Waayihii Xassan Great iyo wax-tarkiisii faneed (Taariikh nololeed) Q2aad

Great and Dhaaley

Waayihii Xassan Great iyo wax-tarkiisii faneed (Taariikh nololeed) Q2aad

Socdaalkiisii fan beegsiga ahaa ee uu Xamar kusoo galay wuxuu ku aaddanaa 1963-kii, markaas oo uu toos u abbaaray goobo si gaar ah ay ugu kulmi jireen dadka heesa iyo kuwa Miyuusikada tuma, Goobahaasna wuxuu ka helay fursad uu ku barto qalabka Miyuusikada kuwii qadiimka ahaa ee xilligaas la adeegsan jiray.

Sida uu Xassan Great isagu ii sheegay, wuxuu tagi jiray meelaha Dirisyoonka loo yaqaan oo Xisbiyadii Siyaasadda ee Soomaalidu ay isugu imaan jireen, halkaas oo Miyuusigga iyo heesaha lagu tumi jiray, Isagana wuxuu dhageysan jiray ishana la raaci jiray sida Miyuusikada loo tumayo oo uu barasho ka qaadan jiray.

Marka ay kooxaha wax tumaya goobta isaga tagaan, waxay Xassan iyo rag isaga ka da’ waynaa oo sidiisoo kale Miyuusikada xiisaynayay u kaliyoobi jireen qalabkii la tumayay oo ay tijaabo iskood ah ku qaadan jireen.

Wuxuuna Xassan xusuustaa in marka ay raggaas ka waa wayn iska dhigaan qalabka oo ay ka bogtaan ka dib uu isagu qabsan jiray si uu markiisa waqti ula qaato Miyuusikada uu xiisaha badan u qabay.

Qalab Miyuusikeedkii ugu horeeyay ee uu Xassan ku tababarto aqoon fiicanna ka helo wuxuu ahaa Kitaarka, hase yeeshee markiiba wuxuu hadana gacanta ku dhigay oo uu barasho ugu dhaqaaqay Kabanka, kaasoo uu isna aad ugu xeel dheeraaday. Markuu labada aaladood wada bartayna waxaa u kobcay hankiisii fan jeceylka ee uu horayba Baaddiyaha ugagasoo tagay.

Sanado ayuu usoo xusul duubayay inuu soo gaaro halkii bartilmaameedkiisa oo ahayd xaruntii markaas Fanka laga hagayay ee Raadiyo Muqdisho, ugu dambeynna dadaalkiisii wuxuu dhaxashiiyay inuu 1967-kii usoo qalab qaato tartan uu tumista Miyuusikada iyo heesidda ku galay, kaasoo natiijadiisu ay noqotay in Xassan Great loo qaato mid ka mida shaqaalihii fanka ee Raadiyaha.

Xassan isagoo iiga sheekeynayay Raggii berigaas tijaabada uu fanka kusoo galay ka qaaday wuxuu tilmaamay inay ahaayeen Foolaadyadii fanka ee Raadiyayaashii Muqdisho iyo Hargeysa oo markaas ahaa labada xarun ee fanka iyo heesaha laga hago. Waxaana raggaas ku jiray Cabdullahi Qarshe, Xuseen Aw-Faarax Dubbad, Gurinjile iyo qaar kale.

Wuxuu toos ugusoo biiray Fanaaniintii Raadiyaha Muqdisho si uu ula shaqa bilaabo rag iyo dumar isaga kaga horeeyay Fanka oo qaarkood ay ahaayeen kuwii uu dhageysiga heesahooda dartood Miyigii ay reerkiisu deganaayeen ugagasoo dhuuntay Xamar-na usoo galay. Dadkaas uu Raadiyaha kulasoo bahoobay waxaa ku jiray Maxamed Suleymaan Tubeec, Khadiija Cabdullahi Dalays, Axmed Naaji Sacad iyo kuwo kale.

Kusoo biiristiisii Raadiyaha Muqdisho waxay Xassan Great u furtay albaabo waa wayn oo ay ugagasoo galeen fursado tiro badan oo iyaga sababtooda uu ugu noqday mid ka mida dadka ugu caansan laguna qadariyo sameynta codadka ama Laxanka ee Heesaha Soomaalida, wuxuuna Xassan markaas wixii ka dambeeyay dhex jibaaxayay mowjado faneed oo illaa maanta lasoo gaaray.

Heeso tiro badan ayuu Xassan Great laxanka saaray, kuwaas oo ah heesaha ugu caansan looguna xiiso badanyahay Fanka Soomaalida. Waxaase xusuus gaar ah leh heestii ugu horeysay ee uu ku bilaabay howshiisan laxan sameynta.

Sida Canabka beeraha ayaa magaceeda la yiraa, waxaana codadkooda ku wada qaada Xaliima Khaliif Magool iyo Maxamed Axmed Kuluc. Heeskani wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee uu Xassan Great naaxiyadda saaro, waxaana heesta ay ku jirtay Riwaayad dhan oo Talo iyo Tallaabo la oran jiray , halabuurkeedana uu lahaa Maxamuud Maxamed Dheeg.

Heestii tan ku xigtay ee uu Xassan Great naaxiyadda u sameeyo waxay ahayd Xurmo daran oo uu ku luuqeeyay Maxamed Axmed Kuluc AUN, ereyadana uu lahaa Cabdi Iidaan.

Xassan Great oo heestan Xurmo daran iigaga taariikhoonaya ayaa ii sheegay in marka hore uu isagu Naaxiyadda kaliya sameeyay, ka dibna Abwaan Cabdi Iidaan loo geeyay si uu ereyo ku haboon Naaxiyaddaas u sameeyo, markaas oo uu Abwaanku dareen jacayl ah iyo qiso isaga gaar u heysatay uu ereyadan Xurmo daran uga curiyay.

Sameynta Naaxiyadda iyo sirta ku duugan ayaan Xassan wax ka waydiiyay, wuxuuna si kooban u yiri “Naaxiyaddu waxay ka dhalataa dareen ku jira mulaxamiistaha. Haddii uu dareenkaasi jiro si sahal ah ayuu laxanku ku imaanayaa. Aniga ahaanna xitaa anoon Ereyo heysan ayaan mararka qaar sameeyaa Naaxiyad dhammeystiran, waana hadba sida uu dareenku iigu badanyahay”.

Wuxuu iisii raaciyay “Mararka qaar ayaan guux iyo codad riin ah oo aan la fahmi kareyn adeegsadaa si aan Naaxiyad qurux badan u curiyo”.

Xassan Great wuxuu kaluu sheegay in Naaxiyadaha uu sameeyo ay yihiin kuwo u kala soocan oo Fanaan kasta mid codkiisa ku haboon uu ugu sameeyo, taasoo iyada lafteeda xeel dheeri iyo maskax furnaan uu Ilahay isaga siiyay muujinaysa.

Riwaayado badan ayuu Xassan heesaha ku jiraa dhammaantood wada laxameeyay, qaarna tiro badan oo heesahooda ka mida ayuu laxankooda lahaa, waxaana Riwaayadahaas laga xusi karaa:

Hawo gabal ka dhacay oo uu Yuusuf Maaradoon curiyay
Aabaheey ka samray, oo uu Maxamed Cali Kaariye alifay
Ninna waal ninna waani oo uu Xassan Qowdhan lahaa
Aqoon iyo Af-garad oo ay wada lahaayeen Hadraawi, Saciid Saalax iyo Gaariye
Ama guur ama guurso oo uu Maxamed Cali Kaariye hal-abuurkeeda lahaa
Sidaa ma isku qabnaa mise waan is qarsanaa, oo uu Maxamed Cali Kaariye lahaa
Dumistii aqalkeyga iyo arooskii inankeyga, oo uu Maxamed Cali Kaariye alifay

Heesaha uu Xassan Great laxamada saaray ee caanka ah oo Riwaayadahan aan soo sheegnay ku jiray iyo kuwa aan ku jirinba waxaa ka mid ahaa:

Waan kuu warramayaa – Codka Muuse Ismaaciil Qalinle
Adna Gacaladeydaay aynu guri yagleelno- Codadka Shankaroon Axmed iyo Axmed Cali Cigaal
Qalam Jalam- Muuse Ismaaciil Qalinle
Saxarla- Codka Maxamed Mooge
Axmed Gureey ma uu dhiman- Codka Shankaroon Axmed
Mudantii Haweenkaay- Codka Maxamed Mooge
Allahayoow Nin daacada, Allahayoow nin daalima- Codka Maxamed Mooge
Al-raxmaan- Codka Maxamed Mooge
Galaangooleey gafley barataye sitir gam- Codka Xassan Aadan
Aleylehe Balaayooy- Codka Saado Cali Warsame iyo Maxamed Axmed
Calas iyo Xareed- Codka Xassan Aadan
Ninka qayrkii loo xiirayoow adna soo qoyso- Codka Shankaroon Axmed
Sidaa ma isku qabnaa- Codadka Xaliima Khaliif Magool iyo Maxamed Axmed
Dhoof nooli kulantiye, ha dhantaalin caashaqa- Codadka Magool iyo Maxamed Axmed Kuluc
Haruub Caashaqa- Codadka Maxamed Aadan Dacar iyo Khamar Cabdillahi Harawo
Jacaylkii Shaanshaan tagay- Codka Maxamed Axmed Kuluc
Gurya Samo- Faadima Cabdillahi Maandeeq iyo Maxamed Suleymaan Tubeec
Ma harsanaa, ma hooy galeynaa- COdadka Magool iyo Cismaan Gacanloow
Ubaxoo dilaacaay- Codka Muuse Ismaaciil Qalinle
Fiidmeer- Codka Xassan Diiriye Faarax
Ma i siray Jacayl- Codka Xassan Diiriye
La soco qaybta xigta………

W/qoray: Mohamed Abdullahi Dhaaley

Mogadishu-Soomalia

Email: mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

SHEEKOOYIN