GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR W/Q. CABDULAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI) Q. 6aad

GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR?

W/Q. CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI) Q. 6aad

Masayr(Qiiro), Masayrka waa mid ka mid ah cadawyada ama cudurrada si fudud u dumiya guri dhisan ee ku jiro heelo, farxad iyo raynrayn oo ay xal u heliddiisa ama ka hortaga dhibkiisa sahashadaan inta badan lamamaanayaasha.  Masayrka, wuxuu leeyahay wejiya badan oo mid ka mid ah uu bilo nolosha lamaana kasto oo si deggan ula dhaqmo masayr kedis ah oo dhinac ka mid ah lamaanayaasha galo. Haddii ninka iyo naagta u istaagaan in ay isku qanciyaan is faham ay ka yeeshaan dhibka uu dabada ku sito masayrkaas, wanaag iyo ayaa ka dhasho is-qancintooda.

Masayrka mid waa dumiye, weliba si degdeg ah guriga iyo nolosha lamaanaha kala diro, haddii aynaan si caqliyeysan oo miisaaman uga fiirsan ku kicida fal ka baxsan xudduuda xajinta carada ka dhalato falkaas(masayrka) halka ay gaarsiisan-tahay.

Masayr, waa daruuro soo mara nolosha qof walba. qof aanan masayrayn waa qof lagu tilmaami karo doqon ama dayuus laakin, haddii uu yahay mid aynan qofkiisa is  xakameyn waa xerga goostaa, heerkaasuna waa doqonnimo ninki iyo naagti xambaarsan noocaas.

Masayrka dhinaciisa fiican waa in qof kasto leeyahay dhinac san oo diido xumaha, u masayro in uu wax wanaagsan ku kaco, carada ama xanaaqa ka dhasha masayr ku galay, ama shay aad u masayrtay oo aad isla jeclaatay, waa in aynan ka culays badin samaha masayrka ku galay.  Masayrka wuxuu galaa dhinacya badan oo nolosha ka mid ah.  Waxa uu galaa in aad qof wax fiican ku kacay kaga dayato falka wacan ee qofkaaas, ku dayashadaasna aad guul ka soo hoysaa.

Masayrka waxa uu ka yimaadaa in  ay naag ka shakiso in ninkeeda wax la wadaago haweeney kale sharci iyo sharci-darraba, ama sidaa loogu soo sheego.

Mugga ay halkaan joogto waxaa qumman in aad maanka gelisa xikmadda: (Ka fiirso intaadan falin) ka fiirsashada intaadan ku kicin fal dhib ku keeni karo nolosha gurigaada waa kuu muhiim. U kuurgalka dhab ahaanta tuhunka ku galay ama lagu gelshay oo ku aadan in ninkaaga ishiisa meel kale ku jeedo, ogow waxaa tuhun ku geli karo, qof ka masayrsan noloshaada iyo sida wacan oo aad u maareysaan adiga iyo ninkaaga gurigiina.

Waxaa tuhun ku geli karo deris xun, waxaa tuhun ku geli karo ehel aanan ka fiirsan warka ay bannaanka ka maqleen oo ay ku soo gaarsiiyaan, ma saxaa misa waa khalad,  waxaa tuhun ku geli karo shaydaan meela fudud kaa tuso, in ninkaaga uu beryahan kuula socon sidi aad isaga warqabteen kolki hore ama dhinaca kale(ninka) uu dad kale ka dhegeysto hubsiina la’aan in naagtiisa ay socod badisay, lugteeda furan tahay, ka fiirsan meelaha ay tegeyso iyo mudnaantooda iwm.

Waxaa tuhun idin gelin karo, naftiina oo meel xun wax idinka tusto ama ka aragto, haddii tuhun ama shaki ku galo, ka digtoonow in aad la booddo caro, wixi idiin fiicnayna aad ku durduriso.

Sidoo kale ninka waxaa tuhun gelin karo saaxibbo aan la dhacsaneyn guushiisa iyo sida qurux oo uu gurigiisa u maareeyo, ogow gurigaaga oo la daalaa dhacayo khilaaf cusub ama mid idin ragaadiyay oo idin ku raagay, in ay jiraan dad la shaqeysto shaydaanka oo aan ku faraxsanayn deganaashada guriga ka jirto iyo xitaa haddii aynan ka jirin, shaydaanka shaqooyinkiisa kuwa ugu waaweyn waxaa ka kow ah; kala geynta lamaanayaasha kuwoodo ku jiro nolol wacan iyo mid adagba.  Ma jirto shaydaan cid uu ka wareegayo, hawlahiisa waa isku dir, fatqalo ka abuur lamaanayaasha dhaxdooda, gaar ahaan iyo guud ahaan dadka oo dhan.

Waxaa hore loo yiri: “Hubsiino hal ayaa la siistaa”, yeynan ku jibin hal aanan jirin.  Ha ku dadaalaan nin iyo naag walba in aynan la boodin wax walba oo ay ka maqlaan dad kale, ha ahaadaan qaraabo, saaxiibbo, deris iyo adeegayaasha shaydaanka ama shaydaanka naf ahaantiisa. Mar walba la imaaw boodbood iyo shaki ka hor in aad si degan ugu war-geliso dhiillada ku soo gashay ninkaaga ama naagtaada si aad si fudud xal ugu raadisaan jiritaanka tuurtuurka warkaas dhab ahaantiisa ama been ahaantiisa.

Waxaa iyadana dhici karto, in ay dhab tahay arrin lagaaga soo sheegay ninkaaga/naagtaada, taana waxaa labada dhinac ee ninka iyo naagta laga rabaa in aynan dhiilladaas soo gashay u bedelin muran, qeylo, gacan ka hadal balsa, ay xal u raadiyaan arrinkaas inta aynan gaarin gurigoodo oo sidaa ku dumo ama gurigooda uu soo galo khilaaf ku fogaado dhaxdooda oo gadaal dambe uu dhibkiisa kala diro reerkaas.  Arrimahan oo kale haddii ay dhacaan waxaa lagu xalliyaa deganaan, is maqal iyo fasiraad wacan oo laga bixiyo sababaha keenay masayrka ku yimid ninka/naagta.

Shaydaanka, waa cadaw kan ugu weyn ee (dadka)basharka, diinteenna suubban ee islaamka waa nooga digtay cadawtooyada shaydaanka, waxa ayna ku tilmaantay in uu cadaw nagu yahay ee aan annagana cadaw u noqono, yacnii in aanan maqal ku dhega hadalkiisa iyo falalkiisa gurracan midnaba.

Ha sugin marnaba in Shaydaanka iskaa tuso ama ku yiraa shaydaan ayaan ahay ee falkaas ku kac.  Shaydaanka wuxuu had iyo jeer dadka uu dhumin rabo ama dhumin karo ka soo galaa meelo badan, haba ugu horreyso qaabka ay maskaxdooda u fikirto in uu u kuur-galo, waswaas uu geliyo, adiga oo isleh hawl fiican ayaad ku dhax jirtaa. Iska ilaali shaydaan iyo insiga la adeegtaba, haddii aad maqasho ama kula tago waswaas uu ku geliyay shaydaan, waxaad arkeysaa mar kaliya adiga oo wax isaga dheelay, gurigaaga ku dumiso gacantaada ama ninkaaga/naagtaada/carruurtiina ama dadka kale aad wax-yeelo u geysato.

Ka feejignaaw, dabinnada shaydaanka iyo in aad u dhega dhuglaato maqalkiisa iyo balaaya sheeggiisa.  Shaydaanka hawlihiisa ugu waaweyn ee diinteenna noolagu tilmaamay waxaa ka mid ah; kala geynta lamaanayaasha iyo duminta guri taagan iyo sidoo kale arrimo badan oo fool-xun oo gadaashiisa ku yimaado.

Midda kale, ninka waxaa ka imaan karo in uu damac ka galo guur labaad, mid saddexaad, mid afaraad; taana waa mid sharciga islaamka u banneynayo, weliba haddii uu awood u leeyahay masruufkooda iyo in uu si caddaalad ah mid walba iyo horteeda ula dhaqmi karo si siman.  Middaad oo ah in uu galo guur kale, haddii ay timaado quruxda waxay ku jirtaa in uu xaaskiisa ku war-gelsho arrintaas, haddii ilmo laysu leeyahay iyo haddii aanan laysu lahaynba.  Waxyaalaha ay arrimahaas badankooda ka dhashaan waxaa ka mid ah; inay dad ku dhega hadlaan ninka sida in lagu yiraa haweeneydaada waa ma dhasho, waa gabdhooley oo iyada sida dhabta ah aynan cilmi ahaan raximka naagta uunan shaqo ku lahayn unkumida wiilal iyo gabdho toona iyo arrima kale oo had iyo jeer fitno dhax dhigi karo lamaanayaal kuwada nool nolol degan iyo kuwa uunan gurigooda ahayn mid deganaan lagu wada nool yahay.

Waxaa kale oo badanaa guur labaad ka dhashaa in ninka uu dhaqaalo helo ama uu yahay nin aynan xejin naag kaliya ama ay taa ka tahay ku dayasho nin(dad) kale iwm.

Waxaa iyadana dhacdo in lamaano walba marka ay ka soo daahaan helitaanka ilmo laysu dhalo mudda dheer keddib ama mudda gaaban, in ay naagta soo jeediso in ninkeeda ay u doonto naag kale si uu ilmo uga helo, gurigeedana ay sidaa uga ilaaliso in uu ka dumo, ninkana uu aqbalo soo jeedinta naagtiisa, taas oo ay ka dhalato in ummuuraha xiga guurka labaad laysla fahmo.

Waxaa iyadana dhacdo, in dhinaca dhalis la’aanta haddii ay tahay ninka in uu iska fasaxo naagtiisa si ay duul kale uga hesho ilmo, iyada oo isfaham iyo ku kala tago gal-kacayl iyo wanaag.  Nin iyo naag kasto waxaa looga fadhiyaa, ilaalinta dhisnaanta gurigooda si wacan oo mas’uuliyad leh, taana waxa ay ku timaadaa in laga feejignaado ku dhicista falal uu gadaaal kaga jiro shaydaan ama adeegayaashiisa insiga ah.  Ka dhawrso degdeg, wax walba ku xalliya caqli miisaaman, haddii ilmo laysu leeyahay iyo haddii kalaba.  Waa la kale tegi karaa, balsa kala tagga ha ahaado mid qurux iyo isfaham dhaxdiina ka yimaado, wada joogiinnana ha ahaado mid uu fadhigiisa yahay kalgacayl laysu qabo, mawadda iyo raxmad idiin dhaxeyso, jaceyl riman wanaag had iyo jeer iwm.

Cadawga guri-san ma faro yaro.  Guri muran iyo qeylo ka aloosan tahay, dumiistiisa waa fududdahay, balsa marmar waxaa dhacdo in guri deggan uu si fudud u dumo, guri qeylana uu taagnaado.  Qadarta Allah iyo jarribaad(ebtalaa) lagu gelinayo ayey wax walba ku xirnaan karaan.  Waxaa jiro waxyaaba badan oo aadan awood u lahayn, balsa ay awooddooda ku gaar tahay Allah weyn iyo xikmadiisa, mar walba iimaanka adkeyso iyo ku tiirsanaashada Allah weyn.

La soco Q.xigta

W/Q. Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)

SHEEKOOYIN