga reebo labo gabdhood oo xog-haayayaal ahaa.
Talo soo jeedin:
- Buuggani waxa uu u diyaarsan yahay qaab musalsal ah, wayna fiicnaan lahayd in idaacadaha laga sii daayo si ummad badan oo aan wax akhrin ama aan helin uu u gaaro.
- Buuggani waa mid cajiib ah una bahan in loo gudbiyo ummada kale si ay u arkaan dhaqankeenna sharfan iyo diinteenna suubban ee isku sidkan.
- Haddii ay macquul tahay in loo turjumo afad kale iyo luqado dadyow kale si ay iyaguna uga faa’iideystaan.
Waxaana kaga sii fiicnaan la heyd in laga dhigo muuqaal (Filim), sababta oo ah; waxa uu u diyaar san yahay qab filim ahaaneed. Markii aan garsoorka joogay waxa aan xusuustay filim aan daawaday sannad ka hor oo aan hadda xusuusan magaciisa. Qaabka loo diyaariyay waa mid casri ah oo aan ku caajis galineyn jilliinka sheekada buuggaan GODOB IYO GALLAD. Wax badan oo aan ka bartay awgeed waan kaga mahadcelinayaa qoraaga buugga, Dr: Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”. Qeybta labaadna wan sugayaa inta uu ka soo baxayana waxa aan isku dayayaa in aan jawaabo u raadiyo su’aalaha uu iiga tegay buuggu.
W/Q: Ifraax Maxamed Cabdislaad
NAGA LA SOO XARIIR: