Dad waxaan dhexjoogaa.  Maanso. Curin; Bashiir M. Xirsi ‘ina cubtan’  Lafagur; Maxamed D. Ciise

Dad waxaan dhexjoogaa. 

Maanso. Curin; Bashiir M. Xirsi ‘ina cubtan’ 

Lafagur; Maxamed D. Ciise 

 Qofkii damiir leh wuxuu ka dhiidhinayaa docdafuraaran, dhimaalka bulsho iyo tilmaamidda ka leexashada dawga toosan. Abwaanku wuxuu adeegsadaa tix, wuxuu maaxdaa erayo tilmaam leh, tayaysan misana ka tiira dheereeyo waxyaabo badan. Lafagur ma rabo inaan ku sameeyo tiirarka maansada, falkin iyo wixii miisaankeeda ah abwaanku isagaa u-“af-aqool”- ah. Waxaan se rabaa inaan duljoogsi ku sameeyo tuducyada mudnaanta leh iyo kuwa dhab-sheegga ah. Iyada-“dhabsheegnimada”- lafteeda ayaa u baahan kudhac, dhiirrannaan iyo u adkaysi. Suugaantu iyadaa ah suugo, marna waa suug-“nuuc qoryaha ka mid ah”-lagu dagaalgalo, marna maaykroofan, mar kalane waa muunadayn. Maansada markuu abwaanku tiriyo, ma ahan in laga socdaalo e, waa in dhug loo yeeshaa hilaadinta uu abwaanku sheegaayo, ceebaha uu tilmaamayo iyo waliba dawga toosan ee uu tilmaamayo. Wuu tiriyay uun maaha in looga kaaftoomo e waa in la duljoogsadaa, lagu dulfikirro, sidoo kale waa in isaga laftiisa dib loo gu celiyo waxyaabaha aanan la fahmin. Isagu-“abwaanka”- wuu fikiraa, falkiyaa, fallanqayn iyo iskuxidh ku shuqalanaadaa ka hor intaysan ina soo gaarin. Innaguna waa inaan ku dulfikirnaa ka dib tirinta tixda, duljoogsannaa oo aan la soo baxnaa wixii uu abwaanku tooshka ku ifiyay.  

Seddexlaydu waxay iskugu xidhan tahay qaab toolmoon, waxay ka hadlaysaa dhan kasta, waxay faagaysaa ceebo badan. Isla sidaas si la mid ahna waxay ina leeyihiin eraydu “hurdaayow kac”, mar kale haddana waxay ina lee yihiin “ku la ma jiro, kaa ma na jiro”. Mar kale waa run sheegnimo oo iska garo waa ceeb sheegnimo. 

 Tuducyada u horreyo waxay lee yihiin; 

  1. Dad waxaan dhexjoogaa
  2. Duurjoogtu dhaantoo
  3. Dareenkooda la alxamay. 

 Billowguba waa mid kakan, dareen xambaarsan sidoo kalana waxay tilmaamayaan dad dareen ahaan dhintay, oo ay duurjoogtu dhaanto. Waa sida ay leeyihiin e, waxaa la alxamay dareenka dadka, waa halka uu wadaadku dhaho; ‘qalbi-madoobaad.’ Waxay ina leeyihiin isfiiri, mar kale dadka fiiri, mar kale is wada fiiriya oo iska dhexgooba waxaan idin ka sheegaayo. Waa dhabsheegnimo aannu liqi karin fulayga.   

Mar kale wuxuu lee yahay abwaanku;  

  1. Dal waxaan dhexjoogaa
  2. Dareenkey u muuqannin
  3. Ee daneeya muuqeey.

Halkaan waxay mudan tahay duljoogsi iyo qaabilaad. Wuxuu u hadlay qof walba, isagu-“abwaanka”- waa maaykroofan bulsho e. Qofku wuxuu dalkiisa dhexjoogaa isagoon la danaynin dareenkiisa, ee la daneeya muuqiisa uun. Dowladdu waajib iskama saarto dareemada-“fahankaygu dareennadu waxay igu la muuqdaan, baahida, caafimaad-darrada, iwm.” Muwaadiniinta waxaa la ga xaabsadaa canshuurta, ganacsatada waxay cunaan dulsaarro badan, cidna muhiimad dareen la siin maayo. Qalfooftaada uun baa u muuqata dadka, oo cidna muhiim u ma aragto gudahaaga. Waxaa ka sii daran, samankan lagu jiro sawirrada iyo muuqaallada qofka in aad aragto ama dareento waxaa ka muhimsan in aad muuqaalkiisa oo duuban ma sawirkiisa oo la qaaday aad aragto.  

Mar kale ayuu innoo sheegayaa abwaanku wuxuu yahay iyo bulshadu waxay tahay. Wuxuu inna lee yahay; 

  1. Dad waxaan u doodaa
  2. Danqashada insaannimo
  3. Ixsaankeeda daayacay. 

Halkaas waxaa innooga cad doorka uu leeyahay, iyo waliba bulshada uu u doodaayo doorkooda. Wuxuu ina leeyahay bulshada ayaan u doodaa, oo waxaan ka doodaa waxkastoo dadnimodarro ah, liidnaan ah. Waa bulshadaasoo aanan lahayn danqasho dadnimo iyo naxariis. Waa bulsho dayacday dadnimadii, tuurayna samafalka. Bulshadu markay la qabsato xumaha, ma dooriyaan oo is ma dhaafiyaan. Waxaa ka guurto bulshadaas dadnimada oo waxay noqdaan siduu sheegay abwaanku kuwa ay dhaanto duurjoogta. 

Isagoo mar kale inoo tilmaamayo bulshadaas ayuu ina leeyahay;  

  1. Dad waxaan dhexjoogaa
  2. Karti iyo dadnimadii
  3. Dukaannada ka iibiyey.

Waa dad iibiyay kartidii iyo dadnimadii. Waxay dukaannada ku cammireen dadnimadoodii iyo kartidii, oo iyagaa iibinaayo. Taasi waxay keentay in la waayo dad dooriyo xumaha, la dagaallamo siyaasiga sadburiga wado, ganacsadaha dulsaarka iyo badeecada tayada xun suuqa la joogo ama si guud qof ama qolo u la dagaallanta dhaqanka dhimaalan. Waxaa la iibiyay kartidii curinta, joogtayntii dedaalka. Taasi waxay keentay doqomo hishiis ku ah -“daltuur”-(abwaanka ayaa eraybixintaan adeegsado)- inay hoggaamiyaan umadda. Wadaaddo diinta ka fasirto qodobkay rabaan in loo hoggaansamo ayay dantu keentay.  

Markii uu toosh ku ifiyo abwaanku dadkii iibiyay kartidii iyo dadnimadii, waxaa maankaaga ku soo dhacaayo waydiin ah; dadka ma laga waayay mid iyaga ka soocan oo ka dhiidhiya xumaha? Waydiintaas kolka uu maan kaagu soo maaxiyo ayuu abwaanku tuducaan kaaga dhigayaa jawaab, oo wuxuu kuu sheegayaa run qaraar isagoo leh; 

  1. Dad waxaan dhex joogaa
  2. Qof u dooda dilayoo
  3. Midkii dila u doodaya.

Afkii baa juuqda gabay.! Wuxuu toosh ku ifiyay dhabsheegnimo wayn. Qofkii u dooda xuquuqda, raadiyo cadaaladda, tilmaamo dowga toosan waxaa dilo dadka uu u doodayey. Isla dadkii waxay u doodayaan oo u sacabba-tumayaan midkii dilay ninkii iyaga u doodaayay. Waxay boqrayaan ninkii iyaga boobaayay, ganacsadihii dulsaarka iyo maciishadda qaaliga ah dhabarka u saariyay. Waxay xabsiga ku tuurayaan ninka tilmaama samaha, midka u dooda dadnimadooda. Wadaadkii qarxiyay ayay dadku boqrayaan. Mooryaankii shalay ayaa u soo gashaday suud iyo garabaati ka dib isagaa u ah matale. Jabhado raggii horkacaayay ayaa noqday madax iyo maamiyaal bulsho. Macallinkii iyo suxufigii u doodaayay xuquuqda dadka mid dhinto iyo mid darbiyo dhexdooda lagu afduubay ayuu noqoday.  

Waa isla halka uu leeyahay mar kale;  

  1. Dad waxaan dhexjoogaa
  2. Aan xumaanta diideyn
  3. Samahana u doodeyn.

Qaybtaan waxaad ka dhex arkaysaa qaybo ka mid ah intii aan kor ku soo sheegay. Dadku waxay ka dhinteen dadnimada, oo duurjoogta ayaa dhaanto. Mar kale waa tii uu dhahay, waa dad dilay ninkii u doodaayay, kii dilaayayna u doodayo. Taasi waxay keentay in bulshadu noqoto kuwa aanan lahayn ka la saafid oo waxay iska oggolaanayaan xumaha. Qofkii xumaha arkaayay iyagaa boqonyagooyay e, waxay taasi keenaysaa inaysan lahayn indho iyo toosh lagu arko xumaha. Dadkii waxay la qabsanayaan xumaha oo waxay doonayaan inay iyada iskaga dhexjiraan. Waxay bulshadii maah-maah ka dhigatay ‘Dowlad xumo, dowlad la’aan ayay dhaantaa’. Taasi waxay ka dhigan tahay in dadku aanay ka dhiidhinaynin dowlad xumada, oo ay diidayaan doonista samaha iyo dowlad wanaagga. Waxay naftooda ku qancinayaan waxkastoo xun waxay dhaamaan wax la’aan. Xildhibaanka xun, wadaadka qallafsan, siyaasiga sabdursiga wado, madaxwaynaha keligitaliyaha ah iyo waxkastoo muunad xumo ah bulshadu way iskaga qanceen, oo waxay noqdeen kuwa aanan xumaha diidin, samahana aanan u doodin. 

Wuxuu toosh wayn ku ifinayaa abwaanku, bulshadii, ganacsatadii, siyaasiyiintii iyo waliba midkastoo dedaal xumo iyo daallinnimo dadka la dhexjoogo. Wuxuu tuduc walba tilmaamayaa dhab cad iyo baraarug. Wuxuu qofka ku qasabayaa tuduc walba in uu qofku u dhugmo yeesho waxa hareerihiisa ka socdo. Maansadu waxay kugu riixaysaa inaad si walba u aqbasho dhabta bulshada, deegaanka iyo madaxda ba. Abwaanku kaliya ma aha nin tixda u dhabbaglo se mar waa qoraa leh curisyo, buugaag iyo waliba fikrado bulsho. Si uu taas kuu ogaysiiyo tuduc ka mid ah ayuu ku lee yahay;   

  1. Dad waxaan dhexjoogaa
  2. Aan Hilaadin dabadii
  3. Dhimaal Dhaqan u daabacay!

Wuxuu dhabta bulsho ku tilmaamaa labada tiir ee suugaanta oo ah; tix iyo tiraab. Wuxuu tooshkiisa u adeegsadaa curisyo si uu qofka wax-ugu-fahansiiyo si tiraabaysan. Mar wuxuu u dhabbagalaa tix, oo wuxuu dedaal galiyaa in uu afarreey iyo seddexleey maanseed iyo tixo cuddoonba bulshada wax-ku-fahansiiyo. 

Dhammaad. 

 

F.G; maansada-‘dad waxaan dhexjoogaa’- waa maanso socoto oo intaan fallanqaynta ku sameeyay waa inyar oo aan u arkay dhabsheegnimo inay yihiin. 

SHEEKOOYIN