JAMASHO W/Q: Anab Diriye

Canab

JAMASHO

 

Jamshada waxaa inta badan lagu yaqaan dumarka, waxayna ku dhacdaa, marka ay uurka leeyihiin, weliba marka ay ku jiraan, bisha ugu danbeysa ee dhalida.

Dumarka siyaabo ka la duwan bay jamashadu ugu dhacdaa, qaarkoodna waa xeelad ay ninka ama qofka walaal ah, oo ay wax ku og tahay uga qaadato, haddana, ku hormaro jamashada quraafaadka ah.

Dumarka marka ay fooshaan muddo badan, oo ilmihii bannaanka iman waayo, bay dumarka qaar yiraahdaan, tolow armay wax jamatay, oo ay qarinaysaa! Waxaa laga yaabaa, in hooyadaa foosha ah, ay horay ugu aragtay qof kale, oo xiran, wax ay jeceshahay, balse, aysan awooddeeda lahayn, oo aysan gadan karin, sida; dahab, saacad, jijin, kuul, dirac qurxoon oo qaali ah iwm, marka la weydiiyo, oo la yiraah; ma wax baad jamatay? Bay leedahay; haa, waxaan jantay saacadda u xiran heblo! Markiiba waa la cararayaa, oo waxaa la raadinaa qoftii ay tilmaantay, markii loo tago, loona sheego, si wax u jiraan bay u soo furaysaa saacaddii, illeyn dumarka soomaaliyeed, waa wada naxariis badan yihiine, hooyadaa muddada badan foolanaysay baa markii saacadda loo xiro, ilmahu bannaanka yimaadaan, oo ay dhashaa.

Waa wax Ilaah xaggiis ka socda, balse, iyagu waxay moodaan saacadda ay calmatay markii ay heshay, in sidaas ilmihii ku yimaadeen bannaanka, oo ku dhasheen, saacadda si tobalcaaro ah baa lagu soo qaadayaa, oo markay umusha ka baxdo, gabadhii lahayd baa loo celinayaa, iyadaa dooqeeda leh, oo hadday rabto waa u deynee ama waa qaadanee illeyn iyadaa iska lahe.

Midda kale waa is la mid, oo waxay timaaddaa  waqti ay sagaalka bilood ku jirto gabadhu. Dumarka inta badan way bararaan, oo waxay u ekaadaan qof cayilan oo kale. Gabadha markay bararka is ku aragto, ninkeeduna maal leeyahay, balse, uusan gacan furnayn, waa xeelad ay wax uga qaadato.

Wuxuu arkaa iyadoo mar kasta jiifta, oo caajis badan ka muuqdo, midabkeediina doorsoomay, illeyn xilligii baa yimid, oo ilmahaa diyaar u ah, inay adduunka yimaadaane.

Markuu weydiiyo, waxa ku dhacay, oo isbedelka ku riday, waxay ku jawaabaysaa JAN(JAMASHO) baa i haya, oo waxaan jantay gabadha deriskeenna ah, jijimaha ugu jira iyo katiinka magacaas leh! Ninkii cabsi baa galeysa, oo inta uu baxo ama wado buu u soo gadaa, wixii ay sheegatay.Jamashadaa foosha ka hor bay timaaddaa, inta ka horreysana xanuun iyo walwel bay sheegataa, si ay u gaarto danteeda.

Haddaan u soo daadago ujeeddada aan ka leeyahay magacan JAMASHO, waxay tahay, jamashadii hore, ee dumarla lagu yaqaannay, waxay maanta ku wareegtay ragga, habka ay ugu wareegtay waxay tahay, intooda badan, waxay janteen wax la yiraahdo MADAXWEYNE iyo XILDHIBAAN! Inta uusan noqon ka hor, waa raftaa, oo hadba meel buu koox ku la shiraa, oo ballanqaadyo ku la gala.

Markuu helo waxa uu doonayey, jankii ma daayo, ee waa ku sii laba kacleeyaa, illaa uu janka u gudbiyo, kuwo kale, oo uu markooda ku dhacay. Ma ahan jankii ilmaha lagu dhalaayey, oo manaafacaadka lahaa, waase mid aan ka dhammaan sida naagtu markii ay dhasho u joojiso jamashada!

Waxay is ka la mid yihiin, in dhaqaalo lagu helo jamashada. Ragga waxaa u dheer marka shaqada laga eryo ama waqtigii u dhammaado, si tartiib ah uga ma tagaan shaqada, oo dagaal badan bay galaan, qaarkoodna dib bay is ku soo sharraxaan, iyagoo xisbiyo ka ka la socda.

Qaarkood sirta dowladda bay bannaanka u saaraan, kuwo wax waalli u qaab eg buu ku ridaa, oo waa caytamaan markii ay wax soo qorayaan ama tiifiiyada laga wareeysto. Janka waallida ah, ee ku dhaca xilqaadka waxa weeye, kalsoonidii baan ka la laabannay, isagoo matalaya kooxo badan, haddaba, jamashada dadkii lagu yaqaannay ha loo daayo, wax dheef bulsho ayey leheede iyo is ku xirnaan daris, xigto iyo xigaalee.

Wax jamo ma xuma, balse, jinni iyo jaan wax ayasan xitaa aqoon jamo waa dhib. Dumarku waxay ay jantaan, waa wax sahlan, la yaqaan, oo la heli karo, haddana, aan dhib badan laga mudanayn, balse, ragga koodu marar badan, wuxuuba dhaliyaa, dhiillooyin, colaado, dagaallo iyo dirir lagu hoobto, oo ay ku dhintaan wiilashii jamashada saxda ah lagu dhalay!

 

W/Q: Anab Diriye

SHEEKOOYIN