Gabaygaan magaciisa waxa la yiraahdaa: “Nabad kusii dheelmo”. Waxa curisay Farax Sh. Cabdirisaaq (Drs Zedra), waa gabay kooban oo sagoon u ah guga dhammaanaya ee 2022, isla markaana soo dhaweyn u ah guga dhalan doona ee 2023. Waayaha dunidu way socdaan, dadkuna sooyaalbeey qorayaan, haddaba bahda LAASHIN oo isku duuban waxay idin leedahay; sannad san Eebbe ha innooga dhigo. Gabayga nabad kusii dheelamana wuxuu leeyahay:
- Sanadyahaw dhamaataye maxaad, dhaaxa nala joogtay
- Wakhtigiyo dharaaraha tegoow, maalmo lagu dhaato
- Iyo dheef waxaad soo tarteen, uumiyuhu dhaadye
- Keli maad dhaqaaqine bartaa, dhawr horaa maraye
- Bal gugaa na dhaafoow baxdaye, nabad kusii dheelmo.
- Dhaqso kaa billaabmiyo midkaa, maanta dhalanaaya
- Isna soo dhawayn iyo amaan, waan u dhigayaaye
- Bal dhiteeya maansadu kolbay, dhugasho doontaaye.
- Sannad aan dhibaatiyo lahayn, dhiifta laga maago
- Sannad aan dhantaal iyo qallooc, dhidibka waydaaran
- Sannad aan dhaliil iyo xumaan, dheegga laga saarin
- Sannad aan dhaqaaluhu yaraan, maalna dhali waayin
- Sannad aan dhufays iyo dagaal, laysla dhinac joogin.
- Sannad aan dhunkaal iyo qadhaadh, dhuunta lagu qoynin
- Sannad aan dharkayn iyo qanbool, dhuuni laga raadin
- Dhimashiyo midaan laguu ogayn, dhiigga shalaqleeya
- Bala soo dhawaaqdiyo midaan, hawli dhabanaynin
- Dheg xumooyin gaariyo midaan, dhaawac lagu haynin.
- Sannad dhaqasho loo wada socdoo, nabaddu dheeraato
- Dhereg badan midkii lagu hubeen, cidina dhay waayin
- Noloshoo dhalaashiyo midkii, farax la dhaanteeyo
- Dhul qabooje laamaha dhirtiyo, ubaxa doog dhaafsha
- Oo dhamaysa waad noo ahaan, dhabiyo xeeshaaye
- Rabbigay ha kaa dhigo mid uu, dharabku maasheeyo.
W/C: Farax Sh. Cabdirisaaq (Zedra)