Teydii Waayaye Iyagana Ma La duudsiin Doonaa?! W/Q: Nafisa Xaashi Cali

 

11857576_958229080895050_1870090845_n

Sida aan is kula hanweynahay ayaan caloolyow dareemaa, markaan soo xasuusto, in aan ahay Soomaaliyad. Si hoose, ayaan is kula hadlaa, oo waan is la faqaa. Maskaxdeyda ayaan dib u celiyaa. Maalintii aan ku soo biiray ifkan ilaa iyo maanta, marna dhaayaha ma saarin, ifafaale aayatiin xambaarsan, is ka daa, in aan arkee, ma muuqaaleysto xitaa hummaagtiisa.

Illin aan ku talagalkeyga aheyn, ayaa ka soo burqata indhaheyga, aniga oon dareensaneyn, ayaan arkaa qoyaan labadeyda dhaban buuxiyey, aniga oo leh; rejada Rabbi laga ma quusto, kana cabsi qaba, haddaan, marxaladdaas ku sii dhexjiro, in aan mustaqbalka seego, oo rejadii weyneed, ee aan dhoodhoobi jiray, ey burburto, ayaan ka dhexdusaa hirarka fakarka aan dhex muquuranayo.

Niyaddaan dhistaa, sida ey hooyadeyba igu soo barbaarisay; berri ayaa ka wanaagsanaan doonto, midda maanta ah, jirtaana sii jiri meyso. Himilada iyo hididdiilada hooyadeey ayaan ku soo hanoqaaday, ilaa aan soo gaaray heer waxbarasho jaamacadeed ah, oo maanta gabogabo ii ah.

Alle ayey mahaddaasi u suganaatay iyo intii muruq iyo maskaxba i la soo garab istaagtay. La yaabkuse wuxuu igu kordhaa, oo igu laba jibbaarmaa, marka aan dib u milicsado sooyaalka Soomaaliyeed, kiisa qoran iyo midka afka ku baahayba.

Soomaalidu waxay ku faantaa, in ey ahaan jireen geesiyaal, deeqsiyaal iyo dad marti soorka ku fiicnaa, oo qofka soomaaliga ahi uu sahay la’aan safri jiray, guriga uu marti u noqdana baad iyo biyaba uu ka heli jiray, si wanaagsanna loo la dhaqmi jiray.

Dhaqankii nuucaas ahaa, waxaan is weydiiyaa, maxaa sida degdegga ah uu ugu dabar go’ay, kolley sabab la’aan ma ahan, oo rarku is ku ma dheellitirno. Mar kasta niyaddeyda waxaa ku soo noqnoqan jiray su’aalo fara badan, oo qofka maskax ahaan hadddii uu u waayo jawaabo uu jiran karo. Waxaan ka baqaa, in cuqdaddaasi iga jarto Soomaalinnimada, oo aan noqdo, qof la nool uur-gunudkaas, i na diloodo.

Aniga oo middaas is ka badbaadinayo, ayaan howl maalmeedkeyga ku mashquuli jiray, laakiin, fikirkani ma uusan aheyn, mid si fudud ii ga hara, oo xitaa xilliyada aan jiifan rabo ayuu igu soo rogaal celinjiray, ilaa aan noqday gama’diid aan xanuun muuqdo qabin!

Taasi waa midda maanta i heysata. Waxaan badbaado u raadiyaa ubadka uu Alle i siin doono, si dhibka i heysta aniga iyo kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ey uga badbaadaan.

Mararka qaar, fikirkeygu, wuxuu i badaa, in aan dal baddasho, maadaama aan anigu ka soo dhaxbaxay dad is dila, iyagu is ku mashquulsan, midba midka kale uu ku dhaggan yahay, kana baahiyo xumaan, in aan ubadkeyga ka fogeeyo bulshada nuucaas ah, ee aan la ogeyn xilliga ay ka gudbidoonaan qalaanqalkaan. Waa xil qoorta ii gu jira.

Nasiibdarro, nafteyda iyo heerka aqooneed ee aan hiigsaday ii ma oggolaanayaan, in aan raaco dareenka ka gubashada, is la hadalka iga dhexguuxayo, in aan la meel dhigto go’aan la mid ah, halka ay i dhigeen dambiilayaasha ku ciyaaraya mustaqbalka dalka iyo dadkaba.

Ma aysan aheyn mid ii cuntanto, in aan sameeyo isir-baddalasho! Miyaan mustaqbal guuraa, oo arrimahan gurracan, ee hadba siyaasi qaldani, ku soo shaac baxayo ku kadsoomaa? Mise, anigu xaq u ma lihi aqoonteyda, in aan dalkeyga ku la soo laabto, si aan bulshadeyda iyo dalkeyga uga faa’iideeyo?!

In ka badan toban sano, ayaan is weydiinaayey su’aalahan, jawaabahooda ilaa iyo haddane ma hayo, marka, ma middii aan ku soo barbaaray, ayaan ubadkaygana ku koriyaa, ee eheed; berri ayaa ka wanaagsanaan doonto midda maanta taagan?!

Kolley anigu wixii aan xaqa u lahaa, haddii aan waayey, toloow ubadkeygana ma la duudsiin doona? Wa su’aal jawaabteeda aan ka sugayo jiilka maanta hanaqaadka ah.

 

W/Q: Nafisa Xaashi Cali

naftaxaashi143@gmail.com

SHEEKOOYIN