Dhunkashadii dhur beeshay!. Q-3aad.

Dhunkashadii dhur beeshay!.
Q-3aad.

unnamed
Sheekadu waxa ay inoo mareysay, Nuura –bilan oo Daahir yare u soo dirtay warqaad rajo beel iyo murugo isugu jirtay, hasa yeeshee Daahir yare, intii uu ku guda jiray warqaaddaasi akhrinteeda wuu jir dubaaxinayay gariir iyo naxdin baana oogadiisa oo dhan si aad ah u wada saameyay waxaana wejigiisa laga dareemayay fara nax uu warqadda la heyn waayay iyo dhidid dharkiisa oo idil wada qooyay!.
Daahir yare oo hollin waayay inuu tallaaba socodkiisa horay u sii wato, ayaa geed har weyn oo ka ag dhowaa iska hoos fariistay isaga oo aad u fekerayay. Wuxuu billaabay inuu naftiisa su’aalo badan weydiiyo iasaga oo leh «Tolow maxaan sameeyaa?,.. Ma qarxiyaa oo aabbahay guriga ma ka dumiyaa!?. Maya ma ehee agtiisaba ma dheeraadaa?… Malaha aabbahey Nuura in ay dooqeyga aheyd maba oga!… Waa jacaylkeygiiye ii fur ma dhahaa?… Maya, wax kastaba ha dheceene, waa inaan caloosha ka xirtaa maxaa yeelay warqad uu naceyb ka muuqdo ayeyba ii soo dirtay anna sidaasaan ku quustay oo aan ku illaaway!».
Dhowr maalmood ka dib, Xaaji Xintir, qorshihii ayaa sidii uu u rabay ugu soo dhamaaday, wuxuuna xaajigu calaf u yeeshay oo uu si farxad iyo reyn reyn leh ugu guuleystay gogol u soo fariisashadii xanbaarsaneyd yarad bixintii xidid wadaagga iyo gacan qaadka mehersiga ah laheyd iyo weliba ku dhawaaqiddii nikaaxa ooridiisa cusub oo aheyd bilicleydii xaafadda Nuura-bilan Khaliif xorgug.
Meherka ka dib guriga reer Khaliif Xargug, waxaa ka soo yeeray sawaxan iyo buuq ahaa alalaas mashxaradeed loogu dabbaal degayay guurka cusub ee uu Xaaji xintir sida dhaqsaha aheyd xaafadda uga dhex yagleelay, waxeyna labada oday ku wada heshiiyeen in aqal galka Nuura-bilan laga dhigo lix bilood ka dib, sababta oo ah waxaa jiray cudardaar maangal ahaa oo ay gabadhu la timid awgii.
Dadkii xaafadda degganaa oo la yaabbanaa da’da u dhaxeysa Xaaji-Xintir iyo Nuura-bilan ee gu’ yarida iyo gabowga kala ahaa, ayaa markiiba isla dhex maray warar iyo xan sheegeysa «In uu Khaliif xargug inantiisii yareyd uu oday jannaale ah oo waayeel ah ku darsaday» Waxeyna sii raacinayeen kaftan xaraabeysi ahaa iyo dacaayado oranayay « Alleylahe Khaliifku wuu abaar baxay oo lacagihii sacuudiga laga soo shaqeeyay fin finiinkoodii baa soo gaaray oo guriga ugu yimid wuuna ka faa’iideystay nasiibka soo doontay, wallee Khaliifku waa hargaanti xariif ah oo basarka nolosha yaqaanna».
Qaar kale oo ka xumaa lana yaabbanaa, sida uu meherka u dhacay ayaa Nuura-bilan aabbaheed Khaliif xargug si xun u dhaliilayay oo lahaa «Odayga dhalay Nuura, waa xaasid aan naxeyn oo lacagta un caabuda, maxaa yeelay gabadhiisii yareyd ee quruxda badneyd ayuu ka iibiyay oday waayeel ah, duq ah oo dhammaad ah weliba daxaleystay oo aan u qalmin in ay la noolaato, kaas oo dhan kasta oo laga eego aan nafteeda raalli gelin karin, isla markaana aan jiif iyo joog midna ku qancin karin, waase dabin uu aabbaheed u dhigay ee miskiinta maxaan u qaban karnaa?, odaygeedaas ha iska jafjafato damac dhaqaale doon baa halkaas dhigaye!».
Koox kale oo iyaguna dhanka wanaagga ah xaalka ka arkeysay, ayaa si anshax leh ugu doodday « War heedhaha dadyahow haddii ay gabadhu oori noqotay oo ay guri xalaal ah dhex tagtay, maxaad uga deyrineysaan, ma in ay meelaha taag taagnaato ayaad rabteen, mise nin ka fiican Xaaji xintir oo ay guursan laheyd baad u heysaan?, maxeyse u tari karaan kuwa iyada da’deeda ah ee bannaannada balwadaha la taagan, ee aad la jeclaan laheydeen in ay la noolaato, war ilaahey ka baqa oo dadka ammaan siiya oo ha leydinka nabad galo hana duminina guryaha islaameed» ayey wacdiga waanadooda ku soo af xireen.
Daahir yare oo suuqa ka soo ogaaday in gabadha uu aabbihii nikaaxsaday ay tahay Nuura-bilan, ayaa markii uu magaceeda maqlay joogga ka finiinay miyir beel dhaqsa ahna uu ku dhacay, dadkii meesha ka ag dhowaa ayaa u gurmaday oo biyo qabow ku bilbilay, hasa yeeshee markuu soo naaxay oo la yiri «War maandhow maxaa ku helay» wax jawaab ah waa laga waayay, aayar ayuuna gurigiisa isaga sii luuday isaga oo aan hadlin!.
Toddoba bixii ka dib, ayey wada kulmeen Nuura oo xaas la qaba noqotay iyo jacaylkeedii dhabta ahaa Cabdi-canjeex oo muuqeeda raadinaya, wuxuuna ku salaamay «Naayaa waan maqlay inaad iga daneysatay oo aad nin duq ah xoolo ku raacday ee aniga maxaad iga damacday?».
«Alla abboowow wallaahi aniga ma raacin ee waa leygu qasbay iyo calaacal ay saaxiibkeedii qarsoonaa ay ku qancineyso» ayey isku difaacday, waxeyna intaa ka dib labadooduba sii dhex galeen xanta iyo wax ka sheegga Daahir yare.
KKKKKK Qosol yar ka dib «Naa ma maqashay waxa ku dhacay kii doqonka ahaa ee ku daba ordi jiray?» ayuu yiri Cabdi canjeex, oo si jees jees ah ugu diganayay Daahir yare.
«Waa i soo gaaray dabbaalka warkiisa inuu joogga ka faniinayna waan maqlay» intey tiri bey iyada iyo Cabdi-canjeex mar wada qosleen iyaga oo ku raaxeysanaya dhibta gaartay miskiinkii Daahir yare ahaa ee jacaylkeeda dartii u waxyeelloobay!.
Cabdi-canjeex wuxuu si kulul Nuura ugu yiri «Naa i dhageyso anigu dhallanteed iyo sheeko maaweela ah ma rabo, ee ma maqli jirtay naag naag kale lala guursaday oo maseyrtir u baahan?».
«Haa abboowe» ayey Nuura si miskiinnimo ah u tiri, iyada oo wejiga hoos u foorarineysa.
«Tabteedii oo kale ayaan caawa ahay, sidaa darteed jacayl ima hayee maseyrtir baan kaaga baahanahay, maxaa yeelay adoon iga amar qaadan baad nin oday ah horteyda ku guursatay, waana maqlay inuu meherkaagu ahaa ( 5,000 $ ) ee dhaqsoo odaga lacagta nooga soo hormari hadduu diidana ka soo dhaqaaji » ayuu Cabdi-canjeex Nuura-bilan ku amaray!.
Nuura intey dhoolla caddeysay bey tiri « Abboowe sidii aan horay kuugu sheegayba aniga odayga ma doorane aabbahey baa igu qasbay lacagteydii meherkana daraadda baan u soo hor marsaday si aan adiga kuugu keeno ee gacaliyow ma wax agteyda yaalla ayaad iga waayeysaa maxaad sidaa ii leedahay, anaaba ku jecel oo kula raba intaa iyo in ka badane?» waxeyna boorsadeeda ka soo saartay shantii kun ee meher ahaanta loo siiyay, iyada oo jacayl gacan dhaaf ah oo ay cabsi ku berxan tahay ku qancineysa wiilkan aanay isu bannaaneyn ee ay xaaraanta kala yihiin haddana aanay u deyrin karin cabsida iyo baqdinta ay ka qabto awgeed!.
Cabdi-canjeex laxagtii shanta kun aheyd intuu tirsaday buu Nuura kun doollar dib ugu soo celiyay isaga oo ku leh « Kunkaasi waa turuukada is qurxintaada naag is caddeysayna ma jecli ee la soco, teeda kale guriga amarkiisa la wareeg odaygana hantidaada ha u hibeynin isaga oo aan guriga kugu qorin, sidoo kale wiilka xunka ah ee jidadka ku suuxayana xeelad kasta u adeegso oo guriga dibadda uga saar oo yaanan hareerahaada muuqiisa ku arkin!».

La soco qeybaha danbe fasaxa ka dib.
Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com

SHEEKOOYIN