Nabsi ma geline naf yahay ha ii darnaan! Q2AAD W/Q Ramla Gobdoon

Ramla

 

 

 

 

 

 

 

 

Nabasi ma geline naf yahay ha ii darnaan!Q2AAD 

Xoogaa culeys ah ayaa ka dagay Cudbi, weyna aamintay hadalkii Mooge. Iyadu waxey aad uga naxeysaa eeddadeed, nafteedana waxey ku wareerineysaa weydiimo ka la daran, oo eysan xamili karin. Waxey isugu sheekeysay, mar haddii uu kii Mooge ahaa qirtay dambigiisa, raalli gellinna uu bixay, in xaalku fududaayay, aysanna habboonayn, in ay sii adkayso, iyadoo sidii hore ka wanaagsan ayeyna u tagtay saaxiibaddeed Dhool, oo ey uga warrantay waxa soo kordhay iyo in qofkii uu yimid habeen barkii uu ahaa Mooge!

Illeyn naftu wixii ey barato ma deyn taqaan! Maalmo ka dib, kii Mooge ahaa wuu darsaday. Taloow ma miskiinaddii Cibaado eheyd ayuu nacay? Maxaa daba dhigay gabdhan yar, ee uu dhali karo? Sida ey Cudbi ku sugantahay markan waa mid aad uga daran kii hore. Naftii yareyd waa tan su’aalo aan ka la go’ laheyn la soo taagan. Qalqal iyo qalalaase ayaa galay. Alla muxuu eeddadey u qiyaamayaa, oo uu anigana anfariirka iigu ridayaa? Naa horta adigu maskiinsanidaa? Maa ninka ceebeysid, oo eeddo Cibaado u sheegtid, guriga ha laga eryee? Saw adigii dabeecadahaagii wax ka baddalay! In kastoo arrinkan run yahay, oo uu Mooge rafaad kugu haayo, haddane, sidee ugu dhiirran kartaa, in aad eeddo Cibaado dhaawacdo? Saw iyadii kaaga sheekeyn jirtay, sidii ey isu jeclaayeen? Oo haddaa ma sidan ayaan ku nolaadaa? Waxasoo dhan waxaa ku doodeysa naftii Cudbi.

Dhool wey la socotaa mashaqada saaxiibteed heysata, iyadu haddey ku jiri laheyd booska Cudbi goor horey ceebeen laheyd Mooge, illeyn weli is ma ey baddaline. Dhool marka ey soo booqaneyso saaxiibteed Cudbi, waxaa la moodaa qof dagaal u socda, guriga markey soo gasho, oo ey eeddo Cibaado aragto wey ka naxdaa, markey aragto Mooge waxaa qabata, in ey disho, marmarna dhagaheedu maba maqlaan salaantiisa. Balaayo ha salaanto. Saaxiibaddeed goortey aragtana waxey u muujisaa farxad beena, oo aan qalbiga jirin, waxey is leedahay, ha uga darin ayadaa dhibbanee.

Baryihii dambe, Dhool ayaa u imaan jirtay Cudbi. Maalin iyada oo u sii socota qolka saaxiibteed ayey maqashay Cudbi, oo nafteeda la hadleysa, oo leh: ´´Nafyaheey waxaan ahaa mid ku caawisa, oo ku garabtaagan, kaana ilaalisa, in uu dhaawac ku gaaro. Kuu ma oggolaan, in aad dhibtooto ama aad noqoto mid liidata. Ku ma weydiin jirin su’aalo badan, adigoo xaalad adag ku jira, ku mana dhibi jirin markii aad daallantahay, oo aadan wax qaban karin. Ha i dhibin maanta, oo aan ku dhiirran karin, in aan hadlo, ha i dareensiin dambi, haddii aan sameyn karin sida aad rabto. Ha i soo xusuusin wixii dhacay. Ha i weydiin su’aalo aan hadda kaaga warcelin karin. Ha igu qasbin sameynta wax aanan awood u laheyn, hana i dareensiin sida aan u dhibbanahay. Ha u maleyn, in aan raalli ka ahay waxa dhacaayo, haddii aad i aamminto, oo aad iga deyso walaaca badan, waa ballan, waan kuu hiilin doonaa!´´.

Dhool oo maqleysay hadalka Cudbi, ayaa si dhaba u dareentay, heerka uu Mooge u xumeeyay saxiibteeda, intey qolka ugu gashay Cudbi ayey tiri;

´´Waa ballan waan is ku hiillin doonnaa´´, halkaas ayeyna ka sii wateen sheekadooda.

Cudbi ku ma dhiirran karto, in wax walbo ey shaaca ka qaado si culeyska saaran uu uga dago, taasna waxaa ka hortaagan arrimo dhowr ah, oo ey ugu horreeyso eedadeed. Eedo Cibaado ma lahan carruur, oo waxa ey soo korsatay Cudbi, si aad ayeyna ugu jajabantahay xagga gabdheeda. Mooge nin shaqeeya ayuu ahaayee, waxaa loo diray howl lagu qabanaayo meel ka baxsan magaalada uu degganyahay, oo uu dhowr bilood ku maqnaa. Cudbi waxaa soo martay leer caafimaad leh, si weyn ayeyna uga nasatay shiddadiisa.

Markii ey inyar ka dhinneyd xilliguu soo laabanaayay, waxaa Cudbi ku billowday cabsi iyo welwel, balse, weji cusub iyo dabeecado gaar ah ayuu la soo laabtay Mooge. Tallow ma is garaadsaday? Cudbi oo is ilaalin iyo feejignaan ku jirtay ayaa aad ula yabtay dhaqankiisa ka geddisan kii hore, iyadu dan weyn ayaaba ugu jirtee, ee wax aan la qaadin karin ayey ku noqotay. Waa kii qolka ugu soo gali jiray habeennada qaar, hadda albaabka ayuu istaagaa markuu rabo, in uu wax u sheego ama wax weydiiyo. Ileen Illaah xaggiisa lagama quusto! Cudbi si walba u hubsatay, oo u hubstay, waxaana u caddaatay in ninku uu isbaddalay.

Mooge wuu joojiyay dhibkii uu hayay, eedo Cibaado waa taa aan waxba la socon. Mar haddii ey Cudbi ka reysatay Mooge, waxaa hadda culeys ku heysa nafteeda. Naftii weydiimaha badneyd, waxey hadda billowday gocosho..

 

WQ: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN