Intii ay nooleyd maan u naxariisto. W/D Axmed Xaayoow

 

Xaayoow

Arrimaha Qeyska.
Waa sheeko aan akhriyay oo uu nin ka sheekeeyay, waxaana jecleystay in aan nuxurka ka soo qaato oo idinla wadaago.
Wuxuu yiri:
“Habeenkaa marki aan gurigeeyga soo galay, xaaskeeygu waxay karineysay casho, gacanta intaan ka qabtay ayaan ku iri wax baan kuu sheegaa, intay fadhiisatay ayay si degganaan ah wax u cuntay, wadnaheeda ayaan ka daalacday iyo labadeeda indhood.
Si aan afkeeyga u kala furo maan aqoon, laakiin waxaan rabay in ay ogaato waxa aan ku fekeraayo, si degganaan ah ayaan ugu iri waxaan rabaa furiin, uma ekeyn qof iska dhega tiraaya hadalkeeyga, balse waxay igu tiri sabab?.
Su’aasheedi waan ka fogaaday, arrintaana way ka carootay oo intay tuurtay qaadadi iyo fargeetadi ayay igu qeeylisay, waxay igu tiri: nin ma tihidoo, habeenkaa maanaan wada hadlin.
Xaaskeeygu way ooyneeysay, waxaana ogaa in ay rabto in ay ogaato waxa ku dhacay guurkeeni, si adag ayaan u siiyay jawaab ay ku qanacdo, oo ah in uu wadnaheygu uga lumay Jane iyo in aan ayada jecleyn hadda wixii ka dambeeya.
Anigoo dembi in aan galay dareemaayo, ayaan ku soo qoray warqadi furriinka, inay gurigeena leedahay, gaarigeena leedahay iyo 30% stooka kambenigeena, warqadi intay fiirisay, ayay laba cad ka kala dhigtay.
Qof aan la aqoon ayay ila noqotay, xaaski aan toban sano nolosha wadaageeynay, waxaan ka xumaaday wakhtiga ay iska lumineyso, ileyn kama noqonaayo waxa aan u sheegay oo ah in aan Jane jecelahaye.
Ugu dambeyn horteeyda ayay ku ooysay, taas oo ah mid aan maleeysanaayay, waxaana u arkaayay in ay ku nafiseeyso oo kali ah.
Aragtiga kala tageena oo socday sitimaano, hadda wuxuu noqday mid cad.
Maalinti dambe waxaan shaqada ka imid xilli dambe, waxaana arkay ayadoo miiska wax ku qoreysa, waxaan aaday sariirteeyda, deg degna waan u hurday, sababta oo ah waxaan ku soo daalay wakhti aan Jane la soo qaatay, markaan soo nibdaaday, waxaan arkay ayadoo weli miiski fadhida oo wax qoreysa, dan kama gelin ee dhanka kale ayaan u gaddoomay.
Subaxdi ayay iila timid shuruudaha furitaankeeda, aniga waxba igama rabin, aan ka aheyn bil curaar ah in aan siiyo, ka dibna aan kala tagno, waxay iga codsatay, in bishaas gudaheeda aan isku dhibno in aan u wada noolaano sidi dad caadi ah, sababteedana waa mid sahlaneyd, waayoo wiilkeena ayaa imtixaano lahaa bishaas gudaheeda, nama rabin inuu ogaado burburka qoyskeena.
Waan ogolaaday middaas, laakiin waxay sheegtay wax kale, waxay iga codsatay in bishaas gudaheeda aan subax walba ka soo qaado qolka jiifka oo aan ku dejiyo albaabka laga boxo, waa wixi aan sameyn jirnay marki aan is guursanay, anigana waa ka ogolaaday.
Saaxiibtay Jane ayaan u sheegay shuruudaha furriinka xaaskeeyga, intay qososhay ayay tiri: xeelad kasta oo ay isku daydo, waa tii waajahda furriin.
Tan iyo markii aan furriinka isku soo qaadnay, aniga iyo xaaskeeyga jirkeenu isma taaban, maalinti ugu horeeysay aan qolka ka soo qaado, labadeenaba waxaan dareenay culeys, wiilkeena oo sacbinaaya ayaa yiri: “Aabbe wuxuu gacmihiisa ku soo qaaday hooyo” eraygaa wuu i damqiyay.
Qolka jiifka ilaa qolka fadhiga, ka dibna ilaa albaabka, 10 mitir ayaan gacmaheeyga ku siday, indhaheeda ayay xirtay, ka dibna si khafiifa ayay ii tiri: “wiilkeena uma sheegin furiinkeena” madaxa ayaan u ruxay, angoo ka careysan, waxaana dhigay albaabka bannaanka, ka dibna waxay aaday halki ay baska ka raaci laheyd, anigana gaarigeeyga ayaan xafiiska ku aaday.
Maalinti labaad si hagaagsan ayaan labadeenaba u jilnay, waxay ku seexatay xabadkeeyga, waanay ii soo carftay, waxaan rumeystay in aan xaaskeeyga mudda badan aan si fiican u fiirin, waxaa ii muuqaday dhallinyaro in aanay ahaaneynin, guurkeena uu la tegay wax walba, wejigeedu uu is beddelay, timaheedana ay cirro yeesheen, waxaan la yaabay waxa aan ku sameeynaayo.
Maalinti Afraad kor markii aan u qaaday, waxaan dareemay in ay soo laabaneeyso isu soo dhawaashadeeni, “naagtaan waa tii nafteeda i siisay 10 sano” shanaad iyo lixaad mar walba waa isaga soo dhawaaneeynay, waxaa ii sahlanaatay bil in aan soo qaado.
Subax ay raadsaneysay wax ay xirato, ayay qaar isku dayday, waxay tiri: “dharki oo dhan waa iga waynaaday” waxaan gartay in ay caatoobeeyso, sidaana ay qaadisteedu iigu sahlanaatay.
Mar dambe ayay maskaxdeeyda ku soo dhacday, in ay qarsaneyso xannuun wadnaha ka haaya, intaan u tegay ayaan wejigeeda taabtay.
Wiilkeena oo qolka soo galay ayaa igu yiri: “Aabe waxaa la joogaa wakhtigi aad hooyo qaadi laheyd” qaadista hooyo waxay ka mid noqotay nolol maalmeedka wiilkeeyga, intay u yeertay ayay xabadka xabadka u saartay, anigana waan ka sii jeestay, waayoo waxaan ka baqay in aan daqiiqadaan mowqifkeegi ku beddelo, gacanta intaan ka soo qabtay, ayaan kula lugeeyay qolka jiifka ilaa kan qadada, ka dibna daarada, ayadoo gacanteeda saaratay qoorteeyda.
Maalinti ugu dambeysay, ayadoo baaba’day ayaan soo qaaday, gaariga ayaan ku dhacay, waxaana ka degay albaabka oo furan, waxaan wakhtiga u beekhaaminaayay in aan go’aankeeyga wax iska beddelin inta u dhexeysa, anigoo ordaaya ayaan Jane u tegay, waxaana u sheegay in aan furriinki ka laabtay.
Intay i soo fiirisay oo wejigeeyga taabatay ayay igu tiri: “madaxa miyaa ku xanuunaayo” intaan gacanteeda iska fujiyay, ayaan ku iri: “furriinki waa ka laabtay, aalaaba nolosheeyda guurka ma fiicneyn, waayoo aniga iyo ayadaba ma qiimeyn waajibaadka nolosheena, taa micnaheedana maaha in aan isjecleyn, hadda waxaan xaqiiqsaday waagii aan isguursanay oo aan gurigeeyga u soo qaaday, in ay aheyd in aan qaado inta aan kala dhimaneyno.
Jane intay xanaaqday ayay iga tagtay, anigana waxaan soo aaday dukaan ubaxyada lagu gado.
Ninki iibinaayay ayaa igu yiri: “maxaan kuugu qoraa warqadda?” qalinki intaan ka qaatay ayaan ku qoray: “waan ku soo qaadaa subax walba ilaa aan kala dhimano”
Guriga markaan imid, anigoo ubaxi wada, wejigeeygana farxad ka muuqato, waxaan sariirta ugu tegay xaaskeeygi oo meyd ah, waxay u dhimatay kansar, nolosheedana waxaa ka harsanaa bishaas, khaladkana anigaa lahaa oo ogaan waayay xilligi ay daryeelka u baahneyd.

 

W/D  Axmed Xaayoow

Ahmed Hayow Facebook.

SHEEKOOYIN