Halgankii Kagame iyo Hoggaamintiisi Q1AAD W/Q:Mohamed Ahmed Ali Royal

pizap.com14549249134861

Halgankii Kagame iyo Hoggaamintiisi Q1AAD

Jamhuuriyadda Rwanda, waxa ay ku taallaa bartamaha qaaradda Afrika. Xagga bari waxaa ka xiga Tanzania, waqooyiga Uganda, galbeedka jamhuuriyadda dimoqoraadiga Congo, halka koofur uu ka xigo dalka Brundi. Waxa ay xorriyaddii qaadatay 1-dii, July, 1962-dii, waxaana gumeysan jiray dalkan iyo dalka dariska la ah ee Brundi, Belgiumka, oo u aqoonsanaa, una maamuli jiray labada dalba, hal waddan, waxaana la is ku dhihi jiray Ruanda-urundi, 1922 illaa 1962-dii, xornimada ka dib, ayeyna ka la noqdeen laba waddan.

Dalka Rwanda waxaa daga labada qowmiyadood, ee ugu badan dalalka Rwanda iyo Brundi, oo ka la ah Huutuga iyo Tuutsiga, Huutuga ayaana ah qowmiyadda ugu badan.Labada qowmiyaddood waxaa dhexmaray dhowr mar dirir salka ku haysa isir nacayb, dhulballaarsi, ka la aargudasho iyo siyaasad. Ka hor gumeystihii qowmiyadahani waxey is ku maamuli jireen hab boqortooyo, qowmiyad kastana waxey lahayd boqorkeeda, oo ay hoos tagi jirtay, in kastoo mar kasta ay is ku dhici jireen, haddana, degaanno iyo dad gaar ah ayey ka la maamuli jireen.

Gumeystihii ayaa mideeyey dhammaan maamulkii boqortooyada, ee isirka iyo firka ku saleysnaa, kana jiray guud ahaan dalalka ay qowmiyadahaan degaan, ee Rwanda iyo Brundi, wuxuuna si dadban xukunkii gacanta ugu galiyey qowmiyadda iyo boqortooyadii Tuutsiga, maadaaba Tuutsigu yihiin qowmiyadda ugu yar, ayna ahaayeen dadkii ku gacansiiyey gumeystaha soo gelityaankiisii dalka, iyadoo ujeedkoodu ahaa, iney u itsicmaalan Huutuga, tiro ahaan ka badan, kana fara marooqsaday badi dalka intiisa kale.

Soo dhaweyntii iyo gacansiintii ay Tuutsigu soo dhaweeyeen gumeystihii Germani iyo Belgiumka, waxaa loogu abaalguday, in si dadban awooddii iyo maamulkii loogu gacan galiyey, halkaasna uu muddo badan ka talinayey boqorkii Tuutsiga, ayna u gacan bannaanaadeen dhul beereedkii dalka iyo warshadihii kafeega iyo caleenta shaaxa sameyn jiray, ee gumeystuhu hormariyey, illaa markii dambe ay arrintaas ka dhiidhiyeen Hutuugii, halkaasna uu dagaalkii sookeeye, ee ugu weynaa ka billowday, laguna qasbay badi qowmiyaddii Tuutsigu, iney dalka isaga cararaan, oo ay u qaxaan dhanka Ugandha, markii xornimadii soo dhawaatay, 1959.

Labo sano ka dib markii dagaalkii dhacay, Tuutsigiina dalka isaga qaxeen intii badnayd, waxaa timid xornimadii, waxaana maamulka la wareegay Huutugii xukunka laga ilaalin jiray, oo dalkii madaxweyne ka noqday, taas oo keentay, in mar kale intii gumeystaha ku hoos nooleed, ee Tuutsiga ahayd, haddana, mar kale ku qasbanaadaan, iney dalka isaga baxaan.

Qaxootigii u horreeyey Tuutsiga, ee ka soo qaxay Rwanda magangalyadana u soo doontay dalka dariska la ah ee Ugandha, waxaa ka mid ahaa, reerka uu ka dhashay Paul Kagame, madaxweynaha hadda talada haya.

Paul Kagame, wuxuu dhashay 23-kii October 1957, isagoo 2jir ah ayeyna reerkiisu qaxooti ku noqdeen xero ku taalla waqooyiga Ugandha, halkaas oo u ku barbaaray, kuna qaatay noloshiisi carruurnimo.

Xeradii qaxootiga ayuu ka galay dugsi hoose, dhexe, halkaas oo ay is ku barteen kuna kulmeen markii ugu horreysay saaxibkiisi kowaad ee mustaqbalka, Fred Gisa, asaasihii iyo hoggaamiyhii Jabhaddii xornimo u dirirka, ee ay lahaayeen qowmiyadda Tuutsiga, Rwandan Patriotic Front (RPF).

 

Mohamed Ahmed Ali Royal

Business & ICT Researcher

Mogadisho-Somalia

Mohamedmidnimo@gmail.com

Skype Royalmidnimo

 

SHEEKOOYIN