Danyar Dulman| W/Q: Wiilo Daahir Xasan 

Danyar Dulman|

Goor arooryo hore ah oo diiqu daakirayo ayey ka kacday duq Xareeda soona goglatay halkaas derinteedi cajilka ahayd, si ay salaadda subax ugu dukato. “Alla, jilbaha iyo moxogga ayaan ka kici la’ahay! Aa! aa! ‘Waayeel taah lagama waayo.’ Aaway xooggaygi iyo firfircoonnidii aan qabay dhallinyaranimadii?  Waxa aan maqli jiray: “Haddii geeridu ku deyso, gaboow baan ku daayneynin”. Waa run taasi. Waa anigaas usha ku kutubaya, waxaan hawla iyo shaqo badan soo qabtay. Waa aniga oo Xareeda Cabdi ah, waan gaboobay oo hadda Jalmad qaxwo ah oo aan dabka u shido ama aan saaro inaan  ka dajin karin ayey tabarteydu kusoo aruurtay!.

Aroorta hore ee subaxdii marka ay salaadda dukadu ka dib, waxay jaceshay inta ay tasbiixda iyo Alle bariga wadato in ay  agyaallaan idankeeda fooxa iyo koobkeeda qaxwada ah. Maryaneey hooyo, inta aadan bixin koobkaas murbayga ah, qaxwo iigu soo shub ee ii keen, sidoo kalena idinka luubaanta iigu soo shid hooyo ee asna ii keen. Sideen u baxayaa hooyo, aniga oo aan tarmuuskaaga  qaxwada ah kuu karinnin. Maryan ayaa sidaas ugu halcelisay hooyadeed.

Xareedo, warka gabadheeda iyada oo dhegaysanaysaa ayey aragtay; dambiil iyadoo ku hullaaban. “Dambiisha xaggeed u wadataa Maryaneey?” Danbiisha suuqa ayaan adeeg uga doonanayaa, inta ay carruurtu jiifaan ayaan rabaa inaan suuqa ka soo adeegto. Maanta waa ogtahay hawl badan ayaa ii taallo  madax shub ayaan qabaa. Uunsi, catar, cuud, macsara, bun, timir  iyo daango, lacag badan ayaan  rabaa hooyo mana heyside, lacagta yar quraacda kama badano ee waxba ha isku shiddeyn madax shub. Maryan ayaa sidaas ku maslaxday hooyo Xareedo.

– Hooyo Maryaneey dhaqaala aad intaas ku dabbarto ma heysataa? Hooyo Xareedo ayaa waydiisay?

 – Deyn ayaan ku soo qaadanaa hooyo. Maryan ayaa ku jawaabtay. 

Bisinka! Ma wax aad soo deynsatay ayaad rabtaa inaad ku caafimaaddo?” Hooyo Xareedo ayaa waydiisay! 

Hooyo waa la iska kheyraa, albaabkana kor ayaan kaaga xirayaa yaa ee ogoow fure ayaan wataa e. Maryan ayaa si boobsiis ah u tiri. 

Haye hooyo kor iiga xir albaabka ma furi kariye!. 

 – Maryan aad bay u degdegsanayd, waxayna rabtaa in ay suuqa dhaqso ka soo noqoto. 

Waxyar intii ay maqneyda waxaa isla markiiba duq Xareedo dhegaheeda kusoo dhacay: Gow! Gow! Gow! Albaabka iga fur! 

War albaabka ha iga jabinnin ee yaa waaye adigu? Subxaanallaah!  

 – Ha naga subxaanaleysannin ee albaabka naga fur! Ayaa mar kale loogu celiyay. 

 Ma furi karo albaab uu furahiisi maqan yahay ee danta aad leedahay ka hadal ayey duq Xareedo fadhigeedii ka tiri. 

 – Waa; Mire Jaamac ninkii dallaalka ahaa. Ayuu si degdeg ah u yiri. 

 – Dallaal aa!  Oo ma guri beeca ama kiro ah ayaa Xareedo Cabdi heysaa miyaad maqshay? 

 – Warka badan dhaaf islaanyahay ee albaabka naga fur ayuu si xin leh u yiri. 

 – Asbax minasubax ayaad tahay ee albaabkeyga ii dhaaf haddii Allahaa Alle yahay. Ayey si xanaaq leh u tiri: hooyo Xareedo. 

Muranka iyo isu taagtaagga duq Xareedo iyo odaygii dallaalka ahaa markii uu xad dhaaf noqday ayaa waxaa kusoo baxay islaamankii xaafadda wax ka degganaa intoodii badneyd, sida: Faadumo Cumar, Bishaaro Cali iyo Khadiija Nuur oo ay deris dhow ahaayeen duq Xareedo ayaa guryahoodi ka soo baxay, isla markaana waxay ku yiraahdeen: War maxaa dhacay? ayey dhaheen haweenka xaafadda ee ku soo baxay qaylada ka socotay guriga Xareeda Cabdi. 

 – Ninkii dallaalka ahaa ayaa haweenka u jawaabay kuna yiri: “Wax dhib ah ma jiraan ee guryahiinna ku noqda warjecli ayaa idin heysa e. 

 – Maryan oo suuqa ku soo daashay illeyn waa qof xaamilo ah ayaa halkaas ka soo muuqatay. Maryan ayaa iskula shawrtay oo laabta iska tiri: Alla! Gadaashaa maxaa dhacay? Waxaa hal mar indhaheedu qabteen ninkii Mire Jaamac ahaa ee qudbasirada ku qabay Maryan, nin kale iyo islaamihii xaafadda oo iridda gurigeeda wada taagan!. Naxdin iyo amakaag ayaa ku dhacay! Wayna maleysan weyday oo saantii ayey qaadi wayday. Mar labaad ayey niyadda iska la hadashay: ‘Waa adinkii cisho hore is afdhaafaye  ma ku furi rabaa oo ninkaan marqaati ahaan ayuu u soo wadatay mise hooyo iyo carruurta ayaa dhib gaaray intii aad ka maqneyd?. 

 – Hore inta u soo dhaqaaqday ayey tiri: “Habaryar Khadiijo, wax daran mayaa jira?  

 – Maya ee habaryar wax daran ma jiraan ee hooyo iyo labadaas nin buuqooda ayaan ku soo baxanay ee bal waydii waxa ay rabaan? 

 – Maryan ayaa nimankii ku tiri: “Nabad ma jirtaa saakay? 

Nabad way jirtaa ee albaabka naga fur ayuu Mire ku jawaabay. 

 – Maryan ayaa mar kale is waydiisay: Haddii uu guriga galo Mire toloow, macawistii, garantii duugga aheyd iyo  kabahii midda yeelka la’eed, miyuu qaadan rabaa, illeyn wax kale gurigaan uma yaallaane. 

 – Maryan, markii ay albaabka furtay ayuu ku yiri Mire: “Furaha iska soo wareeji!” 

 – Furaha iska soo wareeji aa! Oo yaa guriga ila leh? 

 – Mire oo kalsooni hadlaya ayaa yiri: ninkaan ayaa guriga leh.  

Maryan oo alaabtii ay sidday dhulka tartiib u dhigatay, dabadeedna laba sinood gacmaha saaratay ayaa tiri: Sheekooy sheeko, sheeko xariiro ayaad waddaa ee sidi qof weyn ila hadal ha igu ciyaarine. Bishaaro Cali oo hadalkaas doodda ah maqleysay ayaa kula faqday Khadiijo Nuur in uurka ay Maryan leedahay ay u siddo Mire. Wegereey ka waasacan! Naa maxaa tiri ayey la soo boodday Khadiijo Nuur oo afka iyo gacanta isla weyday!. Alla maxaa u geeyay Mire Jaamac oo tii sagaalka ilmood u dhashay ay dhaqasho iyo dhigid midna ka wayday! Tee ayuu qabaa eeddo Khadiijo? Ma wuxuu qabaa gabadhii Axado Macow ee  Salaado Dhagey aheyd? Mase ogtahay in uu hadda qabo talow? Ayey ku afti deysatay Bishaaro Cali oo lafteedu yaabban! 

 – Yaa og hee! Ayey iyana ku jawaabtay Khadiijo. 

 – Buushkii Xareeda Cabdi ayaa la isla gelay dabadeed. 

 – Hooyo Xareedo oo yaabban ayaa Maryan ku tiri: hooyo nimakani maxay rabaan? 

 – Hooyo waxa ay rabaan ayaga ayaa sheegayo. Ayey ku jawaabtay Maryan. 

 – Nin albaabkeyga sidii aan ogaa u garaacayay nabad u ma soconnin wallee! Balse, soo dhowaada wax walba oo aad aheydeenba. Ayey ku gaabsatay duq Xareedo. 

Eeddo Xareedo: ma taqaannaa nin la yiraahdo: Diiriye Xuseen Cali, mase xusuustaa in aad is guursateen 1986-dii? Ninkaas ayaa aniga i dhalay, waxaana la i dhahaa: Xasan Diiriye Xuseen.”  

– Waa aqaannaa Diiriye Xuseen, Eebbe  naxariis janno ha siiyee. Ninkii ganacsadaha ahaa baa tahay sow ma ahan? Ayey mar kale tiri: Xareedo. 

 Haa ninkaas ayaan ahay, ayuu si deggan ugu jawaabay. 

 – Haye gacalle ee Khayr sheeg? Ayey waydiisay duq Xareedo. 

Waxa aan saakay idiinku imaaday in aad gurigaan iiga guurtaan, intaas gu’ ayaan idinka ka xishoonayay eeddo, haddana waxaan doonayaa inaan dabaq ka dhiso mar dhow ee muddo shan cisho ah, in aad uga guurtaan waaye eddo Xareedo. Sidaas ayuu ku tiraabay: Xasan. 

Aabbahay baa kuu gaday aa! Been baad ku sheegtay taas eeddo. Gurigaan lacag uu aabbahaa leeyahay laguma iibin ee lacagtayda ayaan ku gatay oo Ilaaheyna waa igu ogyahay in aan ku iibiyay lacag aan ka aruuriyay caanihii iyo cajiinkii aan gadayay ee aabbaha kumi iyo taano u leeyahay xaraan ayey ka tahay. Markiisi aad I dhaday Diiriye Xuseen baa i dhalay waan ku farxay, balse, farxaddaas waxaa ka dambaysay in gurigeyga doqoshka ah igu qabsato adiga oo ninka ganacsadaha weyn ah waa nasiibdarro. Ayey ku cataawday duq Xareedo. 

Maryan, iyada oo indhaheeda ilmadu ka qubanayaan oo labadii ilmood darfaha ku dhaggan yihiin ayey jikada aadday. Maryan, waxay ku cataabaysaa: Haddii uu joogi lahaa Axmed Cadde – waa ninkeedii horee – maanta hooyaday ninkan uma caga jugleeyeen guurigeedana sooma haweysteen. Nacaskaan oo kale inay ilmahiisa calooshayda ku jiraan ayaaba nasiibdarro ah. Waxaan maqli jiray maahmaahda tiraahda: “Lugtaaneey marba nin ku qaad”. Dadka Soomaaliyeed, gashaanti, doob iyo  garoob middii aad tahayba kama joogi karaan oo guurso ayey la daba joogaan, wax ha kaa hareene! Bal, maxay ka ogyahiin, kan la dhali doono iyo waxaad dhali doonto intaba in lagu antifaaci doono?. Waxa aniga iyo hooyaday na heysto maanta dad ayaa ka dambeyay oo ninna niyad uma heynin hooyaday nin, say u dhahaayeen waa yar tahay. Waddaad aad weesada isku dhoowrataan iska guurso, ayaan markii dambe iska guursaday oday Diiriye. 

Walaahow iyo jaha wareer  baa ku dhacay Xareedo iyo gabadheeda Maryan, meel ay ciirsadaanna uma cadda. Hanti  la sheegaa guurigaas bay ka leeyihiin, asagana iimaanlaawe aan nixin baa ku heysto, haddii ay caddaaladi jiri lahayd, gurigayga iguma heysteen, maba jirto caddaaladuye. Sidaas ayey ku calaacashay. 

 – Garbasaarta i soo qabo hooyo Binti. 

– Haye hooyo, balse, intee ayuu yaalaa garbasaarkaagu? 

– Hooyo jiinbaarta bannaanka taallo ama sariirta Aloolta cariishka ama muddulka ka fiiri. 

– Hooyo duhurkaan xaggee ayaad u dhalandhool tahay oo aad u socotaa? 

– Hooyo waxaan u socdaa gabadhii abbaayadey Xareedo oo kureysaneyso maanta. 

– Kur iyo madaxshub waa laga baxay caadadaas, ee maad iska joogtid hooyo? 

– Bixiddeyda iyo joogisteydaba shuqul kuma lihid ee albaabkaan soo xir gabar yahay ayey si xanaaq leh u tiri. 

– Yaa abbaay  Xabiibo Cali, ma fiican tahay, maanta waa soo dheeraataye? 

– Waan fiicanahay walaasheey Khadiijo ee idinku see tihiin? 

– Nabad iyo naruuro abbaay. 

– Khadiijo, wajigaaga daal iyo diihaal ayaa iga muuqda ee maxaa jiro walaalay? 

– Xabiibo Caliyey illeyn war moog ayaa tahay! 

– Hee maxaa dhacay walaaleey? 

– Ma ogtahay? Abbaaydeen Xareedo Cabdi in gurigeedii aad ogeyd aan ka hadlayay, lacagtii aan ka aruuriyay ciirtii ay lo’deeda  ka luli jirtay oo ay maalintii gadi jirtay iyo muufadii ay habeenkii dubi jirtay? 

– Naa, maxaa dhahay?Oo yaa ku haysto? 

– Waxaa ku heysto ninkii oday Diiriye ahaa  ee qabi jiray  Xareedo, wiil uu dhalay oo ganacsade weyn oo hantiile ah, ayaa gurigeeda ku heysto oo waxa uu rabaa in uu dabaq labaad ka dhisto! Xasan Diiriye oo hantiile ah. 

Buula Jaan waa xaafad isku raran ah oo ay degganyihiin dad iska danyar ah oo quutalyoonkooda la daalaadhacayo. Dadkaas danyarta ah waxaa ka mid ah islaan waayeel ah iyo gabar ay dhashay oo laba  carruur ah heysato,  miyaa hunguri ka soo galay, weliba gurigii Xareeda Cabdi iyo gabadheeda Maryan Cismaan ee labada carruurta heysta haddana xaamilada ah. Kaaga darane waxaa guriga keenay mid dallaal ah oo ay Maryan uur u leedahay oo la yiraado: Mire Jaamac. Maantana way kuraynsan rabtay, suuqa ayada oo adeeg ugu maqan. Shan maalmoodna waa loo qabtay, inay guriga ku banneeyaan. Waa danyar, haddana dulman. 

W/Q: Wiilo Daahir Xasan 

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com 

SHEEKOOYIN