Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 71-75 W/Q. Ahmed Hayow

 

Maalinti ugu horeeysay ee wada shaqeynta Aabe Daahir iyo Saalim, ayuu odayga gaari uga soo qaaday gurigiisa, si loo soo tuso howsha uu qabanaayo, dabadeed waxay raaceen 20 tareel oo shixnad la dhoofinaayo u sida dekeda Xudeyda, marki markabka la saaray ayuu Saalim ku yiri: “badeecadaan waxaan ku leenahay boqolkiiba labaatan, taasoo ah 20ka gaari waxaan ku yeelaneynaa afar gaari, afartaasoo mid kastanka leeyahay, labana adeer Cali leeyahay, aniga iyo adiga waxaa naga dhexeeya hal gaari” markaa ayuu Aabe Daahir siiyay lacag 300$ ah oo uu ugu sheegay biilkiisa, waxaa kale ee uu Saalim yiri: “halka gaari ugu yaraan waa 3,000 ilaa 5,000$, wixi aad biil u qaadato maahee inta kale waxaad heleysaa marki aad u baahato, waxaan rajeynaa inaad guri ku iibsan doonto muddo yar” Aabe Daahir wuxuu isku dhufsaday xisaab caqligiisa ka weynaatay, wuxuuna Sanca ku soo laabtay asagoo lacag soo shaqeyntay, qaarna ay u yaalaan bangiga Saalim, farxad aan in muda ah lagu arag ayaa Aabe Daahir lagu arkay, Saalimna wuxuu u noqday gacan yare aan marna guriga ka faaruqin, waxaa dhacday maalin ay guriga isugu yimaadaan Raage iyo Saalim inuu odaygu yiri: “Raage waxaad nooga baxdaa bannaanka, waayoo shaqo ayaan ka wada hadleynaa aniga iyo Saalim” markaa ayuu Raage ka soo baxay qolki fadhiga, wuxuuna istaagay guriga bannaankiisa, sababta oo ah sharci maaha inaad gasho qolka ay gabdhuhu degan yihiin, markaa Deeqa oo ku soo baxday ayaa ku tiri: “Raage maxaa dibadda ku taagay, soo gal gudaha” Raage ayaa yiri: “howlo shaqo ayaan haysanaa ayuu igu dhahay Aabe Daahir, sidaa ayaan dibadda u soo istaagtay” Deeqa ayaa ku khasabtay inuu qolkeeda galo, markaana asagoo kursi ku fadhiya ayuu Aabe Daahir arkay wuxuuna yiri: “Raage qolka gabadha ka soo bax, miyaadan xishooneyn” Deeqa ayaa tiri: “Aabe, Rr waa walaalkeey xumaana ma jirto” Aabe Daahir ayaa qeylo kaga dhax galay hadalki wuxuuna yiri: “waa akhlaaq xumo wax kasta uu kuu yahay waa inuu soo gelin qolka gabadhaha degan yihiin” Raage intuu soo kacay ayuu Deeqa ku yiri: “Aabe wuu saxan yahay, waayoo ma aheyn inaan qolkaaga galo ilaa uu iga kaa siiyo” Aabe Daahir oo markaa ka soo tegay sheeko u socotay u socotay asaga iyo Saalim oo waydiistay gabadhiisa, markaana rabay inuu gabadhiisa u sheego inuu Saalim ka soo doontay ayaa yiri: “Raage hore ayaan ugu sheegay inaan ku siineyn, haddana waxaan leeyahay gabadheyda yaanu wakhti kaaga lumin” markaa ayuu Raage albaabka ka talaabay Deeqa oo leh: “Raage ha fiirin carada Aabe” Deeqa waxaa loo sheegay arrinki Saalim, ayadana Saalim oo fadhiga ka maqlaaya ayay diiday in la siiyo, Aabe Daahir oo xanaaqsan ayaa Saalim ugu soo galay qolki fadhiga, markaa ayuu Saalim yiri: “Adeer Deeqa haddii aad isiisay inay raali ka noqoto aniga ii daa” sidaa ayay galabtaas ku kala tageen.

Raage adduunyadi ayaa ciriiri ku noqotay, wuxuuna go’aansaday inuu gurigiisa tegin ee uu aado meel uu dadka isaga qarin karo, guriga Oday Cawaale ayuu aaday halkaa ayuuna isku qariyay, muddo hal sitimaan ah kama soo bixin gurigaas, intuu qarsanaa Deeqa way raadineysay oo saaxiibkii Cali Baashi wuu raadinaayay, Oday Cawaalana wuu qariyay oo cidna uma sheegin inuu asaga la joogo, sitimaankaas gudihiisa waxaa Sanca yimid Kamaal oo hotel ku soo degay, wuxuu wacay guriga Deeqa, laakiin telefoonki waxaa jaray Aabe Daahir oo nambarki beddelay, Kamaal cid kale kama yaqaan oo aan ka aheyn Xaawa Kiin, taana xataa ma rabo inay ogaato inuu Sanca joogo, sidaa daraadeed wuxuu Kamaal ku tala galay inuu dadka soomaalida ah waydiiyo, markuu ugu dhawaa wuxuu la kulmay wiil magaca Deeqa gartay, laakiin aan u tilmaami karin halka ay degan yihiin, wiilkaa ayuu lacag u ballan qaaday haddii uu u soo helo xaafada Deeqa Daahir, wiilka oo ka mid ahaa wiilasha ku qayila qolka Cali Baashi ayaa warbixinta ka raadiyay gurigaas, laakiin Cali Baashi ayaa ku yiri: “ninka Deeqa raadinaaya magacii?” markuu ma aqaan ku yiri, ayuu Cali Baashi yiri: “hotelkee degan yahay?” markuu yiri: “hotel shaba” ayuu Cali Baashi ku yiri: “berri magaciisa soo waydii” ileyn Cali Baashi waxbuu kala socdaa sheekada murugsan ee Rr, maalinti dambe ayuu wiilki Cali Baashi u keenay Kamaal laftiisa.

 

72.

Cali Baashi waxaa gurigiisa loogu keenay Kamaal, markaa ayuu ku yiri: “waan aqaan Deeqa Daahir, gurigeedana waan heli karaa, balse waxaan rabaa inaan marka hore dad yaqaan soo waydiiyo, waayoo telefoonkoodi waa la jaray, waxaana dhici karta inay gurigi ka guureen” Kamaal ayaa isu sheegay kadib ayuu ku yiri: “waxaan deganahay hotel Shaba, qolka 27aad, haddii aad akhbaar soo hesho halkaa iigu imaaw, kharashkana waa aniga” markaa wuxuu boqol boqol doolar kala siiyay wiilki iyo Cali Baashi, markuu Kamaal ka tegay ayuu Cali Baashi ku xanaaqay wiilki u keenay wuxuuna ku yiri: “waad ogtahay inuu saaxiibkeey Rr jecel yahay Deeqa ee maxaad Kamaal iigu keentay?” wiilki ayaa yiri: “saaxiib xogaagi aan ka rabay waa ka haysanaahe haddii aad rabto qarxi ninkaan ama sidaad rabto yeel” Cali Baashina wuxuu go’aansaday inuu Xaawa Kiin ugu yeero, ileyn haddii kale Kamaal waa kii hela guriga reer Daahir, waxaana dhici karta inuu ku guuleysto gabadha uu saaxiibkii jecel yahay, markuu gurigiisa galay ayaa waxaa soo wacday Deeqa oo telefoonka fursad u heshay, waayoo waayadan oo dhan waxay wacaysay Raage oo aan marna ka qaban, balse markaan ayay Cali Baashi ku fekertay inay wacdo, markuu gartay inay Deeqa tahay ayuu yiri: “Deeqa ma waxaa kula jooga Raage?” waxay u sheegtay inay rabtay inay asaga waydiiso, kadib ayuu Cali Baashi u sheegay inuu asagaba war u haynin, kadibna wuxuu u sheegay Kamaal inuu Sanca joogo, markaa ayay Deeqa tiri: “gurigeena ha soo tusin, laakiin telefoonka soo sii, Xaawa Kiina u sheeg inuu Kamaal sanca joogo, waxaadna ku dadaashaa sidi aad Raage ku soo heli laheyd”

Waxaa jirtay warqad uu Raage dirsaday inti uu gurigaan deganaa, warqadaas oo aheyd lottery visa usa (green card) bakhtiyaa nasiib Mareykanka lagu tegaayo, wuxuu address uga dhigtay b.o.boxka ninka guriga uu ka guuray iska leh, ninkaasoo maanta boostadiisa ka soo saaray warqada, maadaama uu gurigiisa ka guuray Raage, wuxuu damcay inuu qashinka ku daro, balse markuu tuuri rabay ayuu soo xasuustay Oday Cawaale oo guriga weli degan iyo inuu Raage u yimaado, markaa ayuu is yiri: (odayga ugu dhiib warqadda) sidaa daraadeed markuu gurigi yimid ayuu galay qeybta hoose oo ijaarka loogu jiro, kadibna wuxuu garaacay qolka Oday Cawaale oo markaa bannaanka ku maqan, laakiin waxaa ka furay Raage oo aan ogeyn cidda soo garaacday una maleeyay gabadha uu oday Cawaale dhalay ama ninkeeda, markuu carabki arkay Raage ayuu ku yiri: “warqadaan ayaa kuu timid” carabkina wuu iska baxay, Raage markuu warqadi furay waxaa ku qoran (hambalyo, waxaad ku guuleysatay deganaansho joogto ah ee usa, waxaad soo buuxisaa foomamka ku jira baqshada, waana inaad dib noogu soo dirtaa, kadibna u diyaargaroowdaa su’aalo lagaa waydiiyo, adigoo soo dhameystira shuruudaha laydinka baahan yahay adiga iyo cidda ku soo raaceysa) Raage waxaa u qoran Deeqa Daahir Axmed inay xaaskiisa tahay, laguna naaneeyso Dd iyo asaga oo lagu naaneeso Rr, kadib wuxuu soo akhriyay shuruudihi looga baahnaa, waxaa ka mid ah:-

1.Baasabooro aan dhiceynin ugu yaraan lix bilood. 2.Shahaado dugsi sare inuu haysto ama ugu yaraan farsamo inuu yaqaano. 3.Warqada dhalashada iyo nikaaxa oo tasdiiqan. 4.Warqada dembi la’aanta. 5.Caafimaadka gaar ahaan HIVga oo loo diro meel ay ku kalsoon yihiin inay soo maraan. 6.Qof damaanad ka ah oo ay Mareykanka ka yaqaan. 7.Qofkiiba 400$ oo ah lacagta interviewga.

Raage mar labaad ayuu akhriyay shuruudaha, asagoo markaan u kala fiirinaaya, midka sahlan iyo midka adag, waxaa u soo baxday in no.6 ugu adag tahay, waayoo qofna kama yaqaan Mareykanka, haddii aanu walaalkii Maxamed ka kaalmeyn arrintaas, inkastoo uu yahay ninka uu kharashka ka filaayo inuu ka bixiyo asaga iyo Deeqa.

Waxaa qolki soo galay Oday Cawaale oo soo iibiyay khudaar, markuu Raage u sheegay inuu helay lotteryga Mareykanka ayuu ku yiri: “warqadi aad maalinti inta ku qoreysay haddii aad viso usa ku heshay waa kheyr, waxaase mucjisa ah sida uu ii sheegay carabka aan gurigiisa deganahay, taasoo aheyd inuu warqada qashinka raacsiin lahaa, haddii aan anigu guriga deganaan laheyn oo aan kula guuri lahaa iyo sababta aan u baaqday oo madax furasho u noqotay warqadda” markaa ayuu Raage u ballan qaaday Oday Cawaale inuu Sanca ku illoobi doonin, haddiiba uu warqadaan ku dhoofo, galabtaa ayuu Raage ka soo baxay gabbaadkiisi, waxaana si farxad leh ugu soo booday saaxiibkiis Cali Baashi, xoogaa marki laysu waramay ayuu yiri: “Kamaal sii telefoonka guriga reer Daahir, waayoo waxaan rabaa inay Saalim iyo Kamaal is arkaan” markaa kadib ayuu guriga Cali Baashi ka wacay xaafada Deeqa, Aabaheed wuxuu ku maqnaa safar, laakiin guriga waxaa jooga Saalim oo caada ka dhigtay inuu Aabe Daahir u diro Xudeyda, asagana ku sii sugo guriga si uu Deeqa ula sii sheekeysto, waayoo waxay ku heshiiyeen Saalim iyo Aabe Daahir inuu Saalim ka keensado Deeqa ogolaansho, asagana fursad loo siiyo inuu guriga kula sheekeysto, Deeqana waa la hadashaa inta uu joogo fadhiga guriga, sidaa daraadeed Raage waxaa telefoonka ka qabtay Saalim oo ku yiri “hello” Raage ayaa yiri: “Deeqa ma joogtaa?” Saalim ayaa yiri: “waa kuma adiga” Deeqa oo meesha fadhiday ayaa Saalim ku tiri: “ma qof aniga i doonaayaa qofka kula hadlaaya”  markaa Saalim intuu makarafoonki gacanta saaray ayuu Deeqa ku yiri: “qof ku raba maaha, waa qof aniga i raba oo aan garan waayay” Raagana wuu maqlay hadalka Deeqa, markaa ayuu Saalim intuu khadki ku soo laabtay ayuu yiri: “saaxiib haddii aad isi sheegeyn macsalaama” wuuna ku demiyay.

 

73.

Deeqa waxay dareentay wejiga Saalim oo isbedelay markuu telefoonka deminaayay, wax yar kadib waxaa soo dhacay telefoon kale, gaar haye Saalim ayaa qabtay waa kuma markuu yiri, Kamaal ayaa yiri: “adeer Daahir ma joogaa?” Saalim ayaa yiri: “maya, wuxuu jiraa Xudeyda” Kamaal ayaa yiri: “reerka qofki ka jooga ii dhiib” Saalim ayaa yiri: “maxaan u sheegaa haddii uu yimaado?” Kamaal ayaa yiri: “kumaa tahay adiga?” Saalim ayaa yiri: “saaxiib waxaan ahay maxaa kaa galay!” Deeqa ayaa tiri: “ii dhiib qofka kula murmaaya” Saalim oo aan jecleysan ayaa Deeqa u dhiibay, markuu codkeeda gartay ayuu isu sheegay, markaa ayay Deeqa tiri: “haye” Kamaal ayaa yiri: “afar maalmood ayaan Sanca joogaa, waxaana deganahay hotel Saba” Deeqa ayaa tiri: “haye” Kamaal oo warki haye loogu soo gaabiyay ayaa yiri: “Aabe goormuu imaanaa?” Deeqa ayaa tiri: “caawa soo wac” markaa ayuu Kamaal telefoonki dhigay, asagoo la yaaban wiilka telefoonka ka qabtay iyo Deeqa sida ay ula hadashay, taa waxaa uga darnaatay saacado yar kadib in loo sheegay inay hotelka ugu timid gabar la yiraahdo Xaawa Kiin, wiish ayaa ku yeeray wuxuuna garan waayay cidda u sheegtay inuu Sanca joogo, ma wiilki telefoonka Deeqa siiyay baa? mise Deeqa ayaa u sheegtay? markuu qolkiisa ka soo baxay ayay Xaawa Kiin ku tiri: “Kamaal waxaad ii sheegtay inaad canada shaqo u aadeyso, laakiin iima sheegin inaad Sanca imaanaaneyso!” Kamaal ayaa yiri: “waa runtaa laakiin safarkeygi ayaa isu bedelay Yaman, kaas oo aan deg deg ku soo galay” Xaawa Kiin ayaa tiri: “inaad i soo wacdo ayay aheyd, xataa markaad Sanca soo gashay ha ahaatee, si aan gurigeeyga kuu geeyo oo xaflad kuugu sameeyo, laakiin ma aheyn inaad hotel degto” Kamaal ayaa yiri: “dhib malaha waan daalanaa, balse hadda ayaan gurigaaga tegeynaa” sidaa ayuu Kamaal ku tegay guriga Xaawa Kiin, halkaas oo uu si dhib leh uga soo tegay, ayadoo ay Xaawa Kiin rabtay inuu hotelka ka soo guuro, ayadana ay u sharaxo qol ka mid ah qolalka u bannaan.

Raage wuxuu soo aaday guriga reer Daahir, markuu albaabka soo garaacay, waxaa ka furtay hooyo Aamina oo ku tiri: “Raage waxaan ka xumahay inuu Aabe Daahir ogoleyn inaad guriga soo gasho” Raage ayaa yiri: “ma rabo inaan soo galo, laakiin Deeqa ayaan rabaa inaan u sheego inuu fiisihi Mareykanka noo yimid” hooyo Aamina oo ku faraxday ayaa Deeqa u yeertay, markay Raage u timid ayuu warqadi u dhiibay wuxuuna ku yiri: “waa fiisaheeni Mareykanka waxaad ka soo fekertaa sida aan yeeleyno” isla markaana wuu iska laabtay, wuxuu wacay walaalkiis oo uu u sheegay inuu lottery ku guuleystay, kadibna gurigiisa ayuu aaday, Deeqa oo albaabka ka soo bixi laheyd ayadoo garba qaawan ayuu ku yiri: “subaxdi ayaan telefoon kaa sugaa” Deeqa iyo hooyadeedna waxay galeen qolka Deeqa, si ay waraaqaha u fiiriyaan, Saalimna waxaa lagu illoobay fadhiga oo uu ugu yimid Aabe Daahir oo daalan, markuu Saalim siiyay sida ay howshu ku soo dhammaatay kadib, ayuu Aabe Daahir u yeeray hooyo Aamina si ay casho u keento, Saalimna wuxuu iska tegay asagoo la yaaban sababta ay islaantu ugu keeni wayday gabadhi ay ka wadatay iyo asaga oo og in weeraro ku soo maqan yihiin, inkastoo Raage uu diidan yahay Aabe Daahir, Kamaalna sida uu ka arkay Deeqa inay diidan tahay, gabadhi iyo Hooyadeed ayaa Aabe Daahir u keenay warqadi fiisaha Mareykanka ahaa oo ay wada heleen Raage iyo gabadhiisa oo xaas u ah, markaa ayuu waydiiyay cidda warqada qortay, waxaa loo sheegay inuu Raage dirsaday iyo inuu sawirkiisa ku dhegsaday, asagana uu yahay qofka ku guuleystay loona ogolaaday inuu xaaskiisa ku soo wato, Aabe Daahir ayaa yiri: “Deeqa, hadda Raage xaaskiisa inaad noqoto miyaad rabtaa?” Deeqa oo aan fahmin wuxuu ula jeedo ayaa tiri: “Aabe Raage miyaa iga kaa soo doontay?” Aabe Daahir oo aan hadlin ayay tiri: “haddii aanu iga kaa soo doonan sideen xaaskiisa u noqdaa?” Aabe Daahir ayaa su’aasheedi ku soo celiyay oo yiri: “soow adiga hadda ma laheyn xaaskiisa ayaan ku raacaa” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “Aabe xaas been been ayaa laysku raaci karaa”.

 

74.

Aabe Daahir oo ay u socoto sheekadi Mareykanka ayaa niyada iska yiri: (gabadhaada haddii ay Mareykan ku aadi karto shuruud la’aan iyo aroos been been ah waa arrin fiican) waxaa soo dhacay telefoon uu soo diray Kamaal Kaahin oo ka soo wacay hotelkiisa, markuu Aabe Daahir qabtay ayuu Kamaal isu sheegay, salaan kadib ayuu Kamaal yiri: “Adeer waxaan joogaa Sanca, waxaana deganahay hotel Shaba” markaa ayuu Aabe Daahir yiri: “maxaad soo bixidaada noogu sheegi wayday?” Kamaal markuu u sheegay inuu telefoonka cusub aanu haysan, ayuu Aabe Daahir ku yiri: “berri subax ayaan hotelka kuugu imaanaa” waloow uu Kamaal jeclaa inuu hadda ugu yimaado hotelka, haddana wuxuu iska sugay ilaa berri subax, inkastoo uu la ballansan yahay Xaawa Kiin, taasoo uu ka dhaadhiciyay howsha uu Sanca u yimid inay tahay mid la xiriirta Deeqa Aabaheed oo shaqaale u ah, markaana ay Xaawa Kiin ogolaatay inuu reerka la xiriiri karo, maadaama ay shaqo ka dhexeyso, markuu telefoonki dhigay ayay Deeqa ku tiri: “Kamaal wuxuu soo doonay ma kuu sheegay?” Aabe Daahir ayaa yiri: “ma waydiin, laakiin wuxuu soo daanay way caddahay oo nikaaxi ayuu u yimid” Deeqa ayaa tiri: “Aabe waxaad Kamaal u sheegtaa inaan Mareykanka u socdo” Aabe Daahir ayaa yiri: “arrintan iyo waraaqahaan yaan cidna loo sheegin, Kamaalna yaanu guriga imaanin, adiga iyo Raage ka wada hadla sida aad fiisaha ku heli laheydeen” Deeqa ayaa tiri: “Aabe lacago badan ayaa loo baahan yahay, sida baasabooro, lacagta fiisaha iyo caafimaadka, lacagta tikidhada iwm” Aabe Daahir ayaa yiri: “soow Raage intiisa lama baxaayo?” Deeqa ayaa tiri: “haa laakiin haddii uu gabar kale ku wadanaayo, ayadaa kharashka bixin laheyd” markaa Aabe Daahir ayaa yiri: “dhib malaha, waayoo afar safar ayaan Xudeyda geeyay, safar walbana waxaan Aniga iyo Saalim ku leenahay hal gaari, taasoo ah afar gaari oo labadeena ah, sidaa daraadeed waxaan gaar u leeyahay laba gaari oo aan 300 $ ka qaatay safarki noogu horeeyay, labadaa gaarina waxay noqonaayaan ugu yaraan 8,000 $” Deeqa ayaa tiri: “waaw Aabe waa lacag badane” markaa ayuu Aabe Daahir yiri: “waxaan rabay markaan ku daro afar safar oo kale, inaan noo iibiyo guri aan leenahay” sidaa ayay ku kala tageen, ayadoo markaan Deeqa loo ogolaaday inay telefoonka qolkeeda la gasho.

Yaasmiin Axmed iyo gabadhi ay ku ballameen inay Raage u soo wado, gabadhaas oo diidan inay sugto wakhti dheer oo rabta in walaalkeed deg deg loogu keeno, ayaa Yaasmiin ku tiri: “waxaan raadsanaa gabar kale oo diyaar ah” markay sidaa ku soo kala tegeen ayuu Maxamed Rooble soo wacay Yaaska oo niyad jabsan, way ka naxday telefoonkiisa oo waxay u qaadatay inuu leeyahay: (wax walba waa diyaar ee howshi billoow) markay telefooki qabatay ayuu Maxamed yiri: “awguuriyo, Raage wuxuu helay visa lottery usa” Yaasmiin farxad ayay la ilmeysay, markaa ayuu yiri: “hadda waxaa lagaaga baahan yahay damaanad oo kali ah” Yaasmiin ayaa tiri: “damaanad wax ka badan ayaan diyaar la ahaa, ayadana waa diyaar haddana waxaan kuu soo diraa 2000 $ oo uu howlihiisa kale ku dhameysto” Maxamed Rooble ayaa yiri: “walaaleey kuma aqaan, kumana arag laakiin waxaad qalbigeeyga ka sameeysatay meel aan illoobi karin, mida kale lacagta anigaa u diraayo ee taada noo haay, damaanadana adiga ayaan kugu haleynaa” Yaasmiin ayaa tiri: “aniga waan damiinan karaa, laakiin waxaan ka baqaa inay Deeqa buufis iga qaado, waayoo Raage hadda kama rabo horana waa ugu sheegay, laakiin maalinti uu ka soo dhammaado ayaan rabaa inuu aniga i dhaafin, sidaa daraadeed waxaan damaanad uga raadinaa qof kale” Maxamed Rooble ayaa yiri: “Raage iima sheegin inay Deeqa kula jirto fiisaha, anigana ma waydiin” Yaasmiin ayaa tiri: “Deeqa way kula qoran tahay oo taasi isweydiin malaha, waayoo Raage waa kii lahaa aniga kaligeey ma baxaayo” waxay Yaasmiin ku khasabtay inuu Maxamed ka ogolaado 2,000 $ inay soo dirto.

Raage oo markaa iska dhigay telefoon uu kula hadlaayay walaalkii Maxamed Rooble, ayay Deeqa soo wacday oo u sheegtay inuu Aabaheed ogolaaday inay Mareykanka isu raacaan, kadib ayuu waydiiyay inay aragtay shuruudaha looga baahan yahay, waxay u sheegtay inay adagtahay damaanada Mareykanka, markaa ayuu Raage ku yiri: “damaanada waxaa noo helay walaalkeey Maxamed Rooble” Deeqa way faraxday markaa ayay tiri: “Aabe wuxuu yiri kharashka oo dhan anigaa bixinaayo” Raage oo aan kharash dhib ku haynin ayaa yiri: “soow intaan buuxsano inaan dirsano maaha?” Deeqa ayaa tiri: “waa tahay, laakiin waa inay cidna ogaan safarkeena” Raage oo gartay in Saalim laga baqaayo, ayaa ku raacay inay cidna ogaan sirtooda, sidaa daraadeed ayay Deeqa tiri: “xataa nikaaxa runta ah, waxaan ka dhiganeynaa Mareykanka, waayoo aniga waxaan rabaa in nikaaxeyga loo dhigo xaflad ballaaran oo dadku ka sheekeeyaan, halkana suuragal nooma aha, maadaama uu arrinkeenu qarsoodi yahay” Raage ayaa yiri: “waa arrin fiican, laakiin inaan Aabe afkiisa ka helo ogolaansho soow kama horeyso” Deeqa ayaa tiri: “Aabe wax walba hadda wuu noo ogol yahay, adigana waad is arkeysaan inta aanan bixin ka hor ee i waydiiso, ileyn aniga ma dhihi karo Aabe waxaad i siisaa Rr, balse haddii uu igu yiraahdo raali maka tahay Rr ayaan haa dhihi karaa” sidaa ayay ku kala tageen iyo inuu berri subax guriga ugu yimaado, kadibna ay waraaqaha wada buuxiyaan.

 

75.

Subaxdi ayay Deeqa u sheegtay Aabaheed inuu Raage imaanaayo iyo inay foomamka buuxiyaan si ay ugu diraan (National Visa Center) oo ah halka looga soo diray, Aabe Daahir oo aan rabin in la arko howshooda ayaa Deeqa ku yiri: “halkan waraaqaha ha ku buuxinina ee meel kale oo cidna idinla joogin ku buuxiya, dabadeedna dira laakiin yaan cidi ogaanin sirtiina” markaa Deeqa ayaa wacday Raage, laakiin waa goor uu gurigiisa ka soo tegay, markuu guriga yimid ayay Deeqa u sheegtay inay gurigiisa aadaayaan, wayna isi soo raaceen asaga oo uu albaabka taagan yahay Aabe Daahir, waxay yimaadeen guriga Raage oo uu telefoonkiisa dhacaayo, waxaa soo wacay walaalkiis Maxamed Rooble, markuu ka qabtay ayuu ku yiri: “waxaan rabaa inaad soo qorto magacyada lagu soo qoraayo damaanadda” Raage ayaa yiri: “magaceyga waa taqaan, xaaskana waa Deeqa Daahir Axmed” Maxamed ayaa yiri: “ma isguursateen gabadha?” Raage ayaa yiri: “maya, weli isma guursan” Deeqa ayaa ka xanaaqday jawaabta uu Raage bixiyay, waayoo waxay rabtay inuu ku yiraahdo waa is qabnaa, sidaa awgeed ayay Raage waydiisay su’aashaas markuu telefoonki dhigay waxayna ku tiri: “Raage maxaa afkaaga u diiday inaad tiraahdo waa isqabnaa?” Raage ayaa ugu jawaabay: “been inaan sheego miyaad rabtaa?” Deeqa ayaa tiri: “hadda ayaadba ka sii dartay, waayoo waxaan u haystay inaan intaa kaaga dhawahay” Raage ayaa yiri: “D illaa aan kaa nikaaxdo kuuma dhawi, sababta oo ah waxaa magaalada jooga Kamaal iyo Saalim, labadana waxaa khalkhal ku riday sawirkaaga oo ay arkeen” Deeqa ayaa ku qeylisay: “Saalim yaa sawirkeyga tusay?” Raage ayaa yiri: “adiga Kamaal ayaad sawirkaaga tustay, sababta oo ah waxaad rabtay inuu khalkhalo, anigana waxaan tusay Saalim, waayoo wuxuu igu yiri: (goormee jacayl jaceyl laga baxay) sidaa daraadeed ayaan u tusay inuu u khalkhalo” doodi kadib ayay foomamki buuxiyeen, marki ay dhammeeyeen ayay qiyaaseen kharashka ku bixi kara iyo waxa looga baahan yahay inay diyaarsadaan, Raage ayaa ku yiri: “hadda waxaan u baahan nahay waraaqaha dhalashada iyo baasaboorada, kuwaa aniga ayaa berri lacagtooda bixinaayo, balse ka hor waa inaan sawiro baasaboor iska qaadno marki aan waraaqaha dirno” Deeqa ayaa tiri: “Raage adiga lacagtaada hayso, sababta oo ah Aabe ayaa igu yiri: (aniga ayaa bixinaaya kharashkiina) sidaa daraadeed galabta ayaan Aabe ka soo qaadaa kharashka” Raage oo aan ogoleyn ayay Deeqa ku khasabtay, markaa ayay foomamki direen, kadibna waxay isu raaceen guriga reer Daahir.

Aabe Daahir wuxuu Kamaal ugu tegay hotelki, laakiin waxay ku soo kala tageen, inuu Aabe Daahir ku yiri: “Aabahaa ayaa ka baxay doonashidi hore, haddana Deeqa waxay u doonan tahay mid kale” Kamaal oo sidi uu filaayay xaalku u noqon waayay, ayaa go’aan ku gaaray inuu Deeqa la kulmo, markana uu raadiyo habka uu gurigooda ku tegi karo, waxaa u sawiran in qofka telefoonka ka qabatay uu ahaa midka ay Deeqa u doonan tahay. Deeqa iyo Raage waxay yimaadeen guriga oo uu joogo Saalim oo ka yaaban waxa isbedelkaan keenay, kadib markii loo sheegay inay Deeqa magaalada aaday iyo inuu Aabe Daahir aaday wiil degan hotel Shaba, wuxuu garan la’yahay sababta Deeqa xurnimada loo siiyay oo ay u raacday Raage, kaaga darane waxay wada galeen qolka Deeqa, asagoo fadhiya qolka fadhiga, wax yar kadib ayuu Aabe Daahir yimid oo asagana markuu Saalim salaamay looga yeeray qolka Deeqa, kadib markuu ka soo baxayna wuxuu Saalim waydiistay 1,000 $ inuu ka siiyo lacagta bangigiisa u taal, Saalim ayaa ku yiri: “hadda wax lacag ah ma wado, waxaan kuu keenaa berri subax” Aabe Daahir ayaa yiri: “hadda ayaan aad ugu baahanahay” Saalim ayaa waydiiyay sababta deg dega keentay, Aabe Daahir oo ka baqay inuu sheego howlaha gabadhiisa ayaa yiri: “wiil aan adeer u ahay oo hotel degan ayaan u rabaa” Saalim ayaa yiri: “Kamaal Kaahin soow maaha wiilka? kaas lacag kaagama baahna ee gabadhaada Deeqa ayuu u baahan yahay, laakiin saaxiibtiis ayaan kuu keenaa si aad u aragto” Saalim intuu istaagay ayuu albaabka ka baxay wuxuuna doonay Xaawa Kiin si uu Aabe Daahir u tuso.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN