GURI NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? W.Q. Cabdullaahi Macallin ‘Siyaasi’ Q. 1aad

                                Guri-Neg

                    “Guur” Duco mise Habaar?

Guur waa halka uu Calafkaaga ku dhigo. Guur waa calaf iyo nasiib.

Guur walba, guul iyo guuldarro in uu ku dhamaado waxaa saldhig u ah hadba lamaanaha sida ay isula jaan-qaadaan, noloshana ula jaan qaadaan.  Waxaase taa wehliso jarribaad ilaahiya(Ibtalaa) oo laguugu imtaxaanayo sida aad u gudeyso waajibaadka cibaado haddii noloshaada lagu siiyo risqi badan, Risqi yar, caafimaad taam ah ,jirro, carruur ,carruur la’aan iwm oo noolaha uu Allah ku jarribo.

Labada is guurstay in ay nolosha kuwada dhameystaan wadajir had iyo jeer ma ahan guul, laakin ugu yaraan waa dadaal iyo sabar lagu wada joogay. Kala tag walbana ma ahan guul darro, waayo kala tagga ama dalaaqa waa xalaal tan ugu hooseyso Allah-aktiisa, guulna ay ka dambeyn karto ama noloshaada oo gasho kufaa dhac aad ka bixi  weyso.

Falanqeynta Guurka:

Falanqeynta Guurka iyo guud ahaan dhisidda guri lagu wada noolaado, barbaarinta caruurta iyo korintooda.

Nolol wacan oo waarto helitaankeeda ama gaaristeeda waxaa sal u ah hadba adiga(Lab ama Dhedig ahaw) sida  aad  u fadhiisiso rabitaankaaga nololeed qaabka uu noqonayo.  Adiga oo aanan xisaabta ka saareyn guud ahaan nolosha in Allihi ku uumay uunan dunida kuu keenin in aad imtixaan ama jarribaad la’aan aakhiro ugu gudubto si fudud.

Meel iska dhig in ay noloshaada ahaato mid dhan walba ka dheeli tiran, dheeli-tirnaan in uu helo qof waxaa ugu dhaw qofka ku qanacsan waxa uu heysto maalin walba, afkiisa iyo addinkiisana laga nabad galo, Allahna uga mahad celiyo taa. Midda kale, noloshaada ha ku dayin in ay doonto dadka ay nolol wadaag la tahay waalid, walaal, xaas, awlaad, qaraabo iyo guud ahaan dadka oo dhan in ay u dhaqmaan sida ay jeceshahay naftaada dabeecad ama dhaqan ahaan.

Qoraalkan, waxa aan rabaa in aan sal uga dhigo guud ahaan Guurka wejiyadiisa kala duwan, dhisidda guri-san iyo sida ay ku timaado in laba qof oo Lab iyo Dhedig kala ah ay u helaan in ay noqdaan nolol wadaag wacan inta uu cimrigooda ku eg-yahay ama ay isu sagootiyaan inta aan la gaarin yoolkoodi ama rabitaankoodi wada nololeed.  Qofka laga dhintana uu maalin walba ku talammo ama is weydiiyo,Tolow maxaad u kala tagteen ,una ahaan-weyseen kuwa mar qura nafta wada waayo, ama isku waara  si ay raalinnimo ku jirto oo faraxd weyn leh, noloshoodana ay sidaa qurux ku dhameystaan, haddii ay kala hor dhintaan iyo haddii kalaba ,illeen dhamaadka nolosha adduunya waa dhimasho.

Qof walba, waxa uu leeyahay yool cad oo nololeed iyo rabitaan uu ku doorto nolshiisa guud iyo gaar sida ay ahaaneyso, qofka aanan lahayn yool u muuqdo, ogow in uu sugayo dhib nololeed iyo jahwareer baahsan oo kaga yimaado naftiisa, degaanka iyo dadka guud ahaan, iyo gaar ahaan qaraabadiisa, waalid, walaal, xaas iyo caruur hadii uu helo.

Guurka, Dhisida guri, barabaarinta carruurta iyo korinta carruurta mid walba waxa uu leeyahay howlo u gaar ah oo looga mira dhaliyo si guul ah , ama howlo sabab u noqda; nolol qaab darran oo wax u dhinto intaaba mid walba iyo hortiisa.

Guurka, waxa uu ku yimaadaa wejiya badan oo dadka intooda badan isaga mid yihiin meel walba oo ay ku nool yihiin.

Guurka, waa mid ku yimaado qaab qaraabo, waa mid ku yimaado isbarasho ay horseed u tahay derisnnimo ama kulan labada dhinac isugu keenay madal qura. Guurka, waa mid ku yimaado sheekeysi uu fadhi u yahay il-qabato ama is-arag lama filaan ah, waxa uu ku yimaadaa in widaayo iskiin baraan ama ay isu shukaamiyaan laba ruux oo mid walba baahi u qabo guur, kaddibna barashadaas kaga mira dhaliyo guur.  Guurka, waxa uu ku yimaadaa mid wiilka uu waalidkiisa u doono gabadh ama gabadha uu waalidkeed u doono wiil ,tan dambe kuma badno bulshadeenna, laakin ujeedka uu waalidka uu gabadhiisa ugu doono wiil uu la jeclaaday ,wuxuu ku yimaadaa wanaag lagu tebay wiilka, dhaqaala labada dhinac midba si uga muuqatay, ama cibaada gudasho uu ka aqriyay wiilka uu gabadhiisa u doonayo, da’ ahaana is-aadan yihiin.

Guurka wiil iyo gabadh waxaa intaas u weheliyo Isfahan ka hor aqal wada gelid ama aqal wada dhisid iwm. Guurka badanaa waxay Soomaalida tiraa “Dad uu Calaf ama nasiib isugu jiro isma waayaan, haddii uu calafka uu dhamaadana waa kala tag”.  Asbaabaha lagu kala tegi karo waa wejiyo badan yihiin.

Guurka, sidi uu ku yimaadaba, marnaba ha sugin in aqalkaas amba-qaado haddii nolol wadaagga fadhi looga dhigo rabitaanka ama ku wada socoshada labada dhinac midkood in hayin loo ahaado, haddii ay dhacdana in aqlkaa sidaa ah uu raago, taana ay macnaheeda tahay in dhinac u dul-qaatay culayska kaga imaanayo dhinaca kale isaga ama iyada oo dhinacya kale ka fiirineyso/ka fiirinayo arrimaha wada joogooda iyo in wada jirkooda uunan burburin haddii carruur la leeyahay iyo haddii kalaba.

Guurka, in uu waaro waxaa fadhi u ah dulqaad uu mid walba la yimaado labada dhinac, sirtooda u gaarka ah oo la xafido oo ay kaliya iyaga ku gaar ahaato, dhawritaanka, darajeynta iyo daryeelka labada ehel iyo iyada oo labada ehel laga dhawrayo in ay qeyb ka noqdaan nolol maalmeedka gurigaas iyo xal u helidda arrimo adag haddii ay soo if-baxaan ilaaa ay arrinta gaarto meel aanan la hureyn in arrinta uu dejiyo waalidka labada dhinac, iyada oo aanan bansiin lagu shubeyn culayska soo if baxay, loogana dareyn.

Waaritaanka dhismaha guu,r ma ahan wax fudud ,mana ahan wax adag ,waa hadba sida ay labada guriga dhisay u hawl geliyaan noloshooda si deggan oo ku eg iyaga oo kaliye, tan macnaheeda ma ahan in aynan imaan Karin arrimo adag oo badanaa ka dhasho is faham laa’aan, dhqaalo yari, dhaqaalo badnaan, fara-gelin gurigooda kaga timaado meelo kale oo ay og-yihiin ama aynan ogeyn iyo is khilaaf ka dhasho sida loo maareynayo xaalado aragtiyeed ee soo kala dhax-gasho iyo arrimo kale oo badan sida baxnaanshaha(barbaarinta) iyo korinta carruurta ku soo kororto gurigaas wiilal iyo gabdho amaba ay dhacdo in ay lamaanahaa ka soo daahdo helitaanka Caruur.

La soco Q.xigta

Cabdullaahi Macallin Maxamuud ‘SIYAASI’

SHEEKOOYIN