GODODLE! W/Q: Anab Diriye

GODODLE!

 

Gododle, waa eray ka turjumaya, ragga dumarka badan guursada ama qudbasirada ku qaba, ama si hoose u guursada. Ninka naagaha badan, oo hadba habeen meel barkinta dhigta, inta badan guurkiisu ma waaro, oo sal ma dhigo, waxaana keenaysa, ka la qarinta badan iyo isagoon guurka daacad ka hayan, una ahayn.

Inta badan, faan iyo ku meel gaarid ayey u guursdaan naagaha badan raggu. Ha lagaa sheego, ismaqashiin iyo hebel baa saa ah. Kani waa kan ugu liita, saa wixii la sheegaba, ha la sheegee, haddii sheeggu noqday, hebel waa gododle; naaga badne, nabee ammaani kaa dheer, haddii aan ujeedku ahayn, in ammin nololeedku saa ah ama hab nololeedku sidaa ku dhisnaa.

Qaar waxay u guursadaan, maal baad leedahay, oo waad soo jiidan kartaa gabadha aad rabto, haddana, si furcaddi iyo dhiifanaan ku jirto u ma dhaqo. Inta badan ma siiyo biil ku filan, illeyn waa ninkaas habeenba meel u baqoolayee. Kuwa kale, deeq la’aan, dareen badan iyo waxaa u geeya hamuuntir la’aan.

Ragga caynkaa ah, guurkoodu wuxuu ku soo af jarmaa, fashilaad, oo dumarka baa ku kaca, iskana naca. Dhibka ugu weyn, ee GODOLUHU uu u gaysto gabdhaha uu guursado, waa furriin ku yimaada, iyagoo aad u da’yar, ka dibna ay qoomamo iyo ciil ku danbeeyaan, isagoo heli kara, inuu nolol wacan ku noolaado ama magac iyo muunad ku dhaxyeesho bulshada iyo reerkiisa buu meel cad oo barxad ah is dhigaa, waayo, gododleyaashu intooda badan, waa kuwo dhaqaale leh, meeshii la rabay, inay hankooda kor u qaadaan ayuu hoos u soo dhacaan, oo dowdarro sidoodii u dhaqmaan. Gododleynti, waa guuldarrada guurka, guhaadinta gabdhaha, gaasiridda guryaha iyo tan ugu daran, oo ah, guureyn iyo guurid aan gunaanad lahayn.

Dhaqan, bulsho, qoys iyo nololba, haddii gododleyntu sidaa tahay, ujeedka aan u soo qaatay ayaa ah, in habdhaqanka siyaasiga, hannaaka siyaasadda iyo hoggaanka maamulkuba, uu ii la ekaaday raggii naagaha badnaa oo kale. GODODLE!

Sida guurka iyo qoyska ay raggu yihiin GODODLE, ayey siyaasadda iyo hoggaankana u nqodeen gododle! Micnaha, ragga siyaasada garwadeenka ka ah sida ay u dhaqmayaan, oo haddana, magac iyo aqoon sheeganaya, ayaan meeshii loogu talagalay si fiican uga soo dhalaalin.

Guurku sida uu hal xaas ugu fiican yahay, ayaa siyaasadduna ugu fiican tahay, hal xil, ugu yaraan, hadba mid, haddaan laga fursanayn, haddiise ay noqoto dafalaqsi, docwareen iyo daanjabin, oo qofba meesh uu ka soo gaaro ka qabto iyo midda na qusaysee, uu maalin walba xil, xukun iyo u taagan tahay xero, waa dhib. GODODLEYN!

Mar wuxuu u taagan yahay madaxweyne, xilka ugu sarreeya ee dalka, hadduu waayo, guddoonka baarlamaanka, xilka labaad ee dalka, haddii waayo xildhibaan, haddii waayo, wasiirka koowaad, haddii waayo wasiir, hadduu waayo, safiir, hadduu waayo agaamise wasaarad, hadduu waayo, madaxweyne maamul goboleed. Micnaha, meel uu daynayo ma jirto, oo madal iyo melba, wuxuu ka rabaa mansab iyo maamuus, ha u qalmo, ha mudnaan ama yuusan gaarin, midna ma qiimeeyo.

Si iyo mar kale, waxaad arkaysaa, asoo hore xil sare soo qabtay, oo maantana, mid hoose haya, oo hoos u degtay. Micnaha, asoo madaxweyne qaran, guddoonka baarlamaanka ama wasiirka koowad soo noqday, ayuu maantana yahay madaxweyne gobol! Nooluhu kor iyo wuxuu daneeyaa koror, balse, hoggaankeennu, hooseyn iyo waxay fiirsadaan hoor.

Waxaa la rabaa, qofku markuu meel shaqo ka billaabo, inuu kor u sii socdo, oo meel sare ka gaaro, illeyn qibrad badan buu ka helayaa shaqada uu qabanayee. Hoos shaqada ka billow, ee kor u soco, hoosna ha u soo laaban. Hoos u soo noqoshadu, waxa keenaya, taxadar la’aan ka timd shaqadii hore, marka waxay kallifee maadaama, uusan meel sare aadi karin, inuu mid aan u qalmin doonto ama ugu yaraan, uu quud iyo qab ka helayo.

Shaqada is daba marayska ah, oo maalinba meel joogta, waxay keenee, in dadka ay madaxda u yihiin nacaan, kana soo horjeestaan, ka dibna xoog iyo indho adayg ku haystaan xukunka ama si facshir ah shaqada uga tagaan.

Gunaanadka; qof sidaa u dhaqmaya, oo shaqo walba u taagan, shuqul walbana u tacban ama shaqo sare ka dib, shaqo hoose u dhaadhacaya, GODODLEYN miyeysan ahayn? Hab maamulka, GODOLEYNLTU, waa jago walba doon, jid walba ku dood, jeeb walba ku doon, oo ka dhigan, jiha beel, juhdi dhumid iyo jaan la’aan, halka kan kale tahay, shaqo is ku dhibid iyo dhimid, shuqul la’aan ha noqon, illeyn sharaf iyo shaammareer ma jiree!

 

W/Q: Anab Diriye

SHEEKOOYIN