Markay Aamina ka tagtay ayuu Daahir ka walaacay xaaladda Raxmo looga sheegay, waxaana cabsi gelisay inay daraadiis u dhimato, asagoo diyaar u ah inuu naftiisa u huro, wuxuu go’aansaday inuu aado guriga reer Cabdullaahi.
Aamina oo suuqa xamar weyne adeeg ka soo maraneysay, ayuu guriga uga sii hor maray, asagoo mootadiisa ag taagan ayay Aamina ugu timid.
wuxuu ku yiri: “in aan sugo berri dambe way ila fogaatay, inta ka horeysana wax kasta ayaa dhici kara, sidaa daraadeed waxaan kuugu imid in aan tilmaanta gurigiina kaa qaato”.
Aamina ayaa ku tiri: “xaafadda layskama tago, hooyadeeyna ma ogola inuu wiil xaafadda iska yimaado, waxaana dhici karta in aad kharibto fasixi ay berri dambe ku soo aadi laheyd gurigeeyga” sidaa ayuu uga soo tegay.
Galabti ballanta ayuu ku laabtay guriga reer Cabdullaahi, nasiib xumo ma imaan Raxmo, walaasheed ayaa hadal la’aan siisay tilmaanta guriga Qoryooleey, kadibna asagoo aan baadi goob badan gelin, ayay mootadiisu soo hor joogaatay guriga reer Codweyn, markuu albaabka soo garaacay, waxaa ka furtay Raaxo oo ah gabadha ka yar Raxmo, wuxuu weydiiyay walaasheed, laakiin inti ay u jawaabin ayay Raxmo tiri: ‘Raaxo yaa waaye qofka albaabka soo garaacay?”.
Raaxo ayaa tiri: “nin mooto wata waaye oo adiga ku raba”.
Raxmo markay ilinka timidna way maleysan weyday inuu Daahir soo raadiyay, markuu xatabada albaabka ka soo tallaabsaday, ayay ku tiri: “gudaha ha soo gelin ee dib u laabo”.
Daahir oo lugaha la soo wada galay ayaa ku yiri: “waan ku soo salaamaayay, gurigana waan soo baranaayay”.
Walaasheed Raaxo ayay indhaha kala hadashay, markay ka dhaqaaqday ayay Daahir ku tiri: “hooyadeey ma ogola inuu nin soo galo gurigeena, sidaa daraadeed deg deg ugu laabo halki aad ka timid”.
Daahir oo ilka cadeeynaaya ayaa ku yiri: “in aan hooyo ku weydiisto ayaan u imid”.
Raxmo oo ogeyd waxa dhici doona, haddii ay hooyo ugu timaado asagoo guriga dhex taagan, ayaa ku tiri: “waa ku baryaa ee hadda iska bax”.
Daahir oo dareenkeeda dhiileeysan dareemay, ayaa ku yiri: “maxay tahay baqdinta ku haysa? ileyn walaashaa waxay ii sheegtay in aad ii jeceshahay sida aan kuu jecelahaye”.
Raxmo oo wax fahamka Daahir saluugtay, ayaa ku tiri: “sideen wax kuugu sheegaa!? hooyadeey way qeylineysaa haddii ay isku keen aragto”.
Daahir ayaa yiri: “qeylada hooyadaa dulqaadkeeda ayaan leeyahay, laakiin in aad adigu ila jirin ayaan dulqaadkeeda laheyn ee ma ila jirtaa?”.
Raxmo ayaa tiri: “arrintaa aan marka hore isla soo meel dhigno, markaan berri isku aragno Xamar weyne ee hadda iska bax”.
Daahir wuu ogolaaday in uu iska boxo, asagoo raja suge ah ayuu magaaladi ku soo laabtay, wuxuuna toos u abbaaray guriga Aamina oo uu ka ballan qaaday, inuu soo maraayo haddii uu ka yimaado Qoryooleey, sida wax u dheceen ayuu u sheegay.
Aamina waxaa farxad gelisay adkeysiga uu Daahir sheegtay, waloow ay raja badan ka qabin inuu hooyadeed u adkeysan karo, waxayna fiirisay wejigiisa warmoogaha ah, ileyn waxay la socotaa niman asaga ka horeeyay oo hooyadeed weydiistay Raxmo iyo midda ay ku dhigtay.
Codweyn carruurta ay dhashay waxay ugu jeceshahay Raxmo, mana rabto inuu ka guursado nin ay raali uga aheyn, ayada oo intaan ka yar ayay arrintaa ka wada hadleen, maalintaas ay ka wada hadlaayeen, Raxmo oo lugaha u riix riixeeysa ayay hooyadeed ku tiri: “Raxmo ma rabo inuu nin iga kaa wato”.
Raxmo ayaa hooyadeed ku tiri: “hooyo, anigana waxaa igu ballan ah in aan kaa raacin”.
Codweyn ayaa gabadheeda weydiisay: “nin aan ku siin igama raaceeysid miyaa?”.
Raxmo ayaa tiri: “ha ka yaabin hooyo”.
Wixi markaa ka dambeeyay Codweyn way ku kalsoonaatay gabadheeda, laakiin talada waxaa ugu jiray in ay guur la’aan noqon gabadheeda.
Maalinti xigtay ayay Daahir iyo Raxmo iska soo raaceen guriga walaasheed, balse markay albaabka ka soo bexeen, ayay Raxmo diiday inay mootada gadaal ka soo raacdo, Daahirna halkeedi ayuu uga tegay, waxay haysteen laba saacadood in aan ka badneyn, waxayna isku raaceen inay fadhiistaan jardiinka daljirka.
Daahir ayaa yiri: “war badan ma jiro, aan ka aheyn in aan rabo in aan aqal wada dhisano”.
Raxmo ayaa ku tiri: “ma xuma, anigana waan kula rabaa, laakiin arrinku sahal maaha, waayoo waxaa i dhashay hooyo dab ka kulul, waxaana i guursan kara nin biyo u noqda, si uu dabkeeda u demiyo”.
Daahir ayaa yiri: “igu halee arrintaas”.
Raxmo ayaa ku tiri: “hooyadeey hadday shalay kugu soo gaari laheyd gurigeena, sidaan uma hadli laheyn, orodki aad ka soo qaado dib dambe uguma soo laaban laheyn meel aan joogo”.
Daahir ayaa yiri: “taasi waa ma dhacdo, waayoo jeceylka aan kuu qabo ma aha mid igu cusub, anigoo aan ku arag oo aan ku aqoon ayaan ku jeclaa, waana sababta ay nafteeydu raali kaaga tahay, sidaa daraadeed haddii ay dhab kaa tahay in aad diyaar ii tahay, yaaneey dhicin wax kale oo aad iiga baqdo”.
Raxmo ayaa ku tiri: “ma diyaar ayaad u tahay wax kasta oo kaala soo gudboonaada waalidkeey?.
Daahir ayaa yiri: “diyaar ayaan u ahay wax kasta oo igala soo gudboonaada waalidkaa iyo waalidkeey”.
Raxmo ayaa weydiisay: “Aabahaa iyo Hooyadaa dhib miyay u arkaan arrinteena?”.
Daahir ayaa ugu jawaabay: “waalidkeey waan isku haleyn karaa, laakiin waxaa suuragal ah inay waalidaa saameyn ku yeeshaan, waxna ha ka baqin haddii aad ila jirto”.
Raxmo farxad ayay la ilmeysay, Daahir markuu weydiiyay sababta ay la ilmeyneyso, ayay ku tiri: “waxaa iiga kaa muuqato in aad daacad u hadleyso, marba haddii aad i soo xasuusisay waalidkaa iyo caqabada ay la imaan karaan, waxaan la ilmeeyay howsha ku sugeysa culeyskeeda, weligeeyna isma laheyn nin ayaa indhahaaga ilmo ka keenaaya, marki ugu horeysay ee aad gacanteeyda qabatay, waxaan kaa dareemay in aad naxariis badan tahay, haddana in aad daacad tahay”.
Daahir intuu qoslay ayuu Raxmo ku yiri: “xilliga aan ku jiro ciriiriga, waxaan isku dhaafiyaa qosol, laakiin markaan yoolka gaaro ayaan farxad la ilmeeyaa”.
Wuxuuna hadalkiisa sii raacsaday: “waxaan kaa baryaa in aad iga ogolaatid in aan galabta la soo kulmo hooyadaa”.
Raxmo ayaa tiri: “maya, aan goor kale ka dhigano”.
Daahir ayaa ku yiri: “howsha maanta looma dhigto berri, sidaa daraadeed aan mootada wada qaadano”.
Waxay ku heshiiyeen inuu mootada ka doono guriga walaasheed, Raxmana ay daljirka ku sugto.
La soco…….4aad.