Sibiyadaada la saaxiib
Soomaaliyoa markiii uu burburku ku dhacay dowladdi kali talisnimada, waxay umaddii Soomaaliyed u kala firxatay cid walbo i ay isleheed waad ku badbaadaysiin “Nin weyn meeshii ku dhumay way la noqotay”, balse, arrinti waxay ku dhammaatay; “La mood noqon waysay!”
markaan nimaadno waddamada Galbeedka, waxaa dhacday in la helay nolol, nabad, naruuro iyo nasteexo, balse, maxaa ka danbeeyay? In carruurti ay noqdeen qaarkood kuwo jeelasha galo, oo ka jujuuban nolol iyo xorriyad, kuwo dilkii lagala soo cararay mid la mid ah ku dhinta, kuwo daroogo iyo nolol aan qurxoonayn ku nool, haddaba, maxaa sababay? Warcelinta weydiinta waxaan ku eegayaa qormadan gaaban.
Waxa aan aad ugu dhago daloolay una indha indhaynayay middaba sababta ilmaha qaarna ay u hagaagan xag diin iyo xag nolol, macnihii wax bartay shaqooyin fiican helay guursadeen ubad dhaleen iyo qaar ay xabsiyada ugu jiraan daraagis iyo wax kale oo xun ee aan hormar iyo lahayn hor u socod.
Hooyadu waa hoygi guriga, barbaarisada carruurta iyo korisada dhabta ah ee ilmaha, sidaa awgeed, waxa aan la sheekeystay hooyo soomaaliyed oo deggan waddanka Australia, iigana warrantay xaaladda qoyskooda iyo sida uu yahay xiriirka u dheexeya iyada iyo ubadkeeda? Hooyadaa waxa ay dhashay labo ilmood aabbahod soomaaliya looga dilay ilmaha oo mid 4jir ahaa midna 6 jir ahaa.
Markay imaanaysay Australia hooyadaas ilmaheeda waxay la noqotay saaxiib iyo waadaay, ayagay la tashataa mar walba oo ay goo’aan qaadanayso, waligeed uma oggolan inay bus iskuulladooda ku tagaan. Markan waydiiyayna waxay tiri;
“Kuwa xun xun fursad ay ku bartan ayay helaayan!” hooyadaas waxay ii sheegtay inay shaqayn jirtay wixii dowladda ku caawisana ay ilmaheeda wax ugu qaban jiratay, waliged Ayuuto ama Shaloongo ma galin, ilmaheeda waxay xirtaan, waxabarashadooda iyo uun noloshooda ayay duldhigtay wixii dhaqaalo soo galay oo dhan.
Nasiib wanaag, middi ugu wayneed jaamacaday ka qalin jabisay, shaqana waa heshay waana la guursaday oo aqal ayey dhisatay, haddana waa hooyo 3canug leh. Wiilkeeduna jaamacad ayuu ka qalin jabiyay shaqo fiicanna wuu helay, walina wuxuu la nool yahay hooyadi. Hooyadaas waxay ii sheegtay inaysan saxiib kale yeelan in ay ilmaheeda shaah isla aadan a ahane, oo ay wax walbo kala sheekaysan jirtay.
Waxaa kale oo jirta hooyo kale oo soomaliyed inay maanta soomaali ay cidlo ku nooshahay, illayn waxa la yiri; “Dhul iyo wixii la dhalay ayaa marti loo yahay!” waxa ay dhex fadhidaa guryo qasri ah oo Kenyo iyo Soomaalia ugu kala yaallo, laakiin, carruurteedi xabsiyo lLondon ku yaallo ayay uga soo tagtay, waxayna sheegtay inay iyada sabab u aheed ilmaheeda inay xabsi galan, waayoo, waxay tiri;
“Haddui ii waydiisto kab faciin, surweel qurxoon iyo shaar cusub, waxan dhihi jiray; ma haayo lacag aan kuugu gado, ee orod iga tag!” Wuu iga tagaa, dukaan ayuu galaa wuxuu isku dayaa inuu wax xado waa la qabta digniin ayaa la siinaa, haddana, sidiyuu wax kale ugu bahaanaa ma sidiiyoo kale ayuu wax soo xadaa, markii danbe xabsi ayaa loo taxaabay kuwii kale ee haray sidiyoo kale ayey ula dhaqantay, kuwa gacanta ku dhigeen Daroogo u dhiibay, si uu lacag uu labisku ku gato u helo, isna sidii wallaalkii oo kale ayaa la qabtay xabsi ayaa dhab lagu siiyey, waxa la si weydiin karaa; inta waxaa dhacayaan Aabbihii ilmaah xaggee jiray? Waa fufuddahay warcelinto, oo aabbahoodna mar horay ayey aashun ku addin ka dhigtay, wixii yuu xammili waayay wuuna isaga cararay, oo soomaliya ayuu fariistay.
Hadda odaygeedii dhiig kar iyo macaan ayaa ku dhacay, ilmuhii waxay uga soo tagtay jeel iyadii waxay ku nooshahay nolol mugdi ah! Marka waxa iga talo ah dumarka qaarkood inaysan lacagaha ilmaha Ayuutooyinka iyo guri dhisid ku galin, oo ay joojoyaan ilmaha ay maalgalin ka dhiganaayan, aabbayashoodna la xushmeeyo sidii caadada iyo diintaba ay aheed aabbaha waa inu ahaada masuulka reerka.
Caasho Cali