RAJO KU NOOL! W/Q: Anab Diriye

Canab

 

 

 

 

 

RAJO KU NOOL!

Waxaa jira laba wiil oo walaalo ah. Wiilashu waa is ku aabbe kaliya, oo labo bah ka soo ka la jeeda. iyagoo yaryar bay labadii waalidba ka dhinteen. Waxay ku soo koreen agoonnimo iyo rajanimo, aabbe iyo hooyo la’aan. Labada wiil, oo walaalaha ah, is ku meel ku ma soo korin, balse, waa is xog ogaayeen, korna is ka la socdeen. mid walba, midka kale wuu ogaa, jiritaankiisa, meesha iyo cidda uu ku nool yahay.

Waxay dhibaatada adduunyada la soo daalaa dhacaanba, way koreen, oo noqdeen rag waaweyn, heer ay gaareen inay shaqaystaan, oo noloshooda debberaan, kana baxaan gacan kale iyo guri reer. Ma ahan kuwo waalid la’aanta ay ku soo koreen wax u dhintay, saamaynna ay ku yeeatay, oo waayahooda nololeed, wey ka faa’iidaysteen.

Wiilashu wada dhashay, weli ma aysan helin, waqti ay is kugu yimaadaan, is ku bartaan, kaga sheekaystaan noloshii soo martay xumaan iyo samaan waxay lahayd, balse, uurka waa is ka la socdaan. Mid kasta wuxuu soo maray jawi uu isagu ku faraxsan yahay.

Arrinku wuxuu maalinba meel joogo, wiilkii yaraa –Mahad- bay ku dhalatay, inuu guursado, kana baxo, nolosha kelinnimo iyo doobnimada. Wuxuu jeclaaday gabar ka dhalatay reer weyn, oo barwaaqaysan, haystana hanti badan, hadday ahaan lahayd xoolo nool iyo beero intaba, oo Rabbi waa u dhiibay, haddana, maalkaa ka ma muuqdo reerka gabadha dhalay, oo si bay uga arradan yihiin.

Mahad wuxuu u soo bandhigay gabadhii –Filsan-, inay si hoose is ku mehersadaan wixii ay uga baahatana uu siinayo, sababta uu guurka hoose u rabo waxay tahay, wuxuu ahaa nin socod badan.

Wiilkii weynaa, ee la dhashay Mahad, baa isaga oo xaaskii hore, ay soo ka la tageen, wuxuu baadi goob u galay, inuu helo xaas kale, oo tii hore ka wanaagsan. Wuxuu baadi doonaba, Guuleed, wuxuu muddo yar ku helay gabadhii uu raajicinaayey, waxay durbadiiba ishiisu ku dhacday xaaskii walaalkii hoosta uga mehersanayd Filsan. Wuu la sheekaystay, ayaamo yar markii ay wada hadalkoodu socday buu yiri, waxaan rabaa, inaa ku guursado, nolol wanaagsan baan kuu samaynayaa Dahab iyo Doollar wixii aad jeclaato waan ku siinayaa. Waxaan rabaa, inaan qayrkaa kaa hormariyo. Waxaan rabaa, inaan aniga iyo adigaba nolol macaan ku noolaanno, waalidkaana sooryo aan siinayo, deriska iyo inta ku taqaanna arooskaagaey ka soo qayb gelayaan, gurigeennu guri barwaaqo, oo lagu soo hirto uu noqdo. Wuxuu ka codsaday, si ay taas u hirgasho, in ay ku gacansiiso, Filsanna waa ka oggolaatay, oo hawraarsan bay ku tiri waana kaa yeelay, aniguba nin i qurxiya intaa waan raadinayey, ee i wanaaji, igana warsug bay ku tiri, intii ayaamo ah anigaa war kuu soo celinayee. Haye iyo marxabba baa lagu ka la tagay. Filsan, waxay u tagtay mid ay saaxiibbo ahaayeen, oo ay markii hore xoogaa sheekadeeda la socotay, waxay ku tiri, saaxiib waxaan rabaa, inaan ninkii hore is ka furo, oo walaalkii guursadee talo i sii. Waxay ku tiri, saaxiib kani ku ma furayo, haddii uu maqlo arrinkaan, ee waalidkaa u sheeg, si ay wax kuu la qabtaan. Filsan, baa tiri; naa heedhe, reerkayga, qaar baa la jira isaga, oo u maleynaayo, inay i garabsiinaayaan, hadduuse i diido awelba si sax ah iguma qabin, oo waa is ka fasaqayaa!

Sheekadii buu ninkii bannaanka ka maqlay iyo in xaaskiisa uu walaalkiis rabo. Dagaal badan baa dhexmaray, labada hoos is kaga mehersan, go’aanna wuxuu ku gaaray, inuu mar kale mehersado, oo uu si degdeg ah u aqalgeysto. waxay Filsan is ku dayday, inay diiddo, balse, waa loo garba duubay, sidii baana loogu aqalgeeyey. Iyadu ma rabto, balse, dadkeedaa qaar ka mid ah baa la raba.

Wiilkii weynaa, Guuleed, weli ka ma quusan, inuu helo gabadha quruxda badan, ee walaalkiis Mahad qabo, ee Filsan, rajo ayuu ka leeyahay, inuu maalin helo. Guuleed, wuu ogaaday, in walaalkiis Mahad guursaday gabadha qalbigiisa gashay, ee Filsan, mana ka quusan, waayo, waxaa ka weyn kalgacalka uu u qabo qalanjada, saaxiibbadii oo ay walaalkii is ku fiican yihiin buu arrinkii u sheegay, iyaga baa weli ku dhexjira, rajo ayuuna ka leeyahay, inuu maalin helo qofka uu gaclooday. Sidoo kale, gabdha iyaduna qalbigeeda ka ma go’in hadalladdii macaanaa iyo noloshii wacnayd, oo uu u ballan qaaday, rajo weyn bay ka leedahay inay maalin hanti doonto midka qalbigeeda iftiinka ku shiday.

 

 

W/Q: Anab Diriye

SHEEKOOYIN