GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR?  W/Q. CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI) Q. 7aad

 

GURI-NEG (GUU) DUCO MISE HABAAR? Q. 7aad
W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)

 

Risqiga, waa maareeyaha koowaad ee maareeyo nolosha dadka guud ahaan, gaar ahaan lamaano walba.  Risqiga, waa wax uu bixintiisa leeyahay Allaha weyn, uuna helitaankiisa u ballan-qaaday qof walba oo beni’aadam ah iyo guud ahaan noolayaasha kale oo dhanba.  Waxaa hubaal ah, in qof walba uu risqigiisa u gaar yahay, Risqiga loo qoray qof walba isagaa awood u leh yuu wax ka siinaa, iyo sidee u maareynaa yaraan iyo badnaanba? isaga ayuuna ka rabaa dadaalka lagu gaarayo soo xero gelintiisa. Xitaa haddii Allah u qoray risqigiisa, inta uu la ekaadaba iyo sida uu ku soo galaba. Waxa uun lagu saaray dedaal fikir oo dhaqaaq, wana tii xikmaddu ahayd: “Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan”.

Risqiga, meelaha uu ka yimaado waxaa ka mid ah shaqo, dhaxal, ganaacsi iyo siyaaba kale oo Allah kuu siin karo. Risqiga, wuxuu u baahan yahay in qof walba ogyahay, fahamsan yahay sida uu ku yimaado, sida uu kugu soo galay iyo sida loo maareeyo kolki la helo risqi badan ama mid yar.  Haddii risqiga ku soo galay uu yahay mid yar, taa macnaheeda ma ahan, in aan lagu siin in kugu filan ama uunan Allah kula rabin risqi badan.  Yaraanta risqiga iyo badnaantiisa, labadaba waa qeyb ka mid ah imtixaannada uu Allah risqiga ku geliyo cibaaddiisa. Ogow dadka Allah uma abuurin dheel-dheel(cabath) ama xisaab la’aan adduunyada guudkeeda ama aakhiro.  Sidaa oo kale risqiga meel dhexe ah iyo mid badan haddii aad hesho, iyadana macnaheeda ma ahan, in adiga lagula rabo si gaar ah risqi badan, balse badnaanta iyo xaaladaha kale dhammaan waa imtixaan aad nolosha ku geleyso. Sidee u maareynee Risqiga ku soo galay haddii uu yar-yahay ama badan yahay? Waxaa labadaba lagaa rabaa dulqaad iyo la imaanshada hannaan toosan oo aad la timaado qaab maamulkiisa,  haddii uu yar yahay ama badan yahay, waxaa lagaa rabaa in aad iimaanka adkeysato, ku tiirsanaato Allah, la timaado dadaal ku aaddan sida aad adiga iyo naagtaadaba ula jaan qaadeysiin xaaladdiina iyo sida aad isugu filnaysiineysaan haddii uu yar-yahay, haddii uu badan yahay waa in  aad la timaadaan qaab aad risqigigaas Allah ugu dhawaan lahayd/lahaydeen iyo fulinta cibaadadaiisa ugu fulin lahaydeen.

Risqiga, helitaankiisa waxaa ugu weyn hadba sida aad u aaminsan tahay awoodda Allah, jiritaankiisa, fulinta cibaadadiisa iwm.  Risqigiina si uu u wanaagsanaado waa in aad la timaadaan oo aad  ku dhegtaan xarigga toosan ee Allah, kana leexataan wixi xun sida xaaraan quudasho, cibaado xumo, fasaad, fisqi, macsi iwm.

Arrimaha ka hadalka risqiga laguma soo koobi karo dhawr safxadooda oo la rogrogo.  Fiira gaar ah, waxa ay diinteenna suubban na bartay, noo caddaysay haddii aad heysato risqi kugu filan maalin in aad tahay qani.

Guri dhisnaantiisa iyo dumistiisa waxaa aasaas u ah oo tiirka koowaad ah, in ay nin/naag aaminsan yihiin in qof walba iyo horteeda leedahay risqi u gaar ah.

Haddii guri la wada yeesho, iyada oo haddana la kala risqi yahay ayaa waxaa dhacdo, in risqiga lamaanayaasha/carruurtooda haddii awlaad u joogto in badanaa uu risqiga ku yimaado shaqada ama iridka ninka, waxaa sidoo kale jiro risqi u gaar ah naagta oo aanan ku imaan iridka ninka, balsa ku yimaado badanaa dhaxal ama irda kale oo naagta u gaar ah sida dhaxal, shaqeysasho iwm.

Ninka, waxaa looga fadhiyaa maareynta risqiga soo galo iyo in uunan ku dayacin meel cidla ah oo ka baxsan gurigiisa iyo danta guud ee reerkiisa, sida balweysi nuuca ay doonto ha ahaatee.  Ninka waxaa laga rabaa in uu risqigiisa u qeybsho qeyb uu ku bixiyo guriga, reerkiisa iyo in uu risqiga soo galay meel wax ka dhigto/dhigo inta ay la ekaataba, wax ka sadaqaysto(bixiyo) haddii uu karo, taa haddii aad yeesho waxaa la mid tahay adiga oo si fal ahaan ah ugu shukriyay Allah, sidaana uu allah quraankiisa noogu sheegay, ciddi ku shukriso Allah in uu siinayo siyaado, ciddi ku kufrisana uu cadaabkiisa kulul(adag) yahay.

Naagta, iyadana waxa ay qeyb weyn oo muhim ah ka tahay maareynta risqiga soo galo gacanta ninkeeda/gurigeeda iyo in ay daryeesho inta loogu dhiibo masruuf ahaan guriga.  In ay ninkeeda ku dhiirigeliso waxyaabaha u fududeynayo ku maqnaashada iyo doonista risqigooda sida shaqaysiga iyo ganaacsiga, ka dhawrto su’aalo culays saari karo ninka, sida doonista ama u dirista wax ka culays badan awoodda iyo itaalka ninkeeda.  Waxaa taa u dhee,r in ay si wacan u maareyso Risqi gaar ku ah iyada haddii ay dhaxal ku heshay iyo haddii ay shaqeysataba. Dhinaca kale, haddii uu ninkeeda maal badan leeyahay ama mid yar waxaa naagta looga fadhiyaa, in ay ninka ku dhiirri-geliso wixi kor u sii qaadi karo maalkooda, ka dhawrto wixi ku keeni karo niyad jab ninkeeda iyo in uu ku jahwareero maareynta risqigooda, in ay ku dhiirigeliso bixinta saddaqada, sakada iyo wax walbo oo ay fareyso shareecada islaamka, ayna tabar u leeyihiin.

Dumista guri dhisan ama daryeel xumadiisa, waxaa soo dedejiyo nin aanan u istaagin doonista risqigiisa ama risqiga uu helo ku baxsho meelo xunxun sida maareyn xumo, balwadeysi, dantiis mooge noqosho, had iyo jeer in uu fadhiyo maqaaxida, kuna hawlan fadhi ku dirir ama sheekooyin iyo maawaalo u joog aan dani ugu jiri, sidaana ku dayaco waqtigiisa iyo qurax ay yeelato naftiisa iyo gurigiisa.  Naagtiisa ku daayo culays uga yimaado maareynta gurigooda, carruutooda haddii carruur laysu leeyahay, ku qasbo in ay dhabarka u dhigato in ay iyada shaqeyso ama si fudud u tiraa ninyahaw aan isdeyno ayna tiraa sidaan na afacimeyso, sidaan guri wanaagsan laguma dhaqi karo.

Naagta, iyadana lagama rabo ku hawlanaanta xaalado aan dan u ahayn ninkeeda iyo guud ahaan gurigeeda.  Naag haasaawe aan dhammaan ku jirto Iyana waa dhibkeed waana tii hore loo yiri:

(Gacal naageed, guuraa kala geeyo). Waa murti soomaliyeed, ka gaabiso joogista gurigeeda iyo daryeeliddiisa, ilmaheeda xaalkooda aanan war u heyn, ku hawlan xan iyo waxaan dan ugu jirin gurigeeda, taa waxa ay soo dedejineysaa dumista guriga, haddii uunan ninkeeda ahayn nin feejigan ee ka shaqeeyo isku dayidda in uu wax ka bedelo xaaladda naagtiisa ama uunan xaaladdaas Allah uga gargaarin.

Risqiga, waxaa ka mid ah dhalista caruurta. Taana waa arrin uu Allah noogu tilmaamay diinteenna, Allah waa bixiyaha risqiga, wuxuu cibaaddiisa siin karaa carruur, gabadho iyo wiialal, wiilal kaliya ama gabdho kaliya, wuxuu ka dhigi karaa caqiim (ma dhale ama dhasho) taana waa xikmad Allah ku gaar ah asbaabteeda. Tan waxa ay badanaa dhinaca ku heysaa sabarkaaga inta uu la eg yahay, sidee wax u maareynee, haddii gabdho kaliya lagu siiyo, wiilal kaliya lagu siiyo, labadoodaba lagu wada siiyo ama ma dhalo lagaa dhigo.

Risqi wacan iyo deganaasho nololeed oo fiican guud ahaan, waxaa lagu helaa la imaanshaha cibaada suubban, joogteynta Xasuusta Ilaahey, ku sabarka wixi gacantaada ku jiro, isla rabis la’aanta gacan qof kale wax ku jiro, ka fogaashaha xaasidnimo, xiqdi, dulmi, khiyaano, neceyb iyo quuris la’aan.

Risqiga, waxyaabaha sababa in uu kaa xumaado ama yaraado waxaa ka mid ah cibaada xumo, dulmi, xaasidnimo, xiqdi, khiyaano, quuris la’aan, neceyb, faasidnimo, faasiqnimo, macsi dhaxyaal iwm.

Lamaano walbo iyaga ayey ka soo go’daa wixi gurigooda saameyn karo, marka laga tago hawlaha awooddooda(iraaddadooda) ka baxsan sida Qaddarta Allah.

Hawada iyo hanka ma reebano, labadaba waa wax fiican haddii aynan kula gelin wax yeelleynta dad kale.  Doonista, raadinta, garaacista irdaha risqiga laga helo waa bannaan tahay, balsa waa in laga fogaado ku dhicista wixi Allah naga reebay, laguna dhaqmo wixi uu Allah na faray.

La soco Q. xigta

W/Q.

Cabdullaahi Macallin Maxamuud (Siyaasi)

SHEEKOOYIN