DULMAN Q2AAD
Maalmo kooban gudahood ayay u kooraysanaysaa dhankaas iyo Kiinya, waxay galaysaa safar ka dheer kii Boosaaso, kase ammaan iyo degganaan badan. Waxaa la marayaa degaan dadkiisu inta badan ay yihiin dad ladan oo ilbaxnimo leh, aanna aqoon isbaarooyin iyo cunsuriyad, taas badalkeeda waa dad ku hawlan beerashada iyo dhaqashada xoolaha jaadadkooda kala duwan. Waxaa kaloo u dheer ugaarta nuucyadooda oo aad ugu badan dhulkaas, waa gobollada: Shabeellada hoose iyo Jubbooyinka. Maalmo aan sidaas u badnayn ka dib ayay Dulman cagadhiganaysaa degaan nabdoon oo kunjeer ka wanaagsan halkii ay ku soo barbaartay ee Xamar, wax badanna dhaama dhulalkii ay tahriibka ku martay iyo dalalkii carbeed ee ay tagtay, waxayna iska diiwaangalinaysaa xerada qaxootiga ee Ifo, halkaas oo ay aad uga naxayaan xaalkeeda iyo sooyaalkeeda hawlwadeennadii UN-ku.
Diiwaangilin iyo soo dhawayn ka dib ayay u bilaabanaysaa hawshii loogu talagalay in loo qabto dadka sida Dulman oo kale la soo dulmiyay. Markii ugu horraysay ee waraysiga lala yeeshayna waxaa loo sheegayaa in hooyadeed iyo walaalaheed loo keenidoono oo ay kula midoobidoonaan xerada, isku marna loo diridoono codsi magangalyo iyo dib-u-dejin. Maalmo aan badnayn gudahood waxaa soo gaaraya xeradii qaxootiga hooyadeed iyo 7 carruur ah oo walaalaheed ah. Hawshii dhoofka ayaa la gudagalayaa, waxaana diiwaankooda gacanta ku dhigaysa marwo Jane oo ah qof Rabbi ku abuuray naxariis iyo qalbiwanaag. Waxay Jane, Dulman iyo qoyskeeda ugu bishaaraynaysaa in aysan wax dedaal ah la hari doonin, oo ay xoogga saari doonto sidii ay uga duuli lahaayeen qaaradda habaaran ee Afrika, uguna dhoofi lahaayeen meel ay ka helayaan nabad iyo sinnaan.
Bilo kooban gudahood ayaa loo sheegayaa in codsigoodii uu aqbalay dalka Iswiidhan, oo ka mid ah midawga Yurub. Diyaaraddii ayada iyo qoyskeeda sidday baa ka duulaysa gurigii ba’ay ee geeska Afrika, waxayna afka saaraysaa dhulkii rajada ee Yurub. Inyar ka dibna waxay dhaafaysaa Afrikoo dhan oo waxay Dulman hoosteeda ka arkaysaa baddii miditareeniyaanka! Waa baddii caanka ahayd, kuna caanbaxday quudashada iyo liqidda tahriibayaasha afrikaanka ah, waa badda u dhaxaysa Afrika iyo Talyaaniga. Aan xusuusta dib u celiyee, waa baddii ka xishoonwayday oroyahanaddii calanka cirka u eg ee Soomaaliyeed gaysay magaalo-madaxda dalka Shiinaha ee Bijiin, si ay uga qaybgasho ciyaarihii olombikada ee ka dhacay halkaas (2008) ee Saamiya Yuusuf Cumar ahayd! Dulman, ayaa markii ay xusuustaas xun gashay ka dib erayadaan kula doodaysa baddaas ma jixinjixdada ah, waxayna tiri:
“Badyahay soortu qaaddee
Silloonida ku dharagtee
Safka loogu daatee
Sixirku uu dhaxyaallee
Sawracaygii liidee
Sanjigaygii laysee!
Yartii soohanaydee
Calankeenna sidatee
Saxariirta mudadee
Saldhiggii ilbliiskiyo
Sursuurooyinkii Xamar
Wedku uu ku sigayee
Ka socdaal dhaqaaqdee
Sarihii cadliga iyo
Saldhiggii wanaaggiyo
Yurubta u socdaashee
Dhaxda aad ku suujiday!
Kasheenney ku sugantoo
Sina nooba dhaaftoo
Saaka waan ku tuugaye
Saamiya ma haysaa?
Aan su’aasha badiyoo
Seefaha la baxa oo
Sida kale xanuunkiyo
Aan salawga daabee
Sinta aan u jiiftoo
Aan sahan dhawaaqee
Dhalinyarada sulufkiyo
Kalitalisku saanyaday
Ee suunka gaajada
Iyo samanka ciilani
Ku kaxeeyay suudiga
Sad miyaad u leedahay
Si kalee ma jamataa
In aad wada surgooysoo
Jiirkooda saaftoo
Waalidkoodu salaalaan?”
Safar dheer ka dib, waxay diyaaraddii soo cagadhigaynsaa dalkii Sweden ee ay dib-u-dejinta ka heleen Dulman iyo qoyskeedu, waxaana la dejinayaa guri aad u wanaagsan, waxaa la kafaalaqaadayaa noloshooda inta ay isku-filnaan gaarayaan. Carruurtii dhamaantood waxbarashaa loo dirayaa, halka hooyo Mako iyo Dulmanna ay aadayaan xarun lagu barto af-Iswiidhiska si ay shaqo u helaan. Lama-filaan iyo yaab bay ku noqonaysaa Dulman sida loo qadarinayo, loo waynaynayo, oo loogu naxariisanayo. Waxay dib xusuusteeda ugu celisay maalmihii ay ku noolayd Muqdisho iyo gu’yaashii ay ku noolayd dalalka carabta! Waxaa soo horjoogsanaya sawirka aabbaheed Axmed iyo sidii caddaaladdarrada ahayd ee loo dilay, ka dib markii uu damcay in uu dacweeyo mooryaan ku xadgudbay asaga iyo qoyskiisa.
Markaas bay dareenkeeda filanwaaga ah ku muujinaysaa tixdaan baraanburka ah ee gar-dhigashada iyo raynraynta is-kugu jirta, waxayna tiri:
“Dalalka musliinta dareen baan ku joogi jiray
Dugaag iyo Yeey dhar duuduuban bay noqdeen
Docdii aad eegto aadaan bay ka daarayeen
Kumana degayaane danuub bay ku dhacahayeen
Dariiqaan istaago daab bay i saarayee
Sidaan dameer ahay dusheeyday ku guurayeen
Dufi ha laysee dadkaykeey xirxirahayeen
Dareenxumo cayda daliil bay u yeelayeen
Siduu Daa’in ii unkeey daadafaynayeen
Midabka dugulka ah daanyeer bay ku sheegayeen
Anigoo dal ku joog leh damiin bay i saarayeen
Addoonsigii laga didey daawo moodayeen
Waxay dadkaas nagu faleen laabta may ka degin!
Markaan dunida u wacdee U.N aan dalbaday
Dedaalka markay baxsheen gaaladii dirneeyd
Rabbi ha daayee markay doodda ii qoreen
Diyaarad markay i saareen daruurta mari
In ay dad wanaagsan iyo duulsan ay yihiin
Diiwaan ku xariiqay oo dood ma aanan gelin!
Degaanka Iswiidhan dabayshii cadlaan ka helay
Rabboow qarankeenna dumay ee dagaalku liqay
Dadkeygii islaayay ee diirka mid ah lahaa
Daarihii la burburiyay dayicii agoonta helay!
Alloow isku soo dun adaa deeqsi ahoo karee”.
Dhammaan.
W.Q: Cabdinaasir Xiddig