Fuleygii Aflaxay W/Q; Cabdicasiis Maxamed Shidane

 

images

Fuleygii Aflaxay!‏

Faarax wuxuu ahaa wiil, ka soo jiida qoys hodan ah. Aad ayuu is kula qob weynaa, sankana u taagi jiray. Isma uusan dhaheyn waxaad u jilba jabsan doontaa gabar, ku soo dhex kortay cid sabool ah, oo waliba xaafadda laga wada yaqaan. Quursiga iyo islaweynida waxaa u sii wehlisay Faarax in uu gabarba gabadha ey ka qurux badan tahay la haasaaweyn jiray, kama ahayn xodxodosho, iyo abuurista lammaane raaga, ee waxay ka ahayd madadaalo iyo maaweelo.

Wuxuu cirka fiiriyaba, wuxuu ku dhacay shamaagta gabar sabool ah, markii laga eego xagga lacagta iyo birdhaca guud ee nolasha, balse, hodan ah, markii laga fiiriyo dhinaca damiirka iyo dadnimada. Sucaad waxey suuqa aroor kasta u iib-geyn jirtay nacnaca iyo waxyaabaha macmacaanka ah, si ey u taakuleyso qoyskeeda afka ciidda kula jira. Miir iyo maskax uma laheyn in ey sheeko iyo showr la wadaagto wiil cirbaha ku socda, gabdhuhuna la yihin agab madadaalo. Sucaad Waxey ahayd gabadha qura ee aan afka u kala furin wiilkaan gabdhuhu daba yaacayaan, ee qoyskiisu tabarta iyo tanaadnimada ku faanayo, xaafadda oo idilna u jadbooto.

Faarax waxaa laf dhuun gashay ku noqotay gabadhaan dhuuban, ee midabka maariinka ah leh, labiska iyo xarakada aqoonin, ee misana aan fiiro xitaa u quurin. Wuxuu is ku dayay in uu daandaansado, si uu mar uun u hanto hadalkeeda, balse, ma dhicin, isku daygiisuna wuxuu ku dhammaaday guuldarro, iyo waji-gabax, ilaa heer uu gaaray uu adeegsado gabdho iyo dhallinyaro ka ag dhaw qalanjadaan quursiga iyo qaaya xumada u muujisay.

Xan iyo xin ayuu billaabay, wuxuu adeegsaday qaabab kala duwan, oo uu ku fara-muuqayo gabadha, iyo qaab nolaleedkeeda, isaga oo mar walba uga faa’iideysanaya shaqada adag ee ay qabato, iyo faqriga farqaha ugu xiran gabadha. Weerarkaas nacasnimada iyo fuleynimada sita, waxba kama baddalin anshaxa iyo mawqifka Sucaad. Is ka daay in uu wax u dhibee, waxaaba suuqa u gashay wiilkii Faarax ahay ee waayuhu saacideen, wuxuu la ildaran yahay jaceyl ba’an. Arrintu waxay is ku tuurtuur noqotaba, waxaa la huriwwaayay in runta loo soo dagaandago. Ergo iyo farriinsidayaal badanna la adeegsado, si loo samata bixiyo nolasha Faarax, ee halista ku jirta.

Sucaad waxey rumeysaneed, in awoodda qofnimadu ka weyntahay midda lacageed, kibir iyo jaceylna meel wada gali karin, nolasha fudud ee aan buuqa iyo sawaxanka lacageed wadanna ey ku faraxsan tahay. Waxaa lagu guuleystay in kulankii ugu horreeyay ey la yeelato wiilka tacbaanka ah. Kulankaasi wuxuu ahaay mid murugo iyo hundhursi wata. Wuxuu u ooyay sida nin geerida hooyadiis loo soo sheegay, markuu arkay foolka iyo dhoolla caddeynta Sucaad. Illin iyo hinraag dheer ka dib, waxay ku wargalisay in uu is ka daaweeyo kibirka lacageed, is kuna rogo qof bini’aadan ah, biseyl dheeradana uu la yimaado.

Sucaad si cilmiyeysan ayey is kugu dayday in ey daaaweyso Faarax, waxayna is ku baddashay taqtarad xagga nafta ah, oo mar kasta wey dajisaa, niyaddana u dhistaa, balse, wali uma wada furin albaabka, oo in ey xariir la yeelato waa ey ka cagajiidday, maxaa yeelay, Faarax xoogba uma uu hayo, waaba qof xanuunsan, oo kaalmo iyo latacaalid u baahan.

Ugu danbeyntii, waxay ku guuleysatay in ey Faarax barto micnaha nolasha, iyo qiimaha qofnimo. Dumarkuna in eysan wada ahayn sida uu rumeysanaay, iyo in uu shaqo tago, is kana dhaafo hantida qoyskiisa, qaab nolaleedkiisana wax ka baddalo. Sucaad Muddo ayey ku qaadatay in ey soo xero galiso wiilkaan nolasha ka fallaagoobay. Hadda Sucaad iyo Faarax waa lammaane nolasha wadaaga, farxad iyo fiyoobina ku wada nool. Faaraxna wuxuu qirtay in uu ahay fuleey, aan fahansaneyn nolasha, balse, hadda guul ku naaloonaya, oo heysta ubad iyo afo garaadka maasha.

W/Q; Cabdicasiis Maxamed Shidane. shidane05@hotmail.com

SHEEKOOYIN