GURI-NEG (GUUR) DUCO MISE HABAAR? Q. 8aad
W/Q.CABDULLAAHI MACALLIN MAXAMUUD (SIYAASI)
Dhalista waa mid ka mid ah nimcooyinka uu Ilaahey ku manneysto(siiyo) cibaaddiisa, waa koror bulsho(ummadeed), waa isbededl ku soo kordho lamaana walbo iyo balaarashada ay reer hor leh la kowsadaan. Waa mas’uuliyad ku soo kororto lamaanayaasha oo u baahan xil iska saarid, ka hawl badan kolki laba qof laga koobnaa. Waa hawl farxadeed oo muggeeda leh oo reerka ku soo kororto
Dhinaca ninka, waxaa looga fadhiyaa kordhinta koolkooliska xaaskiisa, maadaama ay sagaal bil ay caloosheeda ku sidday cunuggiisa/cunuggooda, sidoo kale ay afartan maalmood la ildarnaaneyso duruufta dhalista.
Naagta, waxay aad ugu baahan tahay daryeel gaar ah, dhinaca cunteynta, caafimaadka iyada iyo cunugeeda. Ninka waxaa sidoo kale laga rabaa ka kaalmeynta xaaskiisa hawlaha guriga oo ka badan inti hore, si ay naagta waqti ugu hesho daryeelka caafimaadkeeda iyo ka warheynta wiilka ama gabadha reerka ku soo korodhay, la jaan qaadidda hadba baahida shaqo ee la timaado cunugga reerka ku cusub, haddii ay tahay dhinaca caafimaadka, korriin wacan oo cunugooda helo, ninka iyo naagta farxada ay u qabaan in reerkooda khayr ku soo kordhay waa inay labadoodaba ka muuqataa. Ogow waa risqi ilmaha heliddooda, wuxuuna u baahan yahay ilaal-sasho iyo ku mahdinta Allah, khayrkaas ama nimcadaas uu iyaga Allah siiyay.
Fiira gaar ah, dhalista naagaha Soomalida waa ka culays badan tahay inta badan dhalista dumarka dadyawga kale, kolka ay naagta Soomaliyeed dhaleyso waxaa xubinta tarankeeda loo jeexaa dhawr jiho, maadaama badanka dumarkeenna la gudo, waa gudniin ay ummadaha islaamka badankooda nala qabin, gudistaas dumarka waxaa ka jiro khilaaf weyn, Soomaalida iyo dowladaha deriska la ah qaarkood waa caado ay caadeysteen gudniinka dumarka, waxayna culumo, cilma yaqaan badan iyo dadyaw kale qabaan in laga wareego gudista gabdhaha, waddamada islaamka ee aanan gabdhahooda la gudin, kolki ay dhalaan waxay karaan in laba maalmood gudahooda ay socod bilaabaan, halka Soomaalida dumarkooda mudda ku dhaw bil ama ka badan aynan ka soo degi karin sariirta dusheeda ilaa si heelheel ah, yacni inta uu ka raysanayo nabarka gaaray inti lagu guda jiray furista/balaarinta xubinta taranka waqtiga dhalideeda, waxaa dhacdo in arrinta gudista sababto in dumarkeenna qaar ka mid ah ay dan ku qasabto inay Qaliin ku dhalaan ama ay u geeriyoodaan arrintaa.
Naagta iyada kolki ay dhasho, waxaa laga rabaa inay nafteeda daryeesho, maqasho talooyinka dhaqtarka, ku kaadsoomin ku hawl galka ama wararka dumar kale oo dhib ka imaan karo, si wacan u qaadato daawooyinka loo soo qoray haddii belad la joogo, haddii Meesha ay ku dhashay tahay miyi, waa in ay dhegeysataa umulisayaasha khibradda u leh dhalinta dumarka ee miyiga la joogo iyo ogaanshaha xaaladda wiilka ama gabadha ku soo kordhay reerka.
Naagta waa inay ninkeeda ula dhaqanto si ka sii qurax badan dhaqankeedi hore, ku dadaasho in aynan ninka caro u qaadin xanuunka ummusha dartiis iyo sagaal bilood oo ay la daalaa dhaceysay uurka cunugooda. Naagta waxaa laga rabaa iyada oo dhashay inay isha ku heyso maareynta gurigeeda iyo nadaafaddiisa. Naagta, waa haddii ay shalay ahayd naagta guriga waa inay maanka ku heysaa in ay xaaladda isu bedeshay hooyada guriga/reerka, inay ogaato inay hawlaha guriga uu isbeddel xoog leh ku imaanayo, maadaama uu reerka ku soo kordhay Cunug la yimid qurux ama arrima kale oo ebtalo ku ah reerkooda/gurigooda(allah ha naga haayo wixi dhib ah), naagta/ninka waa inay ogyihiin in aynan wax walba u soconeyn sida ay rabaan iyo inay jirto awoodda Allah oo ka baxsan rabitaankooda. Waxaa laga rabaa xaalad walbo oo ay dhalistaas gadaal ku wadato inay dulqaad iyo duco u joog Allah kula dhaqmaan.
Lamaana walba waa inay ogaadaan, la jaan qaadaan xaaladaha wacan iyo kuwa culusba iyo inay dulqaad iyo feejignaan ula dhaqmaan xaalad kasta iyo horteeda, waxaad la kulmi kartaan inaad hesho cunug caafimaad qabo ama mid jirran, sidaa darteed waa in aad Allah ku shukrisaa(mahdisaa) wixi aad nasiib u heshay, haddii aad hesho cunug ama ilmo caafimaad qabo, Allah weyn ku shukri(mahdi), haddii aad hesho cunug ama ilmo jirran, Allah ku mahdi, hoosna u fiiri dad kaa sii hooseeyo xaaladda kugu soo korortay, Allahna weydiiso inuu caafimaad kuu siiyo ilmahaaga, ka fogow nin iyo naagba in uu idinka culays badiyo xaaladda adag oo idinku soo korotray, ku dadaala deganaan iyo in halkaa aynan ka dhalan dulqaad-xumo sabab u noqota kala tag iwm, ku sabra qaddarta Allah, sidaa ayaa nolol wacan idiin horseedeyso, kana feejignaada haddii culays idinku soo kordho in aad isku daydaan in aad wax ku xalisaan u tegista macalimiinta ka macaasho Quraafaadka nuuca uu doono ha ahaadee, qolada quraafaadka falalkooda guul laguma gaaro marnaba, balsa guul iyo ciso oo dhan waxay ku jirtaa gacanta Allah weyn.
Midda kale waa in lamaana walba aynan ka fekerin ama ka welweliin risqiga wiilka, gabadha ama carruurta ku soo korortay gurigooda, mid walba ilmaha aad heshay gabadh iyo wiilba wuxuu la imaanayaa risqi u gaar ah sida uu Allah noo ballan qaaday. Waxaa lamaana walba laga rabaa, weliba odayga guriga doonista iyo dadaalka loo gelayo soo xereynta risqiga uu Allah u qoray dhamaantiis, qof walba risqigiisa waa u gaar iyo sida lagu helayo uu Allah kuu siinayo.
Rabitaanka dadka oo aad u kala fog xikmadda uu allah ka leeyahay xaaladda kugu soo korortay, in badan ma oga ama kuma baraarugsano ilmaha la siiyay haddii ay caafimaad qabaan ama jirran yihiin inay taa tahay awood Allah oo ay ka dambeyso xikmadiisa, sidoo kale korinta ilmaha iyo barbaarintooda waa mas’uuliyad dusha ka saaran lamaanayaasha(waalidkood iyo ciddi kale oo barbaariso ilmahaas), marnaba ha filan in caruurtaada wada xumaadaan ama ay wada samaato barbaarintooda, ilmaha mid walba wuxuu la soo baxayaa dabeecad isaga/iyada ku gaar ah, waa wada toosnaan karaan, waa wada noqon karaan kuwa heysto dariiqa toosan ee Allah, ama waa wada xumaan karaan oo mid walba uma soo baxayo sida aad u tarbiyeysay iyo sida aad ka rabtay inuu noqdo, “waa rabaa roobaa lagu waayay”, waxaa laydinka rabaa dadaal iyo fulinta cibaadada Allah idin faray, iyo ka leexashada wixi Allah idinka reebay, u dhawaashada Allah iyo fulinta cibaadadiisa waa wanaag aduunyo iyo aakhiro.
Ilmaha sidoodaba waa khayr, waana noqon karaan Naqmo(dhib), lamaana walba waxaa laga rabaa inay taa ku baraarugsan yihiin si ay u maraan jidka toosan ee barbaarinta caruurtooda.
Ka fogow in aad istiraa Qatar(kibir ku galo) ayaa tahay, sida aad rabto ayaad caruurtiina u tarbiyeyn kartaan, runti waa mid adiga ama iyada laga rabo la imaanshaha koriin iyo barbaarin toosan haddii ay gacantaada ku jiraan waxyaabaha hawshaas lagu qaban karo, ka fogow islaweyni iyo kibir si wax wacan uga soo baxaan dadaalka aad u gasho dhanka barbaarinta caruurtaada, lamaana walba waa inay la yimaadaan wixi dan ugu jirto dhan walba nolosha iyo si uu u waaro jiritaanka gurigooda.
Fiira gaar ah, Gudniinka gabdhaha weli lama haayo gabadh dhalatay iyada oo gudan, halka la arko mararka qaar wiil ku dhasho gudniinka islaamka qabo ee wiilasha, ka fogaada gudniinka gabdhaha idinka oo ku dayanayo dad kale oo aan u heyn daliil cad oo ku tiirsan shareecada islaamka.
La soco q.xigta
W/Q: Cabdullaahi Macallin Maxamuud (SIYAASI)