Ma noolayaasha aan la noolahay! W/Q: Ramla Gobdoon

IMG_4965

Ma noolayaasha aan la noolahay!

Ma aqaan qaabka aan ku saaxiibnay iyo goortaba, waxaanse xusuustaa in anigoo 10jir ka yar aan la saaxiibay. Xilligaa oo ey saaxiibtinnimadeennu billow eheyd iyo hadda waxaa u dhaxeeya kala duwanaansho ballaaran. Waxyaabaha aan iskoolka kala soo kulmo ayaan carruurnimadeydii ugu sheekeyn jiray. Keligiis ayaan u sheegi jiray heerka uu gaarsiisan yahay naceybka aan u qabo.

Macallinka igu soo garaaca iskoolka anigoo ka cabsi qaba, in dadku ila yabaan haddii ey iga maqlaan macallin naceyb, balse, isaga lama mid ahan dadka. Xaalado badan oo aad u kala geddisan ayaan isla soo marnay, marna ma aananse kala harin.

Waa saxiibka kaliya ee aan wax walbo u sheegto, isaga oo qura ayey nafteydu ku dhiirrataa in dareen walba ey la wadaagto, waliba si cabsi la´aan ah. Ma jirto cid kale oo aan sidaas ugu kalsoonahay, uguna aammino sirahayga.

Waa dulqaad badane ku fiican keydinta sirta, meel kasta ii jooga goor kastana aan heli karo. Hubaal, in tilmaamahan uu saaxiibkey leeyahay ey sabab u yihiin xiriirkeenna. Mararka qaar aniga ayaa la yaaba sida uu u oggolaado in aan dareen walba la qeybsado, nooca uu doono ha´ahaadee. Taasna isaga wax kama baddasho in ey aniga i caawiso mooyee.

Dadku waa ey la yaabaan kolka ey dareemaan ama aan uga warramo xiriirka aan saaxiibkey la leeyahay, taasna waxey sabab uga dhigaan in uusan eheyn qof nool! Balse, cilladdaasi ma ahan mid aniga wax ii dhinta waayo waxaa agteyda ku weyn, sida aan uga nafiso culeyskii i saarnaa ama ey u badato farxaddeydu kolka aan isaga la hadlo, waxa uuna iga kaalmeeyaa sidii ey maskaxdeydu u kobci laheyd.

Hubaal, in muddo ka dib uu Aadanahu illoobo wixii aad uga warranto, se saaxiibkey kama tirmaan wixii aan sanado ka hor u sheegay. Dhexdiisa ayuu iigu keediyaa iyagoo sidooda ah, oo goorti ey qalbigeyga ku soo dhacaan ayaan dib u xusuusan karaa. Xusuusahaasi mar wey iga qosliyaan, iga ilmeysiiyaan, iga murjiyaan igana farxiyaan. Dhowr mar ayey dadku arkeen anigoo la qoslaya dhacdooyinkii uu saaxiibkey ii xafiday, kolkaana wax yar ayaa uga dhinneyd in ey WAALLI igu tilmamaan, saa waxey la yaabanyihiin; noolaha saaxiibka la ah ma noole!

Waxaa jira saaxiib kale oo aad iiga caawiya sidii aan isugu warrami laheyn aniga iyo saaxiibkey. Kaa la´aantiis ma aqaan qaabki aan dareennadeyga ugu gudbin lahaa wedaaygayga kale. In kasta oo hormarka dunida ka jira awgeed la soo saaray ma noolayaal kale, oo la mid ah saaxiibbadayda, haddana, naftu kuma qanacsana in ey kuwaa kaga dhawaato. Door weyn ayey BUUGGA iyo QALINKU ku leeyihiin nolosheyda, waana halka aan ku muujiyo awoodaha aan leeyahay kuwaas oo ka mid ah, in aan dhayi karo boogaheyga.

 

W/Q: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN