Waxaan soo galay aqalkii yaraay ee aan dagnaay, kuna yaallay xaafadda dadka soboolka ah la dajiyo, aniga oo lugaha qaadi la’, daal iyo tabar darri awgeed. Qolka jiifku wuu is ku dhex yaacsanaay, ur iyo shirifka doobnimada ayaa doc kasta ka soo baxaysay. Itaal ayaan iska raadiyay, oo waan tafa xeytay, sirwaal daba gaab ah ayaan is ku boobbay, si aan u nidaamiyo qolka iyo sariirta, oo ahayd sidii aan saakay aroortii uga kacay. Mar kasta oo aan daal iyo madax wareer dareemo xabbad sigaar ah ayaan shitaa, muusig cod xooggan watana waan daartaa, soddan daqiiqo gudaheeda ayaan ku habeeyay qolkii, waxaan dareemayay awood ruuxaaniya oo aan waligay dareemin, taas oo ii suurta galisay in aan wax kasta kala nidaamiyo, duul kale ayaa i garab siinaayay.
Ka dib hawshii nadaafadda, baahi ayaan dareemay, oo calooshii wey faaruqday, afkiina waa i angagay. Raashiin aan laba maalin ka hor karsaday ayaan qandacsaday, si aan u cuno, nasiib xumo dabkii ayaan ku illoobay, halkaas ayuu ku baaba’ay raashiinkiina, sidaas ayaan kadab la’aan ku noqday, balse baahidaas waan is moogeysiiyey, oo wax iiga fiican ayaa ii muuqda. Si dagdag ah ayaan musqusha u galay, si aan is kugu diyaariyo kulanka aan caawa la leeyahay gabadha rogtay qalbigayga, indha sarcaadkana igu ridday, qubeys buuxa ayaan is ku boobsiiyay, tintiina waxaan marsaday saliid, cirradii yarayd ee madaxa iiga jirtana waan tifay, si aan is kugu muujiyo in aan ahay wiil balaayo ka dhacaday, oo aan iin lahayn, kulanku waa caawa, sacaaddu marka ey tahay tobbanka habeennimo, waa xilliga ey farda baxaan dadka nolasha u diyaarka ah.
Labis aan waligay gashan ayaan is ku taaggay, qayb labiskayga ka mid ah waxaan ka soo tabal caaraystay mid wadaygey ah. Gabadha aan la ballansanahay waa gabar aad u dhisan, aqoon iyo abuurisba, waa gabar dheer, midab maariinna leh, indha kulucsan sida Xuurur-Cayntii la sheegayay, aad u dhex yar, waxad u mooddaa in gacanta lagu farsameeyay, midabka bishimaheedu waa sida shukulaatada, balse markaan waxa ey soo marisay wax cas. Labiska iyo baroorsada ey wadato waa nuuca loo yaqaan “Dolje Gabbana”. Waxey ballanteennu tahay in aan is kugu imaanno maqaayad ku taalla dhex bartamaha magaalada, casuumaadda gabadha ayaa qabta caawa, sida hishiiskuba ahaay. Bartii ballanta ayaan is kugu tagnay, iyada oo qof kasta uu ilaallinayo ballanta. Salaan, gacan qaad iyo dhabanno is ka shumin ayaan is weydaarsannay. Runtii carafta iyo udcoonka ka soo haaddaayay waan la ashqaraaray.
Salaan iyo is nabadeysi kadib, waxay la soo baxday sigaar aan nuuciisa horay u arkin, “Ku soo dhawaaw” ayey igu tiri, waxaan si dabacsan oo xishood ku dheehanyahay ku iri “Mahadsanid ma cabbo sigaarka”, aniga oo cabba ayaan i ska qariyay, intay dhoolla caddeysay ayey igu tiri “Haddana ha cabbin”. Wax yar ka dib, waxaa na soo ag istaaggay adeeggihii maqaayadda, “Maxaad cunaysiin ama cabbaysiin” ayuu nagu yiri. Runtii ahaantii waxaan la fajacsanaay quruxda iyo jalaqsanaanta gabadha, wax aan doortaba waan garaan waayey, gabadhii ayaan ku iri “Waxaad rabto noo dalab, caawa adiga ayaan kuu daayay hawshee”. Waxay dalabtay raashiin aan magacyadooda garanayn iyo hilbo fara badan, waxaan u sheegay in aan hilibka oo dhan cunun, waa la iga aqbalay codsigaas, waana la ii qaddariyay.
Miiskii waxaa lagu soo cammiray raashiin iyo sharaab nuuc kasta ah, kuwa qabow iyo kuwa kulkululba, bakeeriyadii ayaan isku dhufannay, si aan is kugu hambalyeyno sharaabka macaan ee aan dhamayno. Waa markii iigu horreysay oo aan gabar la baxo, siiba mid iiga fara dhuudhuuban dhinac waliba, dhulkii ayaa ila wareegay, oo waxaan u sharaabay sida wax horay u harraadsanaay, waxaan dareemay in aan qadkii cagaarnay ka baxay, balse gabadhu wey i dareensaneed oo meel hawo leh ayey i gaysay, cusbo iyo liin dhanaanna waa la i siiyay, halkaas ayaan ka billaawnay in aan hadalno, qayla dhaaminno, wax kasta oo maskaxdeenna ku soo dhacana sheegno, iyadu wey iga adkaysi badnayd, ninka liita waa aniga, sharaab, cunto iyo caweys dheer ka dib, waxaan qaadannay baabuurkii ey wadatay, oo ahaay nuuca BMW-da, meel aan u soconna ma aqaanno, balse waxaan ku jiraa gacan la hubo, gacan aan u bukay in ey i taabato, gacan aan muddo raadinaayay in ey i salaaxdo.
Habeenkaas wax kasta oo naftaydu rabtay ayaan sameeyay, waxaan u daaqay sida sac beer lagu sii daayey, saxiibtey wax kasta wey ku soo tala gashay, mana ku dhib qabin waxii na dhex maray, mar waaggii baryi rabo ayaan waxaan ka war helay aniga oo dhambacaad u dhex jiifa sariirtaydii yarayd, waan soo boodday, waan acuudubilleystay, candhuuf ayaan midig iyo bidix u tufay, si aan sheydaanka is kaga naaro, waxii aan xalay oo dhan falkinaayay waxay ahaayeen mala-awal iyo riyo, macaan iyo qaraar waxa ey ahaydba.
W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane
shidane05@hotmail.com