WAR-HOY GARO (QOFKA AAD LA SAAXIIBAYSO) Dr. Zedra Sh.Cabdirisaaq

War hooy garo ”qofka aad la saaxiibeyso iyo qofka aad u saaxiibeyso”

Saaxibtinimadu waa kalsooni dhamaystiran, iyo isku halayn badhaxtiran, taas oo ka huffan dabeecadaha is rogroga ee noloshu wadato. Haa… saaxiibtinimadu isma bedesho, waana dareen ku qotoma naf qaybsi ka balaadhan xidhiidhada caadiga ah ee wada dhalashudu salka u tahay.

Soomaalidu  waxay tidhaa saaxiibku mar waa sahankaa, marna waa sedkaa, marna waa sababtaa.  Waa seddex mar-xaladood oo la hubo inay saaxiibtinimadu leeday.

Waa tan koowaad e ”waa sahanka lagu guuro, waa tusaha meesha aad gaadhi karto, waa hanka kuu jiheeya dariiqa’ aad qaadayso”, waana sababta ka dambaysa in aad la timaaddo hiigsi iyo himilo dheer oo la mahadiyo.  Waa tan labaad e waa sedka iyo hantida aad dunida ku haysato, waa dheefta aad kelidaa gaarka u leedahay, ee aanay cid kaaga dhawi jirin.  Waa natiijada saxda ah ee aad maxsuulkeeda weheshato, waana qiimaha iyo qiyamka aad huwan tahay ee aad mus danbeedka ka dhigato.  Waa marka sedexaad e waa sababta guushaada, tilmaamaha noloshaada, dhiire geliyaha socodkaaga, kobciyaha garaadkaaga, iyo kaabaha rajadaada.

Marka aynu ka hadlayno macnaha dhabta ah ee saaxiibtinimadu, kuma aroorto jid qudha iyo mar-xalad keliya ee waa mid ku xidhiidh-san guud ahaan nolosha aadanaha.

Ma odhan karno saaxibtinimadu waa hal-beeg laysku wada raacsanyahay oo dadku isku si u arkaan, isku sina ula kulmeen, balse waxaynu odhan karnaa saaxiibtinimadu, waa nasiibka lays dheer yahay ee lala kulmo. Siyaabo kala duwana waa loo helaa, balse muhiimaddu, waa in ay jirto dareen wax wada qaybsi ah, oo aan wax loo dhigaa jirin.

Intaynaan wax badan gorfaynin, aynu kala fahanno saaxiib iyo saaxiibtinimo, falsafad ahaan waa qof iyo hu’gii uu xidhnaa, maya waa asal iyo farac, ma intaas uunbaa? maya, waa sifo taagan iyo suurad magacyo badan yeelata, si fiican iimaad fahmin, balse aan kuu jilciyo, waxaad xisaabisaa cimrigaad jirtay, soo wax badan maad jirin? Haa iyo maya!!! bal kasoo qaad in aad wax badan jirtay, nolosha wax badan soo umaad soo joogin? Haa. si fiican baad u xasuusataa saaxibkaagii yaraanta, mar kale saaxiibkaagii wax barashada, mar kale saaxiibkaagii shaqada iyo imminka oo aad isku meel ku nooshihiin saaxiibkaaga dhabta ah, kuwii hore laga yaabee in aad beri hore kala lunteen.  Maya wakhti horaa isugu kaaya danbaysay… Intaasiba maxay ahaayeen?! Saaxiib..waa suurad is bedesha oo magacyo badan qaadata balse saaxiibtinimadu dhabtaahi, waa sifo taagan oo aan is bedelin.

Dadka qaar waxay nasiib u yeeshaan hal saaxiib oo noloshoodu is buuxiso, iyaguna isku cabiran, qaar kale waxay yeeshaan saaxiibo is bedela oo midba mar-xalad ugu astaysan yahay, waxase xidhiidhka macna u yeela dareenka la wadaago, iyo sida waayaha nolosha loo qaybsado.

Waxaa jira saaxiibo badan oo wakhtiyo badan jaal ahaa, balse aan isku cabirnayn, iyo kuwo muddo kooban is yaqaana oo aan waxba u kala dahsoonayn, tani waa sababta dareen wadaagu saaxiibtinimada u wehesha ah.

Adigu ma leedahay saaxiib? Ma taqaana sababta aad saaxiib ula tahay?

Dadka kale muxuu kaaga duwan yahay?

Ma isagaa saaxiibkuu ah mise adigaa saaxiib u ah, mise laba saaxiib ah oo simman baad tihiin? Ma taqaanaa ka saaxiibtinimadiina  u nugul Adiga iyo Isaga? Adiga saaxiibkaa noloshaada kaalintee buu kaga jiraa? luuqad caynkee ah baa idinka dhexaysa saaxiibkaa?

Ma xasuusata inta jeer ee aad caawisay ama uu ku caawiyay?

Maxaad dareentaa haddii khalad lagu sameeyo ama aad Adiguba ku khaldantid ?

Imisa shay oo kuu khaas ah baad ka qarin kartaa? Maxaadse u sheegi kartaa saaxiibkaa?

Marka layskiin bar-bar dhigo Adiga iyo saaxiibkaa, maxaad ku qancisaa dadka kale?

Ma jirtaa sir kuu gaar ah oo aad ku adkayso saaxibtinimadiina oo aanu weli isagu ka war hayn? Meesha aad rabto in aad gaadho iyo halka aad rabto in aad saaxiibkaa gaadhsiiso ma kala tagaana?

Su’aalahaa iyo qaar kale oo badanba intaanad ka jawaabin waa inaad taqaanaa nooca saaxiibtinimo ee deriska kula ah, kollay, sida aan filayo laba mid uun bay tahaye mid seddexaad maaha, waa mid xun ama waa mid wanaagsan, saaxiibka wanaagsan iyo saaxiibka xun ka aad xagiisa tahay ayaa ogaanshiyo kaaga baahan.

Arrintani waxay muhiim u tahay jiritaankaaga, sababtoo ah meesha ugu fudud ee laga helayo qiimaha qofnimadaada iyo shaqsi ahaantaadaba waa saaxiibkaa, haddii saaxiibkaa fiicanyahay, Adna waxaa lagaa fishaa waa fiicnaan, haddii se uu saaxiibkaa xun yahay Adna khayr lagaa filan maayo..Haddaba si aynu isula jaan qaadno, aynu ku horayno saaxiibka wanaagsan, inagga oo  maqaalo kale ku wadaagi doona saaxiibka xun, maantase aynu dul istaagno saaxiibka wanaagsan,  kelideen ma nihin ee waxaa ina weheliya mid ka mida ah dadka wax ka yidhi saaxiibka wanaagsan, isma taqaanaan inaan iskiin barana iima qorshaysna balse waa mid ka mida hal-abuurrada  Soomaaliyeed  oo maanso ku cabiray saaxiibka wanaagsan waxaanu yidhi sidan soo socota

Saaxiib wanaagsani

Naxariista waartuu

Ku waraabiyaayoo

Wuxu kaaga dhigan yahay

Bu’da wiilka dhaayaha

Waagii dilaaciyo

Walacdii timaadana

Wuxu kaa waraystaa

Wakhtigiyo ayaamuhu

Siday kuugu wacan yiin

Xiliyada wax saarkee

Hadhku kaa wareegee

Naftu kaa wareerteed

Wajaqdeed asqawduu

Wahabkiyo dhibaatada

Kaa weeciyaayoo

Waqal weeye kuu da’a

Marka lagugu wiirsado

Ama aad walkinaysee

Kaa liico waayuhu.

Saaxiib wanaagsani

Waa lama huraanoo

Sida wiilku aabaha

Warka uga dhegaystuu

Wax san kaa maqlaayo

Siduu yahay walaalkaa

Ama waalidkaabuu

Kuu waaniyaayoo

Sida waabka diintiyo

Wardigiyo quraankiyo

Loo wado salaadee

Rabbi loo wakiishuu

Wacdi kugu baraayoo

Wuxu kugu rabbeeyaa

Waxyigii rasuulkiyo  (SCW)

Qissaskii la weriyoo

Ifka  waaqiciisiyo

Waduxaa sirteeduu

Waddar kuu tusaayoo

Wuxu kugu yidhaahdaa

Wadka lama hilmaamee

Ha illaabin waysada

Haddii’ aad wadaamaha

Ceel wayn ku tuurtoo

Biyo aad ka waydoo

Weelkaagu madhan yahay

Rajjo male waraarkuye

Kasha wayraxeedaa

Niyadaada wiiqdoo

Walhashada duruuftiyo

Inkastood walaaciyo

War-warkiyo xanuunada

Ha waraaqin leedahay

Saaxiib wanaagsani

Hadba waxaad ku sugantahay

Wejigiyo dhafoorkuu

Ka helaa wacaashoo

Dibnahaaga waabtee

Qarsanaaya way diyo

Halka waranka eelkiyo

Waabaydu jiiftiyo

Waxa wayda kaa dhigay

Isagoon ku waydiin

Wuxu kaa dareemaa

Bogga walax ku taaloo

Ku wareeg-san beerkiyo

Waayirada qarsoonee

Wasladaha qalbiga iyo

Isku xidha wadnaha bidix.

Saaxiib wanaagsani

Wax tar lagu badhaadhiyo

Wehel weeye buuraa

Wacadkana ma buriyoo

Kama weecdo barashaday.

Haddaad waaqla joogtoo

Cidlo lagugu weeraro

Waa geesi waracoo

Intuu cadawga waaxyaha

Ka wareemo oofaha

Nacabkana wid kaa dhaha.

Saaxiibka wanaagsani waa qofka leh sifahaa maansadu sheegtay iyo in kale oo ka fara badan, ugu horayn Abwaanku wuxu ina tusayaa in saaxiibka wanaagsani yahay indhaha aad wax ku aragto, markastana aad kala kulanto naxariis aan shuruud ku xidhnayn, cadceed kasta oo soo baxdana waa ruux ka war haya xaaladaad ku sugantahay.

Mar kale maansadu waxay ku baraysaa inuu saaxiibka wanaagsani yahay qofka keliya ee ku garab istaaga marka aad dhibaataysantahay ama sabanku kaa xumaado, marka ay dadka kale ku dhaliilaan ama ku niyad jebiyaan waa ruuxa ku dhiirra geliya ee kula qaybsada xaaladda aad ku jirto, mana aha qof la waayo xiliyada baahida ee waa qof u nool garabsiintaada.

Saaxiibka wanaagsani waa mid kugu waaniya wanaaga isaguna tusaale kuugu noqda dariiqa toosan, wuxu kugu hanuuniyaa akhlaaqda suuban, wuxuuna  kuu horseedaa liibaanta Adduunyada iyo ta aakhiraba, wuxu kugu booriyaa tukashada salaadda, barashada diinta, akhrinta qur’aanka iyo sama falka waalidkaba, waana qof kuu xil qariyo oo aan ceebahaaga iyo dhaliishaada midna  baahin, dhankiisana aad halyay ka tahay isla markaana dharwsoon oo sir tiina xafida.

Saaxiibka wanaagsani uma baahna inuu ogaado duruufta ku haysata balse waa qof kula dareen ah oo baahidaada ka jawaaba isaga oo aan ku waraysan, ma taqaana sababta?  saaxiibka wanaagsani wuxuu kaa dareemaa meel aanay dadka kale oo dhammi aanay kaa dareemi karin waayo waa qof yaqaanna ruuxaad tahay iyo kaalinta aad ugu jirto, saaxiibka wanaagsani wuu iloobaa naftiisa wuxuuna ka shaqeeyaa horumarkaaga, runtii waxaan odhan karaa waa naf huraha koowaad ee aad leedahay saaxiibka wanaagsani waayo intaanu tiisa ka fikirin ayuu taada hir geliyaa.

Ujeedadaydu maaha inaan kuu sharaxo saaxiibka wanaagsan, balse waa inaan kula wadaago talo yar oo wax badan kuu taraysa, sow kula ma fiicna inaad saaxiib wanaagsan noqoto? Haa dheh..

Haddaba ha sugin inaad saaxiib fiican hesho balse waa inaad noqotaa saaxiibka wanaagsan ee la sugayo, ma taqaana sirta ku jirta halkaa?  Waxaad ahaanaysaa qof damiirkiisu nool yahay  oo dhabarka u rita mas’uuliyad wayn oo dadnimadu hoggaan u tahay, taas oo ku dhisan qalbi wanaagsanaan iyo daacadnimo kalsoonidu qurux u tahay, kana fog danaysiga iyo luggooyada.

War hooy garo ”qofka aad la saaxiibeyso iyo qofka aad u saaxiibeyso”.

Ugu dambayn, waxaan idin leeyahay “saaxiibka kula sida naftaadiyo miyaa la simaa qof socoto ah” jawaabtu waa xagiina.

W/Q:Zedra Sheikh

 

SHEEKOOYIN