Sheekadii SODDOHO Q.6aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

 

Maalinti ku xigtay Daahir ayaa keenay dahabki laga soo dhiibay Dubai, wuxuuna gacanta ka saaray hooyo Codweyn, waxaa kale uu u sheegay in berrito la soo iibinaayo xoolihi ducada ahaa, ka dibna hore ayuu ka baxay.

Raxmo iyo Daahir waxaa wada hadal ugu dambeeysay, maalinti uu gaariga ku soo qaaday oo ay wadada kaga degatay.

Raxmo marki lagu cabbiray dahabki, waxaa ka weynaaday suunki, walaasheed Aamina oo rabtay inta laga jaraayo in ayada loo tumo, ayaa hooyadeed ku tiri: “hooyo, anigaa u geeynaayo farsamayaqaan aan aqaan oo fiican, si waxa yar ee laga soo jaraa aan gabadheeyda katiinad uga sameeyo”.

Aamina waxay dhashay gabar 4 jir ah oo ka saseysa qeylada ayeeyadeed, waxayna Aamina isku daydaa inay kala qariso, sidaa daraadeed waxay uga soo tagatay Cabdullaahi walaashiis.

Marki ay suunka qaadi rabtay, ayay timid Baariis oo wadata gaarigi abuu ukunka ahaa, markay gudaha soo gashay, ayaa loo sheegay inay Aamina suunka u qaadeeyso farsamayaqaan, waxay Baariis tiri: “sababta aan u imid ayaaba ah in aan Raxmo ka qaado cabir, ka dibna aan suunka u geeyo nin ku fiican farsamada”.

Aamina ayaa la soo booday: “howshaa anigaa u xil saaran” Baariis oo u muujineeysa in ay raali ka tahay ayaa tiri: “mitirki ayaan soo qaaday ee aan Raxmo cabirno”.

Baariis waxay Raxmo ka cabirtay miskaha, si suunka ay ugu celiyaan simanka (bostoolooyinka), markaana waxaa suunka ka go’aaya laba qeyb oo kali ah, halka ay Aamina kaga cabirtay xudunta oo ay Raxmo caloosha kaga dhuujisay, markaana waxaa soo haraayay seddex xabo oo u noqon kara katiinad iyo kooreheeda, dhego iyo faraati weyn, laakiin cabirka Baariis haddii la qaato, waxaa Aamina u soo haraaya katiinad iyo kooreheeda iyo dhego fas ah.

Aamina iyo Baariis oo cabirka ku murmaaya ayay Codweyn tiri: “joojiya muranka, Aamina waa lagaa saxan yahay, waayoo ma aha in suunka lagu ceejiyo gabadheeyda, waa inuu nafis ahaadaa” sidaa ayay suunki ku qaadeen, inti ay gaariga sii saarnaayeen, ayay isla garteen in labada xabo ay qaadato Aamina.

Cambaro Codweyn waa islaan dheer oo caata ah, waxay qaadataa guntiino, garbasaar iyo kobo jabaati ah, waxaa kale oo ay qaadataa, shaar cambuureed oo ay qaataan dumarka beeraleeyda ah, inta badan waxay gacan ku sidataa kiish, midda kalana ul serbi ah oo ay ku laafyooto, qofki arka mergiyaheeda wuxuu is leeyahay: (islaantu waa qamarji).

Codweyn in kasta oo ay qeylo badan tahay, haddana waa islaan daafacda qofka ay u aragto in laga gardaran yahay, waxay taqaan wax la yiraahdo sanifaad oo qofki ay saniftaa ma arki karto, kalsoonida haddii ay ka luntana way adag tahay si sahlan in ay ugu soo laabato.

Qof ay wax ka maqleyso waxaa ka jiray Sheekh Cusmaan, kaas oo ay hadal ka diiday galabti nikaaxa, si fool xuma ahna uga baxay gurigeeda, laakiin Codweyn ma laha calool ku qaad, in kasta oo ay beenta neceb tahay, haddana waxay aaminsan tahay in mar marka qaarkood ay maslaxadu ku jirto, laakiin ma aha beenta loo sheego inay maslaxad u aragto, balse waxaa u muuqata in reerkaan ay gabadheedu u tahay cambar ay heleen, oo ay sina u sii deyn karin.

Codweyn waxay tafaasiil reerka ku saabsan weydiisay Aamina oo ay og tahay inay wax kala socotay barashada Daahir iyo Raxmo, waxay weydiisay: “maxay tahay sababta ay reerkaan ugu soo laalaabanaayaan Raxmo?”.

Aamina ayaa ku tiri: “wiilkooda ayaa jecel Raxmo, waana wiil reerka madi ku ah oo ay doonaayaan in ay u guuriyaan gabadha uu doono, sida walaashiis ii sheegtayna gabdho badan oo lagu dari lahaa ayuu diiday”.

Codweyn waxay xasuusatay inuu Daahir ku yiri: (Raxmo waan jecelahay, sina ugama maarmo) laakiin dhegta in ay ka maqasho maahine, weli ma arkin qof jaceyl aa i haayo dhahaayo, ayadoo ka fekeraysa in gabadheedana uu jaceyl haayo, ayay Aamina tiri: “hooyo waa fursad fiican, taasoo aad wax kasta reerkaas kaga heli karto, sidaa daraadeed waydiiso wixi aad doonto”.

Raxmo ayaa qolka ugu soo gashay, markaa ayay hooyo Codweyn weydiisay: “Raxmo waxaan ku weydiiyay, Daahir ma jeceshahay?” Raxmo ayaa tiri: “hooyo, ninki aad ila jeceshahay aan jecelahay”.

Codweyn ayaa tiri: “fariid, waan ogaa in aad aheyn Aamina oo kale, oo iska raacday nin aan waxba haaysan”.

In kastoo Aamina uu Aabaheed bixiyay, hooyadeed waxay u aragtaa ninka la siiyay inuu gabadheeda u qalmin, ileyn reerku wax ay ka faa’iideen ma jirto.

 

Mar kale ayaa arooska la digay, laakiin markaan waxaa qado lagu sameeyay guriga Qoryooleey oo kali ah, midka kalana waxaa loogu tala galay in xaflad lagu dhigo habeenki, waxaa la soo ijaaray koox muusiko tunta iyo casho fudud.

Qorshaha reer Xaaji Cabdi ayaa ah in nikaaxu uu dhoco galabnimada, ka dibna ay gabadhooda soo wataan, waxayna diyaariyeen laba qol oo mid jiif yahay, midna fadhi yahay, waxaa kale oo ay alaabta ka beddeleen qolka qadada iyo kushiinka, kuwaas oo ay soo dhigeen alaab cusub.

Raxmo waxaa gaari ku kaxeystay Baariis iyo Aamina si ay u soo qurxiyaan, waana marki ugu horeysay ay Aamina aragto guriga reer Xaaji Cabdi, waloow aanay gaariga ka soo degin ayada iyo walaasheed.

Si fiican ayay gabdhuhu isu barteen, in kastoo ay Raxmo hadal badneyn, Aamina ayaa inta badan sheekeeyneysay.

Codweyn waxay soo raali gelisay Sheekh Cusmaan, si uu u nikaaxiyo gabadheeda oo markaan loo keenay seddex dakham oo Dubai laga soo dhiibay, Sheekh Cusmaan ayaa ku yiri: “Cambaro ma rabo fashil kale inuu arooska ka dhoco” Codweyn ayaa tiri: “haka yaabin inuu markaan fashil dhoco” sidaa ayuu Sheekh Cusmaan ku soo raacay Cambaro Codweyn.

Xilligi nikaaxa loo diyaar garoobaayay, ayay Aamina hooyadeed ku tiri: “waxaa la keenay gaari Mercedes Benz ah oo ubaxyo lagu soo qurxiyay, si walaasheey loogu qaado” Codweyn ayaa tiri: “yaa maxaad tiri, gabadheena lagu qaado aa, xagee loo qaadaa?” Aamina oo naxday ayaa tiri: “waa gaarigi Raxmo lagu galbinaayay”.

Roob tiix tiix ah (fashiiq) ayaa da’aayay, Codweyn intay bannaanka u soo baxday, ayay aragtay gaari madoow oo ubaxyo lagu soo qurxiyay.

Gudaha intay ku laabatay ayay soo aaday qolki nikaaxu ka dhici lahaa, waxay tiri: “gaariga madoow oo ubaxyadu ku dhegan yihiin, muxuu yahay?”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “waa gaarigi Raxmo lagu qaadi lahaa”.

Codweyn intay qososhay ayay tiri: “shirqool dhicisoobay iga dheh, heh heh heh naag la shirqoolaa waa ka weynahay ee guriga iiga soo baxa”

Intaa Codweyn qeeylo la’aan ayay u hadleysay, laakiin waxay cirka ku dhegtay, markay hooyo Barni tiri: “waxaan gabadha u wadnaa guri aan uga sharaxnay gurigeena”.

Codweyn ayaa tiri: “gabadheeyda guri aan gurigaan aheyn lagula aqal geli maayo, mana rabo inay adeegto u noqoto gabdhahaaga, taa inay dhacdana weligaa ha ku riyooyin”.

Hooyo Barni ayaa tiri: “arrintaa waanu ka wada hadleeynaa ee soo fadhiiso aan nikaaxa galnee” Codweyn ayaa farta intay lushay waxay tiri: “talo inta ay farahaaga ka bixin ayay ku fiican tahay, sidaa daraadeed ha ku riyoonin in aan madaxa kuu dhiibto”.

Hooyo Barni oo hadli rabta ayay qeylo ka hor keentay: “war kuuma furna, alaabta gurigaan keen, wiilkaagana ha noqdo inan la yaal ama gacanta ka qabso ee i soo mooda”

Hooyo Barni ayaa tiri: “islaantaan yaa nagu imtixaamay!” Codweyn intay fara jawisay (suul dhabaale) ayay tiri: “wax dambe oo aan iskugu imaaneeyno ma jiraane, meesha ka socda”.

Hooyo Barni oo sii istaageeysa ayaa tiri: “gabadhaada xunta ah waa kaaga tagnay” intaa markay tiri waxaa ku xigtay islaamaha kala qabta, Codweyn way bururtay markay gabadheeda wax ka sheegtay, nasiib wanaag gacmahoodu isma gaarin, markay Codweyn soo booday ayuu Sheekh Cusmaan isku duubay.

 

La soco………..7aad.

 

 

SHEEKOOYIN